Friday 6 March 2026
26-kii Diisamber 2025, Somaliland iyo Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay is aqoonsadeen, tallaabadan ayaa ahayd mid si weyn u beddeshay miisaanka siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika. Aqoonsiga Israa”iil siisay Somaliland ayaa noqday mid gilgilay jawigii diblomaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna kiciyey falcelin ballaadhan oo caalami ah, hase yeeshee diidmada ugu daran waxay ka timid dalal uu ka mid yahay Turkigu. Ankara waxay si cad u muujisay diidmo iyo welwel, iyada oo aqoonsigan u aragtay mid si toos ah u khatar gelinaya qorshayaasheeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Inkasta oo Turkigu isku dayay inuu mowqifkiisa diidmada ka dhigo mid ku salaysan diin, dagaalka Qasa, ama midnimada Soomaalida, haddana xaqiiqadu waxay tahay in d aanay waxba ka gelin arrimahaas. Turki iyo Israa’iil weli waxa ka dhexeeya xidhiidh ganacsi oo xooggan, isla markaana taariikh ahaan Turkigu wuxuu ahaa dalkii Muslimka ahaa ee ugu horreeyay ee aqoonsada Israa’iil. Sidoo kale, sheegashada ku saabsan “midnimada Soomaaliya” ma aha mid ka turjumaysa in uu midnimada Soomaalida uu jecelyahay , balse waxa ay u muuqataa marmarsiiyo uu Turkigu ku difaacayo qorshihiisa ah in Soomaaliya ka dhigto saldhig uu kaga hawlgalo Geeska Afrika, una maro danihiisa badeed, amni, iyo tamareed.
Tan iyo 2011, markii Rajab Dayib Erdoğan booqasho ku tagay Muqdisho, Turkigu wuxuu si nidaamsan u dhisay joogitaan qoto dheer oo ka baxsan kaalinta gargaar bini’aadantinimo. Waxa uu dhisay saldhig milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa. Waxa uu la wareegay dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna Soomaaliya la saxeexday heshiisyo ballaadhan oo ku saabsan khayraadka badda iyo waxa loogu yeedho “dhaqaalaha buluugga ah.”
Dhammaan tallaabooyinkan waxay ahaayeen qayb ka mid ah qorshe fog oo Ankara ku doonaysay in ay ku noqoto quwad ka talisa xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay u sii gudubto Berbera iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah halbowlaha ganacsiga caalamka.
Xogaha soo baxaya ayaa sidoo kale muujinaya in Turkigu ku dhawaaqay qorshe dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo Soomaaliya ku yaalla, balse warbixinno hoose waxay tilmaamayaan in goobtaasi dhab ahaantii loogu talagalay tijaabinta hubka riddada dheer iyo gantaallada iskaga gudba qaaradaha. Tani waxay ka dhigan tahay in Turkigu Soomaaliya u arko meel uu kaga fogaan karo khataraha amni ee gudaha dalkeeda, isla markaana ku horumarin karo awooddiisa milatari oo heer sare ah, iyada oo aan la ogaanin dhabnimada qorshahaas.
Imaanshaha Israa’iil ee Somaliland ayaa ku noqonaya caqabada qorshayaasha turkiga uu ka wado Soomaaliya. Joogitaanka Israa’iil ee Somaliland wuxuu Talaabiib siinayaa fursad ay si toos ah uga hesho marin istaraatiiji ah oo ku wajahan Bab al-Mandab, una suurtagelinaya saldhigyo amni iyo sirdoon oo lagula socon karo dhaqdhaqaaqa Turkiga ee Geeska Afrika. Tani waxay Somaliland ka dhigtay goob xasaasi ah oo ku jira loolan ka weyn aqoonsi diblomaasiyadeed, una gudbay tartan ku saabsan cidda hoggaamin doonta gobolka.
Loolanka u dhexeeya Israa’iil iyo Turkiga ma aha mid ku kooban Geeska Afrika ama Badda Cas, balse waa tartan ballaadhan oo ku salaysan juqraafi, tamar, iyo cidda awood ku yeelan doonta marinnada istaraatiijiga ah ee isku xira Bariga Dhexe, Yurub, iyo Afrika. Asalka loolankan wuxuu ka bilaabmay Bariga Badda Dhexe, halkaas oo helitaanka gaaska dabiiciga ah ee badda hoosteeda ku jira uu beddelay miisaanka awoodda gobolka.
Israa’iil, Giriiga, iyo Qubrus ayaa sameeyey iskaashi difaac iyo tamareed oo saldhig u ah mashruuca “Dhuumaha Gaasta”, kaas oo gaaska Israa’iil si toos ah ugu gudbinaya Yurub, isaga oo ka madax-bannaan Turkiga. Mashruucan Israa’iil waxay u aragtaa mid siinaya madax-bannaani istaraatiiji ah, kana yaraynaya awoodda Ankara ee saameynta siyaasadeed.
Turkiga, dhankiisa, wuxuu Mashruucan Gaasta u arkaa mashruuc lagu go’doominayo laguna wiiqayo hammigiisa ah in uu noqdo xarunta tamarta ee u dhexeysa Bariga iyo Galbeedka. Turkigu wuxuu leeyahay xeeb dheer oo Midhitaariyaanka ah, balse jasiirado badan oo Giriiggu iyo Qubrus maamulaan ayaa xaddiday marin-biyoodkiisa iyo xuquuqdiisa khayraadka badda. Taasi waxay ka dhigtay in Turkigu dareemo in laga go’doominayo badda dhexdeeda, isla markaana uu u baahan yahay marin buuxa si uu u helo tamarta iyo khayraadka. Aragtida Mavi Vatan ayaa ka turjumaysa hammigiisa ah in Turkigu xaq buuxa u yeesho difaaca iyo ka faa’iidaysiga badda.
Israa’iil waxay muranka Turkiga iyo Giriiga u aragtaa fursad ay ku xoojiso iskaashiga Giriiga iyo Qubrus, kana baxdo ku-tiirsanaanta Turkiga. Sidaas darteed, loolanka labada dal ee Midhateeriyaanka ayaa si dabiici ah ugu fiday Badda Cas, Bab al-Mandab, iyo Geeska Afrika, maaddaama marinadaasi yihiin laf-dhabarta ganacsiga iyo tamarta caalamiga ah.
Arrintan waxaa si cad u sii muujinaya hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, Hakaan Fidaan, oo sheegay in heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland ee 2024, oo horseedi karay aqoonsi, uu ku fashilmay “ficil degdeg ah” oo Turkigu sameeyay, isla markaana ay weli ku jiraan dedaal lagu joojinayo dalal kale oo raaca Israa’iil oo aqoonsada Somaliland. Hadalkaasi wuxuu tilmaamayaa in Turkigu u arko aqoonsiga Somaliland mid khatar ku ah qorshihiisa, halkii uu ka ahaan lahaa arrin mabda’ ama diin ku salaysan.
Jawaabta Somaliland ay ka bixisay diidamadan waxay ahayd mid si cad u muujisay fahamka ay u leedahay isburinta hadallada Turkiga. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen ayaa xusay in Turkigu yahay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Israa’iil, isla markaana uusan waligiis joojin xiriirka uu la leeyahay, taas oo meesha ka saaraysa dood kasta oo ku salaysan diin ama akhlaaq.
Maanta, loolanka hoggaaminta gobolka wuxuu galay marxalad cusub oo ka sii adag tii hore, iyadoo isbeddelada istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Bab al-Mandab ay noqdeen xarunta tartan ee ay quwadaha gobolka iyo kuwa caalamkuba si toos ah ugu loollamayaan. Loolankan ma aha mid ku dhisan diin ama aragti qawmiyadeed, balse wuxuu salka ku hayaa cidda xakamayn doonta marin-biyoodka caalamiga ah, dekedaha istaraatiijiga ah, iyo silsiladaha ganacsi iyo tamareed ee isku xidha Badweynta Hindiya, Badda Cas, iyo Midhateeriyaaka.
Khilaafka u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta (UAE) ee ku saabsan Yaman ayaa noqday furaha muujinaya sida quwadaha Carabta laftoodu ugu kala jabeen hoggaaminta gobolka. Inkaste oo labadan dal ay muddo wadajir ugu jireen dagaalka Yaman, haddana si tartiib ah ayay u kala muujiyeen dano kala duwan, gaar ahaan dano ku saabsan cidda xakamaynaysa dekedaha, jasiiradaha, iyo marin-biyoodka Yaman.
Imaaraadku waxay si gaar ah diiradda u saareen dekedaha istaraatiijiga ah iyo amniga badda, halka Sacuudi Carabiya ay mudnaanta siiyeen aragtidooda hoggaamineed ee guud ee Carabta,Muslimka iyo Badda Cas.
Kala duwanaanshahan ayaa sababay in mid kasta uu raadsado xulafo caalami ah oo u gaar ah. Imaaraadka Carabta waxay si muuqata u xoojiyeen xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil iyo Hindiya, iyaga oo ka duulaya danaha amniga badda, ganacsiga, iyo ka hortagga quwadaha kula tartamaya marin-biyoodka. Xidhiidhkani kuma eka iskaashi siyaasadeed oo keliya, balse wuxuu gaadhay heer heshiisyo difaac iyo amni ah—gaar ahaan heshiiska difaac ee u dhexeeya Imaaraatka iyo Hindiya, kaas oo diiradda saaraya tababarka ciidamada, wadaagga sirdoonka, amniga badda, iyo ilaalinta marinada ganacsiga. Iskaashigan saddex-geesoodka ah (Israa’iil–Imaaraatka–Hindiya) wuxuu ku salaysan yahay sirdoon, difaac, iyo sugnaanta marinada ganacsiga ee ka bilaabma Badweynta Hindiya kuna dhammaada Badda Cas iyo Midhateeriyaanka. Israa’iil iyo Imaaraadku waxay leeyihiin iskaashi amni oo qoto dheer, halka Hindiya ay noqotay tiir muhiim ah oo qorshahan ka mid ah, maaddaama ay si weyn u danaynayso badbaadada maraakiibteeda ganacsi iyo xakamaynta marinada tamarta.
Dhanka kale, Sacuudi Carabiya waxay si isa soo taraysa u xoojisay xiriirka ay la leedahay Turkiga iyo Baakistaan, iyadoo arrintan u aragta mid istaraatiiji ah. Turkiga iyo Baakistaan waxay wadaagaan iskaashi milatari iyo mid farsamo oo muddo dheer soo jiray, oo ay ka mid yihiin tababarka ciidamada, horumarinta hubka, iyo wadaagga khibradaha difaaca. Xidhiidhkan waxaa sii xoojiyey heshiisyo difaac oo rasmi ah oo u dhexeeya Baakistaan iyo Sacuudi Carabiya, waxaana lagu sharraxay tallaabo lagu dhisayo awood wadajir ah oo lagaga hortagay khataraha amni ee labada waddan soo foodsaara, laguna xoojinayo wada-shaqaynta dhinacyada amniga.
Sacuudi Carabiya waxay u aragtaa isbahaysigan mid ka caawin kara dheelitirka saameynta sii fidaysa ee Israa’iil iyo xulafadeeda, gaar ahaan marka la eego loolanka marin-biyoodka iyo hoggaaminta gobolka. Masar, dhankeeda, waxay si taariikhi ah uga mid tahay quwadaha aad uga walaacsan isbeddel kasta oo wax ka beddeli kara miisaanka awoodda ee Badda Cas iyo marinada muhiimka u ah danaha Masar, inkaste oo ay mararka qaarkood khilaafyo hoose la leedahay Turkiga.
Arrin si qoto dheer u muujinaysa dabeecadda loolankan ayaa ah in Baakistan iyo Hindiya—oo ah laba waddan oo cadow taariikhi ah—ay noqdeen laba tiir oo ay kala xulanayaan isbahaysiyo iska soo horjeeda. Hindiya waxay si cad ula safan tahay Israa’iil iyo Imaaraatka, iyada oo diiradda saaraysa amniga badda iyo ka hortagga saameynta Shiinaha iyo xulafadiisa. Baakistaan, dhankeeda, waxay qayb ka tahay isbahaysiga Turkiga iyo Sacuudi Carabiya, iyada oo door ka qaadanaysa dhismaha awood milatari iyo qorsheyaal istaraatiiji ah oo wadajir ah. Tani waxay caddeynaysaa in loolanka hadda socda uu yahay mid ku salaysan marin-biyood, dekedo, tamar, iyo cidda noqon doonta hoggaamiyaha quwadaha dhexe ee nidaamka caalamiga ah ee isbeddelaya.
Dhexda loolankan ballaadhan ayay Somaliland ku taallaa. Goobta ay ku taallo—oo ku dhow Bab al-Mandab, Badda Cas, iyo Badweynta Hindiya—ayaa ka dhigaysa dhul istaraatiiji ah oo quwad kasta doonayso in ay saameyn ku yeelato. Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxuu si rasmi ah Somaliland ugu soo daray miiska loolanka quwadaha, kana saaray marxalad ay ku koobnayd halgan aqoonsi oo keliya. Hadda, Somaliland waxa ay mar qudha wada wajahaysaa fursad istaraatiiji ah iyo halis.
Fursaddan waxa si toos ah ula socda mas’uuliyad culus. Somaliland waxaa laga doonayaa in ay si miyir leh uga faa’iidaysato xidhiidhka Israa”iil iyo xulafadeeda. Mudnaanta koowaad waa dhismaha hay’adaha dawliga ah, gaar ahaan kuwa amniga, sirdoonka, iyo arrimaha dibedda. Wasaaradda Arrimaha Dibedda, hay’adaha sirdoonka, iyo hoggaanka milatariga waa in lagu aaminaa dad aqoon, waayo-aragnimo, iyo faham qoto dheer u leh Juquraafiga siyaasada gobolka, isla markaana si xirfad leh ugu hadli kara afafka qalaad sida Afafka ingiriisiga iyo Carabiga
Ugu danbeyn, haddii Somaliland ku guulaysato in ay dhisto hay’ado xooggan oo xirfad ku dhisan, isla markaana ay si miisaaman u maareyso xidhiidhada ay la leedahay Israa’iil iyo Imaaraatka iyadoo aan gebi ahaanba ka xidhin albaabbada dalalka kale, waxay isu beddeli kartaa dal muhiimad gaar u leh ah oo kaalin ka qaata xasilloonida iyo amniga gobolka. Haddii se ay ku fashilanto, khatartu waxay tahay in ay noqoto goob ay quwadaha kale ku loollamayaan danahooda, iyada oo aan danta qaranka Somaliland si buuxda loo ilaalin. Sidaa darteed, Somaliland maanta waxay taagan tahay meel go’aan taariikhi ah laga qaadayo—go’aan qeexaya in ay noqoto dal si miyir leh uga faa’iideysta juqraafiga ay dhacdo ama mid ay quwadaha kale u adeegsadaan dagaalkooda istaraatiijiga ah.