Skip to main content

Wednesday 12 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Dib uga fekeridda nolosha iyo siyaasadda Soomaalida

4 September, 2025
Image
Dib uga fekeridda nolosha iyo siyaasadda Soomaalida
Share

Isaga oo cunug yar ah, ayaa uu Dabindiid Yuusuf qolka akhriska ee aabbihii ku arkay sawirka oday weyn oo fareem dhalaalaya ku jira. Waxa uu dareemi jiray in indhaha odaygaasi ay mar walba hoos u soo eegayaan, waxa ay u muuqdeen qaar ay garasho badan u laabnayd. Garashada waxyaabo ay dadka waaweyn oo keli ah garanayaan. Yuusuf ma fahmin erayada magaca hoostiisa ku qornaa ee sheegayay odaygaasi qofka uu ahaa, laakiin sawirkaasi mar walba waxa uu dareensiin jiray sidii in caloosha lagaga dheggan yahay, “mid aad u weyn oo aan la iska indhatiri karin," ayaa uu Dabindiid ku sheegayaa sawirkaas. 

Qofka sawirka ka muuqdaa waxa uu ahaa Sheekh Anta Diyoob, (Cheikh Anta Diop) oo ahaa taariikhyahan iyo buuni aad u weyn oo Afrikaan ah, kaas oo uu aabbihii aad u qaddarin jiray. "Waxaan xusuustaa in aan isweyddiin jiray sababta uu aabbahay qolkiisa ugu haystay sawirka nin aanan garanayn," ayaa uu Dabindiid iigu sheegay wadahadalkayagii aannu taleefanka ku yeelannay. Isweyddiintaas iyo ka daba tagga uu sameeyay waxa ay Dabindiid ku simeen cashar dheer oo ku saabsan taariikhda Afrika iyo Midnimadeeda. "Taariikh wiil yar aanu qaadi karin ayay ahayd," ayaa uu raaciyay, isaga oo dhoollacaddaynaya xilligaasna xusuusanaya 

Yuusuf waxa uu ku dhashay, kuna barbaaray, xaafad ay ku nool yihiin dadyow ka soo jeeda qawmiyado kala duwan oo ku taal galbeedka magaalo madaxda Ingiriiska ee Landhan. Sidaa darteed, waddooyinkii uu Yuusuf mari jiray, guryihii uu booqan jiray, saaxiibbadii, iyo waxyaallo kale oo badan ayaa gacan ka geystay in uu sawraca ka yeesho fahan qotadheer, wajiyo badan leh, “mararka qaarna jaahwareer ku jiro”. Su'aalaha ku saabsan cidda uu yahay, iyo sida uu qof Soomaali ahi u yimid Ingiriiska, oo ah waddan ku lug lahaa taariikhda gumeysiga dalkiisii hooyo, ayaa aad u dhibi jiray. “Waxa aan aad uga fekeri jiray arrimo ku saabsan dhaxalka taariikheed iyo sida la innoogu soo tebiyay." 

Muxaadaro uu jeediyay barofasoor Samatar, balse aanu magaceeda hadda xusuusan, ayaa saaameyn qotodheer kaga tagtay kuna dardargalisay in uu bilaabo ururinta iyo akhrinta waxsoosaarkii Samatar. "Si dhab ah uma xusuusto muxaadaradu midda ay ahayd, laakiin waa ay i dhiirrigelisay,” ayaa uu yuusuf igu yidhi.

Sida carruur badan oo qurbajoog ah, waxa uu Yuusuf ku soo barbaaray xifaaltan uu kula jiray deegaan aan, inta badan, rabin ama awoodin in uu si buuxda ugu sheego taariikhda meesha uu ka yimi. Waxa uu u caalwaayay sida taariikhda Soomaalida loo soo bandhigo. caalwaagani, se, ma uu niyadjabin isaga, laakiin waxa uu ku kallifay in uu baadhitaan sameeyo, iskii aqoon u korodhsado, iyo in uu su'aalo adag iska weyddiiyo arrimaha ku saabsan awoodda, sawraca, iyo ka-mid-ahaanshaha. 

Joornaalka la magac-baxay Gobannimo, ee lafagura siyaasadda, dhaqanka, iyo suugaantu, waa mid ka mid ah mashaariicda ka dhashay isweyddiintaas iyo wax-raadintaa Yuusuf. Sida ku xusan mareegta interneetka ee joornaalka, Gobannimo waa madal "higsanaysa in ay kobciso doodaha ku saabsan Soomaalida, si ka madaxbannaan xayndaabyada danaha qabiil iyo waddaniyadda laab-kaca ah ee u hillawsan xilliyadii hore ee Soomaaliya, kuwaas oo dhiidhi geliyay badanka doodaha shaacbaxay."  Bishii hore waxa ay ku dhawaaqeen daabacaadda cadadka labaad ee joornaalka, kaas oo daaran mawduucyada kala ah Awoodda, Siyaasadda, iyo ka-mid-ahaanshaha(belonging).  Waxa uu cadadku ka kooban yahay dhigaallo u dhaxeeya wareysiyo la la yeeshay aqoonyahannada Soomaalida, falanqaynta gabayada Soomaalida iyo dib-u-milicsiga taariikhda. (Waxa aad ka dalban kartaa halkan). 

Wareysigan, Yuusuf Dabindiid waxa uu Geeska uga warramayaa yoolka joornaalka Gobannimo, wax-soosaarkiisa ku saabsan siyaasadda Soomaalida, iyo dhaliilihiisa ku aaddan siyaasadda iyo doodaha siyaasadeed ee Soomaalida. 

Maxbuub M. Cabdillaahi: Joornaalka Gobonnimo magaciisa waxa uu ka qaatay fekradda xorriyadda ama madax-bannaanida. Maxaa sababay in ay fekraddani sal u noqoto joornaalka? Sidoo kale, wax nooga sheeg sababta aad u aaminsan tahay in fekraddani ay maanta si gaar ah muhiim ugu tahay Soomaalida?

Dabindiid Yuusuf: waxa aan filayaa in Hadraawi, mar uu hordhac ka bixinaayay gabaygiisii la magacbaxay Gudgude, uu sida ugu habboon u sharraxay arrinkan. Hadraawi waxa uu inna leeyahay: “Gobannimadu ma aha wax kale, ee waa safar ka mid ah safarrada nolosha. Marka hammiga iyo baahiyaha qofku ay ka bataan xuduudaha qaab-dhismeedka bulsheed ee hadda jira (ha ahaato qabiilka ama nidaamyada gumeysiga ee xigay, iwm.) hammigooda iyo caqligooduna uu ka weynaado habnololeedkaa, waxa ay u dhaqaaqaan dhanka xorriyadda iyo gobannimada. Marka ay dhankaas u dhaqaaqayaan, u dagaallamayaan, noloshooda u hurayaan, waxaa dabada ka riixaysa ujeeddo macno leh – qofka jidkaas Gobannimo-raadiska ah qaadayna, waxa uu u raadinayaa ma aha si uu u caabudo, ma aha sawir qurux badan oo la daawado, balse waxa uu u raadinayaa si uu ugu noolaado…” 

Hadalkaas waxa laga bidhaansan karaa in ay Gobannimadu leedahay ujeeddo dhaqdhaqaaq, taas oo la dhalata hannaanka uu qaado qofku marka uu hammigiisu burburiyo xuduudaha taagantiisa, waa xaalad uu yaqiinsan karo qof ku baraarugsan, si joogto ahna ula falgala qulqulka taariikhda.  Ka joornaalka Gobanimo ahaan, waxa na hagaya mabda' ku adkaysanaya in loo halgamo adduun kale, kaas oo ku dul dhisan dhaawacyada, xusuusta iyo iska-caabbinta summadda u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed. Gobannimo waxa uu ku baaqayaa dib-u-habayn guud oo ka dhan ah aragtiyaha aqooneed, siyaasadeed iyo waliba jiritaan, si timaaddada Soomaalida looga xoreeyo gacmaha nidaam caalamiya oo muddo dheer ceejinayay dadka Geeska ulana dhaqmayay sidii walxo wax laga soo saarto, la farageliyo ama tijaabooyin lagu sameeyo. 

Muhiimad gaar ah ayaa ay arrintani leedahay hadda, oo waxa aynu ku jirnaa xilli xasaasi ah oo ay hab-socodkii siyaasadeed hakiyeen awoodo ka shaqeynaya waxyaabo lid ku ah danaha dadka Soomaaliyeed. In hore loo socdo, sida uu Hadraawi farta inoogu fiiqay, waa in lagu hawlgalo dhaqan kacaaneed ka hor imanaya mashruuca gumeysiga cusub ee dadka liiday, fogeeyay, kana qaaday awooddii ay si xor ah taariikhda kula falgeli lahaayeen. Waxa aan ka hadlayaa waa kumannaanka dalka gudihiisa ku barakacay ee inta dadnimadoodii meel la dhigay loo la dhaqmay tiro ahaan. Sidoo kale, waa malaayiinta dhallinyaro ee ka caalwaayay xaqiiqada dalkooda, iskuna dhiibay khatarta tahriibta si ay nolol milgo leh uga helaan meel kale. Waa dadyowga dabaqadda xoogsatada ee ku jira xasillooni la’aanta shaqo, kuna majarahabaabsan meerto dulmi, hantiboob iyo rejabeel joogtaa ah. Dhammaantood, dadkani, waa qaar ka go’doonsan mustaqbal siyaasadeed oo kulligood kafeeya. Sheekooyinka iyo waayaha nololeed ee dadkan ayaa Joornaalka Gobannimo udub-dhexaad u ah. Sidaas awgeed, waa Joornaal ku suntan raadinta xal qotadheer, oo waxa uu ku baaqayaa in la dabuubo awoodda lagu sawiran karo, sidoo kale lagaga fekeri karo si sidan dhaanta oo dadka Soomaaliyeed ku soo ceshan karaan xorriyaddooda, kuna hindisi karaan timaaddo salka ku haysa caddaalad iyo karaamo nololeed.  Sidaas awgeed, joornaalka gobannimo waa mid ka dhashay halgankeenna, waana hage feker iyo, waliba, anshax.  

MC: Doodaha ku saabsan Soomaaliya, habkee ayaa ay, sidan ay maanta yihiin si ka daahfuran kana midho-dhal badan, ugu qaabaysmi karaan? Sidoo kale, waa ayo dadka aad rabtaan in uu Joornaalka Gobannimo gaadho, ama ka hor yimaaddo?  

DY: Joornaalka Gobannimo waxa uu ka dhashay qanacsanaan la'aan qotodheer oo ku saabsan qaab-dhismeedka doodaha ugu shaacbaxsan lafagurka qalalaasaha Soomaaliya. Waayo, doodahani kuma ay guulaysan in ay sababaha salka u ah dhibaatooyinkan bulsho iyo siyaasadeed u baadhaan si koobsanaysa dhammaan xaqiiqooyinka taarikheed ee gacanta ku lahaa.  Soddonkii sanno ee la soo dhaafay (laga yaabee in ka badan) tani kuma ay iman si kediso ah, balse waa natiijo ka dhalatay burbur nidaamsan oo beegsanayay bulshada rayidka ah, cabudhinta ama fogayntan codadka u heellan dib-u-dhiska qaranka, soo kabashada wadareed, iyo higsi siyaasadeed oo ku salaysan caddaaladda. Codadkaas beddelkood, waxa hoggaanka loo dhiibay awoodo Soomaaliya ku tiirshay nidaamka caalamka.  

“Doodaha ugu caansan lafagurka qalalaasaha bulsho-siyaasadeed ee Soomaaliya kuma ay guuleysan in ay baadhaan sababaha salka u ah ee koobsanaya dhammaan xaqiiqooyinka taariikheed ee keenay”

Marxaladdan ay Soomaaliya, hadda, taagan tahay waa mid ku suntan kala-daadsanaan iyo burbur lagu soo rogay laguna joogtaynayo, iyada oo la caadaysanayo faraggelinta awoodaha imbeeriyaalka ah. Sidaas awgeed, Soomaaliya, xaaladdan ay ku jirto, sina looma odhan karo waa dawlad madax-bannaan.  Taas awgeed, in aynu ka fekerno, ula falgelno, aqoonsannana awoodaha gacanta ku leh xaqiiqadaas uu gumeysiga cusubi Soomaaliya ku soo rogay ayaa noqonaysa tallaabada ugu horreysa ee aynu u qaadi karno higsiga iyo ka fekeridda doodo ka daahfuran kana midhadhal badan kuwan hadda taagan. 

Si aynu u hindisno doodo ka duwan kana baxsan xaydaabyada kuwa ku dul wareega qalalaasaha joogtada ah ee Soomaaliya, waa in aynu marka hore yaqiinsannaa in ay ummada Soomaliyeed xaq iyo awoodba u leeyihiin ka fekerka iyo aragtiyeynta xaaladdooda, isla markaasna sheegan karaan waxyaalaha muhiimka u ah, iskoodna u dooran karaan timaaddadooda. 

Tan macnaheedu waa in saaxadda dib loogu soo celiyo aragtiyaha la fogeeyay iyo dhaqan-siyaasadeedka ku salaysan hab-fekerka bulshada, aragtiyaha aqooneed iyo waliba jiraal ee xerudhaladka ah, kuwaas oo ay haldoorka siyaasadeed iyo awoodo caalami ahi waqti dheer saaxadda dibaddeeda ku hayeen. Haddii taas laga dhabeeyo, aragtiyaha tajribadaha bulshada Soomaaliyeed, guud ahaantood, ku soo kooba lamaanayaasha halqabsiga noqday ee “dawlad iyo dawlad la’aan” ama “qabiil iyo qaran” waxa ay waayayaan awood ay wax ku sharraxaan. Sababta oo ah, waxa amintaas soo wada baxi doona, guud ahaan kakanaanta, kala-duwanaanshiyaha iyo waliba xaqiiqada sooyaal ee bulshada Soomaaliyeed, oo ay weheliyaan isdiidooyinkooda, istaageeridooda iyo, waliba, awoodda ay u leeyihiin in ay si cusub isu qaabeeyaan.  

Shaqooyinka aynu ku soo bandhigno joornaalkeena Gobannimo iyo mashaariic kale oo la halmaala, yoolkooda waxa lagu soo koobi karaa; in ay ku sal leeyihiin rabitaan siyaasadeed iyo mid ahaanshiyo oo ka duulaya doodaha cunaqabateeyay saaxadda derasaadka Soomaaliyeed, iyada oo la beegsanayo in dib u qaabayn lagu sameeyo guud ahaan sida mawduuca looga hadlo. Yoolkeenu waa in aynu saaxadda u furno Soomaali oo idil, si ay xaaladdooda uga hadlaan, iyaga oo aan dareemayn in ay ku jiraan xayndaabyada xakamaynta qalalaasaha ama kuwa gargaarka, balse si xor ah oo higsanaysa habraacyada caddaaladda, madaxbannaanida iyo suuraysiga timaaddo wax ku ool ah. 

“Yoolka Joornaalka Gobannimo waxa uu ku sal leeyahay rabitaan siyaasadeed iyo mid ahaanshiyo oo ka duulaya doodaha cunaqabateeyay saaxadda daraasadaha Soomaalida, isla markaana beegsanaya in dib u qaabeyn lagu sameeyo, guud ahaan, sida mawduucyadan looga hadlo”

MC: Qoraalkaaga uu cinwaankiisu yahay “There is a logic to Somali politics” waxa aad kaga doodaysaa in isdiiddooyinka ka buuxa siyaasadda Soomaalidu aanay ahayn wax si kadiso ah ku yimid ama dad gaar ah fashilkooda oo keli ahi sababay, se fashilkaas uu ka danbeeyo nidaam qaab-dhismeed gaar ah leh. Ma sheegi kartaa sababta aad u dooratay in aad si qotodheer, dhan qaabeed iyo dhan maaddiyeedba, u deristo siyaasadda Soomaalida? Sidee ayayna taasi u qaabaysaa lafagurkaaga ku aaddan taaganta?

DY: Waxa tusaale aad u wacan arrintan u noqon karta xukun maroorsiga Xasan Sheekh Maxamuud iyo xiisadda siyaasadeed ee ay sababtay, gaar ahaan falcelintii ka timid hogaamiyeyaasha gobollada qaarkood. Waxa aan badanka dhibsadaa sida ay faallooyinka siyaasadeed ee shaacsan badankoodu isugu dayaan in ay uhda hannaanka siyaasadeed ee kakan ku soo koobaan falalka, go’aannada iyo fashilka anshaxeed ee qofaf gaar ah. Aragtidani waxa ay qalalaasaha ku sababaysaa hoggaan xumo ama go’aan xumo oo keli ah, halka ay Nidaamka Federaalkana ka dhigto mid ka hufan fashilkaas oo iskii u ah nidaam maangal ah oo khalkhal kasta oo ku yimaadana ku sal leeyahay siyaasiyiin isku hawla wax aan muhiim ahayn, go’aanno maangal ahayna qaata ama danahooda gaarka u shaqaysta. Waxa laga yaabaaa taasi in ay si dhow inooga caawin karto fahanka siyaasi fardi ah ama maamul, laakiin marka loo yimaaddo lafagurka taariikheed, aragtidani waa ay awood beeshaa. 

Sidee ayaa ay suuragal u noqon kartaa in dib u dhiska siyaasadeed ee Soomaaliya, tan iyo 1991-kii, uu raacayay jid keli ah, iyada oo aan loo aabbo yeelayn shirarkii kala duwannaa ee dib u heshiisiineed, maamulladii dalka soo maray iyo cidihii maamulladaas xukunkooda haysay. Halkan weeye meesha ay naqdinta qaabeed iyo maaddiyeed soo galayso, waayo waxa muuqanaysa in burburka joogtada ah ee heshiisyada u dhaxeeya nukhbada siyaasadeed aanay hoggaan xumo sabab u ahayn, ee sida saxda ah ay calaamado u yihiin dhaqaale siyaasadeed oo uu gunta kaga jiro habfeker uu nidaamku ku dhisanyahay. 

In awood maroorinta Xasan Sheekh Maxamuud loo fasirto gef shakhsi ama fal kelitelisnimo keli ah waa ambad caadi ah, sababta oo ah waa fal ku saxsan marka laga eego Nidaamka Federaal ee ay nukhbadu ku dul heshiyaan sida ay awoodaha ku qaybsanayaan (oo u dhiganta sida ay colaadaha ku oogayaan) iyo sida ay u heli lahaayeen meel ay ka galaan hantida ay dawladdu maamusho (oo ay ka mid yihiin caawimooyinka caalamiga ah, xakameynta jidadka ganacsi, iyo raasamaalka dibadda laga maamulo iwm). Waxa aan qabaa in ay xiisaduhu ka dheshaan marka ay koox ka mid ah kooxaha xifaaltanku ay isku-daydo in ay sheegato qayb ka weyn inta kooxaha kale helayaan, ama ay ka baxdo heshiis hore oo si dheellitiran loogu qaybiyay dheefta dawladeed.

Haddii aynu ka gudubno doodaha qaba in ay xiisaduhu ka dheshaan khilaafyo dastuuri ah iyo fasirashada sida ugu haboon ee loo dabaqi karo nidaamka Federaalka, waxa inoo muuqan doona in xifaaltanku yahay mid ku aaddan cida gacanta ku haysa illaha dhaqaale iyo awooda maamul. 

Marka aynu arrinta dhankan ka eego, waxa inoo caddaanaysa in su’aasha ugu habboon ay tahay: waa kuwee awoodaha taariikheed iyo kuwa maaddiyeed ee si qotodheer u qaabeeya siyaasadda Soomaaliya? Waa maxay habfekerka hoose ee dabada ka wada fashilkan isku habka u dhacaya? Dayacsanaanta dawladdu yaa ay anfacaysaa? Sidee ayaa uu nidaamka caalamiga ahi u sharciyeeyay burburkan? Sidoo kale, maxay ku kacaysaa si loo burburiyo habfekerkan? 

MC: Nidaam ay qaab-dhismeedyadan aad sheegtay qaabeeyaan, xitaa kuwa isku sheega in ay u taagan yihiin dib u qaabaynta nidaam, isbeddelka wax ku oolka ahi sidee ayaa uu u ekaan karaa?

DY: Sida aan hore u sheegay, tallaabada u horreysa ee loo qaadi karo isbeddel dhab ah waa in marka hore si toos ah loo wajaho habfekerka uu nidaamku ku dhisan yahay; waa qaabdhismeedka garoonka u ah fashilka siyaasiyiinta, waa dawladnimo kiroole ah oo qaabdhismeedkeedu ku seetaysan yahay illaalada dibedda, ku tiirsanaanta caawimada, iyo dhaqaale siyaasad abaalmarisa tartanka ay nukhbada siyaasadeed wax ku burburiyaan; waa habfeker-nidaameed dhiirrigeliya in loo xifaaltamo dhacdhaca ku soo gaadha halka ugu hoosaysa caawimaadda caalamiga ah. 

Haddii ay sidaas tahay, isbedelka wax ku oolka ahi waa in uu ka aloosmo hab-arraga, cidda xukunka haysa keli ah in la isweyddiiyo ma aha ee, waa in dib loogu noqdaa muhiimaddana la saaraa fekradda laga haysto waxa ay dawladda lafteedu u taagan tahay, waayo, falkaasi waxa uu gacan weyn ka gaysan doonaa dib u qaabaynta, guud ahaan, aragtida aynu ka haysano iyo sida aynu uga fekerno siyaasadda. Isbeddelkaasi waxa uu, sidoo kale, inoo jahaynayaa dhanka ka fekirka cadaallada, madaxbanaanida iyo shuruudda maadiga ah ee xorriyadda.  

“Isbeddelka dhabta ahi waa in uu abbaaro hab-aragga oo dib loogu noqdaa fekerka laga haysto waxa ay dawladda lafteedu u taagan tahay, si dib loogu qaabeeyo guud ahaan aragtida aan kaga fekerno siyaasadda”

Arrintani waa mid, aragti ahaan iyo dhaqangelinba, wax ku ool ah. Marka aragti la joogo, waa in hub-dhig lagu sameeyaa aragtiyaha sida awoodda leh u dhex qotoma dadka badankood, kuwaas oo caadiyeeya ama lama-taabtaan ka dhiga fekrado sugan oo ku saabsan bulshada Soomaalida. Fekradahani, jacda hore, waxa ay u eeg yihiin qaar iska cad oo la isla wada og yahan, laakiin dhab ahaan waa qaar aydiyoolajiyad ku salaysan. Tusaalaha ugu waaweyn aragtiyahan waxa ka mid ah nidaamka 4.5 ee qabiillada ka dhigay xubno siyaasadeed oo sugan iyo sawracyo mitaali ah oo isbedel-diid ah. Waa hab maamul sheeganaya in uu kala duwanaansho oo dhan weelayn karo, isaga oo tobannaan sannadood u adeegayay maroorsiga nukhbo cayiman, aamusiinayayna iska-hor-imaanshaha dabaqadeed. 

Intaasi waa marka laga hadlaayo heer aragtiyeed. Heer dhaqangelin marka aynu u gudubno, mashruuc kasta oo xornnimo-doon ahi waa in uu is deba-wadaa diidmo ku aaddan qaab maamulka dibedda laga soo yeedhiyo, ee in ka badan madaxbanaanida dalka muhiimadda siiya ajandooyinka nabadgelyada shisheeyaha iyo danaha deeq-bixiyayaasha. Waa wax aad u cad, marka aynu dawlad-dhis ka fekerayno kana hawlgalayno, agabyada aynu adeegsanaa waa in ay noqdaan qaar si xagjir ah oo madaxbannaan uu weelaynaya waayo-aragnimada nololeed iyo halgannadii taariikheed ee ummadda Soomaaliyeed. Tani waxa ay qasab ka dhigaysaa in laga baxo debinnada dhaqaale iyo aydhiyoolajiyadda imbiriyaalistaha ee tan iyo xilli aad u fog isku dayayay in uu albaabbada ka xidho soo laabashada siyaasad ku sal leh baahiyo xeru-dhalad ah, gooni isku-taag baaxad weyn iyo tacliin xagjir ku ah. 

MC: Waxa aad dhigaalkaagaas ku sheegtay in loo baahan yahay in laga guuro lafagurka ama taxliilinta shakhsiga ah, loona guuro naqdinta qaabeed ee siyaasadda Soomaalida. Kaalin noocee ah ayaa ay aqoonyahannada Soomaaliyeed, gaar ahaan jaamiciyiinta da’da yar, falanqeeyeyaasha iyo waliba qolyaha saxaafadda ka shaqeeya ka ciyaari karaan si ay hawraarta doodaha Soomaaliyeed ugu jiheeyaan dhankaas, gaar ahaan xilli ay saaxadda ka buuxaan hab-arragyo shaksiyeed iyo kuwo kooxeed?  

DY: Kaalin weyn ayaa ay ku leeyihiin, haa, laakiin taas waxa ka sii muhiimsan in la caddeeyo waxa ay kaalintaasi tahay iyo waxa ka iman kara. Ibistimoolojiyaddu (falsafadda aqoonta) muhiimad weyn ayaa ay halkan ku leedahay, fekerka ibistimoolojiga ahi waxa uu innagu dhiirrigelinayaa in aynu eegno asaaska aqoonteena, sida ay fekradaha qaar u noqdaan kuwo xaqiiqo ahaan loo aqbalo, yaa ay aragtidiisu awood leedahay iyo qaababka aqooneed ee la takooro ama la diido. Waxa aynu ka hadlaynaa dib u qaabaynta asaaskeena aqooneed ee aynu siyaasadda ku fahanno, kaga hadalno kagana hor imaanno, sida uu Walter Mignolo ku magacbaxshay, waxan aynu ka hadlaynaa waa “Amar-diido aqooneed” 

Keliya kama hadlaynno naqdinta nuxurka doodaha quseeya Soomaaliya, waa se diidmo ku aaddan asaaskiisa aqooneed ee keenay in wax la isla wada yaqaan oo biyo-kama-dhibcaan ah noqdaan hab-tebinno cayiman oo daarran qabiilka, caawimaadaha iyo waliba sida aynu ka Soomaali ahaan u xidhiidhno. Tan waxa tusaale u noqon karta doodaha nolosha siyaasadeed ee Soomaalida ku soo kooba in ay yihiin khilaaf qabali ah, fashil akhlaaqi ah ama dhaqan cawaannimo oo keli ah. In doodahan lala galo, iyaga oo aan waxba la iska weyddiin aragtiyaha salka u ah waxa ay keenaysaa lafagur ku salaysan aaminaadda in ay aragtiyahaasi yihiin qaar biyo-kama-dhibcaan ah oo ku xardhan dhaqanka Soomaalida. Tani waxa ay ku caddahay halqabsiga caanka ah ee yidhaah “Soomaalidu waxa keli ah ee ay u baahan yihiin waa in ay qabiilka ka gudbaan” oo badanka loo adeegsado naqdi hore-u-socod ah oo xaallada taagan beegsanaya. Xaqiiqatan se, waxa ay adkanaysaa uun doodaha shaacsanaha ah ee aynu ka duulayno, siina wadaysaa aragtiyihii gumaystaha ee bulshada Soomaalida u arki jiray in ay si dabiici ah u tahay mid hawlgab ah, halka uu iska weyddiin lahaa sababta horraantiiba qabiilka loo siyaasadeeyay, qaabdhismeedka awoodeed ee qabiilka dhex mara iyo waliba cidda qaabdhismeedkan ka faa’idda? In su’aalahan laga jeedsadaa waxa ay caad sii saaraysaa qaabdhismeedka iyo hanaanka taariikheed ee qabiilka ku milay siyaasadda una bedelay agab siyaasadeed. 

“Aqoonyahanka Soomaaliyeed waxa la gudboon in uu la yimaaddo diidmo ku aaddan asaaska aqooneed ee keenay ay hab-tebinno gaar ahi noqdaan biyo-kama-dhibcaan ku saabsan waayaha Soomaalida, iyada oo aan waxba la iska weyddiin aragtiyaha salka u ah”

Waa halkan meesha ay ka imanayso baahida loo qabo habab cusub oo siyaasada loola falgalo. Taas darteed, waa in ay aqoonyahanada, lafagurayaasha, iyo saxaafaduba ka hawlgalaan alloosida su’aalo cusub, iyaga oo meelo cusub waxa ka eegaya, waa in ay dhidibada u aasaan mashruuc siyaasadeed ay udub dhexaad u yihiin cadaalada, madaxbanaanida, sinaanta dhaqaale iyo dhalanrogadka halkeena. Waa meesha ay kaalintoodu micne wax ku ool ah ku yeelanayso, kuna noqonayaan qaar si firfircoon ula falgala taariikhda, iyaga oo qayb ka ah halganka loogu jiro macnaha, sooyaalka iyo waliba timaadada siyaasada Soomalida. 

MC: Baryahan waxa Soomalida ka soo shaacbaxaysa naqdinta ku aaddan qaadashada u fiirsi la’aanta ah ee dawladnimada casriga ah iyo rogitaanka bulshada Soomaalida lagu soo rogay habraacyo siyaasadeed oo reergalbeedaysan. Maxaa ay kula tahay in ay sababtay in aan si dhab ah loo raadin habraacyo ka duwan kuwan? 

DY: Awoodo shisheeye ku ah qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa muddo dheer qaabaynayey deraasadaha lagu sameeyo iyo aragtiyaha laga haysto Soomaalida, in habraacyo cusub la waayaa waa arrin uu si qotodheer ugu lug leeyahay sida taariikhiyan loo qaabeeyay sharciyaynta iyo ilaallinta aragtiyaha Soomaalida laga haysto. Sidaas awgeed, in sooyaalkii la maquuniyay dib loo soo kabo, marka laga fekerayo ama laga hadlaayo awoodda, caddaaladda iyo anshaxa, in lala yimaaddo erayo cusub oo ka baxsan dhaxalka habfeker ee galbeedaysan, oo ah fal siyaasadeed oo wax badan khalkhal gelinaya. Ha se ahaato e, si loo dhiso siyaasad ka caddaalad badan, waaqica ku salaysan oo xaqiiqooyinka taariikheed ee Soomaalidana la tacaamusha, waa in marka hore si indho-adayg ah loo wajaho mashiinka imbiriyaaliste ee burburka Soomalida gacan ku lahaa kana manaaficaystay. Tajribadii Maxaakiimta Islaamiga ahaa ayaa arrintan si wayn innoogu caddeeyay. Marka laga yimaaddo isdiidooyinkii ay muujiyeen, haddana, Maxaakiimtu waxa ay la yimaaddeen iskuday maxalli ah oo taageero ballaadhan watay, waxa ay isku-dayeen in ay abuuraan qaab siyaasadeed cusub oo aanay deeq-bixiyaasha shisheeye u soo yeedhinayn, dagaal-oogayaashuna qaabeenayn, habraacyo caalami ahna aanay dhexdhexaadinayn. 

“Tijaabadii Maxaakiimtu, isdiiddooyin kaste oo ay lahayd, waxa ay ahayd isku-day maxalli ah waxana ay abuureen qaab siyaasadeed oo cusub oo aanu shisheeye soo yeedhin, waxana ay muteysteen in quwadaha shisheeye ay kala-daadiyaan, sababta oo ah waxa ay diidmo kala horyimaaddeen danahoodii”

Kala-daadintii ku timid Maxaakiimtu qasab ayaa ay ku ahayd awoodaha shisheeye, waayo waxa ay diidmo kala horyimaaddeen danahooda iyo danaha dabaqada awoodaha la shaqeeya ee khatar u arkay ismaamulka iyo madaxbannaanida Soomaalida. 

Fekerku waa goob xifaaltan siyaasadeed oo kale, raadin kasta oo dhab ah oo ku aaddan habraacyo siyaasadeed oo kuwan ka duwan waxa ay ka bilaabmaysaa in la fahmo xaqiiqada qadhaadh. In hab-maamul jira la naqdiyaa waa shay, halka ay shay kale ka tahay in la is weyddiiyo cidda awoodda u leh in ay fekerto, hanka noocee ah ayaa la gacan-siiyaa, hawada la mariyaa, lana sharciyeeyaa? Fekerka noocee ah ayaa la maquuniyaa, tirtiraa, ama la burburiyaa. Fekerka siyasadeed waa saaxad halgan. waxa ay wadataa in saaxadda lagu soo celiyo luuqadda lana sharciyeeyo aragtiyo kuwan ka duwan oo ku xardhan taariikhda ka dambaysa xaaladda maanta taagan. 

Dhibaatadu ma aha in uu Soomaalida ku yar yahay wax-soosaarka ama fekerka siyaasiga ahi. Sidaa ma aha oo waa ay jireen, wayna jiri doonaan, in wax-soosaarro wax ku ool ahi ay gudaha iyo dibedda akadiimiyada ka soo baxaan. Dhibtu se waa in aragtiyahan la carbiyo, takooro, ama guud ahaan laga qaado sharciyeynta, oo ay sidan ku sameeyaan qaababka awoodeed ee go’aamiya waxa la aqbali karo. Waa taxan kooban oo loogu talo galay in lagu xaqiijiyo danaha kuwa Soomaaliya u arka goob macaash iyo tijaabo.