Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Dib u xorraynta Maanka

22 December, 2025
Image
Dib u xorraynta Maanka
Share
Hordhac

Ngũgĩ wa Thiong’o waxaa loo tixgeliyaa in uu yahay mid ka mid ah qorayaashii ugu waaweynaa ee kasoo baxay bariga iyo badhtamaha Afrikada madaw. Waxa uu ku dhashay Jannaayo 05, 1938-kii Kamiriithu oo ah degmo ka mid ah Kiiniya. Waxa uu ka soo jeeday qabiilka Kikuyu. Magaciisa saxda ahi wuxuu ahaa James Ngũgĩ, wuxuuna waxbarashadiisii hore ku qaatay dugsiyadii wadaaddada oo ahaa dugsiyo ay sameeyeen, maamulayeenna wadaaddo masiixi ah oo raacsan Ingisriiska kuwaas oo lagu dhigi jiray luuqadiisa hooyo. Laakiin, xaaladda ayaa xumaatay wixii intaa ka danbeeyay.

Kacdoonkii Mau Mau ee laga ga soo horjeeday gumeysigii Ingiriiska, intii uu socday gumeysigaasi Ngũgĩ waxa uu ku waayay walaalkii, wuxuuna si joogta ah u arki jirey hooyadii oo ay jidhdil u geysanayaan ciidammada dawladii Ingiriisku. Si loo cadaadiyo dhaqdhaqaaqii gumeysiga ka dhanka ahaa, dawladda Ingiriisku waxay bilowday cabbudhin xoog leh, waxayna xabsiga dhigtay hoggaamiyayaashii kacdoonka, oo uu ka mid ahaa Jomo Kiiniyatta. Sidoo kale, waxay beddeshay luqaddii waxbarashada oo ay Ingiriisi ka dhigtay.

Ngũgĩ, wuxuu markaas waxbarasho u aaday Jaamacadda Makerere ee Yugaandha iyo Leeds University oo Ingiriiska ku taalla. Intii uu jaamacdda Leeds joogay ayaa uu qoray buuggiisii ugu horreeyay, Weep Not, Child (1964), kaas oo noqday sheeko fanneeddii ugu horreysay ee af Ingiriisi ku qoran oo uu qoro qoraa ka yimid Bariga Afrika isla markaana uu daabaco. Safarkaa wax qoridda Ngũgĩ sidaas ayaa uu kusii socday waxana uu si isa soo taraysa u ga warwarayay isticmaalka Af-Ingiriiska si looga sheekayn karo sheekooyinka Afrikaanka asalka ah. Qoraa Chinua Achebe iyo kuwa kaleba waxay dhamaantood qoraalkooda ku qori jireen Ingiriis. Ngũgĩ, waxa uu buuggiisii xigay ee The River Between (1965), sidoo kale ku qoray Af-Ingiriisi. Xilligaas ayuu bilaabay in uu si tartiib ah u gu leexdo mowduucyo siyaasaddeed, isaga oo aad ula dhacay Maarkisiyada Faanon. Buuggiisa A Grain of Wheat (1967), intaas ka dib, Ngũgĩ wuxuu gebi ahaanba ka tanaasulay wax ku qorista Af-Ingiriisiga, diinta Masiixiga ah, iyo magaciisii James Ngũgĩ, wuxuuna qaatay magaca uu hadda caanka ku yahay ee Ngũgĩ wa Thiong’o.

Ngũgĩ, wuxuu bilaabay in uu wax ku qoro luuqadda Kikuyu iyo Sawaaxiliga. Aragtiyihiisa kakan ee siyaasadeed umay fiicnaan xukuumaddii Kiiniya ee markaa xornnimada qaadatay, sidaas darteed, waa la xidhay. Intii uu xabsiga ku jiray, wuxuu qoray buugga loo arko in uu yahay buuggiisii u gu horreeyay ee casri ah ee ku qoran afka Kikuyu, markii jeelka laga sii daayay waxa uu go’aansaday inuu Kiiniya ka tago waxana ay u hirgashay sannadkii 1982-kii, isla sannadkaas waxa uu daabacay Decolonizing the Mind: The Politics of Language in African Literature, buuggiisani waxa uu ahaa maqaal muhiim ah oo bilaabay dood weyn oo ku saabsan joojinta isticmaalka luuqad qalaad si loogu gudbiyo xaqiiqada iyo dhaqanka dadka Afrikaanka ah—dooddaas oo ilaa maanta socota.

Shaacsanaha luuqaddu sida aan ognahay, ma aha oo kaliya hab isgaadhsiineed; waa qaab-feker maskaxeed, wuxuuna xambaarsan yahay dhismaha caqiidooyinka, dhaqan-dhaqaalaha, xusuusaha, iyo guud ahaan dhaqannada bulshada. Ngũgĩ wuxuu buuggan ku adkaynayaa in haddii si dhab ah loo rabo in laga xorroobo saamaynta dikhaysan ee gumeysiga, ay taladu tahay in marka hore maskaxda laga xorreeyo, lagana nadiifiyo daxalka af-Ingiriisku ku leeyahay.

Macnaha Gumeysiga

Si fudud waa kalmad fekrad siyaasadeed xanbaarsan taas oo sharciyeysay duullaanka, qabsashada, iyo ka faa’idaysiga dhulalka iyo khayraadka dad kale. Gumeysigu wuu jiray muddo aad u dheer, laakiin nooca casriga ah ee gumeysiga—gaar ahaan kii Yurub—wuu ka duwanaa noocyadii hore. Sida uu ku doodayo Ngũgĩ, gumeysiga casriga ah ee Yurub wuxuu si qotodheer u beddelay hababka wax-soosaarka iyo xidhiidhka ka dhexeeya dadka wax-soosaara, si ay ula jaanqaadaan habka wax-soo-saarka ee waddanka gumeystaha ah. Ku khasbidda nidaamyadan cusub waxay dhaawac weyn u gaysatay bulshada iyo dhaqanka waddankii la gumeystay. Habka gumeynta siyaasadeed, dhaqaale, iyo sharci ee Ingiriisku gaystay waayihii gumeysiga waxaa la socday isbeddelo dhaqan oo aad u fog. Waxa aan hubaa, in waayo-aragnimadeenna gumeysigii Ingiriiska ay tusaale cad inoogu filantahay.

Is beddeladan dhaqan waxay inta badan ka bilaabmeen iyadoo la keenay nidaam waxbarasho oo cusub. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad xusuusato qoraalkii caanka ahaa ee Macaulay ee waxbarashada si aad u fahanto arrintan. Macaulay, wuxuu si cad u sheegay in nidaamka cusub ee waxbarashada uu dhalin doono fasal dad Hindi ah ku jiraan, jidh ahaana u eg dadkooda, balse feker ahaan iyo aaminsanaan ahaan u ah Ingiriis. “Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaaye, misna laguma diirsade QALBIGU waa dirkii karal.” Waxay muhiim la ahayd Ingiriiska in la helo fasal noocaas ah si ay u taageeraan maamulka gumeysiga oo ay buuxiyaan jagooyinka maamulka iyo hawlgelinta shaqada gumeysiga.

Waxbarashada Ingiriisiga, sida dhacday dalkeenna iyo dalal kale oo badan, waxay noqotay luqadda horumarka iyo awoodda. Sidaas darteed tani waxay keentay in dadkii la gumeystay loo kala qaybiyo labo kooxood. Laakiin waxbarashada Ingiriisigu waxay saamayn ballaadhan ku yeelatay dhaqanka. Luqadda Ingiriisiga maaddaama ay ahayd luuqadda awoodda iyo xukunka, waxaa loo arkay inay tahay luuqad sare, sidaas darteedna leh dhaqan sare. Dhammaan aqoonta kale ee bulshooyinkii la gumeystay waxay noqotay mid hooseysa oo “dhibudhac” ah. Dadka waxaa la aaminsiiyay in ay yihiin dad maskax ahaan, dhaqan ahaan iyo akhlaaq ahaan liita islamarkaana arradan. Arrintan waxay ka khatar badnayd gumeysiga dhaqaale iyo midka siyaasadeed, maxaa yeelay? dhaawaca dhaqaale iyo siyaasadeed waa la sixi karaa, balse dhaawaca maskaxda iyo is-aaminid la’aanta bulshada waa mid aad u adag in la bogsiiyo.

Waxaa intaas dheer, gumeysiga dhaqaale iyo siyaasaddeed wuxuu la imaan jiray xoog iyo rabshad, sidaas darteed dadka shacabka ahi ma aanay u arkin mid sharciyad leh. Laakiin gumeysiga dhaqan wuxuu u shaqeeyaa si qarsoon oo oggolaansho bulsho oo aan la dareemayn ku salaysan, ma aha qasab toos ah—taas ayaana ka dhigaysa mid aad u adag in la beddelo.

Sida uu ku dooday Ngugi, gumeysiga casriga ah ee Yurub wuxuu si qotodheer u beddelay hababka waxsoosaarka iyo xidhiidhka ka dhexeeya dadka wax-soosaara, si ay ula jaanqaadaan habka wax-soo-saarka ee waddanka gumeystaha ah taas oo dhaawac weyn u gaysatay bulshadii iyo dhaqankii dhaladka ahaa ee bulshooyinka la qabsaday.

Waxaa xiiso leh in la xuso in hoosaynta dhaqan iyo midka akhlaaqeed ee lagu eedeeyay dadka Afrika, Hindiya iyo waddamo kalana loo adeegsaday sidii cudurdaar ay xoogagga Yurub u isticmaalaan gumeysiga dalalkaas. Waxaa la sheegtay in ay ahayd “Waajibaadka ninka caddaanka ah” inuu baxo oo uu ilbaxnimo u fidiyo dadkan loo arkay in ay yihiin qaar aan ilbax ahayn. Afrikada uu Ngugi ka yimid waxaa muddo dheer reer Yurub u arkayeen in ay tahay meel qallafsan oo bahalnimo ah. Sidaas darteed, waxaa la rumaysnaa in ay ahayd waajib saaran ninka caddaanka ah inuu “ilbixiyo” dadkan dibudhacsan. Laakiin nasiib darro, xoogagga gumeysiga ee sheeganayay in ay ilbaxnimo wadeen, waxay si ulakac ah u burburiyeen dhismaha dhaqan iyo bulsho ee dadka ay sheeganayeen inay ilbixnimayaan. Haddaba, aynnu halkaan ku soo afjarno dooddeena ku saabsan gumeysiga innagoo xusaya laba qodob oo guud:

  1. Nooca casriga ah ee gumeysiga, sida gumeysigii Yurub uu tusaale u yahay, ma ahayn oo kaliya ka faa’idaysiga dhulka iyo kheyraadka waddan kale, balse sidoo kale waxa ugu muhiimsan wuxuu ahaa in si aasaasi ah loo beddelo hababka waxsoosaarka, si dhaqaalaha waddanka la gumeysto uu u la jaanqaado dhaqaalaha waddamadooda hooyo, waayo haddii waddanku dhaqaale ahaan xorroobo waa uu ka baxayaa gacanta gumeysiga. Isbeddelladan qotada dheer waxay waxyeello weyn u gaysteen qaab-dhismeedka dhaqan-dhaqaale iyo siyaasaddeed ee waddanka la gumeeyay.

  2. Gumeysiga waxa uu ku shaqeeyey laba qaab: midda koobaad ee muuqataa waa gumeysiga siyaasaddeed iyo dhaqaale oo dhammeystiran, kaas oo badanaa la socda xoog iyo rabshad. Midda labaadna waa gumeysi dhaqameed oo aad u xasaasi ah una waxyeello badan. Gumeysiga dhaqameed, oo lagu gaadho oggolaansho bulsho halkii laga isticmaali lahaa XOOG, waxaa badanaa lagu fuliyey waxbarashada, diinta, iyo qaabab kale oo dhaqameed. Waa noocan labaad ee gumeysiga, kaas oo ah gumeysiga maskaxda, ee uu Ngũgĩ wa Thiong’o kaga hadlayo buuggiisa ku saabsan dibuxoraynta maanka.

Gumeysiga dabadii

Gumeysiga ka dib waa eray dhibaato leh. Inkaste oo uu noqday mid ka mid ah hal-abuurka aragtiyeed ee ugu saamaynta badan tobannaankii sano ee la soo dhaafay, haddana weli waxaa lagu tilmaamaa mid aan si cad loo qeexin. Erayga “post” wuxuu muujinayaa in gumeysigii si rasmi ah u dhammaaday, ka dib markii awoodihii gumeysiga ay suldadda ku wareejiyeen dadka deegaanka iyaguna dalalkooda dib ugu laabteen. Laakiin, xaqiiqdu sidaas ma aha. Walow gumeysigu si rasmi ah u dhammaaday markii awoodda la wareejiyay, haddana raadadkii gumeysigu weli way sii jiraan waxayna u muuqdaan qaabab cusub. Tusaale ahaan, erayga gummeyn-cusub (Neo-Colonialism) waxaa loola jeedaa sii socoshada gumeysiga qaab aan toos ahayn, taas oo ay quwadihii hore weli ku hayaan saamayn dhaqaale, siyaasad, iyo dhaqan dalalkii ay horay u haysan jireen. Sidaas darteed, marka aan ka fekeraynayno gumeysiga ka dib (post-colonialism) inuu yahay kala-qaybiyaha wixii hore iyo waxa hadda, waxa aan u arki karnaa in ay tahay fekrado urursan oo isku dayaya in la fahmo saamaynta ka-dambeeya gumeysiga, gaar ahaan dhinacyada luuqadda, suugaanta, iyo dhaqanka.

Suugaanta Afrika, Luuqadda iyo Siyaasadda

Siyaasaddu mar walba waxay door muhiim ah ku lahayd suugaanta Afrikaanka ah. Sida aynnu ognahay, inta badan waxa hadda loo yaqaanno suugaanta casriga ah ee Afrika waxaa si weyn u saameeyay halgannadii xornimo ee ka socday qaybo kala duwan oo ka mid ah Afrika. Qorayaadii ugu waaweynaa xilligaas sida Chinua Achebe oo Galbeedka afrika ka soo jeeday, Alex La Guma oo Koonfur Afrika ka soo jeeday iyo Ngugi wa Thiong'o oo Bariga Afrik ah, dhammaantood waxay diiradda saareen arrimaha ahaansha iyo taariikhda. Waxaa muhiim ahayd in la diido lana wajaho fekraddihii reer Yurub ka haysteen Afrika in ay tahay qaarad madaw, aan lahayn taariikh iyo dhaqan, oo si guud loogu tilmaami jirey mid dib dhacsan oo mugdi ah. Qoraayaasha badankoodu waxay buuggaagtooda ku qoreen luuqadda Ingiriisida sababta oo ah qoraalkoodu wuxuu si gaar ah ugu wajahnaa akhristayaasha reer Galbeed, inkaste oo ay sidoo kale doonayeen in dadkoodu ay dib u helaan dhaqankooda iyo taariikhdooda.

Tani waxay ahayd arrin muhiim ah sababta oo ah dadkii Afrikaanka ahaa waxaa la baray inay rumaystaan in ay yihiin jinsiyad liidata iyo dad hooseeya. Waxaa loo baahnaa in ay mar kale ku faanaan taariikhdooda iyo dhaqankooda. Sidaa darteed, suugaanta casriga ah ee Afrika laga soo bilaabo bilowgeedii, mar walba waxay si qotadheer u gu dhex jirtay siyaasadda. Ngugi wa Thiong’o qudhiisa wuxuu si xooggan u qeexayaa doorka qoraaga isagoo ku leh hordhaca dhigaalkiisa Writers in Politics: "Qoraa kastaa waa qoraa siyaasadeed. Su’aasha kaliyi waxa ay tahay: siyaasaddee? iyo yaa leh siyaasada?"

Xorraynta Maanka

Ngugi, “Xorraynta Maanka “wuxuu si gaar ah uga ga hadlayaa sii jiritaanka hab-fekereedyo gumeysi oo weli ka muuqda Afrika ka dib xornimada, gaar ahaan Kiiniya oo uu u qaadanayo uurbaadhidda deraasadiisa (case study). Waxa uu badka keenayaa wayddiin ah arrintu waa mid cad ee suurtagal ma tahay in la abuuro aqoonsi iyo dhaqan Afrikaanimo u gaar ah iyadoo af Ingiriisida loo adeegsado luqadda waxbarashada ee dugsiyada? Ngugi, wuxuu ku dooddayaa in aysan suurtagal ahayn ilaa la soo celiyo is-waafajintii ka dhaxeysay ilmaha iyo deegaanka uu ku korayo. Taasna waxaa lagu gaari karaa in la xalliyo arrinta luuqadda lana siiyo luuqadaha hooyo muhiimaddii ay mudnaayeen. Kaliya markaas ayaa la heli karaa bulsho Afrikaan ah oo leh aqoonsi iyo dhaqan u gaar ah.

Suugaanta Afka Kikuyu iyo Deegaanka

Ngugi, wuxuu qoraalkiisan ku bilaabayaa isagoo xusuusanaya waayo’aragnnimadiisii carruurnimo isagoo ku korayay nolol dabiici ah. Wuxuu ku dhashay qoys beeraley ah oo ballaadhan. Waxa ugu muhiimsan waxay ahayd in ay afkooda hooyo ee Kikuyu ku hadlayeen marka ay shaqeynayaan, ciyaarayaan, iyo dabcan marka ay guriga joogaan. Fiidkii, waxay isku iman jireen si ay sheeko u dhagaystaan iyaga oo dab kulaalaya, taas oo ahayd dhacdo bulsho oo xubnaha qoyska oo dhan ka qeybqaadan jireen. Caruurtuna mararka qaar waxay sheekooyinkii ugu sii sheegi jireen carruur kale. Sidaas darteed, sheekooyinku nolol bay lahaayeen, waxayna afafka dadku uga gudbi jireen dad kale. Marka sheekooyinka afka, laga reebo madaddaalada, waxay ahaayeen barbaarin iyo wacyigelin anshaxeed. Ngugi wuxuu tilmaamayaa in sheekooyinkaasi badanaa ay jilayaasha ugu waaweyn xayawaan ahaayeen, carruurtuna ay la safan jireen bakayle yar oo itaal darraa, balse caqli iyo xeelad badan lahaa. (Bakayluhu metelaha sheekada waa sida sheeko-xariirta Soomaalida halka ay u uga dhiganto dawacadu).

Waxa cad in carruurtu ay baranayeen qiyam iyo akhlaaq iyaga oo dhageysanaya sheekooyinka. Waxay is barbar dhigayeen xayawaanka tamarta yar, waxayna garwaaqsanayeen dadaalkooda ay kaga hortagayaan ugaadhsatada iyo duruufaha adag ee deegaanka. Casharradaas waxay ahaayeen kuwo muhiim ah, sababtoo ah halganka xayawaanka daciifka ah ee ka dhanka ah kuwa xooggan iyo dabeecadda adag wuxuu metelayay halgankii nolosha dhabta ah ee dadka laftooda. Waxa kale oo ay lahaayeen sheekooyin ka hadlaya bini’aadamka. Sheekooyinkaas badankood waxay muujinayeen laba nooc oo dadka ka mid ah: 1) Qofka runta ah oo leh dabeecado wanaagsan sida geesinimo, naxariis, damqasho, iyo daryeelka dadka kale. 2) Qofka hunguriga badan (keli rabe ah ama selfish), naf jecel, kelitalis ah oo aan dan ka lahayn bulshada inteeda kale. Midka hore wuxuu aaminsanaa iskaashi iyo danwadaag bulsho; kan kalena wuxuu taagnaa wax kasta oo waxyeello u leh horumarka iyo wanaagga bulshada.

Waxbarashada Ingiriisiga

Bilowga kacdoonkii Mau Mau (oo ahaa halgan hubeysan oo lagula dagaallamayay maamulkii gumeystaha), maamulka gumeysigu wuxuu la wareegay iskuullada, wuxuuna soo rogay waxbarasho Ingiriisi ah. Ngũgĩ, wuxuu wax ku bartay mid ka mid ah iskuulladaas. Luuqaddii wax lagu baran jiray mar dambe ma ahayn luuqaddii dhaqanka. Sidaas darteed, is-waafajintii jirtey ee u dhexaysay waxbarashada iyo nolosha deegaanka carruurtu ku noolaayeen way burburtay. Runtii, sida uu Ngugi tilmaamay, Ingiriisidu waxay noqotay wax ka badan luuqad keliya—waxay noqotay luuqadda qabsashada iyo hanashada riyada. Dhammaan luuqadaha kale waxaa loo arkay kuwo ka liita Ingiriisiga, waxaana si firfircoon ardayda loogu diiday in ay adeegsadaan afkooda hooyo.

Ta ka sii darneyd, ardaydii waxay bilaabeen in lagu baro khiyaano; waxayna lagu khasbay in ay noqdaan khiyaanooleyaal bulshadooda ku dhow. Waxaa carruurta lagu amray in ay qabtaan ardayda kale ee iskuulka ku hadlaya afkooda hooyo. Taasi waxay sababtay in halkii ay iska kaashan lahaayeen, ay isu beddelaan dabagalayaal, iyagoo abaal marin lagu siinayo khiyaamadaas. Ardayda waxaa lagu abaal marin jiray heer sareynta ee ay ka gaaraan luuqadda Ingiriisiga (Ngugi qudhiisu wuxuu ka faa’iideystay nidaamkaaas). Ingiriisigu wuxuu noqday cabbirka lagu qiimeeyo garaadka iyo kartida ilmaha. Ku adkaysiga in kasta ha ahaatee in lagu fiicnaado Ingiriisiga wuxuu sababay dhaawac weyn. Luqadda Ingiriisigu ma aha oo kaliya in ay xoojisay fikirka ah in dadka ku hadla Ingiriisiga ay ka sarreeyaan kuwa kale, balse waxay sidoo kale siisay sharciyad fikirkaas cunsuriyadda ku dhisan.

Suugaantii afka ahayd si tartiib tartiib ah ayey u bilaabatay inay dabar go'do, halka ardayda lagu quudin jiray sheekooyin ka yimid dhaqan kale — kuwaas oo aan wax badan ka tarayn fahamka ay u leeyihiin dunidooda dhabta ah. Sidaas darteed, carruurtii waxaa laga leexiyay aqoonsigoodii dhabta ahaa, waxaana loo jiheeyay aqoonsi kale — mid aanay iyagu lahayn.

Wax ku Qorista Af-Kikuyu

Ngugi wuxuu bilaabay inuu ku qoro afkiisa hooyo ee Kikuyu ka dib markii uu qoray dhowr buug oo Ingiriisi ah. Laakiin wax ku qorista Af-Kikuyu waxay u ahayd ficil siyaasadeed oo si ula kac ah loo sameeyay. Devil on the Cross waa buuggii ugu horreeyay ee waaweyn ee uu ku qoro af Gikuyu. Go’aankiisa waxa su’aal geliyay dad badan, qaar ka mid ahna waxay ahaayeen dad u doonayay wanaag. Waxa Ngugi la yaabay ayaa ahayd in loo arkay wax aan caadi ahayn in qoraa Afrikaan ahi uu ku qoro afkiisa hooyo. Ngugi wuxuu qoristiisa Kikuyu u arkaa qayb ka mid ah halganka ka dhanka ah gumeystaha ee dadka Kiiniya iyo guud ahaan Afrika. Waxbarashadii gumasytaha Ingiriisku waxay caruurta bartay inay neceb yihiin waxkasta oo iyaga u gaar ah—luuqaddooda, dhaqankooda, iyo dadkooda. Ngugi wuxuu doonayaa in caruurta Kiiniya ee casriga ah ay ku barbaaraan si ka madax-bannaan gumeysiga iyo faquuqidda luuqadooda hooyo. Iyada oo aan lagu korin is-necbaysiga naftooda ee gumeysigii reebay, sida nacaybka afkooda, dhaqankooda, iyo aqoonsigooda.

Ngũgĩ, wuxuu leeyahay is-necbaysiga naftooda iyo kala goynta maskaxeed ee gumeysigu wuxuu leeyahay laba nooc oo isugu xiran:

  1. In qofku ka fogaado xaqiiqada nolosha ee ku hareeraysan.

  2. In uu isaga dhowaado ama isku aqoonsado waxyaabo aan ka mid ahayn deegaanka uu ku nool yahay.

Sida uu Ngugi sheegay, tan waxaa sabab u ah marka fikradaha iyo fahamka adduunka lagu sameeyo luuqad aan ahayn tan nolol-maalmeedka ee qofka. Wuxuu u arkaa in ay la mid tahay in jirka laga gooyo maskaxda. Dadka falanqeeya Aragtida Gumeysiga ka Dib (post-colonial theorists) sida Homi K. Bhabha, ayaa sidoo kale ka hadlay dareenkan labada dhinac ah. Marka dareenka noocan ah uu si baahsan uga dhex dhasho bulshada, bulshadu way kala go’aysaa oo ma noqonayso mid isku xiran. Sidaas darteed, Ngugi wuxuu aaminsan yahay in ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo is-waafajintaas si bulshada ay mar kale u noqoto mid dabiici ah oo mideysan. Qoraalkiisa ku qoran Kikuyu ayuu u arkaa tallaabo yar oo dhankaas loo qaaday.

Ilmaha ku koray deegaan uu si fiican u fahmo luqaddiisa, dhaqankiisa, iyo deegaanka uu ku nool yahay, wuxuu awood u yeelanayaa inuu si dhab ah u fahmo nolosha, ugana shaqeeyo isbeddel kasta oo muhiim u ah wanaagga guud ee bulshada. Ngugi ma diidana in carruurta la baro luuqado kale. Waxa uu doonayo inuu muujiyo ayaa ah in kaliya marka ilmuhu uu dareemo is-waafajin buuxda oo u dhaxaysa luuqaddiisa, dhaqankiisa, iyo deegaanka uu ku nool yahay, markaas awoodi karo inuu si xor ah oo kalsooni leh u wajaho suugaanta iyo luqadaha dadyowga kale — isaga oo aan dareemin hoosayn (liidnimo), ceeb ama quudhsi ku saabsan afkiisa, naftiisa iyo deegaankiisa.

Gunnaanad

Ngugi wuxuu si xooggan ugu dooday in afafka hooyo dib loogu soo celiyo isticmaalka luqadda waxbarashada dugsiyada Kiiniya iyo si guud Afrika. Wuxuu muujinayaa in meesha sare ee ay ku taagan tahay afka Ingiriisigu ee Kiiniya xornimada ka dib, ay sabab u tahay nidaamkii waxbarasho ee gumaysigu keenay, isla markaana saamaynta wax burburisa ee afkaasi uu dadka waxbartay ka dhigay kuwo shisheeye ku ah dhaqankooda. Wuxuu ugu baaqayaa in suugaanta lagu qoro afafka hooyo, sababta oo ah waa luuqadda keliya ee si dhab ah u meteli karta garaadka nololeed ee dadka Kiiniyanka iyo halgankooda nololeed. Kaliya suugaan noocaas ah ayaa dib u soo celin karta xiriirka dabiiciga ah ee u dhexeeya ilmaha iyo deegaanka uu ku korayo.

Maskaxda shacabka Kiiniya waxaa weli haysta luuqad, suugaan iyo dhaqan shisheeye oo ka fogeeyay naftooda iyo asalnimadooda. Sidaas darteed, inkaste oo awooddii siyaasadeed loo wareejiyay dadkii Kiiniyan-ka ahaa, haddana gumeysigu weli wuu ku sii nool yahay maskaxdooda. Sidaas darteed, waxa ugu horreeya ee muhiimka ah waa in la sameeyo “Dib u xorraynta maanka”.