Friday 17 April 2026
Hargeysa, Jigjiga iyo Muqdisho ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ‘Deraasaadka Soomaalida’ ee Geeska Afrika iyo xoojinta lahaanshaha gudeed kaddib markii ay marti geliyeen saddex bandhig oo is xig xiga oo uu leeyahay Ururka Deraasaadka Soomaalida ee Caalamiga ah (SSIA), sannadihii 2018, 2021, iyo 2014 waa sida ay u kala horreeyaan e. Shirarkani waxa ay astaan u ahaayeen, deegaameynta deraasaadka Soomaalida ee Geeska Afrika, waxaanay muujiyeen awoodaha iyo muhiimad siinta haddii ay tahay heer qofeed iyo haddii ay tahay heer bulsheed labadaba. Shirarkani waxa ay dhallinyaro iyo aqoonyahanno badan oo ku nool Geeska Afrika u suurageliyeen, in ay ka qayb qaataan kana soo qayb gelaan shirarkan iyaga oo awal la kulmi jiray caqabado la xidhiidha socdaalka iyo maalgelinta xagga safarka ah. Hadda oo laga joogo afar sanno kolkii aanu jig jiga ku marti gelinay shirka Ururka waxa aan dareemay in la joogo goortii aan soo bandhigi lahaa waayo-aragnimadii aan ka dhexlay martigelinta shirkii 14 iyo sidoo kale in aan dogobyo saaro wada sheekaysi ku taxalluqa dib u habeynta iyo adkeynta Ururka Caalamiga ah ee Deraasaadka Soomaalida (SSIA).
Ururka Caalamiga ah ee Deraasaadka Soomaalida waxa la aasasay sannadkii 1978-kii. Waxa mahad mudan bare sare Xuseen Tansaaniya oo ku dhiirraday. Sida uu xusay, Lee Cassanelli kolkii hore fekradda ururku waxa ay ka soo dhex baxday dhammaan aqoonyahannada Deraasaadka Soomaalida ku foogaanaa sida Xuseen Tansaaniya, Jaarlees Geshekter, Bogumił Witalis Andrzejewski, Siciid Samater, Joosef Pia, Rijaadh Griinfild, iyo Cassanelli laftiisa. Sidaas awgeed, Barofisoor Xuseen Tansaaniya oo ahaa Soomaaligii ugu horreeyey ee shahaadada PhD ka qaata Jaamacadda Haadh faadh ayuu ahaa qofkii ifka keenay. Wuxu noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee ururka waxaanu soo hoggaamiyey marxalad adag oo taxnaa labaatan sannadood isaga oo ku sugay in ururku noqdo Xarunta deraasaadka iyo aqoonta Soomaalida ee ugu tunka weyn.
Tan iyo shirkii koobaad ee Ururka oo ka dhacay Muqdisho sannadkii 1980-kii, kulammada ururku waxa ay saddexdii sannaba mar ka qabsoomayeen, guud ahaan Jaamacadaha Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Beriga Afrika. Caasimadaha kala ah Hamburg, Rome, Boston, Baarliin, Toronto, Hargeysa, Aarhus, Kolumbus, Jabbuuti, Oslo, Helsinki, Jigjiga, Gothenburg iyo Muqdisho ayaa waqtiyo kala gadisan marti geliyey tan iyo shirweynihii koowaad ee Ururka. Shirarkaas waxa barbar socday qayb-goboleedyo ka mid ah Ururka oo laga furay Waqooyiga Ameerika, Ingiriiska iyo ugu danbeyn Jig jiga. Joornaallo kala duwan oo ay ka mid yihiin Bildhaan, The Horn of Afrika Journal, iyo Joornaalka Deraasaadka Soomaalida ee Muqdisho ayaa iyagu na ka qayb qaatay horukaca laanta deraasaadka Soomaalida.
Inkasta oo ay muhiim tahay in la garawsado in laanta cilmi baadhista Soomaalidu leedahay sooyaal dheer , hadda na Ururku ku dhawaad qarni badhkii waxa uu ahaa madal ay ku soo hirtaan dadka daneeya Soomaalida iyo Geeska Afrika. Ururka Caalamiga ah ee Deraasaadka Soomaalidu waxa uu soo saaray isla markaas na fududeeyey cilmi baadhisyo wax ku oola, daabacaadyo iyo golayaal la isku waydaarsaday aqoon. Saameyntiisu na waa mid aan qarsooneyn oo la dafiri Karin, shirarkii ururkuna waxa ay ahaayeen shirar laga dhexlay hodantinimo aqooneed oo saameyn ku yeelatay deraasaadka Soomaalida iyo jiilashaba.
Annaga oo dhiirrigelin ka helaynna fekradda ururka ee kor u qaadista aqoonta, dhaqanka Soomaalida iyo bulshada, shirkii Ururka ee Hargeysa ka qabsoomay sannadkii 2018-kii, iyo isbeddelkii siyaasadeed ee Itoobbiya ka dhacay kaas oo abuuray cimilo u furan madallo cilmiyeed waxa aanu falawgeeda galnay sidii Shirka Ururka loogu qaban lahaa Jig jiga – oo ah gobol laga indho saabay deraasaadka Soomaalida. Kaddib kolkii aan la xidhiidhnay isku dubo ridayaashii shirkii Ururka ee Hargeysa ka qabsoomay, waxa aanu u safarnay Addisababa si aanu ula kulanno xubnaha gudiddii ururka ee waqtigaas. Dabadeed iyada oo aanu dhiiri gelin iyo bar bar istaag ka helaynno Jaamacadda Jig Jiga waxa aanu dhisnay koox gudbisa codsiga martigelinta Ururka. Bilo kaddib waxa na soo gaadhay war farxad leh oo sheegaya in gudidu noo ogolaatay marti gelinta shirka 14aad ee Ururka iyada oo ay nagu lammaantahay Caasimadda Gootanbaag ee dalka Iswiidhan.
Guushani keliya ma aha mid qofeed, ee sidoo kale waa guul u soo hoyatay Caasimadda Jigjiga iyo Jaamacadda Jigjiga. Si kastaba, kolkii aan qorshaynnay shirka isla markaas na aanu wada shaqeyn la yeelannay Guurtida ururka waxa noo caddaatay in Ururka oo ah tiir aqooneed inuu yahay hayad magac ahaan uun u jirta oo ka madhan qaab dhismeed, masuuliyad kala yeelasho, iyo xidhiidh sugan. Tusaale, ma ay jirin qoraallo rasmiya oo ay ku cadyihiin hannaanka iyo wadiiqada ay marayaan Hayadaha martigelinaya Shirka Ururka, ama sida iyo habka loo hubinayo masuuliyadda martigelinta haayad ilaa haayad. Xaaladdan waxa uga sii daray kala qaybsanaan gudeed iyo kala aragti duwanaan u dhaxaysa xubnaha Guurtida ah taas oo salka ku haysa mawqifyo siyaasadeed. Arrin wal oo na dhex maray annaga iyo gudida waxa uu ku salaysnaa wada xaajoodyo aan rasmi ahayn iyo xidhiidho shaqsi, kuwaas oo ugu danbeyn na caawiyey, abaal baanan uga haynnaa.
Qaab dhismeed la’aantaas jirtay waxa ay dhalisay dhawr jahwareer. Tusaale ahaan, kaddib martigelintii Jigjiga iyo haddana Gootanbaag ee shirkii 14 aad, Jaamacadda waddaniga ah ee Muqdisho waxa ay ku dhaqaaqday abaabulka marti gelinta shirka 15 aad ee Ururka iyada oo aan wargelin wax xidhiidh ah na aan la soo sameyn Kooxdii Jigjiga, waxaana ay ku guul darraysatay in ay carrabowdo Jijiga oo uga horraysay marti gelinta (Inkasta oo kol danbe oo aanu toos ula xidhiidhnay ay sheegeen). Intaas waxa dheer, xubnihii gudida ee aanu wada yeelannay xidhiidhka iyo wada shaqaynta keliya labo ka mid ah baa ka soo qayb galay shirka, inta badan oo ah guurtidii Ururku na ma ay iman, mana uu jirin wax kormeer ah iyo ka soo qayb gal ah oo ka socday dhanka Hayadda.
Walow oo ay jireen galdaloollo abaabul, haddana waxa aanu ku guulaysannay in aanu martigelinno shirkii Ururka lagu na qabto Jigjiga bishii Julaay 2021-kii, halkaas na lagu soo dhaweeyo 300 oo ka qayb gale, kuwaas oo isaga kala yimid deegaamada Soomaalida iyo daafaha dunida, halka in badan oo kale ay kaga soo qayb gashay qaab dhigitaal ah, caqabadihii Sadhada Covid19 oo jiray awgeed. Gootanbaag, Caasimadda Iswiidhan waxa ay awood u yeelatay in ay qaybteeda marti geliso bishii Ogos, 2023-kii.
Aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee salka u dhigay Ururka caalamiga ah ee deraasaadka Soomaalida waxa ay abuureen dhaxal kaas oo keliya aan mudneyn wayneyn balse sidoo kale mudan in la cusboonaysiiyo oo la nooleeyo, siiba hadda oo ay madaxa la soo keceen jiil cusub oo cilmi baadhayaal ah, kuwaas oo ka soo muuqday gudaha Geeska Afrika iyo dibadda labadaba. Asaasayaasha Ururku doorkoodii waa ay guteen, haddana waxa la joogaa xilligii jiilka cusub ee Soomaalidu doorkiisa qaadan lahaa ee uu dogobyo sii saari lahaa.
Farriintaydu ma aha uun dhaliil, ee sidoo kale waxa ay ku baaqaysaa in la la yimaaddo ficil si loo soo nooleeyo Ururka haayad ahaan. Shirka Ururka ee innagu soo fool leh waxa uu noqon karaa xudunta Isbeddelka. Waa in ururka loo sameeyo qaab dhismeed la isla ogolyahay, maamul kala sarreeya oo leh haylkal, sidoo kale waa in la helo kaabayaal dhigitaal sida Kayd xogeed oo lagu ururiyo cilmi baadhisyadii la soo saaray shan iyo kotonkii sanno ee u danbeeyey, kuwaas oo aan hadda meel laga wadi heli Karin. Intaas oo dhan ka hor, waa in Ururku dib u soo nooleeyaa dhaqankiisii ahaa abuurista cimilo isku dhafan oo deraasadaha soomaalidu ku bullaalaan walow ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed iyo kuwo kale oo u dhexeeya Soomaalida iyo guud ahaan aqoonyahannada Geeska Afrika.