Skip to main content

Monday 28 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Dib u Qiimaynta Sooyaalkii Cusmaaniyiinta

22 March, 2025
Image
Koza Han
Sawir dusha ah oo laga qaaday Koosa Haan oo ka mid ahayd caasimadaha Cusmaaniyiinta, waana dhismayaasha taariikhiga ah ee sooyaalkooda ka hadhay. (Xuquuqda sawirka: Fatih Capkin/Anadolu via Getty Images)
Share

Qaar ka mid ah mustashriqiinta iyo taariikhyahannada reer Galbeedku waxa ay isku dayaan in ay meel mariyaan hadallo barkumataal ah oo ku saabsan Bariga Dhexe; sooyaalkiisa iyo bulshooyinkiisaba, hadalladaasna u ekaysiiyaan cilmibaadhisyo aqoon laga korodhsanayo. Isku daygoodu waxa uu koobsanayaa guud ahaan ilbaxnimadii Carabta iyo Islaamka, si gaar ahna waxa uu u taabanayaa boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Boqortooyadan iyo bulshadii Cusmaaniyiintaba waxa ay ku tilmaamaan kuwo bilaa horumar ahaa, oo aan isbeddel lahayn, ilbaxnimooyinkii isdhaafayey iyo dunidii marba hir cusub gaadhaysayna aan la jaanqaadin. Ka jawaabidda eeddan iyo tuhunkan waxa u banbaxay qaar ka mid ah mufakiriin, taariikhyahanno iyo aqoonyahanno aasaasay koox gorfaysa diraasadaha laga sameeyey Bariga Dhexe. Waxa ay dib ugu laabteen qiimaynta gorfaynta lagu sameeyey sooyaalka Carabta iyo Islaamka, si gaar ahna sooyaalka Cusmaaniyiinta.

Dedaalladan isaga oo ka qayb ah, taariikhyahanka reer Falasdiin, Rifcat Cali Abuu al-Xaaj (1933 – 2022) waxa uu soo saaray buuggiisa “Samaysanka Dawladda Cusub: Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee qarnigii 16aad ilaa qarnigii 18aad”. Rifcat waxa uu isku dayayaa deraasaynta sooyaalka Cusmaaniyiinta, isaga oo u arka taariikh dhab ah oo jirtay, akhristahana ku baraarujinaya kala duwanaanshaha u dhexeeya nidaamyada dhaqan ee kala duwan. Kala duwanaantan awgeed, la isma barbardhigi karo sooyaalkii Cusmaaniyiinta iyo sooyaalkii Bariga Dhexe marka koowaadba, dhinaca kalena, la isma barbardhigi karo sooyaalkii Yurub ee Qarniyadii Dhexe iyo sooyaalkeeda casrigan. Sooyaalka Cusmaaniyiintu wax badan ayaa uu ka shabbahaa sooyaalka Yurub, dawladdii Cusmaaniyiintuna waa mid ka mid ah “dawladihii cusbaa” ee uu qoraa Rifcat isku dayayo in uu kuurgalo marxaladihii samaysankooda, laga soo bilaabo qarnigii 16aad ilaa qarnigii 18aad. Waxa uu aaminsanyahay, haddii sooyaalku aqoon yahay, waxa habboon in sooyaalka Cusmaaniyiinta lagu gorfeeyo halbeegyo la jaanqaadaya horumarradii kale ee ka jiray dunida kale xilligaas, si sooyaalka Cusmaaniyiinta wax loo barbardhigi karo, se aan la barbardhigin sooyaal gebi ahaan ka duwan, ama xilli ka geddisan. Waxa uu soo jeedinayaa in sooyaalka Cusmaaniyiinta la barbardhigo sooyaalka dalalka kale, iyada oo la aaminsanyahay in taariikhda la isbarbardhigi karo, lagana waantoobo hadalka laga faafiyey Cusmaaniyiinta, ee dhigaya in dawladdan iyo bulshadeeduba ahaayeen kuwo jaadgoonni ah, oo aanay jirin wax la barbardhigi karaa.

Qoraa Rifcat waxa barbilaw u ah dood dhaliil iyo gorfayn ah, oo uu ku adkaysanayo xaqiiqada ah in bulshadii Cusmaaniyiintu ahayd bulsho isbeddel, oo aan waxba kaga duwanayn bulshooyinka kale ee sooyaalka soo maray, horumarkuna sumadda u ahaa. Inkasta oo isbeddel gunta ahi ku yimi bulshada Cusmaaniyiinta, haddana guudka sare lagama dheehan, waana waxa indhosarcaadinaya qofka deraasaynaya sooyaalka Cusmaaniyiinta, oo uu ku riixaya in uu si fudud u aamino fekerad qaldan iyo in bulshadani in ayna lahayn horusocod. Qoraagani waxa uu deraasaddiisa xoogga saarayaa laba marxaladood oo gundhig ah, marxaladda koowaad waa middii sees u dhigidda dawladda, marxaladda labaadna waa cusboonaysiinta iyo hagaajinta dawladda, waana laba marxaladood oo u ku yimi u hoggaansanka saamaynta baahiyaha bulshada Cusmaaniyiinta.

Intaas ka dib, qoraagu waxa uu isbarbardhig ku samaynayaa sooyaalkii bulshooyinka Shiinaha iyo Mangooliga, si uu u wax uga ogaado sooyaalkii Cusmaaniyiinta ee taariikhda cusub. Waxa kale oo uu ku doodayaa in isu ekaan ka dhex jirto boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Yurubtii qarnigii 17aad, si gaar ah dhinacyada dhaqaalaha beeraha iyo tiknoolajiyadda, waana isku ekaan socotay ilaa badhtamihii qarnigii 18aad, oo ay ilaa xilligaas boqortooyada Cusmaaniyiintu adeegsanaysay tabo farsamo ahaan u eg kuwii Yurub, tusaale ahaan hannaanka habaynta ganacsiga dalagga beeraha iyo adeegsiga hubka.

Waxa kale oo uu soo qaadanayaa isku ekaantii nidaamyadii Cusmaaniyiinta iyo Talyaaniga ee ahayd sida loola dhaqmo ciidamada aan nidaamiga ahayn iyo fallaagada. Isbarbardhiggan waxa uu ku deedifaynayaa aragtida taariikhyahankii reer Ingiriis ee Perry Anderson, oo ku dooday in boqortooyada Cusmaaniyiintu dheeraad iyo dulsaar ku tahay qaaradda Yurub, oo aanay isku dayin in ay la jaanqaadaan nidaamyada bulsho iyo siyaasadeed ee Yurub. Qoraa Rifcat waxa uu diiddanyahay dhammaan sheegashooyinka caynkan ah oo uu arko in looga dan lahaa hoos u dhigidda meeqaamka Cusmaaniga.

Taariikhyahannada baadha qaddiyadaha boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee qarnigii 16aad iyo 17aad, gaar ahaan kuwa Turkiga ah, sida isda Khaliil Inaaljik iyo Huricihan Islaam Ooglo, waxa ay xoogga saaraan arrimaha dhaqaalaha. Khaliil Inaaljik waxa uu ku dooday in qulqulkii lacagta iyo macdanta dunida cusub ee soo galay gobollada Cusmaaniyiinta iyo dhibtii ka taagnayd isbeddelku ay noqdeen labada tiir ee gundhigga u ah qalalaasihii qarnigii 17aad haleelay dawladdii Cusmaaniyiinta. Marka dhinac la eego, taariikhyahannadani waxa ay saamaynta kusoo koobeen arrimaha debadda ah. Taariikhyahanno kale ayaa ku dooday in arrimaha bulsho iyo dhaqaale ee dawladdii Cusmaaniyiintu isla gadiyeen isbeddelladii lagu sameeyey hannaanka yeelashada dhulka. Kuwo kale ayaa arka in beddelidda qaabka yeelashada dhulku ahayd natiijo ka dhalatay in khayraadka dawladdii Cusmaaniyiintu ku talaxgabeen suuqa caalamiga ah iyo shabakadaha suuqgaynta. Cilmibaadhista guud ee koobsanaysa dhinacyadii isbeddel ee gudaha boqortooyada Cusmaaniyiinta ee qarnigii 17aad, waxa ay muujinaysaa in isbeddelkani ka dhashay duruuf isla falgashan oo gudeed, oo ay garabsocdaa saamayno dibadeed, se qodobbada guduhu ay lahaayeen kaalinta laxaadka leh, sida nidaamka cashuuraha, qulqulkii beeralayda oo magaalooyinka ka noqday xirfadlayaal, isbeddelka qaabdhismeedka bulshada iyo siyaasadaha lacagta.

Isbeddelladii ku dhacay bulshada Cusmaaniyiintu ee qarnigii 16aad iyo qarnigii 17aad, waxa ay ku bilaabmeen kacdoonnadii ka dhacay dhulalka Yurub ee Cusmaaniyiinta hoos tegi jiray, kacdoonno xuduudda Turkiga ka dhacay, sida kacdoon qarnigii 17aad laga abaabulay Buurta Lubnaan, iyo awoodaysiga Ashraaftii Maka oo Xijaas ku xoogaystay. Sooyaalka Cusmaaniyiinta ee dhinacyada dhaqaale iyo bulsho waxa uu qaaday jid ka duwan jidka sooyaalka siyaasadda Cusmaaniyiinta oo soo jireen noqotay, labada dhinac ee kalena horumarka kaga dheereeyeen, talada boqortooyaduna waxa ay gacanta ugu jirtay koox kooban. Yurub lafteedu waqtigan waxa ay ku hoos jirtay xukunka boqortooyooyin aan waxba talada laga wayddiin, kuna dheggan aydhiyoolajiyadda ah in ay xaq Ilaahi ah ku joogaan talada. Isla xilligii la bilaabay in Cusmaaniyiintu yeeshaan gole sare oo ansixinta dastuurka u xilsaaran, Yurubiyaanku waxa ay ku jireen marxalad la taageersanyahay xukunka aan daadijin. Waxa kale oo is  wayddiin mudan sida dadku u fahmeen siyaasad, iyaga oo ku hoos nool dawlad aan qawmiyada ka jirin. Waxa suuragal ah in loo baahanyahay in la kala saaro mafhuumkii dawladnimo ee Cusmaaniyiinta iyo kii Yurubiyaanku haysteen. Yurubiyaanka dawladi waxa ay uga dhignayd bulsho, halka Cusmaaniyiinta uga dhignayd taliska go’aannada gaadha, oo gacanta ugu jirta cidda talada haysa markaas.

Ugu dambayn, qoraagu waxa uu u hiilinayaa mafhuumka dawladda Cusmaaniyiinta, waxaanu udubdhexaad uga dhigayaa cilmibaadhistiisa. Waxa uu ku salaynayaa in mafhuumkani yahay mid taariikhyahanno cusubi ibofureen, laga soo bilaabo Lucien Febvre, Marc Bloch ilaa Fernand Braudel, oo aasaasay qaybo dihin oo ka mid ah diraasadaha sooyaalka.

Waxa laga soo turjumay halkan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Aqoondarrada aan Tirmin

Feker

Ka Xorroobidda Gumaysiga