Tuesday 11 November 2025
Diktoor Egwaal Gebre Yooxanaa(Egwaal Gebre Yohannes) waxa lagu tiriyaa foolaadka masraxa fekerka Itoobiya, waxaanu hanaqaaday xilli ka mid ah xilliyadii ugu isbeddelka badnaa taariikhda cusub ee Itoobiya. Sannadkii 1924-kii ayuu ku dhashay Addis Ababa, waxaanu ku kacaamay Itoobiyada dhex heehaabaysa laba caalam; dal isku dayaya in uu la jaanqaado casriyowga, se haddana isku taxalujinaya in aanu dhaxalkiisii duugga ahaa. Dhallinyarannimadiisii Itoobiya waxa ka talinaysay Boqortooyadii Zewditu, halka uu Ras Tafari Makonnen (markii dambe noqday Boqor Xayle Salaase) ahaa dhaxalsugaha firfircoon ee hoggaaminayey dedaallada casriyeyn ballaadhan. Cadaadisku wuu kusii xoogaysanayey Xayle Salaase, sababtoo ah Talyaaniga ayaa casriyeyn xooggan ka waday deegaannada xeebta ee uu haystay, weerarna ku ahaa dawladda wiilka dhallinyarada ahi hoggaanka u hayo.
Mashruuca falsafadeed ee Egwaal waxa uu ku hanaqaaday muuqaalkan taariikheed: xaddaarad qotodheer, oo soo taxnayd kun sanno wax ka badan, oo waajahaysa boqortooyooyinkii Yurub ee sida arxandarrada ah isu ballaadhinayey. Ka dib markii uu Egwaal arkay gumeysigii Talyaaniga ee xanuunka badnaa (1936 ilaa 1941), goobjoog u noqday soo ceshasadii madaxbannaanida Itoobiya, sidoo kalena arkay barnaamijyada casriyeynta ee xawliga ku socday xilligii Xayle Salaase, noloshiisa waxa uu ku bixiyey dejinta hannaan falsafadeed oo ku xididdaysan hab Itoobiyaan oo qaab-feker gaar ah leh. Sababtan ayaa uu u waajahay caqabadihii feker ee wakhtigiisa, udubdhexaadna ugu noqday halgankii madaxbannaanida feker.
Egwaal, buugaggiisa waxa uu ku sharraxaa fekradda seeska u ah mashruuciisa ee ah; sifaynta tijaabada aadamaha ee dhabta ah. Falsafadda waxa uu u ekaysiiyey geed laba laamood oo muhiim ah leh: laanta koowaad oo ah caalamka dabiiciga ah, iyo laanta labaad oo ah sooyaalka/ilbaxnimada. Waxa uu ku dooday in barta ay labadani ku kulmaan tahay aadamaha.
Waxa uu aaminsanaa in aadamuhu yahay “jire dhexyaal ah”, oo labadan laamood dhex taagan: jidhkiisa, aadamuhu waxa uu kula xidhiidha caalamka dabiiciga ah (inoo muuqda), ruuxdiisana waxa uu kula falgalaa duni abadi ah oo gudaha ah (muuqa duleed aan ahayn). Sidaas darteed, qofka waxa ku waajibaya in uu laba xeer ka tixraaco: “xeerka sugnaanta” ee dabeecadda, iyo “xeerka madaxbannaanida” ee dhinaca ruuxda.
Egwaal waxa uu waxqabadkiisan u tixgaliyey falsafad aan loo baran. Waxa uu xoojiyey in “dabeecadda waxbarasho iyo yoolkeeda aan lagu jaangoyn karin meel madhan”, aqoonta dhabta ahina waajibsanayso “baadhis falsafadeed oo qotodheer”. Waxa uu ku dooday in iska indhotirka qodobkani yahay sidii oo xeebta lagu dheelayo, halka uu isagu ku baaqayo in la quuso badda afkaarta.
Egwaal Yooxanaa waxa uu salka u dhigay Mashruuc falsafeed oo ka hortag iyo dheellitir u ahaa isballaadhintii gumeysigii reer Yurub gaar ahaanTalyaaniga, waxaanu dedaal badan ku bixiyey dajinta hannaan falsafeed oo degaamaysan oo leh qaab-feker Itoobiyaan.
Si loo fahmo dagnaantan uu ka digayo, waxa uu ku baaqay isbarbardhigidda afka iyo farqiyada falsafadeed ee fekerka galbeedka iyo qaabka Itoobiyi dunida u aragto. Fekerka galbeedka, inta badan waxa loo kala saaraa “dhaqan” iyo “ilbaxnimo” [culture and civilization]. Dhaqan, waxa loo fahansanyahay hab-nololeed asal ah, maxalli ah, la dhaxlay oo bulsho ka mida bulshooyinku leedahay. Si sidan ka duwan, ilbaxnimo (xaddaarad) waxa loo arkaa xaalad caalami ah, furfuran, horumarsan, oo ka baxsan soohdinta dhaqanka bilawga ah, inta badanna lagu gaadho ka tagidda dhaqankaa badaa’iga ah. kala soociddan waxa ku abuurmay dabar qasab ah, oo ah: si aad ilbax u noqotid, waa inaad marka hore xoortaa dhaqankaaga.
Isbarbardhig ahaan wuxuu soo qaadanayaa ereyga Amxaariga ah ee (ሥልጣኔ) “seltane”, oo sidaa hore si ka duwan tilmaamaya. Walow ereygan lagu turjumo xaddaarad (civilization), haddana ma tusinayo xaalad lagu gaadho ka tagidda dhaqanka, ee waxa uu tilmaamayaa hab-jiritaan oo kasoo dhexbaxa dhaqanka bulsho, kana turjuma.
Egwaal, waxa uu garwaaqsaday in iska horkeenidda dhaqan iyo ilbaxnimo tahay ismoodsiis. Ereyga Amxaariga ah (selane) ee uu isbarbardhigga usoo qaatay, ma tilmaamayo in ilbaxnimadu ku timaaddo cadaadis dibedeed oo muuqda, ee waxa uu sheegayaa horumar gudeed oo dabeecadda iyo ruuxda ah. Sidaas darteed, Egwaal ma doonin in lasoo dhoofsado ilbaxnimo Galbeed, oo la tuuro dhaqanka Itoobiya, taas beddelkeeda waxa uu soo dhiraandhiriyey ilbaxnimo Itoobiyaan oo asal ah, oo loo maro iskudhafidda afkaarta.
Buuggiisa “Ruuxda iyo Tubta Waxbarashada Sare”, Egwaal waxa uu ku caddaynayaa maangalnimada macnahaas ereygu tusayo ee iska hor’imaad la’aanta ah, isagoo caddaynta u maraya sawiridda tilmaama xaaladda bani’aadamka ee aasaasiga ah. Waxa uu soo jeedinayaa in xaaladda koowaad ee dadku tahay addoonnimada, oo ah waxa dhaliya hilaw dabiici ah oo loo hayo xorriyadda. Addoonnimadani ma aha mid bulsheed ama dhaqaale oo kaliya, ee waa mid leh wejiyo isla falgashan.
Midda koowaad waa addoonnimada gudeed: u addoomoobidda aqoon la’aanta, oo qofka daboosha damiirkiisa gudeed—oo ah xarunta bani’aadamnimada qofka. Xaaladdan, dadku kuma hagmaan aqoonta, ee waxay raacaan khuraafaad ay samaysteen, waxaanay ku jid maraan dareennada wacyi la’aanta ah ee xayawaankuba ku dhaqaaqaan. Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa dad carruurtooda nafta u dhaafiya raalligelinta “jire ay sawirteen” kolka cadceeddu madoobaato, oo uu caddayn uga dhigay addoonnimada gudeed ee qotoda dheer.
Midda labaad waa addoonnimada dibedda ka timaadda: in aadanuhu u hoggaansamo xeerarka dabeecadda ee arxanka daran. In aanu aadanuhu qarniyo badan haysan agab ay iskaga ilaaliyaan qabawga, kulaylka, gaajada iyo xanuunka awgeed, dadku waxa ay dhibbane u ahaayeen dabeecadda ku xeeran, iyagoo ku noolaa nolol silic iyo dhib badan. Egwaal, waxa uu aaminsanyahay in xorriyadda dhabta ah lagu gaadhi karo in si wadajir ah looga xorroobo labadan addoonnimo.
Ilbaxnimada ama magaalowga dhabta ahi keliya ma aha helidda agab la taaban karo oo la iskaga caabbiyo addoonnimada qofka kaga timaadda dibedda, ee wax kasta ka hor, waa in maanka laga xorreeyo addoonnimada gudaha. Jidbixintan falsafadeed ayaa sees u noqotay mashruuciisa afkaaraha badan kulmistay, waxaanu aaminay in ay tahay jidka kaliya ee lagu gaadhi karo casriyow dhammays ah oo asal ah ay tahay jidhka oo laga xorreeyo isbeddellada dabeecadda, iyo maanka oo laga xorreeyo aqoon la’aanta.
Dhaliisha Egwaal kuma koobnayn awoodaha dibedeed ee casriyeynta wada, se waxa kale oo uu dhaliilay aqoonyahanka Itoobiya. Waxa uu garwaaqsaday haldoorka dalku in ay in badan ka gaabiyeen gudashada waajibkooda feker ee asalka ah, ee ah: la wadaagidda aqoonta dadka kale iyo jiilasha mustaqbalka.
Egwaal waxa uu rumaysnaa aragti ku doodaysa in laga xorroobo labo wax: aqoon la’aanta iyo xeerarka arxanka daran ee deebacadda, waxaanu salka u dhigay falsafad ku doodaysa ka xorroobidda labadaas shay ee dabarka ku ah casriyowga iyo ilbaxnimada aadanaha.
Waxa uu aaminsanaa in shaqada ruuxda aadanuhu tahay isku xidh iyo isgaadhsiin. Waxa uu qoray: “Ruuxda aadanuhu laba shaqo ayay leedahay: midda koowaad oo ah shaqada jidhka iyo shaqada labaad oo ah [la xidhiidhidda] qofka kale”. Waa shaqo isla falgashan: marka koowaad shaqada ay u hayso jidhka qofka, ee ah garashada nolosha gudeed ee qofka, ka dibna waxa lagama maarmaan ah in ruuxdu shaqadaas gudeed dadka kale ugu cabbirto hadal ama qoraal, iyadoo rabta in waxa gudaha ku jira dadka kale la wadaagaan. Waa shaqo uu u bixiyey “xeerka koowaad ee udubdhexaadka ah”, ee shaqada ruuxda, waa isla xeerka Galbeedka looga yaqaan dialectic, oo ah ereybixin laga soo ergistay filasoofkii reer Jarmal ee Hegel.
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ruuxda aadanuhu aanay weligeed keli noqon; ama ma jirto gebi ahaan, ama waxay wadasheekaysi joogto ah kula jirtaa dadka kale. Daahfurkan xooggani waxa uu qayb ka noqday soohidda fekerkiisa.
Egwaal keliya ma ahayn taariikhyahan ama gorfeeye dhaqan, ee sidoo kale waxa uu ahaa filasoof soo jeediyey jid lagu horumaro. Isku xidhkiisa shaqada ruuxda ee qofka iyo dialectic-gaas Hegel, waxa uu kusoo bandhigay jid qayaxan oo uu bulshada hordhigay, si ay uga xorroobaan dabarkooda gudeed, una gaadhaan ilbaxnimo. Habka keliya ee lagu soo saari karo aqoon la wadaago, sal adag leh oo khibrad ku dhisan, waxa uu u arkay doodwadaagga— isdhaafsiga fekradaha iyo islafagelinta waxa lasoo jeediyo iyo waxa kasoo horjeeda.
Haddii aan dood la wadaagin, waxna la gorfaynna, aqoontu waxa ay noqonaysaa mid gaar ah oo aan saxartirnayn, waaqacana aan lagu tijaabin, bulshaduna waxa ay dhex fadhiyaysaa mad’madow iyo maahsanaan aan dhammaad lahayn. Si qayaxan buu u qeexay waxa habboon ee ay tahay in indheergaradka Itoobiyaanku sameeyaan: waa diraasaynta labada xaddaaradood ee Yurub iyo Itoobiya, iyo tixgelinta dhaxalka labadan xaddaaradood iyo waxay goonnida la yihiin.
Aragtidiisu waa mid si qayaxan oo toos ah uga jawaabaysa furfuridda gumeysiga awoodaha casriyeynta, waxaanay ka hanaqaadday fekrad falsafadeed oo qotodheer oo ah: “ku wanaajinta isu keenidda/iswaafajinta”. Waa fekrad diiddan lammaanaynta asalka ah ee reer Galbeedka, ee ah in ay si toos ah isaga hor imanayaan casriyeynta iyo soojireenku.
Si qotodheer buu u baraarujinayaa in ay habboontahay diraasaynta labada xaddaaradood, si weynna loo baadho dhaxalkooda iyo waxa ay la gaarka yihiin. Waxa uu xoojinayaa in aan midna mid lagu beddelan karin, ama aan la isku qasi karin. Hal’abuurnimada Egwaal waxa ay tahay sida uu u fahmay in horumarku aanu ku jirin iska dheegashada ama isku milidda sar-ka-xaadiska ah, se uu ku jiro iswaafajin laga baaraanday, lana darsay, oo la dhex dhigo maanka iyo ruuxda. Arrinkan waxa uu ka dheegtay mabda’a keliyeynta, ee laahuutka ah, ee sheegaya midawga laba dabeecadood ee ah ta Ilaahiga ah iyo ta aadanaha, ee lagu kulansiiyo Masiixa, mabda’an ayaanu gaadhsiiyey heerka casriyeynta waddaniyadeed. Waa doorasho aqoonaysan oo sababaysan, ee aan ahayn kala dheegasho dhaqan oo taban.
Egwaal keliya ma ahayn taariikhyahan ama gorfeeye dhaqan, ee sidoo kale waxa uu ahaa Faylasuuf soo jeediyey jid lagu horumaro kaas oo ay sal u tahay isu keenista afkaarta iyo wada hadashiinta aragtiyaha si loo gaadho gunaanad iyo maxsuul wax ku ool ah.
Mafhuumka “heshiisiinta”, oo bulshada Itoobiya sooyaal ahaan u ahaa hannaan lagu dhaqmo, se aan ahayn falcelin ka dhalatay xallinta khilaafaadka bulsho, ayaa uu Egwaal u beddelay falsafad, xididna u yeelay. Waxa uu aaminsanaa in isu keeniddan afkaartu suurogelinayso in Itoobiya ku hanaqaaddo casriyow cusub, oo Itoobiyaan dhaba ah. Macnaha “ku wanaajinta isu keeniddu” waa hal’abuurnimo run ah, oo midaynaya awoodaha kala tagsan iyo kuwa isku milan. Qaab-fekerka Galbeedka iyo Itoobiyaanka uma arko in ay ka dhex jirto isburin wax duminaysaa, ee waxa uu u arkay kala maagganaan, laga dhalin karo midayn xooggan. Waxa soo jeediyey in waxbarasho iskudheellitirani xalal u noqon karto mushkiladaha dalka, oo ah hannaan si qayaxan u dabbaqaya mabda’aas.
Waxa uu aaminsanaa in hannaanka waxbarasho ee reer Galbeedku uu leeyahay saamayn xidid-u-siibid ah iyo reer Galbeedayn, sababtoo ah waa hannaan soo saara dad doorsoomay, ama weji Galbeed leh. Aragtidiisa, waxa argagax leh in jaamacaddu isu beddesho – halkii ay ahayd inay noqoto mid wax midaysa – haayad sii qotodheeraysa kala qaybsanaanta dabaqadaha, ardayduna ka fogaadaan sooyaalkooda iyo dhaqankooda, oo ay u arkaan caqabado, halkii ay u arki lahaayeen seeska dhismaha.
Mashruuciisa falsafadeed waxa uu metelaa figta halgan dheer oo ay Itoobiyi la gashay fekradaha casriyowga. Waxa ay u badantahay in Boqor Tewodros-kii Labaad (1855 – 1868) uu yahay xaakimkii Itoobiyaan ee ugu horreeyey ku dedaalidda aqoonta cusub – isagoon isku hawlin muggeeda feker, isaga rabay uun waxtarkeeda ay u leedahay xoojinta dawladda iyo difaaceeda. In uu keensaday shaqaale xirfad leh iyo injinneero ayaa muujinaysa in uu ogaa “awoodda ay leedahay aqoontu”, se waxa uu xoogga saaray milatari ahaan iyo siyaasad ahaan, ee ma danayn falsafad ahaan.
Waxa ku xigay Boqor Miniliggii Labaad (1889-1913) oo jidkan raacay, isagoo haayado dawladeed aasaasay: sida in uu aasaasay dugsigii u horreeyey ee casri ah (Dugsiga Miniligga Labaad) iyio cisbitaalkii u horreeyey. Ujeedkiisu waxa uu ahaa in uu aqoonta iyo kaabayaasha reer Galbeedka u adeegsado dhisidda dawlad xooggan. Aasaaskani waxa uu sees u noqday koboc feker, mana wajihin caqabadda falsafadeed ee isku dhafka laba aragtiyood oo kala duwan.
Hase ahaatee Boqor Xayle Salaase (1930-1974) waa uu la kulmay caqabadaha iswaafajinta; nidaamka waxbarasho oo keliya muu ballaadhin, ee sidoo kale xidid buu u yeelay, isagoo unkay waxa markii dambe dadka dhaliilaa ku magacaabeen “caqliyadda lixda kiilo”. Walow uu sheegay in soojireenka iyo casriyowga la isku xidhayo, haddana nidaamka uu dhisay waxa uu sii xoojiyey kala taggooda. Nidaamka waxbarasho waxa uu noqday agab xakamayn oo loo qaabeeyey soo saaridda haldoor galbeedaysan, oo hoggaamiya bulsho ka duwan. Waa sababta kala taggu usii ballaadhay, oo ah waxa uu Egwaal isku dayayo in uu awdo.
Mashruuca falsafadeed ee Egwaal Yooxanaa waxa uu metelaa figta halgan dheer oo ay Itoobiyi la gashay fekradaha casriyowga ee baro bixinaya dhaqanka asalka iyo ilbaxnimada gudeed.
Sooyaalkan baa caddaynaya sababta Egwaal uu Karl Jaspers uga doortay Martin Heidegger. Jaspers waa filasoof qaatay wax is wayddiinta furan, aqoonsan xuduudda aqoonta aadanaha, kuna adkaystay lagama maarmaannimada gorfayn iyo dib isugu noqosho joogto ah. Odhaahdiisa caanka ah ee “waxbariddu waa ruux toosisa ruux” waxa ay ku milantay Dugsiga Qine ee yaqiinsan in qiimaha wax is wayddiintu ka sarreeyo fekerka keliya. Egwaal waxa Jaspers ka helay hannaan feker ahaan u dhow: falsafad wax is wayddiinta qiimaysa, halkii wax la iska aqbali lahaa, jidna u bixisa la falgalidda duni kaa duwan, iyada oo aanu qofku isku dhex waayin dunidaas.
Markan dhinacyada la eego, Egwaal waxa uu shabbahaa mufakiriin kale oo gumeysiga ka dib soo baxay, sida Maxamed Iqbaal, kuwaas oo iyaguna waajahay caqabado la mid ah. Dhammaantooda waxa ay cuskadeen dhaqanka asalka ah, si la iskaga caabbiyo doolaalka. Baaqa Maxamed Iqbaal waxa uu ahaa; horumarinta Khudi-ga oo ah naf ku xididdaysan wacyi sare – isagoo kasoo horjeeda waxbarasho “ruuxda hoos u dhigaysa”, ku talaxtagga muuqa awgii. Isla jidkaas oo kale, ayaa uu waxqabadka Egwaal ku boorrinayaa Itoobiya, ka hortagga kala kaxaynta aqoonsiga iyo aqoonta, uguna baaqayaa isu keenid.
Marka la isku soo xooriyo, dhaxalka Egwaal waxa uu ku jiraa kaalinta uu ka qaatay isku xidhidda soo jireenka iyo casriyowga. Falsafaddiisa waxbariddu ma ahay arrin akaadami oo badhax la’, ee waxa ay ahayd dedaal waddaniyadeed oo daacad ah, si loo hirgaliyo Itoobiya casri ah oo awood leh fikir ahaan, dhaqan ahaanna xididdaysan.
Waxqabadkiisa nololeed ee sababay in loogu magacdaro dhisme jaamacadeed, waxa uu ina xasuusinayaa xidhiidhada aan la arkayn ee ka dhexeeya tagtada iyo wakhtiga taagan. Maanta yaa dhayalsada xidhiidhadaas? Haa waynu samaynaa, markasta oo aynnu ismoodsiinno in ay lagama maarmaan tahay in fekradaha cusubi dibedda ka yimaaddaan, halkii ay ka iman lahaayeen dhaqannada hodanka ah ee sooyaalka ku jira. In arrinkan la qiraa waa bogaadinta aragtidiisa, iyo qiridda in raadinta fahan dhab ah, dhammaystiran oo dheellitiran weli joogto yahay.