Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Dib u Milicsiga Sooyaal-nololeedka Ibnu Batuuta

17 March, 2025
Image
Batuta
Share

Sannad kasta bisha Febraayo waxa la xusaa dhalashada sahamiyihii reer Marooko ee Ibnu Batuuta. Socdaalkii sahamiyahani, taariikhyahannada, cilmibaadhayaasha iyo turjumaannada Carbeed iyo kuwa dunida kale, kuwii hore iyo kuwa xilligan ba, waxa uu ka helay danayn gaar ah, qiimaha taariikheed, aqooneed iyo bulsheed ee ku duugan awgii. Sahamiyahan waxa lagu tilmaamaa “Sahamiyihii Carabta iyo Cajamta” iyo “Sahamiyihii Islaamka”, qoraalka uu ka ururiyay socdaalkiisana waxa uu cinwaan uga dhigay “Tuxfatu Annadaar fii Qaraa’ib al-Amsaar wa Cajaa’ib al-Asfaar”, oo ah xogtii uu u yeedhiyay qoraagiisii Abii Cabdillaahi binu Jasi, laguna qoray amar uu bixiyay Suldaan Abuu Canaan.

Xuska dhalashada Ibnu Batuuta waxa uu innagu riixayaa dib u milicsiga safarkiisii caanka ahaa, oo aynnu eegno qiimahiisa aadame, aqooneed, xaddaaradeed, sooyaal, juqraafiyeed iyo diineedba. Waxa kale oo uu innagu riixayaa u fiirsiga tilmaamaha qofeed ee sahamiye Ibnu Batuuta iyo xasuusihiisii. Waxa kale oo habboon u dhugashada waxyaabaha madmadowgu ku jiro iyo waxa aan laga aqoon shakhsiyadda Ibnu Batuuta, xilligii uu noolaa iyo socdaalkiisa labadaba.

Danaynta caalamiga ah ee Ibnu Batuuta la siiyay ma aha wax ugub ah, oo marka aynnu si xeeldheer u akhrinno tixraacyada iyo buuggaga caalamiga ah, waxa inoo muuqanaya sida taariikhyahannadii iyo qoraayadii hore iyo kuwa cusubi ba u daneeyaan Ibnu Batuuta iyo safarkiisa. Waxa ay isugu jiraan kuwo taageeray oo u hiiliyay Ibnu Batuuta , sida qoraaga reer Ingiriis ee Tim Mackintosh-Smith, oo daabacay buug uu cinwaan uga dhigay “Travels with a Tangerine”, soona baxay sannadkii 2001, waa buug uu qoraagu raad gurayo safarkii Ibnu Batuuta, dabadeed halkaas kala dhex baxayo sooyaalkiisa qofeed.

Dhinaca kalena, waxa jira cilmibaadhayaal danayntoodu ku aaddantahay shaki gelinta sheekooyinka qaar ay u arkaan kuwo uu khayaalkiisa ka samaystay ama markii qoraalka la yeedhinayay la khalday, amaba daabacadihii kala dambeeyay ay si kale u dhigeen, oo sida uu Cabdihaadi Buudaalib xusayo, madbacadaha qaar ku tagrifaleen sida in ay wax ka jareen ama wax ku dareen. Mawduucanina waa mid mudan baadhid iyo in isbarbardhig la sameeyo, lana kala sooco wixii ah tilmaamo la samaystay iyo tilmaamaha dhabta ah. Dib u hubintani may seegin qoraaga reer Marooko ee Cabdalla Kanuun, oo dhigane uu u bixiyey “Ibnu Batuuta: Xasuusihii Raggii Caanka ahaa ee Marooko” ka qoray taariikh-nololeedka Ibnu Batuuta.

Buugga Cabdalla Kanuun waa mid ka mid ah dedaallo uu ku bixinayay sooyaalka iyo qoraalka, kuna difaacayay hal-abuurka Marooko, isaga oo deeddifaynaya tuhunnada loo soo jeediyay saqaafadda iyo suugaanta Marooko. Konton buug ayaa uu Cabdalla Kanuun ka qoray suugaanyahannadii iyo raggii caanka ahaa ee Marooko, buugga Ibnu Batuuta ku saabsanina waa buugga 25aad ee taxanahaas.

Cabdalla Kanuun keliya kuma koobsan ka sheekaynta Ibnu Batuuta, se waa buug dhinacyo badan daarran, oo taabanaya qaddiyado khuseeya Ibnu Batuuta, sida qaddiyada ku saabsan in Ibnu Batuuta aqoon ka qaatay Ibnu Taymiya iyo in kale, oo uu kaga hadlay qayb kooban oo buuggiisa ah, iyo arrimo kale oo ku saabsan Ibnu Batuuta. Arrinka innaga khuseeya qoraalka uu Cabdalla Kanuun ka qoray Ibnu Batuuta waa habka uu maray qoraallada uu ka sameeyay dadkii caanka ahaa ee Marooko, si gaar ah manhajka uu maray ka sheekaynta Ibnu Batuuta. Waa buug sida hordhaciisa ku xusan aad loo sugay xogtiisa, oo soo koobaya wax kasta oo ku saabsan Ibnu Batuuta.

Muhiimadda buugga Cabdalla Kanuun leeyahay waxa ay ku duugantahay qaabka uu isugu dhex wado: Soo koobidda socdaalkii Ibnu Batuuta, oo ah wax aan sahlanayn marka la eego sida sheekooyinku u badan yihiin, iyo in qoraagu faalladiisa ku darsado si uu u xaqiijiyo dhacdo, ama u iftiimiyo meel madmadow ku jiro. Sidaas darteed, waa buug soo ururinta socdaalka iyo baadhitaanka tixraacyadaba koobsanaya. Dhibta laga maro in wax laga qoro Ibnu Batuuta waxa ay salka ku haysaa laba qodob: Wakhtiga badan ee kasoo wareegay Ibnu Batuuta, iyo kala duwanaanta madbacadaha iyo turjumaadaha socdaalkiisa. Waxa caddayn u noqon karta in Cabdihaadi al-Taasi sugidda iyo soo saarista buugga socdaalkii Ibnu Batuuta uu u ictimaaday soddon makhduudo (qoraalladii asalka ahaa ee gacanta lagu qoray), oo ah shaqo aanu cilmibaadhe hore u samayn.

Waxa kale oo in lagu baraarugo mudan, marka aynnu ka hadlaynno qoraalka Cabdalla Kanuun ka dhiteeyey Ibnu Batuuta, in uu raacayo habkii soo jireenka ahaa, marka uu dooranayo manhajka qoraalka. Waa hab ka muuqda sida uu u qaybinayo buugga, oo ah cinwaanno isku xigxiga oo uu ka bilaabayo noloshii Ibnu Batuuta, sidii uu u barbaaray iyo samaysankiisii dhaqan, isaga oo ku xigsiinaya in uu safarkiisii u kala jab jabiyo marxalado, uu ka bilaabayo socdaalkiisii koowaad ee dalalka Bariga, safarkiisii Andulus, safarkiisii Suudaan, iyo kusoo laabashadii Marooko, isaga oo kusoo gabaggabeynaya mawduucyo khuseeya noloshii Ibnu Batuuta, geeridiisii iyo in uu ka jawaabo eedo loo soo jeediyay.

Waa sidan guud ahaan buuggu, oo waa buug koobsanaya Ibnu Batuuta; laga soo bilaabo dhalashadiisii ilaa geeridiisii kaddib. Qoraagu marka uu sidan yeelay waxa uu ka taxaddiray in uu hadalka tarmiyo, isaga oo isku dayaya in uu akhristaha u fududeeyo, una soo kobo dulucda, waxaanu iska ilaaliyay badinta wax kasta oo laga sheegay iyo sheekooyinka faahfaahsan, ujeedkiisuna waxa uu ahaa in sooyaalka Ibnu Batuuta soo bandhigo, weliba qodobbada ugu muhiimsan, isaga oo ilaalinaya habka uu qaatay ee ah in xogaha ujeedka waafaqsan uun uu xuso.

Qoraalka Cabdalla Kanuun ka sameeyey culimadii caanka ahayd, si guud, waxa ay soo gudo galaysaa taariikh-nololeed, waana sida uu ku caddaynayo marar dhawr ah qoraalka uu Ibnu Batuuta ka sameeyey. In sooyaalka qof la qoro waa wax muddo badan soo jiray, oo ah in la faahfaahiyo nolosha qof, iyada oo marar la adeegsado ereybixinta ‘Siiro’, waana wax loo yaqaan in qof qoro sheekada qof kale. Ka sokow in sooyaalka qof looga sheekeeyo qaab taxan oo dhacdooyin ah, haddana dhinac kale, manhajka uu Cabdalla Kanuun raacayaa waa dib u eegis iyo ku salaynta qaab uu dejistay, isaga oo haddana, sidii soo jireenka ahayd xusaya noloshii qofka oo faahfaahsan, dhalasho ilaa geeri.

Sooyaalka uu Cabdalla Kanuun ka qoray Ibnu Batuuta waa mid isla falgelinaya taariikh-nololeedka soo jireenka ah iyo dib u eegista nolosha qofka. Waa soo koobidda socdaalkiisa iyo kala soo dhexbixidda sooyaalka qofeed ee Ibnu Batuuta, kuna ladhaysa tixraacyadii noloshiisa ka sheekaysay, oo ay dheertahay faalladiisu. Taariikh-nololeedku waa nolosha qof, waana wax ku suurogalaya uun marka la tixgeliyo ujeeddada ah: “Soo bandhigidda nolosha qofka iyada oo lagala soo dhex baxayo sheekada laga hayo iyo fasirkeeda”. Waa sida uu Jacques Le Goff ku dooday marka uu ka hadlayo sida sooyaal qof loo qori karo.

Isla qaabkan ayaa uu Cissudiin Ismaaciil qaadanayaa buuggiisa “Suugaanta iyo Qaybaheeda”, oo ah fasirka sheekooyinka qofka ku saabsan, oo lagala soo dhex baxo sooyaalkiisa. Faallada Cabdalla Kanuun ku darsanayo sooyaalka Ibnu Batuuta waa mid xoogga saaraysa fasirka iyo milicsiga waxyaabihii saameeyay shakhsiyadda Ibnu Batuuta. Si isla falgelintani u suurawdo, Cabdalla Kanuun waxa uu sooyaalka u qorayaa qaab ka baxsan mala’awaal kasta oo lagu salayn karo waxyaabaha suurogalka ah, waana qaab xidhiidh ka dhaxaysiinaya sooyaalka iyo socdaalkii Ibnu Batuuta, ama xidhiidhinaya aqoonta guud ee sooyaalku leeyahay iyo aqoonta gaarka ah ee socdaalku daaha ka qaadayo. Marka uu sahamiyuhu, sida dhaqanka ah, sheekadiisa ku bilaabayo halkii uu ka ambabaxay, qofka sooyaalkiisa qorayaana waxa uu nolosha qofkaas ka bilaabayaa dhalashadii qofka sooyaalkiisa la qorayo. Sida Edmund Gross aaminsanyahay, ka sheekaynta sooyaalka nololeed ee qofi waa diraasad laba dhacdo ku xaddidan, dhalasho iyo dhimasho, oo ah qaab sooyaalka ka dhigaya mid gudo ballaadhan oo wax badan koobsanaya, si ka duwan socdaalka, oo ku kooban wakhti xaddidan.

Haddaba, buuggan uu Cabdalla Kanuun kaga sheekaynayo Ibnu Batuuta, walow uu si guud u taabanayo fahankaas hore ee tebinta sooyaalka qof laga haystay (dhalasho ilaa dhimasho), haddana waxa uu leeyahay waxyaabo u gaar ah, oo ah in uu xagal cusub ka istaago fahanka laga haysto taariikh-nololeedka, ahna qaab u fiirsanaya wax kasta oo ka baxsan mala’awaal. Taariikh-nololeedkan uu ka qoray Ibnu Batuuta kuma salaysna mala’awaalka iyo waxa suurogalka ah in uu dhaco, ee waa mid sooyaalka ku salaynaya dhacdooyinkii dhabta ahaa ee socdaalka ku qoran, isaga oo ku ladhaya tixraacyada kale. Habkan ayaa uu ku ballaadhinayaa mafhuumka taariikh-nololeedka. 

Waxa laga soo turjumay halkan.