Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Dib u eegista Fekerka Joorj Oorwel

20 December, 2025
Image
Dib u eegista Fekerka Joorj Oorwel
Share

Raoul Peck, oo ah filinsameeye iyo u dhaqdhaqaaqe siyaasadeed oo Haytiyaan ah lagu na yaqaanno aflaan codka dulmanaha u taagan ayaa gu'gii 2025 la gole yimid bandhigga filimada ee Cannes dhakumentari 'Curis-filimeed/ Essay-Film' ah oo dib u eegis ku samaynaya fekerka noofaliistihii waynaa mudane Joorj Oorwel—si gaar ah noofalkiisii '1984' iyo aydhoolajiyadaha siyaasad-bulsheed ee Oorwel ku iftiimiyay noofalka. Agaasime Raoul Peck, waxaa lagu xusuusan karaa dhakumentarigii uu ka sameeyay qabyo qoraalkii uu ka dhintay Jaymis Baldwin ee 'I Am Not Your Negro' iyo dhakumentarigiisa kale ee uu ka sameeyay waayo siyaasadeedkii iyo taabbagalnimadii Patrice Lumumba.

Curis-filimeedkani waxa uu Raoul Peck sees uga dhigayaa si guud sooyaalkii iyo dhambaalladii Oorwel qoray, iyo si gaar ah isdultaagidda noofalka '1984' iyo aydhoolajiyadaha dhex ceegaaga. Raoul, waxa uu ku akhrinayaa aydhoolajiyadaha noofalka waayo siyaasadeedka dunidu xilligan ku sugan tahay, marxaladaha dadnimo-tiranka ah ee la marayo, iyo siday u booraysteen qaayasoorradii insaannimo. Dhakumentarigu waxa uu dib u eegsita ka soo billaabayaa shalaydii uu Oorwel wax ka qoray, talo-maroorsigii dunida ka aloosmay, ku tagrifalkii uu 'Walaalka Wayni' bulsho kasta u gaystay iyo sida ay waayuhu maanta yihiin oo dimuquraaddiyaddii loogu awrkacsaday. Saddexdii halkudhig ee Oorwel noofalkiisa ku jiray ee lidka isku ahaa—War is peace, Ignorence is strongeth, Freedom is Slavery—ayaa sees u ah dhakumentariga oo dhacdooyinka tabintooda loo dhex marayaa.

Oorwel: Shalay iyo maanta

Dhakumentarigu wuxuu u qaabaysan yahay qaab ah isbarbardhigid iyo isu akhrinta tagtada iyo taaganta ah. Wuxuu soo muujinayaa fekerka qotoda dheer ee insaannimadu saldhigga u tahay ee Oorwel kaga fekerayay dunida, ayaankeeda iyo maraaxisha cakiran ee siyaasiga loo guulwadaynayo uu abuuro. Saddexda halkudhig ayuu ku akhrinayaa waaqaca dunida iyo dabka dhinac walba ka shidan, iyo sida ay birimagaydadu ugu dhex beyhoofaan cakirnaantaas.

Wuxuu qaadaadhigayaa oo isdultaagid ku samaynayaa kolka hore talo-maroorsiga iyo halista talo-isku-koobidda, taas oo shalay hurisay colaado, ku tagrifal awoodeed iyo addoonsi midkii ugu liitay. Haddii shalay sidaas ahayd, goorahan casriga ah waxaa soo cusboonaaday oo aqallada bulshooyinka lagaga arramiyo ka dhex arrinsho hoggaan dimuquraaddiyaddii ku awrkacsaday oo yeeshay dhaqankii walaalka wayn. Shalay haddii uu dunida ka jiray talo-maroorsi waxaa maanta dunida ka aloosantay talo-isku-koobid, taas oo keentay in dabarradii dadnimo laga gudbo oo la galo xaalado rajo beel ah. Dhakumentarigu waxa uu ka soo billaabayaa shalaydii Naasiyiinta iyo Faashiistayaashu gaysanayeen tacaddigii ugu badnaa, isaga oo ku xidhaya maantay oo Qasa laga gaysanayo foolxumooyin ka sii daran tii shalay. Taas oo marmarsiiyo lagaga dhiganayo dagaalku in uu yahay mid lagu ammaan helayo. Waayo, si ay magaalooyin u bullaalaan waa in la burburiyo magaalooyin kale. Meeyay maatadii? Waydiimo nuucaas ah cidinna isma warsanayso, oo waa ‘Meeshay laba maroodi ku dagaallamaan, cowskaa ku baaba`’.

Mar kale, xorriyadda lafteeda ayuu dhinac kale ka soo muujinayaa dhakumentarigu, isaga oo u dhigaya, in ay tahay afka-baarkiisa oo ay dadyowga qaar uun u furan tahay. Waa tii uu Oorwel ku dhiteeyay noofalkiisii 'Beerta Xayawaanka' fahanbixin ahayd; Xayawaannada oo dhan way siman yihiin se waa la sii ka la siman yahay. Xorriyadduna way jirtaa bal se dadyowga qaar ayaan lahayn xorriyad la siman dadyowga kale. Haddii shalay uu keligiitaliyuhu dhuunta hayay shucuubta dunida, maanta qofina ka ma hadli karo xasuuqa loo gaysto shucuubta Falastiin, ama shucuubta kale ee dhibbanayaasha u ah rajiimyada ka la duwan. Warbaahinta dunida iyo shirkadaha tignoolajiyadda ayaa shucuubta maantay dhuunta haya oo taasi waxa ay keentay in ay xaqiiqdii meesha ka baxdo. Waayo, mareegyada iyo baraha bulshadu xorriyaddoodu dhinac bay ka raran tahay. Cod baad lee dahay haddaad ajandahooda dhinaca ka raran aad ku afkaar tahay, haddii kale se cod ma lihid.

Kolka danbe waxa aan ka la soo dhex baxaynaa dhakumentariga sida ay wali dunida uga dhex aloosan yihiin colaado, cabbudhin, marinhabaabin iyo dadnimo-tiran keensaday hoos u dhicidda qaayasoorradii insaannimo ee loo muddaharaadayay kaltirsiyo badan. Raoul Peck, waxa uu xasuusinayaa dadyowga dunida shicaarradii lidka isku ahaa ee uu dhiteeyay suugaan dhaadhigii waynaa mudane George Oorwel in ay wali dunida ka jiraan, si kasta oo loo casriyoobayna wali la is ruugayo, ku tagrifal iyo dulanna uu jiro.

Ugu danbayn Raoul Peck, waxa uu curis-filimeedkan (2+2=5) ciwaankiisa ka soo dhex xushay noofalka (1984) ee Oorwel daabacay sanaddii 1949-kii. Shicaarku waxa uu u taagan yahay in dhabta la qasbi karo oo uu walaalka wayni ka dhigi karo natiijada si qasab ah natiijo ka duwan dhabtii la yaqiinnay. Waayo, sow caqliyadda xorta ahi ba soddomaadkii sanno ee u danbeeyay ba lagu ma doqomaysan in dadka qaar ‘argagaxiso’ kaar ah loo dhejiyo. Dhakumentarigu waxa uu durbaba cariyay oo uu boorka ka jafay garaadka daawadayaasha, sida oo kalana waxa uu daawadayaasha ku riixay in ay wax iska waydiiyaan dhacdooyinka hareeraha dunida ka jira. Maxaa wacay, dhakumentariga ayaa ah mid u qaabaysan isku akhrinta shalaydii uu Oorwel ka warramay, hilaadintiisii iyo maantay waxa dunida ka jira, gaboodfallada ka jira iyo sida tignoolajiyaddu u af duubtay xaqiiqdii iyo xorriyaddii. Durbaba waxa uu dhufsaday abaalmarinno ka la duwan, waxaa na suuragal ah in dhakumentarigu uu helo magacaabista Oscar-ta soo socoto.

Qoraallada kale ee qoraaga