Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Dib u Dadaynta Gabadha Soomaaliyeed

8 July, 2025
Image
Dib u Dadaynta Gabadha Soomaaliyeed!
Share
Hees carruureedda Soomaalida ee gabdhuhu waa halis nafeed oo dib ugu laabasho u baahan!

Ubadka in aan loo heesin, waa halis afeed. Heesihii hore in hablaha loo qaadana, waa halis nafeed oo weyn, si labadaas dhaliilood loo gufeeyo, waxay ila tahay in loo baahan yahay curin cusub oo abaydinka lagu anqariyo si caqli caafimaad qaba oo danbaysada anfaca loo helo. Qormadii hore ee aynu ku faallaynay heesaha wiilasha iyo gabdhaha, waxa aynu ku arki karnaa sida wiilashu u haystaan heeso badan oo qaayo leh, ee ay uga dharagsanyihiin kalgacal iyo dhiirrinba, in kaste oo sida loogu heeso aan loogu roonayn. Iyo, sida habluhu ay uga arradanyihiin heesaha bogaadinta, kalgacalka iyo dhiririnta ah ee ay hooyadu curiso.

Sida uu ubadka ula dhaqmo waalidku, erayada uu adeegsado, adduun-araggiisa iyo ficilladiisa maalinlaha ahi ba, waxa ay qaabeeyaan shakhsiyadda ilmaha. Waalidku waa macallinka nolosha ee ilmaha. Waa muraayadda uu ilmuhu isku eego oo ubadku sida waalidkood u arko ayay isu arkaan. Sidaas daraadeed, inanta hooyadeed hoos u eegto, nafteeda ayay hoos u eegtaa. Inanta hooyadeed "Dhibbooy yaa dhibbaay" ugu heestaa dhib iyo culays in ay xaafadda ku tahay ayaa duunkeeda dagta oo way is hiiftaa.

Waalidku waa macallinka nolosha ee ilmaha. Waa muraayadda uu ilmuhu isku eego oo ubadku sida waalidkood u arko ayay isu arkaan.

Waxa aan in badan iswayddiinayay, ma heli karnaa hees carruureed caafimaad qabta oo cabsi ka madhan? Suugaanta duuga ah ee xanbaarsan adduun araga ab-ka-soo-gaadhka ah, ma ku beddeli karnaa suugaan cusub oo dib u qeexda kaalinta bulsheed ee gabadha? Hooyada, wakhtigan nool ee aan nafteeda u qeexin sida hiddaha guunka ahi u qeexay, ma u heli karnaa heeso ay inanteeda ugu heesto oo shiidaal uga noqda xaqiiqada qadhaadh ee hortaalla?!

Isku daygaygan curinta hees carruureedka habluhu, waa ku aan is leeyahay, wuxuu rejagelin karaa hooyooyinka arka halista nafeed ee heesaha quudhsiga ahi ay hablaheedda ku yeelan karaan, isla markaana ka diday hees carruureedka Soomaalida oo dhan.

Xaqa koobaad ee gabadha Soomaaliyeed ka maqan, ayna tahay in ay raadintiisa u halganto waa; DIB-U-DADAYNTA gabadha. Haweenku sida aynu hore u xusnay bulshada dhexdeeda waa kuwo hoos loo dhigo  waxay na ka yihiin agab nafciga laga helo la qadariyo; waa balo loo baahan yahay. Cayda garashadoodu iyo aflegaadaynta abuurtoodu kolba iyada oo magac gaar ah leh ayaa madal looga sacbiyaa.. Inanta yar ee deegaan caynkaas ah ku nool, waa in kor iyo hoosba loogu sheegaa in dadka iska "haw..haw" leh ayna garasho xumida la qabin ee cilladaasi IYAGA gaar u tahay.

Hobeeya hobeey hobeeya

Hiddaha guunkee ku hiifay

Halhaysyada layska qaatay

Intuu xume kuu hagoojay

Hacooyada beenahoodu

Garaadkooday hadleene

Ma tihid hilib iyo cad liita

Ma tihid haaf laga sarreeyo

Ma tihid fidmo lagu halaagmo

Hoggaankiyo hoga-tuskeeda!

Waxa aynu ku kornaa duruufo nololeed oo qallafsan. Baahida iyo baylahda aynu dhallaannimo ku marno waxaynu ka dhaxallaa maskax faqiireed indhow-garato ah. Haween badan oo godlinta maankooda loo aayi lahaa, waxa dabartay, maskax faqiireed ku tidhi; kol haddii biilka reerka lagaa kafeeyo, waxba kale uma baahnid ama lagaagama baahna. Halkaasna, kaallin bulsheed oo buuxinteeda loo baahnaa ayaa lagu aasay. Habluhu inta ay yar yar yihiin lama baro in ay bulshada qayb ka yihiin oo wax la dhaho "xil ummadeed" oo ay qayb ku leedahay jiro, ee waxa la baraa sidii ay adeegto jajaban u noqon lahayd. Si inanta kaallinteedii dabiiciga ahayd loogu soo celiyo, waa in marka ay dhallaanka tahay loogu heesaa:

Waxaad habatiyo hankaaga

Aqoontiyo haybinteedda

Hawlaha ummadiyo dhulkaaga

Hareertaadiyo xilkaaga

Inaad hanataa habboone

Ha daynin ha quusan, hooyo.

Waxa aynu ku kornaa duruufo nololeed oo qallafsan. Baahida iyo baylahda aynu dhallaannimo ku marno waxaynu ka dhaxallaa maskax faqiireed indhow-garato ah. Haween badan oo godlinta maankooda loo aayi lahaa, waxa dabartay, maskax faqiireed ku tidhi; kol haddii biilka reerka lagaa kafeeyo, waxba kale uma baahnid ama lagaagama baahna. Halkaasna, kaallin bulsheed oo buuxinteeda loo baahnaa ayaa lagu aasay.

Waxa aad jeceshahay, waa qayb kaa mid ah. Ubadka inta jecel, waa qayb ka mid ah oo ay tahay in ay si walba haddimada uga dhawrtaan. Dhibta oo aad ka ilaashato kuma koobna e, awood kaste oo aad magansato, waad uga ducaysaa bal in uu haddimooyinka adduunka hareer mariyo. In kaste oo aan aaminsanahay, in hooyannimadu ayna iskeed kalgacal u ahayn ee gabadhiba si u dareento, haddana, heestani waa tu kalgacal oo kal muxubaysani qayb ka mid ah oo ay muddo sugaysay ugu heesayso:

Hobeeya hobeey hobeeya

Hibow hadal barashadaadii

Hadaaqa kolkaad bilowday

Markaad hooyo iigu yeedhay

Haraadka waxaad ka biisay

Kashayda hamuun ku raagtay 

 

Hobeeya hobeey hobeeya

Horseed kaahaay hobeeya

Hannaan wacaneey hobeeya

Hiraay cilmi lagu hagaago

Markaad hanatee dalkaaga

Hagtaa lagu haybiyaaye

Ha daynin aqoonta, hooyo

 

Hobeeya hobeey hobeeya

Allow hagardaamadeedda

Allow hadimooyinkeedda

Allow hawlaha adduunka

Huq iyo ciil yay ku mudanin!

Meherka, magta iyo yaradkuba maaha qiimaha gabadha gooya, waa se ka HADDA la kala siisto. Si gaar ah, meherka iyo magtu, waxay noqdeen boqortooyo jaangoysa qiimaha abuurta qabyada loo yaqaan ee naagnimada. Maxaa naagnimada looga sheegi karaa, gabadha yar ee hadda dhalatay? Waxay ila tahay, waa in loo sheegaa khuraafaadka gabadha laga aaminsanyahay in ayna ahayn xaqiiqada gabadha oo loogu heesaa:

Adoo hodanoo hormooda

Adaa hoodiyo ayaana

Adaan halo baas ku goynin

Adaa dhaqankii horreeyay

Haweenka guhaadintiisa

Intii hagardaaminaysay

Huqdiisu ku gaadhin, hooyo.

Inanta dhalashadeedda la sugayo ee lagu faraxsanyahay, heestan kalgacal in ay riyaaq galinayso ayaan qabaa:

Eey hobeey hoobeey hobeey

Noo dhaloo nabad noogu dhalo

Oo dhammooy noo soo dhawoow

Dhawranee aan ku dhawranee

Oo dhammooy kugu dhaadanee

Noo dhammee farxad noo dhammee

Oo dhabtiyo dhinacayga imo

Aan dhalyahay ku dhooldhoolinee.

Qoraallada kale ee qoraaga