Sunday 14 December 2025
Ubadka in aan loo heesin, waa halis afeed. Heesihii hore in hablaha loo qaadana, waa halis nafeed oo weyn, si labadaas dhaliilood loo gufeeyo, waxay ila tahay in loo baahan yahay curin cusub oo abaydinka lagu anqariyo si caqli caafimaad qaba oo danbaysada anfaca loo helo. Qormadii hore ee aynu ku faallaynay heesaha wiilasha iyo gabdhaha, waxa aynu ku arki karnaa sida wiilashu u haystaan heeso badan oo qaayo leh, ee ay uga dharagsanyihiin kalgacal iyo dhiirrinba, in kaste oo sida loogu heeso aan loogu roonayn. Iyo, sida habluhu ay uga arradanyihiin heesaha bogaadinta, kalgacalka iyo dhiririnta ah ee ay hooyadu curiso.
Sida uu ubadka ula dhaqmo waalidku, erayada uu adeegsado, adduun-araggiisa iyo ficilladiisa maalinlaha ahi ba, waxa ay qaabeeyaan shakhsiyadda ilmaha. Waalidku waa macallinka nolosha ee ilmaha. Waa muraayadda uu ilmuhu isku eego oo ubadku sida waalidkood u arko ayay isu arkaan. Sidaas daraadeed, inanta hooyadeed hoos u eegto, nafteeda ayay hoos u eegtaa. Inanta hooyadeed "Dhibbooy yaa dhibbaay" ugu heestaa dhib iyo culays in ay xaafadda ku tahay ayaa duunkeeda dagta oo way is hiiftaa.
Waalidku waa macallinka nolosha ee ilmaha. Waa muraayadda uu ilmuhu isku eego oo ubadku sida waalidkood u arko ayay isu arkaan.
Waxa aan in badan iswayddiinayay, ma heli karnaa hees carruureed caafimaad qabta oo cabsi ka madhan? Suugaanta duuga ah ee xanbaarsan adduun araga ab-ka-soo-gaadhka ah, ma ku beddeli karnaa suugaan cusub oo dib u qeexda kaalinta bulsheed ee gabadha? Hooyada, wakhtigan nool ee aan nafteeda u qeexin sida hiddaha guunka ahi u qeexay, ma u heli karnaa heeso ay inanteeda ugu heesto oo shiidaal uga noqda xaqiiqada qadhaadh ee hortaalla?!
Isku daygaygan curinta hees carruureedka habluhu, waa ku aan is leeyahay, wuxuu rejagelin karaa hooyooyinka arka halista nafeed ee heesaha quudhsiga ahi ay hablaheedda ku yeelan karaan, isla markaana ka diday hees carruureedka Soomaalida oo dhan.
Xaqa koobaad ee gabadha Soomaaliyeed ka maqan, ayna tahay in ay raadintiisa u halganto waa; DIB-U-DADAYNTA gabadha. Haweenku sida aynu hore u xusnay bulshada dhexdeeda waa kuwo hoos loo dhigo waxay na ka yihiin agab nafciga laga helo la qadariyo; waa balo loo baahan yahay. Cayda garashadoodu iyo aflegaadaynta abuurtoodu kolba iyada oo magac gaar ah leh ayaa madal looga sacbiyaa.. Inanta yar ee deegaan caynkaas ah ku nool, waa in kor iyo hoosba loogu sheegaa in dadka iska "haw..haw" leh ayna garasho xumida la qabin ee cilladaasi IYAGA gaar u tahay.
Hobeeya hobeey hobeeya
Hiddaha guunkee ku hiifay
Halhaysyada layska qaatay
Intuu xume kuu hagoojay
Hacooyada beenahoodu
Garaadkooday hadleene
Ma tihid hilib iyo cad liita
Ma tihid haaf laga sarreeyo
Ma tihid fidmo lagu halaagmo
Hoggaankiyo hoga-tuskeeda!
Waxa aynu ku kornaa duruufo nololeed oo qallafsan. Baahida iyo baylahda aynu dhallaannimo ku marno waxaynu ka dhaxallaa maskax faqiireed indhow-garato ah. Haween badan oo godlinta maankooda loo aayi lahaa, waxa dabartay, maskax faqiireed ku tidhi; kol haddii biilka reerka lagaa kafeeyo, waxba kale uma baahnid ama lagaagama baahna. Halkaasna, kaallin bulsheed oo buuxinteeda loo baahnaa ayaa lagu aasay. Habluhu inta ay yar yar yihiin lama baro in ay bulshada qayb ka yihiin oo wax la dhaho "xil ummadeed" oo ay qayb ku leedahay jiro, ee waxa la baraa sidii ay adeegto jajaban u noqon lahayd. Si inanta kaallinteedii dabiiciga ahayd loogu soo celiyo, waa in marka ay dhallaanka tahay loogu heesaa:
Waxaad habatiyo hankaaga
Aqoontiyo haybinteedda
Hawlaha ummadiyo dhulkaaga
Hareertaadiyo xilkaaga
Inaad hanataa habboone
Ha daynin ha quusan, hooyo.
Waxa aynu ku kornaa duruufo nololeed oo qallafsan. Baahida iyo baylahda aynu dhallaannimo ku marno waxaynu ka dhaxallaa maskax faqiireed indhow-garato ah. Haween badan oo godlinta maankooda loo aayi lahaa, waxa dabartay, maskax faqiireed ku tidhi; kol haddii biilka reerka lagaa kafeeyo, waxba kale uma baahnid ama lagaagama baahna. Halkaasna, kaallin bulsheed oo buuxinteeda loo baahnaa ayaa lagu aasay.
Waxa aad jeceshahay, waa qayb kaa mid ah. Ubadka inta jecel, waa qayb ka mid ah oo ay tahay in ay si walba haddimada uga dhawrtaan. Dhibta oo aad ka ilaashato kuma koobna e, awood kaste oo aad magansato, waad uga ducaysaa bal in uu haddimooyinka adduunka hareer mariyo. In kaste oo aan aaminsanahay, in hooyannimadu ayna iskeed kalgacal u ahayn ee gabadhiba si u dareento, haddana, heestani waa tu kalgacal oo kal muxubaysani qayb ka mid ah oo ay muddo sugaysay ugu heesayso:
Hobeeya hobeey hobeeya
Hibow hadal barashadaadii
Hadaaqa kolkaad bilowday
Markaad hooyo iigu yeedhay
Haraadka waxaad ka biisay
Kashayda hamuun ku raagtay
Hobeeya hobeey hobeeya
Horseed kaahaay hobeeya
Hannaan wacaneey hobeeya
Hiraay cilmi lagu hagaago
Markaad hanatee dalkaaga
Hagtaa lagu haybiyaaye
Ha daynin aqoonta, hooyo
Hobeeya hobeey hobeeya
Allow hagardaamadeedda
Allow hadimooyinkeedda
Allow hawlaha adduunka
Huq iyo ciil yay ku mudanin!
Meherka, magta iyo yaradkuba maaha qiimaha gabadha gooya, waa se ka HADDA la kala siisto. Si gaar ah, meherka iyo magtu, waxay noqdeen boqortooyo jaangoysa qiimaha abuurta qabyada loo yaqaan ee naagnimada. Maxaa naagnimada looga sheegi karaa, gabadha yar ee hadda dhalatay? Waxay ila tahay, waa in loo sheegaa khuraafaadka gabadha laga aaminsanyahay in ayna ahayn xaqiiqada gabadha oo loogu heesaa:
Adoo hodanoo hormooda
Adaa hoodiyo ayaana
Adaan halo baas ku goynin
Adaa dhaqankii horreeyay
Haweenka guhaadintiisa
Intii hagardaaminaysay
Huqdiisu ku gaadhin, hooyo.
Inanta dhalashadeedda la sugayo ee lagu faraxsanyahay, heestan kalgacal in ay riyaaq galinayso ayaan qabaa:
Eey hobeey hoobeey hobeey
Noo dhaloo nabad noogu dhalo
Oo dhammooy noo soo dhawoow
Dhawranee aan ku dhawranee
Oo dhammooy kugu dhaadanee
Noo dhammee farxad noo dhammee
Oo dhabtiyo dhinacayga imo
Aan dhalyahay ku dhooldhoolinee.