Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Dib u curashada Itoobiya iyo Dhaxalka Sooyaalka

16 December, 2025
Image
Dib u curashada Itoobiya iyo Dhaxalka Sooyaalka
Share

Sooyaalku waa qodobka iftiimin kara, laguna fahmi karo isbeddellada hadda Itoobiya ka socda iyo hankeeda mustaqbalka. Sidoo kale waa waxa lagu fahmi karo siyaasadaheeda gudeed iyo kuweeda gobolka. Caddaynta ugu mudani waa qaabka uu Raysalwasaare Abiy Axmed, kolkii uu xadhiga ka jarayey Dhaamka Niilka, uu usoo qatay taariikhahaas iyo dagaalkii Itoobiyaanku la galeen gumeysigii Talyaaniga, isagoo ku nuuxnuuxsaday Dagaalkii Cadwa iyo wejigiisa cusub ee hadda u dhigma ku guulaysiga fulinta Dhaamka. Waxa ka mid ah sababihii dagaalkaas dedaalkii Talyaanigu ugu jiray qabsashada marinka koonfureed ee Badda Cas, ka dib markii Ingiriisku qabsaday Masar 1882, keligiina gacanta ku dhigay marinka Suways.

Warkan bishaarada ah waxa xigay xaqiijin aan la filayn oo Itoobiya sheegayso in ay u dhawdahay gaadhidda jid badeed, hawl kasta oo ay ku kacdo, weliba iyadoo ku adkaysiga arrinkan loo cuskaday sees sheegasho sooyaal-gumeysi ah. Waa arrin marka koowaadba u muuqata burinta sheekada Itoobiya ee xilligan lagu sheego gumeysi-la-dirirka iyo u halganka danaha “dadka madow ee Afrika”; waa isla siday isburinta ugu dhacday aqoonsi la’aanteedii Heshiiskii 1902-dii ee lagu jeexay xuduudda Eretariya (si ay ugu jidbixiso doonisteeda taariikhiga ah ee soo cesashada dekedda Casab), iyo aqoonsigeedii heshiis kan la mid ah oo ay gumaystaha la gashay oo lagu jeexay xuduudda ay Suudaan la leedahay, dhinaceeda loogu soo jaray dhul Suudaan ka mid ah (oo ugu muhiimsanyahay gobolka Banishanguul ee Dhaamka Niilku ku yaallo).

Shuruudaha horumarka Itoobiya ee lagu lammaaneeyey gaadhitaanka Badda Cas “hawl kasta oo uu qaato gaadhitaanku”, iyo xidhiidhka dalkani la leeyahay dhul-ballaadhsigii boqortooyo, waa mid bannaanka keenaysa jidbixinno hore oo sooyal iyo diineed oo kakan, si gaar ahna loo xushay.

Ka dib qarniyo Boqortooyadii Cusmaaniyiintu ay gacanta ku haysay xeebaha Badda Cas ee u dhow Dhulka Sare ee Itoobiya, sidoo kale ka dib qabsashadii Talyaaniga ee dekedda Musawac sannadkii 1885, iyo gebi ahaanba Eretariya sannadkii 1890-kii, waxa soo ifbaxay arrinka ah in Itoobiya gaadho deked ay ku yeelato Badda Cas, arrinkanina waxa uu noqday tiir ka mid ah ajandayaasha ku saabsan horumarinta Itoobiyada ku saamawday gumeysiga Yurub. Arrinkani waxa uu soo baxay kol uu safar taariikhi ah ku marayey Yurub dhaxalsugihii boqortooyada kolkaas Ras Tafari (markii Xayle Salaase) sannadkii 1924, meelaha ugu muhiimsan ee uu tagayna Faransiisku ka mid ahaa.

Ka sokow soo dhawaynta ballaadhan ee xukuumadda Faransiisku samaysay Ras Tafari, haddana waa uu ku guuldarraystay in lala waafaqo in Itoobiya la siiyo dekedda Jabuuti, dedaalkanina waa caddaynta heerka qotoda dheer ee mashruuca horumarinta Itoobiya ku xidhaya afkaaro dhulballaadhsi iyo kasbashada taageero Yurubiyaan.

Mashruucyadii cusboonaysiinta ee “Itoobiya” ka hor dagaalkii Cadwa ee 1896

Xukun qabashadii Boqor Tewodros-kii Labaad ee Itoobiya waxa ay keentay hirgalinta waxa loo yaqaan wakhtigii dib-u-dhiska Boqortooyada, sida Hess Robert ku tilmaamo. Tewodros waa hoggaamiyaha tilmaanta u ah casrigan. Waxa uu xukunka qabtay ka dib sannado uu budhcad ahaa, ugu dambayna uu dagaal la galay Tigrayga iyo Shawaa, isagoo boqorkii dhallinyaradaa ee Minilik qafaashay. Dhulka shawa waxa kolkaas u badnaa dad Muslimiin ah oo Oromo iyo Canfar ah, boqolkiiba lixdanna ka ah deegaanka. Tewodros waxa kale oo uu bilawgii ku guulaystay in uu safkiisa raacsado kiniisaddii, ka dibna samaysto abtirsiin toos u gasha qoyska Sulaymaan.

Tewodros waxa uu caasimaddiisa keenay tiro Yurubiyaan ah, una badan wadaaddo iyo millatari, tiro ka mid ah dadkaasina waxa ay u noqdeen la taliyayaal, ku dhiirrigeliya in uu si joogto ah hubka uga soo dhoofsado Yurub. Tewodros waxa uu ka shaqeeyey ka bixidda “go’doonka” diblumaasiyadeed ee Itoobiya ee qarniyada soo taxnaa, isagoo keenay in uu heshiis ganacsi iyo saaxiibtinnimo la galo Boqortooyada Ingiriiska.

Hase ahaatee, xidhiidhka uu Tewodros la lahaa Ingiriisku waxa uu u xumaaday sababo dhawr ah, waxaana ugu muhiimsanaa siyaasadaha gudeed ee filanwaaga ahaa (sida London u arkaysay). Ciidamada Ingiriisku waxa ay ku marmarsoodeen badbaadinta tiro Yurubiyaan ah oo uu Tewodros xidhay sannadkii 1867, ama laba sanno ka hor furitaankii marinka Suways oo ah ka beddelay xaaladaha Badda Cas, ciidamadaasina waxa ay gacanta ku dhigeen caasimaddii Boqorka, ka hor intaanu is dilin. Ciidamada waxa arrinkan ka taageeray xoogag kala duwan oo ay ka mid yihiin Tigranyaaniyaan u sahlay maridda jidka isku xidha Badda Cas ilaa Dhulka Sare ee Waqooyi Galbeed, waxa kale oo taageeray Kiniisadda iyo qayb ka mid ah dabaqadda sare, sidanna waxa uu Ingiriisku ku kasbaday dhammaan mucaaridkii Tewodros.

Dhacdooyinkan iyo fashilka mashruucii Tewodros ee horumarinta Itoobiya waxa uu u gogol xaadhay Boqor Yohannes-kii Afaraad oo boqortooyada qabtay sannadkii 1871, kana mid ahaa taliyayaashii Tigrayga. Waxa uu sii waday siyaasadihii Tewodros, sida hoos u dhigidda awoodda haldoorka, iyadoo lagu sababeeyey in arrinkani qayb ka yahay “cusboonaysiinta dawladda”. Dabaqadda haldoorka waxa uu kala kulmay mucaaradad, waxa kale oo kasoo horjeedsaday Muslimiin Suudaan iyo gudaha Itoobiya ku sugan. Sidoo kale, waxa uu tartan adag kala kulmay Minilik oo boqor ka ahaa Shawaa. Iyadoo loollan badani ka dhex jiro labada dhinac ee Tigray iyo Shawaa, labada boqorba waxa ay sheegteen in ay ku abtirsadaan Sulaymaan. Loollanku waa uu socday ilaa ugu dambayn khilaafku degay ka dib markii wiilka Yohanes uu guursaday inan uu dhalay Minilik, sidaasna uu Yohanes ugu oggolaaday in uu ka dhaxlo xukunka boqortooyo. Kolkan Itoobiya waxa ay gashay marxalad ay awood badan tahay, kana dhex taagantahay deegaanno iyo bulshooyin silicsan.

Dagaalkii Cadwa iyo Bilawgii Kacaanka Itoobiya

Taariikhyahanka reer Itoobiya, Bahru Zewde waxa uu soo gudbinayaa xogo faahfaahsan oo ku saabsan mashruucii cusboonaysiinta Itoobiya ee xilligii Minilik, xilligiisaasna waxa uu ku tilmaamayaa in ay tahay marxladdii “samaysanka dawladda boqortooyada Itoobiyada cusub” ka dib shaqo isballaadhin ahayd oo muddo soo jiitamaysay, siiba galbeedka iyo koonfurta Itoobiyada hadda, iyo aasaasidda caasimadda dalka. Waa xilliga Minilik awoodda u helay waajihidda dhibaatada nidaamka bulsho iyo dhaqaale ee dalka, siiba intii lagu jiray wakhtigii “Macaluushii Itoobiya ee Weyneyd” (1888 – 1892).

Zewde waxa uu soo bandhigayaa in Minilik ku dayanayey boqorradii ka horreeyey ee casriyadii dhexe ka arriminayey Itoobiya, isagoo maamulka ka bilaabay dhawr saldhig iyo magaalo, ka hor intaanu sannadkii 1886 saldhigan magaalada Addis Ababa, oo sannadkii 1892-kii noqotay xarunta siyaasadeed ee Boqortooyada. Waxa kor u kacay imaatinka haldoorka iyo Yurubiyaanka ee magaalada Addis Ababa, ka dib markii ciidanku Itoobiya ka adkaadeen Ciidamadii Talyaaniga oo ay ku jabiyeen dagaalkii Cadwa sannadkii 1896, dagaalkan oo sida Zewde tilmaamayo, ah xadka kala soocay dagaalladii joogtada ahaa iyo dawladnimada saldhigatay kana hirgashay caasimadda Boqortooyada.

Arrimahan oo dhan, iyo weliba caddaymaha soo baxay ka dib dhammaadkii xukunka Xayle Salaase ee sannadkii 1974-kii, waxa ay caddaynayaan in mashruucyadii cusboonaysiinta iyo horumarinta Boqortooyadu ay ka dhasheen isballaadhin boqortooyo, laguna huray nolosha bulshooyinkii waqooyiga iyo koonfurta dalka, oo ugu dambayn ay ka samaysantay Itoobiyada hadda. Waxa kale oo cad in mashruucyadaas cid gaar ahi wadatay, oo aanay ahayn kuwo weji qarannimo leh; macnaha ma ahayn mashruucyo u dan ah dhammaan dalka iyo bulshada deggan. Waxa si wacan loo arki karaa in mashruucyada cusboonaysiintu ahaayeen qayb muhiim ah oo ka mid ah marxladihii isballaadhinta boqortooyada Itoobiya, oo figtii u sarraysay gaadhay lixdanaadkii qarnigii tagay.

Ras Tafari oo Faransiiska ku sugan: U horumarinta qaabka Yurub

Dedaallada cusboonaysiintu waxa ay ahaayeen shaqo qof keli ahi sameeyo, sababtoo ah haayadaha dawladeed waxa ay ahaayeen kuwo weli bilaw ah bilawga qarnigii tagay; kolkan waa la fahmi sababta dedaallada cusboonaysiintu hoos ugu dhaceen ka dib xanuunkii Boqor Minilik ee sannadkii 1906-dii ilaa geeridiisa 1913-kii. Boqorkani walow uu dumar badan guursaday ma dhalin marka laga reebo gabadh keli ah oo magaceedu yahay Zawditu, waxaana guursaday Boqor Maykal, oo ka talinayey dhulka Wallo ee Oromada. Boqorkani waxa uu ahaa muslin lagu khasbay qaadashada Masiixiga, sida uu tebinayo John Markakis (2013). Ras Tafari, oo kolkaas ahaa 24 jir, waxa uu kaalin weyn ka qaatay shirqoolka xukunka boqortooyo lagaga soo qaadayey Minilik, waxaanu sidaa ku noqday dhaxalsugaha boqortooyada Zawditu, halka uu sannadkii 1928-kiina ku khasbay in ay boqor u magacawdo, talada arrimaha oo dhanna gacanta ka geliso, waa ka hor intaanay dhiman sannadkii 1930-kii. Ras Tafari, oo magaciisa dambe noqday Xayle Salaase, ayaa talada dalka qabtay, isagoo isku magacaabay Boqorka-boqorrada, da’diisuna kolkaa ahayd 37 jir.

Taariikhyahan Brian J. Yates, oo faahfaahiyey kaalinta deegaannada Oromada Waqooyi ku leeyihiin samaysanka Itoobiyada cusub (1855 – 1913), waxa uu u kuurgalay sida Ras Tafari laftiisu u kulansaday aqoonsiga cusub Xabashiga. Ras Tafari waxa uu guursaday walaasha boqor Lij Iyasu, gadaasheedna waxa uu noqday dhaxalsugaha, hooyadiina waxa ay ahayd muslimad Oromo ah oo kasoo jeedda Wallo, se waxa ay qaadatay Kiristaanka sababo aan caddayn, aabbihiina waxa uu ahaa hoggaamiye ciidan oo dagaalka ku ba’an, kana soo jeeda Shawaa. Waxa la odhan karaa Xayle Salaase waxa uu ahaa Amxaari kasoo jeeda Shawaa, se dhiig Oromo leh, Islaam iyo Kiristaanna ku kulmeen.

Islafalgalkani waa waxa muujinaya qaabaysanka haybta Itoobiyada cusub, oo deegaannada Oromada Waqooyi ka yihiin qayb laxaad weyn leh. Ka sokow dedaalka siyaasadeed ee uu Ras Tafari jidka adag u maray hanashada kursiga boqortooyo, sidoo kale waxa jira qodobbo kale oo ay ugu muhiimsantahay in uu lahaa aqoon reer Galbeed, oo uu uga dhimbiil qaatay casriyeynta dalkiisa.

Sannadkii 1924-kii waxa uu Yurub ku maray safar, isagoo ku dayanaya safar uu aabbihii Ras Makonnen ku tagay Ingiriiska iyo Faransiiska sannadkii 1902, si uu uga qaybgalo caleemosaarkii Boqor Edward-kii Toddobaad, isagoo meteleyey Boqor Minilik-gii Labaad. Ku hadalka Faransiiska ee Ras Tafari waxa saaciday ka barashada luuqaddan laba ka mid ah raggii aabbihii kaaliyeyaasha ugu ahaa shaqada Harar.

Taariikhyahanka reer Israa’iil, Haggai Erlich, waxa uu faahfaahinayaa safarka uu Ras Tafari ku tagay Yurub, isagoo sii maray Qaahira oo uu kula kulmay Raysalwasaarihii Masar, Sacad Saqluul, sidoo kalena sii maray Qudus. Ras Tafari waxa ku weynaa wanaajinta sawirkiisa iyo ka dalkiisa ee reer Galbeedku ka haystaan, waxaanu sameeyey isbeddello isagoo raacaya talooyinka lataliyeyaal ajaanib ahaa oo uu soo kaxaystay, una xilsaaray ka shaqaynta wasaaradaha qaar. Waxa kale oo uu rabay in xidhiidh saaxiibtinimo la sameeyo Faransiiska, arrinkan oo laga dheehan karo taageerada Faransiisku siiyey dedaallada Ras Tafari ee ah ilaalinta madaxbannaanida dalkiisa iyo in Boqortooyada Itoobiya ay Ururkii Qaramada ay ku biirtay bishii Sibtambar 1923-kii.

Ujeedka u weyn ee safarka Ras Tafari ku tagay Yurub waxa uu ahaa in xukuumadaha dalalkaas kusoo qanciyo in Itoobiya hesho jid badda gaadhsiiya. Waxa muuqata in wafdiga la socday oo ka koobnaa 39 qof, ay dhammaan si wanaagsan ugu hadli karayeen Faransiiska, oo xitaa ay ku jireen dad Ras Tafari kula jira tartan dhinaca kursiga ahi.

Ras Tafari waxa uu Baaris gaadhay 16-kii May 1924-kii, waxaanu la kulmay soo dhaweyn ballaadhan oo heersare ah, waxaana soo dhaweeyey madaxweynihii Jamhuuriyadda, Alexandre Millerand, iyo Raysalwasaarihii Raymond Poincare, waddooyinkana waxa isugu soo baxay shacabkii Baaris, si ay u daawadaan weftiga Ras Tafari, sida in uu yahay “boqor ka yimi sheekooyinkii Kun Habeen iyo Habeen”.

Ka sokow in warbaahintu si weyn uga sheekaysay bookhashada Ras Tafari, haddana warbaahintaasi umay dhaadhicin danaha dhaqaale ee Faransiisku ka leeyahay Itoobiya iyo khayraadkeeda. Xukuumadda Faransiisku waxa ay ku dedaashay in ay Ras Tafari usoo bandhigto tiknoolajiyaddii millatari ee ugu dambaysay, walow Faransiiska gudihiisa horeba doodi uga jirtay ku saabsan halista ka dhalan karta iskaashiga Itoobiya ee uu ku yeelan karo Jabuuti. Ras Tafari wax la taaban karo kama soo helin safarkan iyo ujeedkiisii ahaa in la siiyo dekedda Jabbuuti.

Ugu dambayn, ka sokow natiijooyinka siyaasadeed ee ka dhashay safarkaas, haddana u hanweynaanta in dalka loo horumariyo qaabka Yurub, waxa ay ahayd riyo boqorrada Itoobiya ka dhex guuxaysay, ilaa ugu dambayn boqorkii u dambeeyey xilka laga tuuray 1974-kii, kolkaas oo nidaamkii yimi uu dalka ku xidhay Shuuciyada, ilaa laga soo gaadho kacaanka cusub ee Abiy Axmed wado, oo seeskeedu yahay in dalal gobolka ah la is foodsaaro.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Sahyuuniyadda Kiristaanka ee Dalalka Bariga Afrika

Dhaqan

Elayna Seleke iyo aqoonta xerudhallanka ah