Sunday 18 January 2026
Dhul gariir cabbirkiisu yahay 4.5 darajo ayaa ku dhuftay waqooyiga Itoobiya galabnimadii Isniinta. Dhul gariirkan ayaa laga dareemay magaalada Maqalle oo ah Caasimadda gobolka Tigray iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee ku xeeran. Kooxda gurmada degdegga ah ayaa judhiiba bilaabay dedaallo ay ku qiimaynayaan xaaladda, ilaa hadda oo warkan la qorayana ma jiraan warbixinno tilmaamaya khasaare weyn oo naf iyo mood ba leh oo uu gaystay.
Sida laga soo xigtay xogta nidaamka wacyigelinta masiibooyinka ee loo soo gaabsado (GDCAS) oo Iyana xiganaysa xarunta Macluumaadka Dhulgariirka Qaranka ee Maraykanka (NEIC), dhulgariirku waxa uu dhacay abaaro 0:05 waqtiga caalamiga ah (23:05 wakhtiga maxaliga ah) waxaana lagu qiyaasay qoto dheeraantiisa 10 Kiilomitir. Kolka loo eego baaxadda uu gaadhsiisanyahay dhulgariirku, iyo dadka ku nool aagga uu ku dhuftay, qiimayn hordhaca ah ayaa sheegaysa in saamayntiisa naf iyo mood ba leh ay tahay mid hoosaysa oo aanu gaysan khasaare culus.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay dareemeen dhulgariirka, warbixinno kale oo laga helay deegaamado ka tirsan Gobolka Tigray sida Askum, Shire, May Jaw, Wukro iyo Cadwa ayaa iyaguna tilmaamaya in laga dareemay magalooyinkaas, waxa iyana dhulgariirku uu gaadhay deegaamo ka tirsan ismaamulka Cafarta.
Dhulgariirkan ayaa imanaya dhowr bilood ka dib, dhulgariir ka xoog badan oo ku dhuftay Waqooyiga Itoobiya. Sida ay tibaaxayaan warbixinno hore oo ay soo xigatay GDACS dhulgariir darajadiisu tahay 5.7 ayaa taariikhdu markay ahayd 11-kii Oktoobar 2025 ku dhuftay waqooyiga Itoobiya, waxaanu khasaare u gaystay dhismeyaal ku yaalla Canfarta iyo Tigrayga.
Isla ilahaas laga helay xogta ayaa xusaya in uu gaystay khasaare nafeed kuna dhintay ilmo yar 12 jir ah, gaar ahaan degmo ka mid ah gobolka Cafarta, halka ay ku dhaawacmeen sagaal qof, waxayna waxyeelo hantiyeed soo gaadhay in ka badan 1,400 oo guri iyo 12 Xarumood oo dadweyne oo ay ka mid yihiin Iskuullo iyo Xarumo Caafimaad
Walow dhulgariirkan shalay ku dhuftay Degmooyinka Gobolka Tigray uu ka hooseeyey darajo ahaan kii Oktoobar, haddana khubaradu waxa ay u xusayaan soo noqnoqoshada dhulgariirku in ay keenayso in dib loo qiimeeyo badqabka dhismayaasha iyo kaabayaasha muhiimka ah siiba deegamada hore ula kulmay khasaaraha. Waxaana la filayaa maamullada maxalliga ah iyo Kooxaha la tacaalista masiibooyinka gaar ahaan Gobollada Tigray iyo Cafar iyo in ay dib i qiimayn sameeyaan.