Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Fan

Dhool Faneed

14 October, 2025
Image
Dhool Faneed
Share

Fanka haweenku waa uu ka farshaxansan yahay ka ragga, waayo, maansada (oo ah salka hoose ee fanka) oo dhami waxa ay ka soo farcantay maanka hooyada. Iyadaa luuqda, jiibta, jaanta, baddaha kala duwan iyo qaabsunsunka xarragada leh u samaysay, qofkuna waxa uu sameeyo waa uu ku xarragoodaa qabashaddiisa.

Waxa aannu fadhinnay maqaaxi shaah markii mid ka mid ah shantayadu uu si kedis ah noo wayddiiyay in uu qof waliba sheego dookha fannaankiisa koowaad, labaad illaa kiisa shanaad. Waxa ay ahayd su’aal furan oo aan qofna ku qasbanayn jawaabteeda, laakiin, jalbeebin wanaagsan u ahayd golaha. Raggu haddii uu saddex ahaa waxyaabaha aannu ka sinnayn waxa ka mid ah ‘dookha’ weliba ka fanka. Qofba hees ayaa baarka sare la ah. Haddii la odhan jirey, ‘arrin nin tuur la leh ayaa nin kale la toosan’ waxa aannu taagannahay hees nin la toosan ayaa mid kale tuur la leh, furfurnaantiisa iyo in qofba halka uu cugto ka durduurtaa waa sababta u gu weyn ee fanku u yahay fidro iinsaani ah. Qiyaas malaha fanku oo waa badweyn aanad ka waayayn dookhaaga haddii aanad samadiid ahayn, sidaydana waa aad jeclaan kartaa hobollo tira badan iyo heeso ka badan. Golayaasha ballan la’aanta ka dhashaa xiise aan laga go’in ayaa ay inta badan leeyihiin heer la is odhan karo waa ay ka foolaadsan yihiin kuwa ballanta ka dhasha. Waa sababta aannu fadhigan bilaa qorshaha ah isugu wayddiinayno su’aalahan bilaa qorshaha ah. Nin waliba jawaab waafi ah ayaa uu bixiyay, waana la wada dhegeystay. Gabagabaddii, ayaa aan dib u milcsaday dookhii ka la duwanaa ee asxaabta, aniga oo gaar u eegaya bal in ay jiraan hobol ay ka siman yihiin jacaylkiisa iyo dhegeysigiisa. Saa, waxa ii soo baxay fannaanad aanu dhamaantayo dooranay. Waxa aan si hoose isu wayddiiyay sababta intan oo qof oo aan is ogayni ay hal fannaanad isugu raaceen! Feker kooban ka dib, waxa ii soo baxday in hibada fannaanaddaasi kulansatay taageerada intan leeg.

Anigu, markii aan shantayda kaalmood sheegayay fannaanadan waxa aan ka dhigtay kaalinta koowaad. Waayo, baddanaa luuqda meerisyadan hoose ayaa si qumman laabtayda isugu dhiga oo aan beryo gudahayga ka sii dhadhansadaa:

“Sida laygu kaa ladhay

Haddaad igu lammaan tahay

Laabtaan ku gelin lahaa

Libintaan la hoyan laa

Sow maynnu kala lumin?”

Waa Khadra Daahir Cige (1957-2022) oo kalgacal heesaysa, waxa ay soo bandhigaysaa dareen gudaheeda ka guuxaya oo ay ku metelayso boqollaalka taageere ee ay caroogga iyo codbaahiyaha u tahay. Qof waliba dareenkiisa ma sheegi karo, haddii, ay dhacdana sida fannaanadan uma soo bandhiggi karo. Si aan waxba u ga dambayn ayaa ay hees walba u qaadday, waa ay ku xoogsatay oo laba laxaadsatay. Xirfaddeeda ugu horraysa u guna dambaysaa waxa ay ahayd fan, heesid iyo hanashada laabaha caashaqu xulay. Ereyada sare waxa ay tidhi iyada oo qofkeeda u sheegaysa sida ay u jeclaan lahayd in uu ugu ‘lammaanaado’ ee ay iyaduna isugu ‘ladhi’ lahayd iyo in ay laabta gelin lahayd oo weliba ku HAYN lahayd, libinta iyo guusha guurkooda la hoyan layd, aadna ay uga xun tahay in ay hadda ka la lumeen oo xaalkoodu yahay, “Gacmahaba nimaan kuugu jirin laabta lama geeyo.” Maya, maya dhankan kale soo eeg. Waxa ay tidhi iyada oo si kale hadalka u dhigaysa, laakiin isla ujeeddadii leh;

“Dadkoo dhammi ha wariyeen

Dareenkaygu inuu yahay

Naftu kay la duubnayd

Darin innaan la jiifoo!"

Waxa ay leedahay jacaylku qarinta iyo in la huuriyo kuma sama “wixii aad qarsataana waa ay ku qarsadaan” waxana ay ku dooddaysaa haddii ay sidaa tahay, maan kor u gu geeraaro in uu dareenkaygu yahay doonidda qofkii ay naftaydu gacalootay, kii aan dhiggii ka doortay ee aan nafta hadyadda uga dhigay. Mucaashaqiintu Khadra waxa ay u gu yeedhaan “Hooyada Jacaylka” iyagaa magacan u garoocay in lagu maamuusayo oo lagu sharfayo ayaa ay u eeg tahay, waayo, jacaylka ayaa ay jaclayd. “Qof aan wax jeclaani miyuu jiraa.” Ayay kaga naxsatay Cabdisataar oo warraysi kooban kaga qaaday Telefishanka Qaranka SL. Waa su’aal ay jawaabteeda hore u qaddintay oo qof iyada garanayaa heeseheeda ka fahmay. Waxa ay kusii dartay, “ubadkayga, odaygayga, ehelkayga iyo guud ahaan bulshadayda waa aan jecelahay, jacaylkuna waa qurux.”

Dhoolku daruurta waa uu ka cad yahay, ka qurux badan yahay, ka muuqdheer yahay, kana biyo badan yahay sidaa si la mid ah ayaa ay dhiggeeda uga foolaadsanayd, mar labaadna waa sabab kale oo ay u noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee ay Kooxda Waaberi qaadato. Daabuurka iskuulka illaa dunida dacalladeeda waxa Khadra geeyay codkeeda toolmoon. Heesiba heesta ay dhanka kalgacaylka iyo jacaylka ka xigto ayaa ay xulan jirtay; nacayb iyo sharkiisana shaqo kuma ay lahayn. Xasan X. Cabdillaahi (Geney) ayaa Khadrada aynnu la tacajabsannahay loo tiiriyaa haddii cidi soo labaysana waxa ay xustay macallinkeeddii faneed ee Saalax Qaasim. Kala badh heesaha ay ku shaacbaxday waxa sameeyay Xasan. Khadri waxa ay ahayd qof dedaal badan, karti u dhashay oo halganka nolosha yaraan ku bilaabay. Indhaqaadkeeddii koowaad ee fanka ayaa uu jacaylku ku lammaanaa. Waxa ay caashaq daran oo dadkuba wariyeen u qaadday Axmed Cali Cigaal oo da’ ahaan ka weynaa kana caansanaa: Waxa ay tidhi:

“Afkuu lagama sheegtoo

Adigoon jacayl arag

Looma uurxumaadee

Aniguu i helayoo

Intuu soo abraaruu

Xidhig igu adkeeyee

Sowtan aramidiisii

Oofaha dhexdoodiyo

Adhaxdii i goysay…”

Intaa marka ay si calaacal leh afkeeda u ga soo dhammayso ayaa ay xusuusanaysaa ciddii ku abuurtay iyo sida aanay gacmaha u gu jirin, (hadda garo oo waaba heesteeddii koowaad) iyo dabcan sida ay keligeed jacayl aan lala wadin wakhtigeeda u gu lumisay; markaasaay ku sii daraysaa:

“Kii igu abuureen

U ilmaymayoow

Haygu eegine ii imow…”

Ama aynnu soo qaadanno mar kale oo ay ku luuqaynayso heesta ‘Geeddiga hayaankuba ‘ ee uu midhaheeda leeyahay Xasan-Ganay ayna la qaadayso jaalkeeddii Axmed C. Cigaal oo ku jirtay riwaayaddii Jin iyo Jacayl:

“Mar haddaynnu nahay gacal

Oon ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu furay

Garashada xusuusoo

Isii GACAN walaalnnimo…”

Gobtu way liicdaa mase jabto ayaa ay soomaalidu tidhaahdaa. Khadrina sidaa si la mid ah ayaa marmarka qaarkood nafta soo jaracelinaysaa. Waa ay is qabanaysaa oo waxa ay nafta u sheegaysaa si kasta oo jacaylku u weyn yahay haddana in aan xarragada laga tegin oo nafta aan la hanqaarin in ka badan inta ay qaadi karto. Waxa ay ku adkaysanaysaa in maalmaha gaabiska ah lagaga gudbi karo adkaysi iyo sabir, culayska jacaylkana uu ka danbayn doonno isla fudaydka iyo farxadda uu leeyahay marka uu guulaysto. Iyada oo arrintaa tasdiiqinaysa ayaa ay codbaahiyaha qabsanaysaa oo korugu luuqaynaysaa:

“Ayaamahan gaabiskaa

Horraadkaan goddol lahaa

Hadday iga gaaggaxsheen

Iyana waxaan kaga gudbaa

Gobeey liicoo ha jabin!”

Jacaylku waxa uu soo degaa “xilliyada waxsaareenka iyo saacaddaha reebban” habeenkii ayaa qofka mucaashaqa ah cirka madawgiisa loola baxaa markaasuu sidii Saynab Cige yidhaahdaa, ‘sariirtaan dusheeddii, daawada hawada sare’ illaa goorma? ‘illaa waagu daalaco.’ Xannuunka iyo jacaylku astaamo badan ayaa ay wadaagaan, jacayl ku helyaaba waa xannuun ku hel. Sidii Weedhsame sheegay ayaa aad cisbitaalka boholyowga galaysaa markaasaad bukaanjiifka noqonaysaa, markaasaad cuudka sayloon ka dhiganaysaa, markaasay cuntadaadu qaraamka noqonaysaa, markaasaad dhar casaana xidhanaysaa (hadda iyada oo habeen mugdiya ah ayaa aad qolkaaga dhexdiisa ku lebisanaysaa sidii oo aad ballan la leedahay cidda caloolyowgan ku badday), markaasaad cadarka haabanaysaa; adigoo bixitaan u holaday ayaa wadaadku daakirayaa markaasaad hakanaysaa. Marka xaalku halkaa taagan yahay ma wax aanad sida Khadra ku heesinbaa:

“Allahayow fogaydee

Nafta meelaan kala faqay!”

Waa ay isla baxday, tallantay oo nafteeda ku fogaatay. Dhakhaatiirta kasmanafeeddu talada u gu weyn ee u hayaan dadka jacaylka la ildaran ayaa ay ka mid tahay in qofka iskii isu dabiibo oo sidii Saalax Sanaag yidhaahdo, ‘Anigaa naftayda dhayaaya, dhakhtarkeeda guud noqonaaya, (sidoo kale) farxaddeeda gaar u dhisaaya.’ Waxa ay ku daraysaa ay dhibaato ku filan martay oo hadda aanay wax kale qaadayn ‘in dhibaato igu filan, faraqaan ku haystaa.’

Weedhsame waa baarka sare ee suugaanyahanka xaadirkan, maanso sidiisa baarka sare ah oo uu kaga warramayo qof uu ka dhintay qofkiisii kale ayaa uu u bixiyay, Dareenba Dareen Xanbaar. Maansadu waxa ay ka mid ahayd silsilad markii lala wadaagay maansada koowaad ee silsiladdu ka dhalatay uu dareenqaamay, dabadeed, dareenkaa koowaad ee lala wadaagay kiisii xanbaaray oo qaaday. Waxa aan u ga golleeyay marba hees ayaa hees kale xanbaaraysay oo si aan usoo kala hormariyo ayaa aan garan la’ ahay midhaha hibamaalka iyo hooyada jacaylka ee Khadra Daahir Cige Cigaal. Ma waxa aan soo qabtaa: Faraskaagi Laga Badi mise Isha Sacabka Mari mise Sheekabaralay mise Ubaxbaan Sidaa mise heesta sida Mahiigaanka u culus ee Mahiigaan… Soo soco.

“Ma ogtahay in badan baan

Kaa aammusnaayoo

Afka kaala baqayee,

Ma ogtahay indhaha iyo

Uurkuba darraaddaa

Iney kuu ilmeeyaan

Kalgacayl la ooyaan…”

Cumar Xasan Rooraaye iyada oo la heesaysa ayaa ereyadan sare u gu luuqaysay si xadanto iyo xarrago leh. Waxa ay rumaynaysaa heesteedii hore ee nuxurkeedu ahaa “waxba ha qarin jacaylakan sheego”. Markan jacaylkeeda ayaa ay sheegaynaysaa waxa ayna inna baraysaa sida qof aad muddaba dareen u haysay u gu soo bandhiggi karto ee waliba u gu qancin karto. Farsamooyinka qofka wax looga dhaadhicin karaa waa ay badan yihiin waxase u gu caansan in aad is dabciso marka aad codsi wadato tiiyoo aad dadnnimada aqoonsan tahay. Waxa ay leedahay muddaba waa aan kaa aamusnaa, afka waa aan kaala baqayay sidoo kale ileyn jacaylku meesha uu halaalaa waa duunka qofka e, hoosbaan u ooyaa uurkayguna waxa uu la qiiraysan kalgacal xoogaystay oo aan ADIGA kuu qabo. War caddaaday. Yaanan kaa dhicin e, waliba adhaxda igu qaad ayaa ay u sii raacinaysaa. Inkasta oo aannu Cumar soo digigixanayn haddana go’aankeeda waa ay ku adkaysanaysaa.

“Jiriyo hadda jooguhuba

Aadmigu ways jiidhayaan

Haaddana laba jaceyl dhexyaal

Sinnaba uma kala jarmaan.”

Carab iyo labaddiisa daan ayaa isugu dhow, iyaguna waa ay is qanniinaan ayaa ay Soomaalidu halqabsi u leedahay. Waxa ay ka dhigan tahay heestan sare oo markhaati ah in la isku dhici karo, qaladaad iman karaan, laakiin sirtu ay tahay in aan lagu kala tegin ee xalka loo dhawaado mar walba. Jacaylka inna dhexyaalla awgii yaynaan u kala tegin ayaa ay Khadri leedahay waana gar oo wax ka weyn oo loo baaqan lahaa ma jiraan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Tix

Suugaanta Safarka

Buug

Muxuu inna Barayaa Buugga Xeer Ciise?

Dhaqan

Hibamaalka iyo Farsamada Soomaaliga

Fan

Raaca Saddexaad ee Fanka Soomaalida