Sunday 18 January 2026
Maqaalkani waxa uu faallaynayaa Buugga uu qoray Cabdiraxmaan Barkhad Good ee “Jiraha Cusub: Faaqidaadda Qofka Ka Dhashay Waayaha Jabbuuti.” Cabdiraxmaan B. Good, waa aqoonyahan muddo badan ku noolaa dalka dibaddiisa. Shahaadadda sare ee waxbarashada waxa uu ku qaatay falkinta suugaanta. Buuggan “Jiraha Cusub” nuqulka koowaad waxa uu qoraagu ku qoray af Faransiiska, mar labaad waxa af Ingiriisi u soo turjumay Cali Cabdi Cumar. Dabadeed nuqulka Soomaaliga ah waxa ka shaqeeyey in uu soo baxo oo turjumay Cabdicasiis Guudcadde.
Bilawga koowaadba waxa uu qoraagu u hollanayaa qeexidda iyo u taariikhaynta jiraha cusub. Buuggani, waxa uu daarranyahay kasmonafeed, taariikh, iyo cilmi bulsho. Waxa uu ku wada saabsanyahay, sida uu jiruhu uga falceliyay waxyeellada ay ku sababtay cidda hagardaamaysay. Waxa uu ka warramayaa nafsad bulsho. Bulsho tobannaan sano ku jirtay dagaal sokeeye, oo kumannaan qof uga dhimmanayeen awga qabaal yar oo dalooshamay. Dabadeed gumeysi uga dambeeyay oo nin cad oo kibirsani “harawsi” iyo gumayn isugu daray, ka gadaalna mooryaan la isir ah iyaga se nin cad-is-mood ahi ugu dambeeyeen, askar kelitalis ahi ugu sii xigtay oo inta ay rejo geliyeen ku wacad furay. Abaaro, dagaallo sokeeye, qax, busaarad, iyo dawlad la’aanina ugu darsantay balanbalkaa hore.
Bulshadaasi sida ay nafsad ahaan u burburtay, qofka waayahaas ka dhashay, ama se bulshadaa qaybta ka ah ee booguhu soo gaadheen, waa ummad noocee ah? Sidee ayaa ay u fekeraan? Caynkee u noolyihiin? Nolosha sidee u arkaan? Diinta iyada maxay ka joogaan? Akhlaaqda sidee ayaa ay isku yihiin? Sidee se ay timaaddada u ga falceliyaan? Buuggani, waxa uu dersayaa bulsho kasta oo muslin ah ama aan ahayn oo waayahaa qallafsan si uun u martay; gaar ahaan bulshada Afrikaanka ah, si hoos u sii gaaraysanna Soomaalida. Se daraasadda uu qoraagu sameeyay waxaa agab u ah oo ay ka shiidaal qaadanaysaa waayaha iyo jiraha Jabbuuti (tani kama dhigna in aan loo adeegsan karin dadka ku nool ama la nool xaaladdan jiraha Jabbuuti oo kale).
Waxa uu odhanayaa qoraaagu, “Ma aha shaacsane cusub, in dadka qaar ay la wareegaan dal iyo qaran, waxa ay maraan waddooyin isku mid ah. Sidaa si la mid ah kelitaliyayaasha iyo gumaystayaashuna waa isku ujeeddo, natiijada ka soo baxdaana waa isku mid uun. Arxandarradoodu se waxa ay isla beddeshaa heerka kala duwanaanta dareennada kelitalisyada, qaarkood baa raciyaddooda guba, qaarkood way xabaal-nololiyaan, halka kuwo kelena ay cabudhiyaan oo ay car ‘juuq’ iyo ‘jaaq’ dheh yidhaahdaan. Halkaa waxa ka soo dhex baxda shakhsiyad cusub, oo ku dhex kortay oo uu qaabeeyay caalam ka madhan xorriyadda, oo ay xaaraan ka yihiin “Arrimaha dad lagu yahay” oo dhami. Shaqsiyaddaas cusub camalkeeda, caadaddeeda iyo caqligeeda ayaa uu qoraagu sawirrayaa isaga oo u gu yeedhaya magacyo kala duwan sidan: Jiraha Cusub, Habawsane, Dhaladka, Shaqsigeenna ikk.
Buugga dhexdiisa, qoraagu waxa uu qodob qodob u dulistaagayaa xidhiidho dhawr ah uu Jiraha cusub la leeyahay laamo kale oo Iyana dhawra. Waxa uu u gu horraysiinayaa Xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo aayaha: Qoraagu waxa uu tibaaxayaa in jirahan cusubi aanu saamayn muuqata ku lahayn dhacdooyinka iyo hannaan socodka noloshiisa, aad na u liito, leexadu sidato oo uu hadba laan cuskanayo ama dheh xunbo cuskanayo. Mar kale waxa uu ka warramayaa in uu dhibbanuhu yahay qof fadhiid ah, oo fadhi-ku-macaashkuna yahay rejadiisa u gu weyn ee nolosha.
Waa qof aan xambaari karin masuuliyaddaha noloshiisa, sidoo kale aan ka xumayn qaabka uu yahay ee dacdarrada ah. Waa qof la’aad ah oo aan noolaan karin la’aanta cid kale. Shaqsigeennu ma awooddo in uu shaqo qabto, ama waqtiga shaqada u jaango’an uu dhammaysto, taasina waxa ay dhashaa in uu musmaasuq ku doonto shaqo dawladdeed. Habawsanuhu, dhawr mashruuc buu gacanta ku dhigaa muddo kooban, qoondadii loo diyaariyay inta uu naqad ku qaato ayaa uu bulshada iyo dawladdana afka boodh-u-marsadaa, shaqaddii loo dirayna uma dhaqaaqo kamana hor-ka-wareego.
Qoraagu waxa uu ku dooddayaa in ay dhawr qodob taageerayaan in uu shaqsigeennu sidan sii ahaado, ama isaga oo sidan u xun ay haddana noloshu u suuragasho, oo uu ilaa heer madaxeed noqdo, xil baarlamaan qabto, isaga oo aan sharcidejin iska daaye qoraalka iyo hadalka si fiican u aqoon. Waxa uu qoraagu arrimaha saamaxaya nolosha jirahan cusub kusoo koobayaa: 1) Qaab nololeedka iskuraranka ah ee bulshada, ee qoysku isku dul noolyahay. 2) Hoosaynta ama jiritaan la’aanta awoodda sharci oo dawladdeed. 3) Shaacsanaha dhaqanka. 4) Aqoon la’aanta oo uu si gaar ah u xusayo nidaamka manaahiijta gumaystuhu dejiyay iwm. Iyo 4) In asalkaba jirahani la noolyahay bulsho si walba isaga ula mid ah, oo aanay jirin fursad lagula yaabaa.
Dalku waxa uu si walba ugu eeg yahay jirahan cusub. Dr. Cali Wardi—caalim iyo saykoolajiiste reer Iiraan ah—baa isaga oo ka warramaya dalalka uu jirahani ku noolyahay, waxa uu yidhi, “Waan ka xumahay, haddii aad ku xanuunsato dalkayaga, kuuma helayno dhakhtarro wanaagsan oo aannu kugu dabiibno, laakiin bushaaro waxa aannu leenahay masaajiddo qurux badan oo aannu kaga tukanno maydkaaga, marka aad dhimato!”
Waxa uu qoraagu mar kale dul istaagayaa, isaga (jiraha) iyo qabiilka. Marka uu habawsanuhu ku fashilmay noloshiisii shakhsiga ahayd, waatii uu dawladda isku maqiiqay, arrintaana laba qodob oo waaweyn ayaa ku badhitaaray, 1) Waa dhismaha iyo awoodda qabiilka, iyo 2) Jirahan oo is dabamarinta xariif ku ah. Sidaa awgeed waxa uu markan si gaar ah isu dultaagayaa shaacsanaha qabiilka. Dr. Bulxan oo dersaya waayaha qabiilka iyo qofka Soomaaliga ah, buuggiisa Siyaasad Dhagar Walaal, waxa uu u bixinayaa “Clan Neorosis—waallida qabiilka” waxa uu tilmaamayaa in Jiraheennu la noolyahay waalli wadareed qabiil, oo marka uu magaca reerkiisa ama reer kale maqlo, waxa uu jeebka dambe gashada caqliga iyo maangalnimada. Sidaa si la mid ah Cabdiraxmaan Good waxa uu tibaaxayaa in aannu qabiilku keliya sidaas uun ahayn, ee sidoo kale uu yahay maqal, uu jirahani sida baarasaydka ku dul nool yahay. Wuxu tilmaamayaa in uu hagardaamada jirahan fursad siiyo qabiilku, sidoo kale na uu badhi taaro jiraha, si uu haadaanta uga duulo.
Mar saddexaad, waxa uu qoraagu u hollanayaa in uu eego shakhsigeenna iyo baabka tacliinta. Iskuullada dalku si guud waa nidaam caskari ah oo uu ka tegay gumeystuhu, nidaamyada kelitaliska ahina ay sii bullaaliyeen, waa nidaam aan dimuqraaddi ahayn oo is askariyeyn ku dhisan, ardaygana waxa loo barbaariyaa si uu shaqaale iyo borolotaariyaan daacad ah u noqdo.
Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil waxa uu buuggiisaa GUMAYSTOW LAGU LA DOOD ku tibaaxayaa, in 1895 ay Kiiniya ku noolaayeen dad ku dhow 4 malyan, halka tirakoob kale oo la sameeyay 1935-kii na ay sheegayso in tirada bulshada Kiiniya ay tahay 2.5 malyan oo keli ah, afartankaa sano ee u dhaxaysay 1895—1935-kii waxa ay bulshadaasi hoos u dhacday 1.5 malyan oo qof, oo isugu jira dad gumeystuhu laayay si uu u helo geedka Kafeega ee ay reer Kiiniya eersadeen, iyo tiro aad u yar si ay u badbaaddo. Kontonkaa sanno ee uu oo barakacday gumaystuhu haystay Kiiniya waxa uu ka furay afar dugsi oo keli ah.
Taasi waxa ay caddayn u tahay in ujeedka gumeystaha ee dugsiyadu aannu ahayn in uu bulshada wax baro, ee ay ahayd. 1) In uu baro afkiisa, si ay u wada xidhiidhaan isaga iyo addoontiisa iyo shaqaalihiisu. 2) In uu dhaqan geddiyo, oo af walba waxa ku lammaan ilbaxnimo iyo taariikh e, uu dhaladka ku sandulleeyo taariikhdiisa iyo ilbaxnimadiisa. 3) In uu soo saaro dad la dhacsan gumeystaha—shaqaale ama addoon u jajaban. Iyo 4) In uu abuurto indheergarato iyo mutacallimiin reer galbeed ah, laakiin muuqa dhaladka leh. “Dusha midabka Soomaalibaad dugulka moodaaye, misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal.”
Dr. Cabdiwahaab El Mesiiri (1938 -2008) oo sharraxaya nidaamka tacliineed ee jirahan cusub, maxsuulka ka dhashay iyo asalkaba halka uu ku aroorsanyahay, ayaa ku leh kitaabkiisa Rixlat al-Fikr (رحلتي الفكرية) “Waxa jirta guuldarro gudeed oo ku abuurantay reer bariga, taas oo ay reer galbeedka kaga dhigteen isha keli ah ee aqoonta.” Dr. Massiiri waxa uu ku tilmaamayaa nidaamkan tacliimeed in uu yahay qaab uu gumeystuhu innagu “harawsaday.” Sidoo kale, xidhiidh wanaagsani kama dhexeeyo jirahan iyo afkiisa, aqoontana afqalaad ayuu u yaqaannaa.
U gu danbayn, Good, waxa uu ku dooddayaa “hawlgalka dibudadaynta” in qofkan iyo xaaladdiisa ba sheedda laga soo eego oo si qun ah loo derso. Taas darteed waxa uu keenayaa xalal qodobbaysan oo lagu dhismecelin karo dhibbanaha: 1) Haddii uu Daarwin aadanaha ugu yeedhay Homosepian, waxa uu Dr. Cabdwihaab El misiiri buuggiisa Falsafal maadda wa tafkiik al iinsaan ugu yeedhayaa Homometafiisikis, ustaad cabdiraxmaan oo arrintaa ka dabqaadanayaa na waxa uu ku doodayaa in ay rooxaaniyaadka, iyo tasawufku ay lama huraan yihiin, si loo dadnimo celiyo Jirahan. 2) Asalka ba in la baraarugo lana abuuro baraarug iyo kacdoon aqooneed oo jiraha tusaya in uu dhab ahaan si karaar ah u hoobanayo, oo uu gumaystihii iyo talisxumayaashii dhaxlay ku hoos huruushay. 3) In la abuuro jawi isku kalsoonaan ah, oo si qun ah dhibbanaha loogu yidhaahdo. “Guuguulihiiyoow haddaad guga u ooyayso, Ood garatay keligaa inuu gubayo jiilaalku, Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyn.” 4) Waxa uu si wayn ugu talinayaa in jiruhu qaadka iska daayo, si uu dhab ahaan aweer u ahado. 5) Dedaal loo dhanyahay oo joogto ah.