Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Dhinacyada Mucaaridka Soomaaliya oo Gaadhay Is-afgarad Lid ku ah Xasan Sheekh

2 October, 2025
Image
Dhinacyada Mucaaridka Soomaaliya oo Gaadhay Is-afgarad Lid ku ah Xasan Sheekh
© Puntland State House
Share

Mucaaridka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban Madaxweyneha Buntilaan, Siciid Deni, Madaxweyneha Jubbalaan, Axmed Madoobe, iyo Madasha Samatabixinta oo saldhigeedu yahay Muqdisho, ayaa isla gaadhay heshiis uu nuxurkiisu yahay in ay ku midoobaan madal cusub oo ay ugu magacdareen Madasha Mustaqbalka Soomaaliya, taas oo uu hadafkeedu yahay; in ay si wadar ah ugala xaajoodaan Xukuumadda Federaalka arrimaha la xidhiidha doorashooyinka iyo Dastuurka ee muranku ka taagan yahay.


Heshiiskan ayaa la rumeysan yahay in uu jidgooyo u yahay dedaal uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayey in uu heshiis gaar ah la gaadho Madaxweyneha Jubbalaan, Axmed Madoobe, oo ay hore isugu maandhaafeen doorashooyinkii Jubbalaan iyo qorsheha Xasan ee doorashada Federaalka, arrintaas oo gaadhay isku dhacyo hubeysan iyo in Xukuumadda Federaalku ay waaran qabasho u gosysay Axmed Madoobe oo isna mid la mid ah kaga jawaabay.

Madaxweyneha Soomaaliya ayaa dhawaan muujinayay dabacsanaan weyn oo ku saabsan arrinta Axmed Madoobe waxana socday isu soo dhaweyn ay wadeen saraakiil Kiiniyaan ah, waxana uu Xasan rejaynayey in uu heshiis gaar ah la gaadho Axmed Madoobe, si uu u kala qaybiyo jabhadda siyaasadeed ee mucaaridka ku ah una awood tiro. Toddobaadkan soo socda ayaa la filayay in uu Xasan ka dego Kismaayo oo uu marti u noqdo Axmed Madoobe lana heshiiyo. Waxa aan se la hubin in uu dadaalkaas Xasan Sheekh u socon doono sidii loo qorsheeyay, ka dib heshiiskan ay mucaaridku la gaadheen Axmed Madoobe oo is hortaagaya in Xasan iyo Axmed Madoobe ka heshiiyeen arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurka oo ah kuwa uu daneynayo Madaxweyneha Soomaaliya.