Skip to main content

Monday 17 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Dhimbiishii dhiigga ku biqishay!

26 January, 2025
Image
gob
Gob (Getty Images)
Share

Waa maalin jiilaal ah, kulaylkii ayaan ka hadhsanaya geed weyn oo ku dhexyaalla dhismaha guddiga la dagaalanka takoorka. Jawigu waa degganyahay, shaqaalaha intii shaqada ku soo laabanaysay way soo indho-guduudsanayaan, intii kalena sidaas bay isaga rawaxday. Aniga, madaama oo ay maanta shaqa badani ii taallo waan joogay oo ma bixin. Waanigaa geedka hoostiisa qadaad-qadaad u jiifa. Imika waan qaboobay oo nafisay hawo macaan oo aan ahayn tii siigada badnayd ee aan bishan u bartayna way i maraysaa. 

Si lamafilaan ah waa taa dhibic biyo ah dhafoorka igaga dhacday! Xilligu waa jiilaal, cirkuna daruur ma leh, layaab ayay igu noqotay dhibicdani! Mar baan xaar shimbireed mooday--oo aan niyadda iska idhi; waar malaha lacagbaad helaysaa? Laakiin taasi waxay beenowday markii aan fartayda murdisada ku dayay ee ay noqotay dareere sida biyaha bilaa midab ah. Xanshaashaq baan maqlayaa meel uu iga jirana ma garanayo! Halkan kaligay baa jooga, oo waa kii ninkii ilaaliyaha--waashmaan--ka ahaa qado doontay ee aniga igu sii ballaminayay goobta ka warhaynteeda. Xanshaashaqa iyo hugunku xagga jirrida geedka ayuu ka imanayaa, dalool yar oo madaxayga ku saameelan ayaan ka dareemayaa waxaad hadal mooddo! Dhegtaan u dhaweeyay oo u raariciyay bal in aan hugunkan ka sal gaadho, waaba hadal, cajab! dhirtu miyay hadashaa? Malaha waaba qiyaamihiiye dhegta u dhowee. Ballanka ilaahay wuu hadlayaa, wuu hadlayaa! waliba luuqad layaab leh ayuu ku hadlayaa! Codka ka soo baxayaa dumar baad u dhaweyn lahayd, haddii aad jinsi ku suurayn lahayd.

“Ii fiirso oo indhaha aad iigu eeg, kaliya ha i moodin in aan ahay geed meel iskaga baxay oo aan wax macno ah lahayn, waxaa igu duugan boqol qiso. Maanta waxaad ii taqaan in aan ahay geed gob ah, garta hoostiisa lagu naqo, guddidan aad ka mid tahay iyo gadhwaynta gabbaad u ah waqtiyada kulaylaha, balse si taas ka geddisan dhagar baan tirsanayaa. Maanta waxaad joogtaa oo aad la jirtaa jiraalkaygii labaad ee aan dunidan ku joogo. Waad yaabbantahay, balse waxba indhaha ha taagin, i soo eeg aan kaaga dhaco qisadayda ee soo dhawoow! Balse, inta aanan kuu bilaabin mid ii ogoloow, in aad dareemayaashaada dhammaantood aniga ii hibayso, kadib i dhuuxdid oo aad gudbisid farriinta aan kuu dhiibi doono, haa waa farriin culus. Waa farriin ka culus haddii carro-edeg dhammaanteed kefad la la saaro. Farriintaas gudbi oo guddida aad ku jirto ugu horraysii, dadweynuhuna ha ka garnaqaan godobtaa la iga galay!

Magacaygu jiraalkaygii hore wuxuu ahaa Gobaad Guhaad. Magacaa waxa ii bixisay hooyaday Ardo Geeddi. Magaca 'Gobaad' mar kasta oo la iigu yeedho waxa uu igu soo kicin jiray—hurgumooyin hor leh. Wuxuu ahaa magac dahaadh sare oo qurux badan leh, balse, ay ku hoos qarsoon yihiin xaqiraad, xanuun, xakaar, xaqsoor la’aan iyo xaaladdaha ugu adag —ee ruuxda bani aadamka ahi la kulmi karto. Maalintii aan jaamacadda dhammeeyay da’daydu waxay baarka ka goysay 24 sanno. waxaan ahaa gabadh qurux jidheed u dhalatey, balse aan quruxdaasi waxba u tarayn, maaddaama la igu tilmaami jiray inaan ahaa ‘‘ubax kuddaafad ka baxay’’.

Waxa ii bilaabantay nolol qarfo iyo qardajeex badani ku soo fool lahaayeen, waxaan ahaa: geed goob saxare ah Eebbe ka soo saarey, —oo biyo roob aan helin, kuwii dhulka hoostiisa lagu sheegayna, xididdada la gaadhi waayey, oo sugayay goorta ay dabayluhu ridi doonaan, inkasta oo aanan markaaba cago adag ku taagnayn oo dhirbaaxooyinka dabaylaha aanan gabboodka u haysan ee saxaruhu diirka iga saareen, cadceeduna fallaadheheeda xanuunka badan, ee aad mooddid in kaligey la igu soo ballamiyey igu soo ganaysay.

Waxa ii dhammaatey 16 sano, —oo aan ku soo jirey geeddigaygii waxbarasho oo waayo badnayd, jihaad adagna aan u soo galay; sidii aan bardhammaadkeeda ku gaadhi lahaa. Waxaan is lahaa: "maalinta aad aqoon yeelato, dhibaatooyinku way kaa kala fududaanayaan naruurana waad geli doontaa." Si taas ka duwan, maalintii aan dhammeeyay waxa aan dhex istaagay: xayn'daab aan waagaas hore aan dibadda ka joogey. Maalintaas danta ayaa ii run sheegtay, waxa aanan ogaaday in aanan bulshadan wax haybad ah ku dhex lahayn —marka la ga reebo rag aniga ii xodxodasho imman jiray, kuwaasina sida xoolaha oo kale ayay dooni−jireen inay iilla dhaqmaan, oo aan xaajooyinkooda u gudo, —taasna yeeli maayo! Ayay mar walba warcelintaydu ahayd... Laba daraale ba, gummeynta iyo gabbood-falku wuxuu ahaa gondahayga!

Mar gabadh baan u ahaa, oo bulshadaydu gabadhu aqoonta iyo quruxda ay doonto ha yeelato e, wax xurmo ah kuma lahayn. Mar kale godobta iyo gunnimada Gabooye ayaan u ahaa—waa beesha aan ka dhashay e, —oo ah beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee la haybsooco, beel ma aha ee waa ummad dhan oo haybsooca dhaxal uga helay kuwii dad u xigey. Waxa aan ka dhashay bulsho dulmigu wehel u yahay, oo sharaftu inta haynta iyo haybta sare leh ag taallo. Danyarta, dood yaraha, dumarka iyo intii itaalkoodu gabayba ku qatan yihiin, —oo dullinimada qaayibeen.

Maalin waliba xasuusteeda lehe, maalinta aan labada nololood u kala gudbi doono shan sanno ka hor, waxa ay ii ahayd oohin iyo caloolyoow aanan diirnax iyo garawshiiyo midna ku helayn. Waxa ay ahayd maalintii aan dhammaystey dugsigii sare, waxaan ahaa ruuxii ugu sarreeyey aradaydii imtixaankii shahaadiga ah u fadhiisatay. Hore maamulaha dugsigu waxa uu u ballanqaadey: in uu qofka u sarreeya imtixaanka; uu jaamacadaha waddanka mid ka mid ah uga soo dhammayn doono deeq waxabarasho oo lacag la'aan ah; Balse, ballantaa wax weyn baa iska beddelay, markii aan noqdey qofkii u sarreeyey, ballantii ahayd in qofka u sarreeya deeq waxbarasho la siiyo na, daaqadda ayay ka baxday, kadib markii uu booskii u riixay wiil uu adeer u yahay, oo kaalmaha hore daaye —dirqi ku soo baasay, kamana hadli karo; sababta oo ah: ma lihi tol adag, iyo cid i tukhaantukhisa. Yaa wax ku falaya oo meel gayn kara gabadh yar oo reerahayga oo kale ka dhalatey waliba agoonnimo u raacdey, taasi waa tuuris noloshana inay noolaato ayaabay deelqaaf rabbaani ah u arkaan.

Lama yaabin, waayo marka horeba rejo kama qabin rumaynta ballanqaadkaas; sababta oo ah: waxa aan ku dhex noolaa bulsho kuwooda gobta sheegtaa iyagu aanay waxba isku ogolayn, maxaad u malayn anigoo ay gun ii yaqaanaan?! Maalintaas iima qorsheysnayn in aan waxbarashada sii wado, kumana aan fikirin; waayo hooyaday may ahayn mid iga bixin karta waxbarasho jaamacadeed, oo horeba waxay uga soo dhib mudatey: sidii aan dugsiga u dhammaysan lahaa. Heer xataa ay ii iibisey dahab aan badnayn oo ay lahayd, marka laga reebo laba dhegood oo ay u reebtay maalinta adag aad kaga baxsataan balse aanan calfan doonin iyana ka carraabi doonto. 

Maalin maalmaha ka mid ah waxa i soo wacay adeerkay, wuxuu ii sheegay in ay jirto hay’ad bixinaysa deeq waxbarasho —oo loogu talogaley danyarta iyo dadka aan awooddin in ay waxbarashada iska bixiyaan. Maalintaasi waa maalin xasuus gaar ah ku lahayd noloshaydan rafaadka badan; Sababteeduna waa ta gayaysiisay in aan waxbarasho jaamacadeed helo. Aniga oo aan rejo buuran ka qabin in aan ku soo bixi doono imtixaankaas, ayaan subax hore u kallahay. Way adkayd--haddana waa la mid-- in ruux aan adeer iyo ab adag toonna lahayni uu hawaysto waxbarasho iyo shaqo toona, —marka loo eego xaaladda qallafsan ee bulshoweynta iyo dalkuba ku jireen kuna jiraan eegga.

Waxa aan soo gaadhey goobtii imtixaanka lagu gelayey, goobta waxa tubnaa dad badan oo kala waayo duwan, danyar sidayda ku quuso taagnaa iyo dar deeqdani ba ay sheeko la tahay oo ina daan-wayne ah, dabaqadaha ladanna dabada ku haya. Waa duni aan waxba iska ogayn iyo adduun xaalkiiye, dhammaantayo waxaannu isku shubnay hoolkii imtixaanka lagu qaadayey, ugu dambaynna wuxu noo soo gebo-geboobay goor duhur dabadii ah; Waxa na loo sheegay: in laba toddobaad kadib, natiijada imtixaanka la soo baahin doono.

Xaggii uu gurigayagu iga xigey ayaan u soo kacay, maalintaa hooyadey Ardo way xanuunsanaysay, cid u soo adeegtana may haysan, dab loo shidana hadalkiisa daa. Waa duni iyo caalkeed e, maantaa waxaasi uma muuqan —oo meel fog ayay wax ka hillaadinaysa, hammi sarena way leedahay, xanuunka haystanna indhaheedu way ka lalsanaayeen.

Waalidka waxa caadadiisa ah: in uu dhibaato kasta oo uu marayo, ilmihiisa ka fikiro, waayaha dambena meel fiican u rejeeyo. Aniguna waa aan ka sii xagjiray—oo waxa aan ahaa gabadha keliya ee hooyadey dhashey, agoontana ah. sidoo kalena aabbahay bah kale ma lahayn, anigana adduunka iguma soo gaadhin oo aniga oo uurjiif ah ayuu god galey, oo duni kale oo naga ammuuro dahsoon u doolay, malaha waxaa fiicnayd inay hooyaday markaas ii bixiso Warla —mase dhicin.

Waxaan maqli jirey "Rabbi ruuxa uu jecelyahay wuu qaataa(dilaa)", sidaas oo kale, geerida aabbahay in ay isaga naxariis u ahayd baan u qaataa. Sidee baanay naxariis ugu ahayn?!, miyaanan anigoo inan (gabadh) ah dhalin, sawkii ku hammiyi jirey in uu innamo badan dhalo; Geeddi, Guuleed iyo Gahayr in uu u kala bixiyo, saddexda u horreysa ku hadaaqi jirey. 

Miyaanay gabadhi u dhalan qoyskii gummeyn u joogga ahaa?! Dhaqanka Soomaalida gabadha waa la liidaa, abidkeedna waa la soo liidayay, sidoo kale waxa loo arkaa; in loo abuuray sidii ay nin u raalligelin lahayd, taasina qof walba way uga sii dhib badantahay gabadha beelaha la haybsooco ka dhalataa. Labadii toddobaad waa dhammaadeen, natiijooyinkiina waa la yeedhiyey, waxa aan noqdey qofkii labaad —ee ugu sarreeyey intii imtixaankaas gashey. Farxaddii maalintaas shucuurtayda saaqday, labo caano-maal oo dambe cunto ma dhadhamin.

Miyaanay gabadhi u dhalan qoyskii gummeyn u joogga ahaa?! Dhaqanka Soomaalida gabadha waa la liidaa, abidkeedna waa la soo liidayay, sidoo kale waxa loo arkaa; in loo abuuray sidii ay nin u raalligelin lahayd, taasina qof walba way uga sii dhib badantahay gabadha beelaha la haybsooco ka dhalataa.

Habeenkii oo dhan ma seexan, oo waxa ii sawirnaa aniga oo waxbarashadaydii dhammaystey, shaqo helay, hooyadey nasiyey, oo wax walba oo ay u baahnayd meel u saarey, kadibna bulshadayda hayb-sooca iyo faquuqu daashaday u tafo-xaytey sidii aan wax uga dabargoyn lahaa islamarkaana god ugu hubsan lahaa geftaa la la dabajoogo, laakiin taasi riyo ayuun bay ahayd. Afar sanno kadib; waxaan ahay qof jaamacad dhammeeyey, balse kun jaamacadood oo kale albaabadooda u soo ballaqeen. Jaamacada is-dabbar, jaamacada garab la’aan, jaamacada gummeynta, jaamacada gabadha iyo guriga, jaamacada rajada, jaamacada niyadjabka, jaamacada … jaamacada ... jaamacad, tiro ma leh, wad uun ma dhammaanayaan jaamacadaha isku kay soo furay.

Halka ay ardayda kale dhammaantood ka faraxsanaayeen waalidkood, walaalahood iyo ehelkoodii sawirrada kulla gelayeen agahayga, anigu murugo ayaan dayrka jaamacadda dhexdeeda la taagnaa. Anigu intaba waan ka duwanahaa cid farxadda iyo murugada illa qaybsanaysaa ma jirto. Holoca kashayda ku daarran waxaa lagu cabbirri karaa ma jireen.Goor galab ah, sagaal maalmood ka hor maalintaa aan qalinjebiyay ayay hooyaday oo ahayd garabkii kali ahaa —ee aan lahaa galbatey, oo u god gashey, cudur wuxuu ahaa aan la aqoon oo ku soo booddo ahaa.

Cudurrada iyo malagga nafta qaada naxariis daranaa, muxay ka soo doonayeen buul ay habar coodhcoodhey iyo curad ciil la kortey ku hoos nool yihiin?!, miyuu maalqabeennada, madaxda iyo qoysaska boqalaalka ka kooban ee dunida guudkeeda saaran wax uga layn waayey?! Balse, taas waxa aad ku dhaafi kartaa; kelmad iska fudud oo ah "ilaah iyo amarkii." Qaddarku waa eexday oo adhaxduu iga jebiyey. Miyuu anigana igu daro bal muxuu iiga reebay. Maxkamad la saaro ayaanan ogayne kiis baan ku soo oogi lahaa.

Hooyadey isla galabkii ay go’day aroornimadeedii waa la soo aasay, dad badani kama soo qaybgelin aaskeedii beesha aan ka soo jeedo oo xataa maytidooda la faquuqo darteed! Cid iiga tacsiyeysey ma arag, marka laga reebo Wiilo —oo ah gabadha aannu iskugu dhawayn ardayda inta aannu wax wada dhiganaynay, oo malaha danyarnimadu ahayd dabarka na walaaleeya. Diirnaxa dareenka naxariista iyo danyarnimadu waa walaalo.

Warkii ugu xumaa ee aan abidkay dhegahayga ku maqlay--marka laga reebo maalintii hooyadey dhimmatey, ayaa la ii soo tebiyay. telefoon baas oo igu soo dhacay ayaa sheegay, waxa ay ahayd dhambaal caloosha iyo curuuqda i kala gooyey, waayirrada hawada sambabka geeyana tamartii ka xayuubiyay, kadib markii la ii sheegay in buulkii kaliya ahaa —ee aan adduunka qaybta uga helay, oo waddada dhinaceeda ku yaallay cagaftii dawladda hoose martay.

Hooyadey wax dhaxal ah waxay iiga tagtey buulkaas, laba dhegood oo dahab ahaa iyaguna buulkaas cagaftu saaka isaga iyo wixii ku jirayba waddo ahaanta u bannaysatay ayay ku jireen, rejona kamaan lahayn helidooda—iyo boqol iyo saddex kun oo shilin (103,000 shilling)—oo maantaa iiga sii hadheen laba iyo labaatan kun oo shilin (22,000 shiling) ayay hooyaday wax dhegaha iyo buulkaa cardaaduqaha laga dhigay dhaafsiisan iiga tagtey.

Waxaan ahaa jaamiciyad sidoo kalena garab la’. Dawlad i daryeeshaa ma jirin, dad damqada oo damiir lehna hadalkooda daa. In aan maalintaa anigoo Gobaad ah dunnida guudkeeda joogo, waxa aan ku doorsan lahaa wax walba oo kale, dinno-dibadeed ama guduudane kaynta dhexdeeda dhirta hoos beer-dhigaaleeya, dhagax buuraha laga soo qodo —oo guryaha lagu xardho, biyaha qulqulaya ee baddaas isku shubaya, wax kasta oo aan aniga ahayn oo aan noqon lahaa way ii dhaami lahayd. Xaddiga lacageed ee boorsadayda ku jiraa, iima ogolaanayn in aan hal maalin ku sii noolaado; balse, waxa ay ii goynayeen xadhig bunji ah iyo baskii i gaadhsiin lahaa —geedka aan iska soo laalaadinaayo.

Qaran, qabiil, maalqabeen, madax, jahli, intaba hoog ha u sugnaado. Qaranka aabbahaybaa u dhintey, aniga oo uur-jiif ah, maalqabeenka iyo madaxduna; waa kuwa iska kaashaday duminta bugcadii kaliya ahayd ee aan dunida ku lahaa —oo buulkaygii ah, qabiilna waa ka halkaa i dhigey isagoo jahliga kaashanaya. Waxaas oo dhan waa kuwa sababay in aanan aqoontayda ku meel mari karin. Xafiis walbana ay iga horreeyaan dar (dad) uu jahligu biyodhigay oo aan shahaadada iyo kartida, u samayn wax qiimayn ah. Taa bedelkeedna magaca qabiileed, maalka iyo magacu yahay waxa ay wax ku go'aamiyaan. Waxaas oo dhan waxa aabbe u ah: sharci la'aan, musuqmaasuq, maamul xumo iyo masuuliyad darro iyo garasho xumada hogaanka haysa.

Waataas geedka ka soo lulata-- siddii surwaal biin lagu qabtay oo xadhig lagu wadhay, lugaheedu jarayn bay bilaabeen, gacmuhu na waxay isku deyayaan xadhiga dhuunta iskaga dhuujiyay, in ay ka furaan mase awoodaan. Dhibic dhidid ah baa ka soo dhacday, waa taas dhulka qabsatay DHASH! Maalmo kadib godkii yaraa ee dhididku ku dhacay waa kaa soo fuuray, dhididkii sakaraadku keenay dhimbiil baa ka abqaalantay, Gobaaddii gunta ahayd geed gob ah baa ka beermay, geedkiinna waa aniga oo hadda kuu sheekaynaya. Waa taas qisadaydu imika dhambaalkii haddii aan kuu dhiibay nabadgelyo, balse, hal talo aan kaaga tago, caddaalad in aad ii raadiso waxa kaaga wacan in aad inta booskaygii ku hadhay u gargaarto oo aad u gurmato.