Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Dhimashada Buug Waraaqeedkii iyo Joornaalladii

23 March, 2026
Image
Dhimashada Buug Waraaqeedkii iyo Joornaalladii
Share

Kumaan baraarugsanayn in buugagga aan ka gato maktabadaha iibiya buugagga duugga ah ay yihiin nooca Angala-Saksanku u yaqaannaan “buug warqadeedka”, halka Faransiiskuna u yaqaannaan “buug jeebka”, ilaa aan warbaahinta Maraykanka ka akhriyey in suuqii buug warqadeedku uu gabaabsi yahay, shirkaddii ugu weyneyd iibgaynta buugaagta lagu iibiyo madaarrada, farmasiiyada iyo ganacsiyada waaweyn dhexdooduna, waa Reader Link e, ay shaacisay inay joojisay iibintaas, dhammaadkii 2025. Waa shaacin u dhiganta in dubbihii u dambeeyey lagu dhuftay noocan buugagga ah ee fudud, qiimaha hooseeya, ee dad badani sannadaha badan ku xidhnaayeen. Halka wadarta buugaagta warqadeed ee 2004-tii gudaha Maraykan la iibsaday ay ahayd 131 milyan oo nuskhadood, 2024 waxa ay hoos ugu soo dhacday 21 milyan. Macnaha waa hoos u dhac boqolkiiba 84 ah, halka ay 2025-na hoos ugu sii dhacday 18 milyan oo nuskhadood.

Buug warqadeedku waxa uu ahaa agabka akhris ee loogu adeegsiga badan yahay dunida oo dhan, bari iyo galbeedba, halka buugaagta aynnu iibsan jirnay innagoo arday ah ay ahaayeen buugaagtan, madbacadaha faafinta buugaagta ee Masarna waxa ay ahaayeen madbacadaha Carabta ugu horreeya ee faafin jiray buugaagtan, dadweynahana usoo bandhigi jiray buugaag loo siman yahay oo cid kasta jeebkeedu jarayo. Hadda waxa i horyaalla mid ka mid ah buugaagtaas sida fudud loo soo saaray ee jaban, warqad guduudan oo ka mid ah taxanihii “akhri” oo bille ahaa, Aniis Mansuurna uu ka ahaa madaxa korjoogtaynta. Waa buug ka hadlaya taariikh-nololeedka gorfeeyihii Shawqi Dayf AHUN (dabcaddii 1985). Sidoo kale, ma xasuusto buug ka mid ah buugaggii suugaanta Faransiiska oo aannu dhallinyarnimadii akhrinnay oo aan ahayn noocan buug warqadeedka ah (se ka daabaacad wacnaa kuwa u dhigma ee Carbeed). Walow aan ilaaliyey qaar ka mid ah buugaagtii yaraantaydii iyo kacaamiddii, se haddana waxa aan waayay nuskhaddii aan ka haystay sheekafaneddaa “Daacuun” ee Kaamu. Sheekadu waxa ay kusoo baxdaa dabcado cusub, se hilawga aan u qabo nuskhaddii hore ayaa igu khasba inaan weli internetka ka baadho, oo intaas oo sanno ka dib, dib u arageeddu waa mid saamayn yeelanaya.

Maraykanka gudihiisa, suuqa buug warqadeedku waxa uu bulaalay dhammaadkii lixdanaadka qarnigii labaatanaad ilaa sagaashanaadkii qarnigaas. Wadarta buugaagta la iibsaday waxa ay kasoo kacday 656 milyan oo nuskhadood oo sannadkii 1975-kii ahaa, iyadoo gaadhay 811 milyan oo nuskhadood sannadkii 1979-kii, iyadoo si muuqata uga saramartay iibka buugaagta jaldiga adag ama buugaagta qaybaha badan ah (mujalladaadka ah), oo isla sannadkaas gaadhay 676 milyan oo nuskhadood. Sannadkii 1995-kii, iibka buugaag warqadeedku waxa uu gaadhay bilyan iyo 350 milyan oo nuskhadood.

Hase ahaatee, casrigan dhijitaalka ah ee dhinacna u damqan, iibka buugaagta elektarooniga ah (eBooks) waxa le’ekaaday iibka buugaag warqadeedka (bilyan iyo boqol malyuun oo nuskhadood). Laga soo bilaabo kolkaas, hoos u dhacu waa uu socday ilaa ugu dambayn suuqyadii buugaag warqadeedku xidhmeen, walow ay jiraan dad aaminsan in hoos u dhacu soo bilaabmay sannadkii 2006-dii, kolkaas oo la bilaabay iibinta taabladyada Kindle ee elektarooniga ah, oo kumanaan buug lagu kaydin karo. Sheekada buug jeebka waxa Ingiriiska sannadkii 1935-kii ka bilaabay Allen Lane, oo aasaasay Penguin Books, oo ah madbacad aad caan u noqotay, dadweyne badanna buugaagta ugu soo bandhigtay qiime aan ka badnayn qiimaha baakidh sigaar ah. Isla dhaqankan baa ku faafay Maraykanka sannadkii 1939-kii, kor u kac badanna waa uu la kulmay wixii ka dambeeyey Dagaalkii Labaad. Ha se ahaato e, waa kan suuqii buug warqadeedka sidan ahi soo afjarmaya, isaga oo aan weli boqol jirsan. Walow buugagga elektarooniga ah iyo buugaagta duuban ee codka ahi ay aad u faafayaan, madbacaduhu waxa ay ka werwersanyihiin in la gaadhay soo afjaranka buugaagtii daabacnaa, nooc kasta oo uu ahaaba. Laakiin, warka farxadda lehi waa in aan weli sidaasi dhicin, lagana yaabo in aanu weligii dhicin, iyadoo weli buugaagta daabacan (la taaban karo) ay boqolkiiba 75 ka tahay iibka buugaagta ee Maraykanka. Inta badan buugaagtaasi waa buugaagta jaldiga adag, waxaana soo raaca buugaag warqadeedka ka tayada wanaagsan buugaag warqadeedka qiimaha jaban ee buugaagta jeebka loo yaqaanay. Buugaagtan jeebka laftooda waxa jira kuwo weli iskacaabbin ku jira, oo aan suuqa ka bixin. Buugaagta iskacaabbintaas ku jira waxa tusaale u noqon kara sheekofaneedyo hormuud u ahaa suugaanta casriga ah, sida sheekadii “1984” ee George Orwell, middii “Inaad Shimbir Sirmaqabe ah Disho” ee Harper Lee, iyo “Waardiyihii Beerta Boorashka” ee Jerome David Salinger.

Kolka aynnu ogaanno in sababta ka qaybqaadatay faafidda buugaagta jeebka ee berigii hore ay ahayd in goob lagala helayey Joornaallada iyo majalladaha, waxa adag in laga baxsado dareenka ah in dabargo’a socdaa keliya yahay masiir midaysan oo wada helay noocyadan jariidadaha iyo buugaagta jeebka ah.

 

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.