Saturday 15 March 2025
Sida la wada ogyahay, sannadkii 1972-kii ayaa rasmi ahaan loo go’aamiyey loona hirgeliyey in farta Laatiinka loo adeegsado dhigaalka af Soomaaliga. Taasoo horseedday guullo wax ku ool ah oo laga sameeyay dhanka dhigaalka iyo kobcinta af Soomaaliga. Hase yeeshee, waagaas iyo wixii ka dambeeyay, waxaa si gaabis ah u socday horumarinta fartaas iyo guud ahaan tayo-gelinta af Soomaaliga, marka laga eego dhanka eray-koobidda, eray-bixinta, naxwaha, iyo dhismaha af-maalka oo weli u baahan daraasad qoto dheer iyo dadaal lagu xoojinayo dhismaha suugaaneed ee af Soomaaliga.
Sidaa darteed, waxa muuqata in qoraalka af Soomaaligu weli uuna xasilloonayn, una baahan yahay in la dhammaystiro, xeerka uu ku dhisan yahayna la baaro, qoraalna lagu dejiyo. Waxaad garan kartaa markaad aragto qoraallada dadka maanta wax ku qora af Soomaaliga, sida nin waliba sida uu doono wax ugu qorayo, iyadoo xeer la raaco aanu jirin. Tusaale ahaan: Muxuu yahay xeerka salka u ah xarfaha labanlaabma? Eray-saleedku sidee buu lifaaqyo u qaadanayaa horgal iyo daba-kar ahaanba?
Marka laga yimaaddo xeerarka aasaasiga ah, dhinacyada kale ee af Soomaaligu baadhista rasmiga ah uga baahan yahay waxaa ka mid ah: alifba’da, codaynta, naxwaha, abtirsiinta erayga (etymology), iyo saafidda eray-saleedka (morphology), kuwaas oo haddaan si buuxda looga godo-degin ay fadhiid noqonayso sii horumarinta af Soomaaligu.
Sida uu ku xusay Cabdalla Mansuur buuggiisa "Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga", sida loo qorayo "af Soomaali" waxaa ka taagan dhibaato weyn oo u baahan xal waara oo aqoon afeed iyo cilmi-baadhis ku salaysan.
Waxa jira laba iyo toban jaad oo loo qoro "af Soomaali" kuwaas oo kala ah:-
Waxaa la mid ah: Xeer Soomaali, dhaqan Soomaali, aqal Soomaali shilin Soomaali. Hadddaba, su'aashu waxay tahay, 12 habqoraal ee kala jaadka ah mid kee baa quman? Hubaal, waxaa quman oo sax ah: af Soomaali. xeer Soomaali, aqal Soomaali, shilin Soomaali. Sababta oo ah kan hore waa magac guud oo xarafka uu ku billowdo waa la yareeyaa, haddii uusan cinwaan ahayn ama uusan sadar cusab ku bilaabmin, halka kan danbe uu yahay magac gaar ah oo mar walba xarafka u horreeya waa la weyneeyaa.
Inkastoo kala dhimmanaanta qoraalka far Soomaalida ay aqoonyahanno door ahi doodo farabadan ka soo jeediyeen, ayaa haddana raggii qodobkaas ka hadlay waxa miisaan culus lahaa Abwaan Cumar Daahir Cabdi (Cumar Kuul), oo si farshaxannimo ku dheehan tahay farta ugu fiiqay halka uu muruggu kaga jiro dhigaalka far Soomaalida hadda qoran. Taasi oo uu ku soo bandhigay heesta carruureed la magac baxday “Reer Doob”,.
Waxa jiri jirey duul
U dulbixi jirey duul
Oo ku odhan jirey duul
Dadku waxay u ekaayeen diir
Foolkoodu ma lahayn diir
Weelkoodu ma lahayn daar
Dab baa loogu dawgalay daar
Soo ololi lahaa daar
Xoolaha adoo leh dabaal
Dixday u tegayeen dabaal
Ruuxii u doonta dameer
Waxaa loo eryaayey dameer
Waxay cuni jireen duuf
Oo lagama waayin duuf
Ilamaa laye doob
Cisho lagu arkay doob
Lagu yidhi qoryo doon
Uu la kulmay doon
U la tagtay diin
U dhigoo baray diin
Haddii aynu eegno sida ay hadda u qoran tahay heestani, waxaa hubaal ah in si kasta oo loo akhriyo aan laga tiri karin laaxin iyo luquf-habaw. Balse, kolkaan si dhug leh u dhuuxno erayada guduudka ku qoran ee meeris kastaa ku dhammaanayo, waxaa cad inuu eray waliba leeyahay macno u gaar ah oo ka duwan ka erayada kale ee ay muuq-wadaagtay yihiin ama dhigaal ahaanba isku midka yihiin. Sida tusaalooyinkan hoose ku cad:
Waxaa cad in heestan ay muujinayso baahida xooggan ee afku u qabo daraasaddo la xidhiidha xeer-dejinta iyo habeynta far Soomaalida, si ay u yaraato is-maandhaafka iyo tafaraaruqa ka jira dhigaalka iyo dhawaaqa af Soomaaliga.
Guntii iyo gunaanadkii, si loo horumariyo af Soomaaliga, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo dadaallada lagu habeynayo xeerarka dhigaalka iyo af-maalka. Waa in la xoojiyaa cilmi-baadhista ku saabsan alifbeetada, cod-dhiska, naxwaha, saafidda erayada, iyo guud ahaan horumarinta af Soomaaliga si loo helo qoraal sal-ballaaran oo xasiloon.
Doodaha aqoonyahannada iyo suugaanta la qoray waxay muujinayaan baahida weyn ee loo qabo in la habeeyo xeerarka dhigaalka af Soomaaliga. Haddii aan si qoto dheer loo daraasayn, waxaa dhici karta in mustaqbalka af Soomaaligu uu sii waayo xasilloonida uu u baahan yahay si uu u ahaado af si rasmi ah u qoran oo ay dadku si isku mid ah ugu isticmaali karaan. Hal-abuurka suugaaneed, cilmi-baardhisyo hor leh, iyo doodaha aqooneed ayaa muhiim u ah horumarinta afkeenna hooyo.