Monday 17 March 2025
Duulimaad aan kaga baxayay Kambaala anigoo u socda Dubaay, waxaan is arkay anigoo ay igu hareeraysan yihiin oo ay i weheliyaan, dhammaana dhar shaqo xidhan. Dhammaan wejiyadooda waxa ka muuqday farxad. Markii diyaaraddu kacday waxa i soo gaadhay sheekadooda, waxay ka sheekaysanayeen filashadooda iyo riyooyinkooda , waxaan is weydiiyey immisa ayaa ku soo laaban doona guryahooda iyaga oo sidan oo kale weli u faraxsan. Tirakoob dawladda Yugaandha shaacisay waxa uu soo bandhigayaa in qiyaastii laba kun oo muwaaddiniin ahi bishii u shaqo tagaan dalalka Bariga Dhexe, badankooduna ka shaqeeyaan dalalka Khaliijka. Tirakoobkaasi ma xusayo dadka sida sharcidarrada ah ku gala dalalkaas, mana xusayo tirada dumarka soo laabta iyaga oo dhib kala soo kulmay safarkooda, amaba kuwa aan soo laaban.
Ma aha sheeko cusub, oo 12kii milyan ee shaqaale guryeed ah dunida oo dhan, boqolkiiba 27.4 waxa ay ku suganyihiin dalalka Carabta. Si guud, waxa jirta qiyaas sheegaysa in shaqaalaha muhaajiriinta ah dunida oo dhan, dalalka Carabtu boqolkiiba 14 martigeliyaan. Marar badan waxa laga soo sheegay dalalkan xadgudub ka dhan ah shaqaalaha. Waxa jira dalalka qaar, sida Filibiin, oo muwaaddiniintooda u diyaariya duruufo habboon oo ay ku safri karaan kuna shaqo doonan karaan, halka dalalka Afrika badankoodu ay ka war la’ yihiin muwaaddiniintooda. Waxa intaas u dheer dumarka madaw ee shaqodoonka ah, in ay la kulmaan midabtakoor iyo duruufo nololeed oo ka hooseeya kuwa shaqaalaha kale, inta badanna dalalka ay martida u yihiin iska dhegatiraan.
Dalalka Khaliijku waxa ay caan ku yihiin kobaca dhaqaale iyo horumarka noociisu gaarka yahay. Helitaankii shidaalka ayaa dalalkan u sababay koboca dhaqaale ee gobolka ka jira. Sannadihii u dambeeyey dalalkani waxa ay awooddooda dhaqaale u adeegsadeen awood siyaasadeed iyo soo jiidashada dunida kale. Dubaay iyo magaalooyinka la midka ahi waxa ay noqdeen meelo loo dalxiis yimaaddo, dadka hodanka ahina ku soo qulqulaan. Waxa hadallo ka jeediyey ama soo booqday dad caan ah, sida ciyaaryahanno, jilayaal iyo fannaaniin dunida laga yaqaan. Waxyaabaha dadkan soo jiitaa waa nadaafadda magaalooyinkan, horumarka ka jira, cashuurta hoosaysa, nabadgalyada iyo goobaha dalxiis. Waxyaabahani waa arrimo sababay in dad badani u soo guuraan dalalka Khaliijka.
Ka sokow hantida badan iyo badhaadhaha dad badani soo higsadeen, marka hoos loogu dhaadhaco xaaladda dadka shaqaalaha waxa la la kulmayaa xaalad u eg addoonsi, iyada oo malaayiin shaqaale ahi xaalad adag ku jiraan, weliba aan ciddi ka hadal oo la iska dhegamariyo, ama eedda lagu kobo shirkadaha dhismaha iyo kuwa mashruucyada kale ka shaqeeya ee shaqaalaha soo qorta. Si guud, horumarka hantigoosadku samaynayaa waxa uu galaaftaa dad badan, waxaana laga faa’idaystaa tamarta dad badan. Se, Khaliijku waxa uu kaga sii duwanyahay xaaladaha caalamiga ah ee jira in dadka soo dhoofsada shaqaale loo oggolaado dhaqanno liddi ku ah aadamtinnimada.
Hannaanka Kafaalada marka la joogo, muwaaddinka qofka shaqaalaha ah kafaalo qaatay ee ka damiinka ah ayaa masuuliyad dhammaystiran ku leh qofkaas. Waa hannaan soo bilaabmay xilligii gumaysiga boqortooyadii Ingiriisku isku dayday inay habayso hannaanka shaqada. Ka dib cusboonaysiin lagu sameeyey, waxa la hirgaliyey in aanu qofka muhaajirka ahi dalkiisa ku laaban karin haddaanu haysan caddayn sheegaysa in qofka ka wakiilka ahi arrinkaas oggolyahay. Hannaanka kafaaladu waa fiise ama oggolaansho ku xidhan qofka loo shaqaynayo ee muwaaddinka ah. Qofka shaqaalaha ah, gaar ahaan gabadha guriga ka shaqaynaysa waxa loola dhaqmayaa sida in ay xubin ka noqotay qoyskaas.
Kafaalada ka sokow, dumarka shaqaalaha ahi waxa ay u hoggaansamaan xeerar kala duwan oo badanka ka mid ah nidaamka ninka siiya maamulka. Nidaamkan ninka siinaya maamulka dhamayska tiran ma aha xeerar cad oo qoran badanka, se waa nidaam gabadha u yeedhinaya qaabka ay xuquuqaheeda aasaasiga ah u samaynayso, sida guurka, waxbarashada, shaqada, safarka iyo waxyaabaha kale. Waa nidaam ninka u gacangelinaya inuu go’aanka u dambeeya leeyahay wixii gabadha loo oggolaanayo. Dalalka Bariga Dhexe oo dhan waa uu ka jiraa nidaamkani, se waxa uu ku xoogganyahay dalalka Khaliijka. Nidaamkani waxa uu ninka u sahli karaa xadgudubyo uu gabadha u gaysto, iyada oo aanu jirin xeer si adag uga qaban kara, ama xadgudub u aqoonsan kara waxyaabaha qaar.
Nidaamkan ninka maamulka gabadha gacanta u gelinaya waxa dad badan ka soo dheegtaan Qur’aanka oo sheegaya in raggu dumarka masuul ka yihiin, oo loo fasiro in ninku go’aanka gabadha leeyahay, mararna waxa cudurdaar looga dhigtaa sinnaan la’aanta ninka iyo gabadha. Si guud waxa la aaminsanyahay in ninku maamulka qoyska iyo xubnaha qoyska leeyahay, oo dumarku raga hoos tagaan.
Haddaba, dumarka ka shaqeeya guryaha ee Khaliijku waxa ay laftoodu u hoggaansamaan nidaamkan, oo waxa ay qayb ka noqdaan dadkaas maamulkooda ninku leeyahay kol haddii uu kafiil ka yahay. Sidaas darteed, gabadha si loogu oggolaado hawlo badan, waxa loo baahdaa oggolaanshaha nin qoyskeeda ah oo fasax u soo siiya shaqada. Haddii ay u baahato waxbarasho, caafimaad, shaqo, ama xitaa oggolaanshaha wadidda baabuurka. Qodobkani waxa uu dabar ku yahay dumarka ajanabiga ah ee guryaha ka shaqeeya, oo marka horeba nidaam kafaalo ah Sacuudiga ku jooga, se u dheertahay in ay hoggaansamaan nidaamka maamulka ninka qoyska. Labadan awoodood marka ay isugu darsamaan, waxa ay halis ugu suganyihiin noocyada kala duwan ee xadgudubka ah. Si guud, dunida waa la dheddigeeyaa shaqooyinka guriga, waana wax beryihii dambe wax la iska weydiiyo, dhaqdhaqaaqyo badanina su’aalo iska weydiiyaan. Dhinaca kale, shaqooyinka guriga waxa loo arkaa wax qoyska iyo qofka ku kooban, waana shaqooyin lacag la’aan lagu qabto, marka se shaqaale loo qabto guriga, shaqaalahaasi waxa uu qaadanayaa mushahar ka yar wixii uu ka fili lahaa suuqa, qofkaasina waxa uu u nugulyahay xadgudub lagula kaco xilliga shaqada.
In dumarka guryaha ka shaqeeya la hoos geeyo nidaamka kafaalada, waxa xaddidmaya awoodda ay u leeyihiin inay caafimaad iyo adeegyo kale helaan, sidoo kalena helaan xuquuqda qofku leeyahay. Waxa kale oo ay halis ugu jiraan in si xun loola dhaqmo, xadgudubyadaasna lagu hoos qariyo xeerarka nidaamka kafaalada iyo nidaamka maamulka ninka. Si guud, waxa kor u sii kacaya in dunida saboolka ah, sida dalalka Afrika, laga soo dhoofsado shaqaale jaban, sidaas darteed in duruufaha dumarka ka shaqeeya guryaha Khaliijka la faaqido waxa ka horreeya in wax la iska weydiiyo hannaanka hantigoosadka. Madaxbannaanida dumarka iyo awooddoodana lagama doodi karo ilaa laga doodo in ay ragga la simanyihiin sharci ahaan, oo aan dumarka shaqaalaha ah laga duudsin karin xuquuqdooda sharci iyo dhaqaale.