Sunday 20 April 2025
Muddooyinkii u danbeeyay waxaa Buntilaan ka soo yeerayay dhawaaq baaxad leh oo tilmaamaya dhaqaale xumo baahsan oo gaartay dhammaan gobollada. Waxaa soo badanaya dhallinyarada shaqo la’aanta ah, waxaana kordhaya qiimaha alaabaha daruuriga ah, sidoo kale, waxaa soo badanaya ka guurista deegaannada Buntilaan iyada oo dadka awooda dhaqaale ahaan ay u baaxayaan dalka dibaddiisa, inta aan awoodinna ay qaadeen jidka tahriibka. Dhibaatooyinkaas oo ay u weyn tahay shaqo la’aantu, waxaa dhinac socda in sannad walba ay suuqa shaqo raadinta ku soo biirayaan dhallinyaro jaamacado ka soo baxday, aanayna jirin siyaasad u gaar ah oo hagta shaqo siintooda.
Dhaqaale xumada ay ka dhalatay shaqo la’aanta iyo in uu yaraado awoodda wax iibsiga shacabku, waa mid soo taagnayd ilaa waqtigii ay Soomaalidu yeelatay dawladnimada casriga ah ee 1960. Muddadaa ka dib, heerarka dhaqaalaha Soomaaliya marna ma gaarin heer sare oo isku filnaansho, balse, waxaa jirtay marar dhawr ah oo ay dawladihii soo maray dalka ku filnaadeen in ay maareeyaan wax soo saarka yar ee dalka iyo caawimaadaha ka imanaya dunida. Buntilaan oo la aasaasay 1998, waxa ay la daalaa dhacaysay dhibaatooyinka guud ee dalka ka taagan, waxaana mar walba masuuliyaddeeda dayacaysay midda ku jirta madaxdeeda ee ah u hanqaltaagga dawlad Soomaaliyeed oo Xamar ka dhisanta. Dhawr iyo labaatan sanno ka dib, ma jirto wax weyn oo laga qabtay dhaqaalaha oo markii ay dawladdii dhexe burburtay aan ku taagnayn cago weyn, dhibaatada dhaqaale ee jirta waa mid xilli walba oo ay doorasho soo dhawaato lagu galo ololaha, balse, aanay waxba ka hirgalin. Shaqo la’aanta oo ka mid ah dhibaatooyinka u waaweyn ee dunida ka dhex jira ayaa ah caqabad culus oo saamaysa xasiloonida iyo deganaanshaha siyaasadeed iyo
midda dhaqandhaqaale, sidoo kale, shaqo la’aanta oo raagta ayaa sababta in awoodda wax iibsi ee suuqu yaraato halkaasna ay ka soo baxaan dadyow hor leh oo xirfaddoodu u istaagto suuq la’aan awgeed.
Markii ay dhacday dawladdii dhexe ee dalku, waxaa burburay dhammaan hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda, waxaana meesha ka baxday dawladdii dajin lahayd siyaasadda dhaqaalaha iyo bangigii xakamayn lahaa ama la socon lahaa suuqa lacagta. Burburkaa dhacay ma aysan hor istaagin in uu istaago isticmaalka shillin Soomaaliga. Shillin Soomaaliga oo ka sii shaqaynayay suuqyada Soomaalida iyada oo aysan jirin hay’ado dawladeed oo awood u leh in ay xaddidaan, waxaa suuqa soo galay lacago badan oo been abuur ah oo u eg midda saxda ah ee ay dawladii dhexe ka tagtay, lacagtan cusub oo badankeed lagu daabici jiray, lana keeni jiray Buntilaan ayaa sababtay in uu hoos u dhac aad u weyn ku yimaaddo lacagta Soomaaligu. Bishii sagaalaad ee 2020 ayuu isku sarifka Shilin Soomaaliga iyo Doollarka Maraykanku gaaray 42,000 SoSH halkii Doollar, iyada oo uu Shilin Soomaaligu ka soo kacay 32,000, isla sannadkaa bishii Noofenbar waxa uu sarifka halka Doolar ee Shilin Soomaaligu gaaray 46,000, oo u dhiganta 31.25% oo qiime dhac ah. Qiima dhacaa ku yimi lacagta iyo sicir barar ka dhashay ayay dawladda Buntilaan tallaabooyin dhawr ah ka qaadday, balse waa ay hirgali waayeen, maadaama aanu bangiga dawladdu maamulin daabicista iyo siyaasadda lacagta, taasna waxa ay keentay in uu gabi ahaanba Buntilaan ka istaago isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga. Tani waxa ay bannaanka keentay xaaladda dhabta ah ee dhaqaale xumo ee Buntilaan ka taagan, waxa ayna sababtay in isku mar ay wada kacaan sicirbararka iyo shaqo la’aantu (Stagflation).
Dhaqaale xumada guud ee dalka ka taagnayd ayay Buntilaan u raacday in aanay jirin lacag warqad ah oo lagu dhex isticmaalo, marka laga reebo tan Maraykanka, taas oo keentay in Baanka dawladdu uu awood u yeelan waayo ka jawaabista xaaladda dhaqaale ee dalka, waxaana ka dhashay arrimahaa, shaqo la’aan baahsana, sicir barar soo noqnoqday iyo musuqmaasuqa oo faraha ka baxay. Maqaalkan kooban, waxa aan kaga hadli doonaa dhibaatooyinka dhaqaale ee ka taagan Buntilaan iyo saamaynta ay taasi ku leedahay dhallinyarada oo badidood ka cabanaya shaqo la’aan, sidoo kale waxa aan ku eegaynaa ku tiirsanaanta deeqaha shisheeye doorka ay ku leeyihiin koritaan la’aanta dhaqaaleheenna.
Warbixin ay iska kaashadeen labada wasaaradood ee Wasaraadda Qorshaynta iyo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee heer Federaal iyo Buntilaan oo soo baxday 2019 ayay ku sheegeen tirada Xoogga Shaqaale (Labor Force) ee Buntilaan in ay tahay 22.9%, halka 77.1% aanay ku jirin suuqa shaqada Buntilaan. Taas oo ay micnaheedu tahay in waqtigaa, 100ka qof ee gaaray da’da shaqada (15 iyo wixii ka weyn) ay 23 qof wax ka yar ay shaqeeyaan ama diyaar u yihiin in ay shaqeeyaan, halka, tiro ka badan 77 qof oo gaaray da’dii shaqada aanay diyaar u ahayn in ay shaqeeyaan. Xaddiga dadka aan shaqada diyaarka u ahayn ee Buntilaan ayaa aad u badan oo afartii qof ee reer Buntilaan ah oo gaaray xilligii shaqada, saddex ka mid ah diyaar uma aha in ay shaqeeyaan. Sida dad badan ay qabaan oo ay ka mid tahay Degan Ali oo ah madaxa hay’adda ADESO, waxa ay u arkaan in ay dhallinyaradu hal-abuur yeelato, sidoo kalena, koboca wax soosaar ee Soomaalida kor loo qaado ay hortaagan tahay siyaasadda guud ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha iyo ururrada ka shaqeeya caawimaadda Soomaaliya, waxa ay qabtaa in aan siyaasad lagu soo dajiyay dal barwaaqaysan aanu ka hirgali karin dal la daalaadhacaya dhibaatooyin badan, ayna muhiim tahay in iyagu ay yeeshaan go’aamada wax lagaga qabanayo duruufahooda haddii la doonayo in ay waxtar yeeshaan deeqaha caalamku. Barnaamijka bixinta lacagaha (cash transfer) oo ay ADESO horseed u ahayd ayna joojiyeen kolkii danbe iyaga oo ka arkay in siyaasadda ay ka lahaayeen ay keentay caqabad weyn oo aanay filanayn, taas oo ah in bixinta lacagaha kaashka ah ay sababtay in reer miyigu ka soo guuraan baadiyaha, beeralay badanna ay joojiyaan tacabkii beerashada iyo in dadyow badan oo ku dhaqan magaalada ay sababtay in ay xaaadiri waayaan shaqooyinkoodii. Marka laysu eego xaaladahaa ka dhashay lacagaha gargaarka ah ee hay’aduhu bixiyaan iyo xaddiga dadka gaaray da’da shaqada ee aan shaqa doonka ahayn waxaa ka muuqanaysa in ay xidhiidh weyn ka dhexeeyo, balse, sannadadii danbe kolkii ay soo yaraatay taageeradii dibaddu, waxaa suuqa ku soo dhacay dad badan oo diyaar u ah in ay shaqeeyaan, taas oo kordhisay shaqa la’aanta ka jirta Buntilaan.
Marka laga yimaaddo dadka aan shaqada diyaarka u ahayn, muddadii danbe waxaa si aad ah u soo badanayay dhallinyarada ka soo qalinjabinaysa jaamacadaha oo soo galaya suuqa shaqoraadinta. Buntilaan oo lagu tilmaamo meelaha ay dadkeedu ugu badan dhallinyarada yihiin, siiba da’da u dhaxaysa 15 ilaa 35 ayaa horumar fiican ka samaysay in dhallinyaradu ay xaadiraan iskuullada sare iyo jaamacadaha, inkastoo aanay gaarin heer la odhan karo tira badan ayaa waxbarata, haddana waxa ay aad uga sarraysaa heerkii waxbarasho ee bilowga dawladnimada Buntilaan. Ardaydaas ka soo baxda jaamacadaha badidood waxaa soo wajahda xaalad niyadjab oo ku saabsan in aan suuqa shaqadu siin fursad ay ku shaqeeyaan, aanayna jirin meel ay markiiba ka hawlgali karaan.
Daraasad laga qoray baaritaan ku saabsan shaqo la’aanta dhallinyarada qalinjabisay ee Buntilaan, laguna waraystay dad gaaraya 582 qof oo ay 470 qof oo ka mid ah yihiin dhallinyarada jaamacadaha ka soo qalinjabiyay, ayaa caddaysay in 470 qalinjabiye ka shaqeeyaan 146 qof oo 59 ka mid ah aanay ku shaqayn aqoonta ay barteen. Daraasaddan jawaabaha laga bixiyay ayaa tilmaamaya in waxyaabaha ka qaybqaatay shaqo la’aanta ardayda reer Buntilaan ee jaamacadaha ka soo qalinjabisay ay ka mid yihiin; kow, fursadaha Shaqada oo xaddidan; qodobkan ayaa ah ka ugu badan ee ay xuseen dadka lagu waraystay daraasaddan, waxa ayna u cuskadeen in aan dawladdu samayn shaqo abuur, sidoo kalena, aanay jirin hay’ado gaar loo leeyahay oo sameeya fursado shaqo. Labo, isqabanwaa xirfadeed (Skills Mismatch) oo jira; qodobkan oo ah midka labaad ee ay tilmaameen ayaa sheegaya sida aanay isu dhammaystireen ama aanay isula keenayn aqoonta lagu barto jaamacadaha Buntilaan iyo xaqiiqada taalla suuqa shaqada. Labadaa qodob ka dib, waxa ay xuseen xaalado dhaqaale, khibradda shaqada oo yar, fursadaha Shahaadada Koowaad oo kooban, Baahi dhanka xirfadaha farsamooyinka iyo caqabado shaqsiyadeed oo ka tagaan habka baadigoobka shaqada. Sidoo kale, waxyaabaha ka dhalankara shaqo la’aanta sababahaas iyo kuwo kale na ay keeneen saameyn la xidhiidha dhaqaalaha, caafimaadka maskaxda iyo ka bixidda dalka. Ugu danbeynna waxa ay xalka ku tilmaameen; in la taageero dhallinyarada shaqo raadiska ah, in dawladdu samayso xalal hoos loogu dhigayo shaqo la’aanta, in dib u habayn lagu sameeyo habka waxbarashada iyo in la kordhiyo dedaalka iskaashiga oo fursado suuq soogalin ah loogu samaynayo dhalinyarada (internship).
Kolka laga yimaaddo dhanka ay daraasaddaasi ka istaagtay xaaladda shaqo la’aan ee haysata dhallinyarada reer Buntilaan, waxa aan ku darayaa dhawr qodob oo aan is dhihi karo waxa ay qayb weyn ka noqotay shaqo la’aanta baahsan iyo dhaqaale xumada ka taagan Buntilaan, waxaana ka mid ah:
Sidii ay u burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, ma jirin nidaam guud oo Soomaaliya ka hanaqaaday oo awood siinaya hay’adaha maaliyaddu in ay si buuxda iyo si u dhowba u gutaan waajibaadkooda. Dhismihii dawladda Buntilaanna ma aysan soo kordhin hay’addo maaliyadeed oo si buuxda u maamuli kara siyaasadda iyo xaddidaada dhaqaalaha, waxa ugu weyn ee xannibay ayaa noqonaya in aanay yeelan karin siyaasaddo dhaqaale oo u gaar ah oo ay ka mid tahay lacag daabacashadu, maadaama ay siyaasadda guud ee Buntilaan ahayd sii xoojinta midnimada dalka iyo in ay tahay dawlad goboleed ka tirsan dawladda federaalka oo gadaasheed hirgashay.
Sicirbararka iyo shaqo la’aanta soo noqnoqday oo tan hore uu Baanka Dhexe ku maareeyo Siyaasadda Lacagta (Monetry Policy) halka tan danbe ay dawladdu ku maarayso Siyaasadda Maaliyadda Dawladda (Fiscal Policy) ayaa meesha waxaa ka baxay labadaa siyaasadood. Tan lacagta ee Baanka Dhexe maamulo waxaa shiiqisay jiritaan la’aanta lacag ay soo saarto Buntilaan, taas oo ka dhigaysa in aan Baanku maamuli karin xaddiga lacageed ee suuqa lagu soo daynayo iyo xaddiga laga qabanayo si loo maareeyo sicirbararka, isbeddelkiisana looga dhigo sicirbarar qayb ka ah koritaan dhaqaale oo caafimaad qaba. Sidoo kale, sannadadii danbe waxaa aad u muuqatay in aan dawladdu lahayn siyaasad gaar ah oo lagu maaraynayo shaqo la’aanta, iyada oo ay xilligan xidhan tahay gabi ahaanba shaqaalaysansiintu lagu na xidhay warqad uu soo saaray madaxweynuhu badhtankii sanadka 2024. Inkastoo ay dhaqaaleyahannadu aaminsan yihiin in sicirbararku uu xidhiidh toos ah oo dhaqsiyo badan la leeyahay shaqo la’aanta, oo haddii sicirbararku kor u kaco ay shaqo la’aantu hoos u dhacayso, haddii uu hoos u dhacana ay shaqo la’aantu kor u kacayso. Aragtidaas oo sida dhabta ah lagu arko nolosha dunida, ayay sannadihii 1970 maadkii dhacday dhacdo lama filaan ah oo dhaqaalaha Ameerika jahwareerisay, taas oo ahayd in qiimaha saliiddu ay kor u kacday, isla jeerkaasna ay dhashay dhaqaale istaag dad badan ku shaqo waayeen, xaaladdaas awgeedna ay dhaqaaleyahannadu bilaabeen in ay u adeegsadaan ereybixinta Stagflation; oo ah laba erey oo laysku kabay, stagnation iyo inflation. Sida muuqatana Buntilaan, waxaa suuragal ah haddii ay jiri lahayd hay’ado si saxa u baara xaaladda dhaqaale in ay ogaan lahaayeen in ay Buntilaan muddooyin kala duwan ay xaaladdaas madaxa la gashay, ayna hal mar wada kaceen shaqo la’aanta iyo sicir bararku. Maaraynta dhibaatadani ma’aha mid maamulka Buntilaan oo kaliyaa furdaamin karo, waxaana awoodda iyo doorka u weyn leh dawladda Soomaaliya, waana in ay qaadato doorkeeda, waxa se jira qodob maamulka Buntilaan uu xal u heli karo waana qodobka shaqo la’aanta oo golaha fullintu ka yeelan karaan siyaasad cad oo lagu wajahayo.
Sannadkii 2004 oo ah sannadkii ay Soomaaliya qaatay nidaamka Federaalka ilaa iyo hadda, waxaa si joogto ah u soo laalaabanayay khilaaf ka dhexeeya maamulka Buntilaan iyo xukuumadda federaalka. Dhammaan madaxdii isu dabo martay xilka na waxa ay ka sinnaayeen in aan xal waara loo helin khilaafka ka dhexeeya labadan dhinac, iyada oo ay mid walba sheeganayo saxnaan dhankiisa ah. Giddi maamullada Soomaaliya waxa ay ku tiirsan yihiin deeqda shisheeye, waana midda keentay in xarumaha maamulladu badidood ku hawlgalaan mashaariic ay ka heleen dawladaha Soomaaliya caawiya iyo hay’adaha ay ugu horreeyaan Baanka Dunida iyo Qaramada Midoobay. Sida ka muuqata Miisaaniyadda Dawladda Federaalka ee loo diyaariyay 2025 dakhliga deeq bixiyayaashu waxa uu ka yahay 67.7% sidoo kale dakhliga ugu badan ee ay ku hawl galaan maamullada xubnaha ka ah federaalka oo ay Buntilaan ka mid tahay waa deeq shisheeye . Kolka ay timaado khilaafka Buntilaan iyo federaalka, waxaa badanaa dhacda in deeqahaasi ay dhexgalaan siyaasado sidaasna ay ku hakadaan mashaariic badan oo dunida ka timi, sida hadda taaganna ay dhacdo in Buntilaan ka qatanaato mashaariic badan oo Federaalka u soo dhexmarayay iyada oo uu ragaadiyay khilaafka u dhexeeya maamullada. Maadaama uu sarreeyo heerka ku tiirsanaansho ee deeqbixinta dibadda, kolka la hor istaago, dhankay doontaba haka timaaddo ee, waxa ay dhalaysaa shaqo la’aan baahsan oo badi dadkii mashaariicdaa ka shaqaynayay ayaa ku soo dhaca suuqa shaqo la’aanta, halka dadkii looga faa’idayn jirayna ay saamayso. Sidoo kale, mashaariicda bannaanka ka yimaadda oo ah ilaha ugu muhiimsan shaqo abuurka dalka ee haddeer ayaa istaagistiisu keenaysaa fursado shaqo oo luma. Shacabka Buntilaan ayaa dhibane ka ah arrinka siyaasadaynta mashaariicda oo ay ugu xuntahay muddadii uu kursiga sare ee Madaxweynaha joogay Xasan Sheekh Maxamuud, dadkuna waa ku kala aragti duwan yahay oo qoloba waxa ay eedaynaysaa dhinac, dhanka Federaalka iyo dhanka Buntlaan labadaba. Xalka ugu mudan ee mushkiladdan looga bixi karo waa in maamulka Buntilaan iyo Dawladda Federaalku gaaraan heshiis kala xadaynaya, khilaafkana laga wada hadlo. Waxaa iyaduna muhiim ah in mamaulka Buntilaan uu xoogga saaro sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha gudaha, miisaaniyadda dawladdana inta ugu badan looga dhigi lahaa dhakhli dalka ka soo baxay, si aan ku tiirsanaanta deeqaha adduunku u dhabarjabin shacabka Buntilaan.
Sida laysku raacsan yahay waxaa jira lahaanshiyo hantiyeed oo loogu yeedho Hantida Maskaxeed (Intellectual Property), taas oo ah in qof walba oo hal-abuura asalka fekrad cusub oo ay ka mid noqon karaan; fan, magac, farshaxan, suugaan, farsamo, abuur saynis iyo qaar kale, lahaanshiyaha maskaxeed ee lagu abuurayna uu yeelanayo qofka sameeyay. Haddaba, sida uu qofku u yeesho xuquuq u ilaalisa hantida caadiga ah ee la arki karo ayay tan maskaxda looga shaqaysiiyay iyana u leedahay mid u dhowrta oo ilaalisa, waxaana la dhahaa Xuquuqda Hantida Maskaxeed (Intellectual Property Rights), waana xuquuqda rasmiga ah ee la siiyo qofka hal-abuuraha ah muddo cayiman. Muhiimadda ugu weyn ee ay leedahay ilaalinta xuquuqda Hantida Maskaxeed waa kobcinta hal-abuurka. Ilaalin la’aanta fikradaha iyo ganacsiyadu, waxa ay sababaysaa in hal-abuurayaashu aanay ka helin wax faa’iido ah, taas oo horseedaysa in bulshadu faraha ka qaaddo abuurista wax cusub iyo daraasaynteeda. Ilaalinta fikraduhu, maaha joojinta tartanka suuqa ee waa kobcinta hal-abuurka suuqa ee ganacsiga iyo wax walba oo la abuuri karo.
Buntilaan waxaa hadda ka taagan in aanay jirin ilaalinta fekradaha curineed, badi ganacsatada iyo dadka hal-abuurka lehna iskuma hallayn karaan in ay ganacsiyo iyo barnaamijyo kale ka furtaan dalka, waxaana taas keenaysa in haddii qof keeno fekrad cusub oo u gaar ah ay suuragal tahay in laba maalin ka dib mid laga dhinac furto, waxaana mararka qaar dhacda in jeebwaynta magaalooyinku ay faragaliyaan fekrad walba oo ganacsi oo ku soo korodha gayiga. Tusaalaha ugu dhow ee hadda ka jirta Garoowe oo ah caasimadda Buntilaan ayaa ah, ganacsiyo yar yar oo isku qaab wada ah, waa meheradaha cusub ee lagu gado shaaha iyo cunnada fudud oo magacyadoodu badankood ka bilaabmo Shaaha (Tusaale: Shaaha Hebla), waa meherado aan wax badan kala danbayn, welina way socotaa furista nooceedu, meherraddii ugu horreysay ee fikraddan la timi Garoowe, waxaa suuragal ah in aanay ka helin wax faa’iido ah, qaabka loo samaynayo ama nooca guud ee la samaynayo ayay dhammaantood ka siman yihiin. Qofka doonaya in uu maalgashado, samaystona ganacsi ee arka sida aanay u jirin sharci qabanaya ganacsiyada, wuu kala laabanayaa. Sidoo kale, waxaa halkaa ka muuqata in bulshadu ay doonayso in ay ganacsiyo furtaan, balse, ay la’ yihiin goobo siiya ta looyin ku aadan waxa suuqa looga baahan yahay ee ganacsadaha iyo bulshadaba faa’iido u ah iyo sidii ay u abuuran lahaayeen jawi ganacsi oo aan hore loo yagleelin ama tab ahaan ka muunad duwan kuwa suuqa hadda ka jira.
Badi dadkii ku dhaqnaa Buntilaan waxa ay u sodcaalayaan dibadda iyada oo raadinaya nolol dhaanta midda dalka. Dadka safraya waxaa ku jira dadyow badan oo dalalka Afrika sida Kiiniya iyo Bariga Afrika u aada maalgashi iyo xoogsi, waxyaabaha la is odhan karo waa ku khasbeen waxaa ugu horreeya amnidarrada ka taagan ilaalinta fekradaha ganacsi. Xalka ugu mudan ee mushkiladdanina waa in dawladdu ka shaqayso sidii loo heli lahaa sharci iyo xuquuq ilaalinaya hal-abuurka Maskaxeed. Sidoo kale, waa in dawladda iyo ciddii tamar u haysaa ay iska kaashadaan sidii loo abuuri lahaa hay’ado dawladeed ama kuwo gaar loo leeyahay oo bixiya hagista iyo talobixinta abuurista ganacsiyada soo kordhaya, ururiyana baahida suuqyada yaalla. Waxaa iyana muhiim ah in dawladdu samayso siyaasado lagu taageerayo ganacsiyada yar yar ee hadda hana qaadaya, si ay u midho dhalaan.
Buntilaan waxaa ka taagan xaalad dhaqaalexumo oo kakan, mana jiraan tallaabooyin muuqda oo caddaynaya in xalka dhaqaalaxumadaas la keenayo. Waxaa iyaduna xawli ku socota ka guurista Buntilaan oo dadkii lacagta haystay ay u guurayaan dalka dibaddiisa oo ay kuwa jaarku ka mid yihiin. Madaxda ayaa ah kuwa ugu badan ee qoysadkoodu dalka dibaddiisa degganyihiin, taas oo keenaysa in mushaharaadka ay dawladdu bixiso badankoodu ay ku baxaan dalka dibaddiisa taas oo u daran dhaqaalaha. Waxaa taa dheer, in uu jiraan wax is dabo maranno iyo musuq u baahan daraaseyn. Qoraalkan kooban waxa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay in dawladdu qaadato doorkeeda ka jawaabista dhibaatooyinka dhaqaale ee Buntilaan, waxa uuna soo bandhigay waxyaabaha sababi kara dhibaatooyinka dhaqaale iyo sidoo kale tallaabooyinka xal u noqon kara, dhibaatooyinkaas oo ay u waa weyn yihiin shaqo la’aanta, saamaynta taban ee gargaarka shisheeye, ka qixidda deegaanka iyo qaar kale. Ugu danbeyn, xaaladdan dhaqaale ee aadka looga cabanayo waa mid u baahan in tallaabo degdeg ah laga qaado, si aanay saamayn intaas ka badan ugu yeelan xasiloonida siyaasadda iyo bulshada. Talooyinka ugu mudan ee maqaalkani bixinayo ayaa ah sidii dawladdu u dajin lahayd siyaasado dhaqangal ah oo looga jawaabayo xaaladda cakiran ee dhaqaalaha Buntilaan.