Saturday 13 June 2026
Geeska waxa uu soo qabanqaabiyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Dhibaatooyin Hor leh: Cuntada, Culeyska Nafsadeed iyo Nolosha Magaalowga”, taas oo uu marti ku ahaa Dr. Cabdikariin Daahir Xasan, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada hormoonnada iyo caafimaadka dheef-shiidka.
Muxaadaradan waxa lagu falanqeeyay sida nolosha casriga ah ee magaalooyinku u beddelayso caafimaadka bulshada, gaar ahaan xidhiidhka ka dhexeeya cuntada, walbahaarka, hurdo-yaraanta, fadhiga badan iyo korodhka xanuunnada daba-dheeraada sida macaanka, dhiig-karka, dufanka beerka iyo khataraha wadnaha.
Dr. Cabdikariin waxa uu sharxay sida isbeddelka caadooyinka cunto, cabbitaannada macaan, dhaqdhaqaaq-yaraanta iyo culayska nolosha magaalooyinku ay jidhka ugu abuuraan dhaawac caafimaad oo muddo dheer socda. Waxa kale oo muxaadarada lagu falanqeeyey muhiimadda ka hortagga, socodka joogtada ah, hurdada, yaraynta sonkorta iyo ilaalinta caafimaadka qoyska.