Tuesday 19 May 2026
Sannadkii 2012 ayaa la ansixiyey Xeerka Baananka Islaamiga ah ee Somaliland (Xeer Lr. 55/2012), muddadii intaas ka dambaysayna, waxa Somaliland ka hanaqaaday hannaan bangiyo Islaami ah oo dhammaan adeegyada maalgelin ee ay soo bandhigaan yihiin adeegyo Islaami ah “Shariah Compliant”. Ka sokow in ay jiraan qaabab kala duwan oo maalgelinta Islaamigaa ahi, haddana bangiyada Somaliland waxa ay si xooggan ugu tiirsanyihiin bixinta adeegga maalgelin ee Muraabaxada. Muraabaxada oo ah qaabka ugu badan ee maalgelin ee ka jirta Somaliland, haddana boqolkiiba 90 dadka maalgelinta loo sameeyey kuma qanacsana heerka macaash ee dulsaarka ku ah (Legass & Ahmed, 2025). Haddaba, si aynnu u fahanno sababaha sarraynta heerka macaashka la dulsaaro Muraabaxada, waxa aynnu u baahannahay inaynu fahanno iskusidkanaanta heerka khatarta iyo macaashka ama dulsaarka maalgaliyuhu rabo.
Heerka macaash ee sare ee Muraabaxada laga rabaa waa muraayad laga dheehanayo jiritaanka caqabado qaabdhismeed iyo dhaqaale, una baahan in meesha laga saaro, si heerku hoos ugu dhaco. Maqaalkani kuma saabsana qaababka fulinta ee adeegga Muraabaxada; waa adeeg leh shuruudo sharci, ilaalintooduna u taallo waaxaha dabagalka ee haayadaha iyo bangiyada maaliyadeed, se waxa uu ka jawaabayaa khataraha ku xeeran maalgelinta, kuwaas oo qaybta ugu weyn leh heerka sarreeya ee macaashka la dulsaaro maalgelinaha Somaliland. Khatarahan sarreeya ee suuqu, waa kuwa keenay in bangiyadu kharashka ku dallacaan macmiilka, oo macmiilku noqdo cidda qaadaysa dhibaatada khataraha suuqa yaalla.
Kolka mashruuc ganacsi la ballaadhinayo ama mid cusub la abuurayo, ilaha laga helo maalgelintu waa saddex: 1. In macaashkii hore laga maalgeliyo “retained earnings”, ama raasamaal uu qofku sidiisa u haystay uu ku bilaabo ganacsigiisa. Qaabkani waa kharash la’aan, waa qofka oo jeebkiisa ka maalgelinaya mashruuciisa ganacsi, se dhibta uu leeyahay waa xadddidnaan; inta badan macaashka ama raasamaalka wax lagu maalgashan karaa waa mid xaddidan. 2. Habka labaad waa maalgelin amaah ku dhisan. Qaabab badan baa amaah loo bixin karaa, amaah muddo kooban ah iyo mid muddo dheer ahiba way jirtaa, waxa ka mid ah casaynta akoonka bangiga “bank overdraft”, oo ah amaah muddo kooban ah, iyo amaahda muddada dheer ee shahaadooyinka daymaha la daabaco. Muraabaxadu waa qaab ka mid ah qaababkan maalgelin ee amaahda ku salaysan. 3. Isha saddexaad ee qofi mashruuc ganacsi ku maalgelin karaa waa in uu soo bandhigo saamiyo”shares”, tusaale ahaan in shirkadi ku baaqdo maalgalinta warshad weyn oo 10 kun oo saami loo baahan yahay.
Kolka aynnu ka nimaadno ilaha maalgelinta laga helo, qodobka ugu muhiimsani waa in labada ilood ee dambe ay kharash ku joogaan shirkadda ama qofka maalgelinta doonaya; in uu amaahda dulsaarkeeda celiyo ama in uu saamilayda siiyo macaashkii saamigooda “dividends”. Shirkadda ama xitaa qofka raba in mashruuc loo maalgeliyo, waxa ugu weyn ee uu bilawgaba niyadda ku hayaa waa in ugu yaraan mashruucaasi, xitaa gaadhi loo maalgeliyeyna ha noqdee, uu soo celiyo kharashkii maalgelinta; wixii intaa ka dambeeyaa waa macaash uu isagu helay. Bangiga ama dadka saamiyada maalgashanaayana waxay rabaan in dulsaarkii amaahda ama macaashkii saamiyada ay helaan. Waa laba daraf oo qayaxan: maalgeliye raba in uu macaashkiisii ama dulsaarkiisii helo, iyo loomaalgeliye doonaya in ganacsigiisu ugu yaraan kharashka maalgelinta celiyo. Waaqacu se sidan fudud ma aha; waxa jira jaangooyeyaal ku xeeran qofka loo maalgeliyey mashruuca ganacsi oo saamaynaya macaashka uu helayo. Laga bilaabo musiibo dabiici ah oo aanu awooddeeda lahayn ilaa maamul xumada ka qabsata sidii uu macaash usoo saari lahaa, dhammaan waa khataro jaangoynaya macaashkiisa.
Haddaba, qodobka baraarugga weyn u baahani waa kan dambe. Ilaha maalgelinta, bangi ama saamilay, dulsaarkooda waxa jaangooya khataraha jira. Kol kasta oo khatartu sarrayso, dulsaarka ama macaashka la rabaana waa mid sarreeya; waa iskusidkanaan qayaxan. Khataraha dabiiciga ah badanka ganacsatadu waxay kaga badbaadaan kalahabayn ganacsi, tusaale qof kasta wuu yaqaan xilliga qaboobaha waxa gadma, xilliga kulaylaha waxa suuq leh, xilli roobaadkana waxa ka iibsamaya. Laakiin waxa jira khataro in la yareeyo mooyaane, aan meesha laga wada saari karin. Ilaha maalgelinta sameeyaa, waxa ay dulsaarkooda ama macaashkooda ku jaangooyaan heerka khatarahan. Mu’assasaadka maalgelintu ma aha kuwo khayri ah, sidaas darteed waxa ay rabaan macaash; macaashkaasina ma aha wax si iskii ah isaga soo baxaya, ee waa mid oddoros iyo ku jaangoynta khataraha jira uga baahan. Si fudud, bangiga wax maalgelinayaa, waxa uu adeegsanayaa qaacidadan:
E(Ri)=Rf+βi(Rm−Rf)
Heerka dulsaar ee uu maalgeliyuhu rabaa, waa in uu le’ekaadaa dulsaarka bilaa khatarta ah ee maalgeliye kastaa macaash kuwa kale la siman ku dooni lahaa, oo loo geeyey Beta oo lagu dhuftay dulsaarka dheeraadka ah ee khatarta suuqu keentay. Beta waa waxa joongaynaya heerka maalgelintu u nugushahay khataraha suuqa. Haddii aan qaacidadan la adeegsan, ama xitaa sida Tomkins iyo Karim ku doodeen la waafajiyo shareecada, oo loo qoro sidan:
𝐸(𝑟𝑖) = 𝑏𝑖𝐸(𝑟𝑀)
Natiijo weyn oo is beddelaysaa ma jirto sidii loo dhigaba, oo ku jaangoynta ribo ama sicirbarar wax weyn ma beddelayaan. Natiijada qaacidadan ama qaababka la midka ah ka dhalata uun buu maalgeliyuhu ku go’aan qaadanayaa, heerka intaa ka hooseeyaana waa u khasaare. Tusaale, waa qofka oo agabka uu soo siistay boqolka doollar, konton ku iibiya.
Intani waa hordhac iyo in la fahmo: ilaha maalgelinta, kharashka maalgelinta iyo dulsaarka iyo macaashka maalgeliyuhu rabo, si gaar ahna loo fahmo sida khatarta jirtaa u jaangoyso heerka macaash ama dulsaar ee maalgeliyuhu rabo. Xitaa haddii bangiyo ribo yimaaddaan Somaliland, iyada oo aan la beddelin khataraha jira ee maalgelintu u bandhigantahay, heerkan sarreeya ee dulsaarku wuu sii jiirayaa.
Somaliland, cabashada u weyni waxay ka jirtaa qaabka maalgelineed ee Muraabaxada; heer dulsaar oo sarreeya oo loo arko dhiigmiirad. Maqaalkani ka hadli maayo khaladaadka sharci ee dadka Muraabaxada fulinayaa geli karaan; wax kasta oo shuruudo iyo shuruuc leh kolka la fulinayo waa la garab mari karaa waaqac ahaan, la xisaabtankiisana guddiga dabagalka sharci ee mu’assasada ayaa leh, se waxa aan rabaa in aan iftiimiyo caqabado ku xeeran nidaamka maalgelineed ee Somaliland, anigoo eegaya dhawr qodob oo haddii wax laga qabto hoos u dhigaya heerka dulsaar ee bangiyadu dadka ka rabaan, qaabab kale oo maalgelinna furfuri lahaa.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee suuqa Somaliland haystaa waa caymis la’aan. Caymisku waxa uu khasaaraha ka dul qaadayaa qofka, oo waxa uu sababayaa in aanu qofku khasaaraha ku kaliyeysan, ee lala qaybsado; ay la qaybsadaan dadka caymiska ku wada jiraa. Kolka mashiin, wiish, beer, ama warshad la maalgaliyo, ka dibna musiibo dabiici ahi ku dhacdo, sida dab, caymisku waxa uu keenayaa in aanu qofku ama shirkaddu ku keliyeysan khatartaas. Kolka qodobkani jirana, bangiyadu waxa ay ku dhiirranayaan in ay wax maalgaliyaan, kol haddii khatartu yaraatay. Xusuuso in heerka khatarta iyo heerka dulsaar isku sidkan yihiin. Si kooban, caymis la isku hallayn karaa judhaba waxa uu hoos u dhigayaa jaangooyayaasha “inputs” qaacidadaas sare, tusaale ahaan, cabsida laga qabo lamafilaannada suuqa, “Beta”, ayuu yaraynayaa, kolka “Beta” hoos loo dhigana, heerkii dulsaar ee maalgeliyuhu rabay hoos buu u dhacayaa.
Bangiyadeennu inta badan waxa ay bixiyaan maalgalin amaah ku salaysan “Muraabaxa”, ee ma bixiyaan maalgalin hantiyeed (hanti kagama qayb qaataan maalgalinta fikrad ganacsi ama ballaadhin mashruuc), maalgalintaasina waa mid sidaynnu soo sheegnay ku jaango’an khatarta suuqa. Sababta Muraabaxada ay u doorteen waa hoos u dhigidda khatarta dulsaarkooda, kolkaa khatarta waxa ay ku wareejinayaan macmiilka, se imaatinka caymis la isku hallayn karaa, waa mid labadaba dawo u ah: gelitaanka maalgelinno hanti ku salaysan (wadaagidda faa’idada iyo khasaaraha) iyo hoos u dhigidda heerka dulsaar ee laga rabo Muraabaxada.
Halkan kaalinta xukuumaddaa soo galaysa, in si dhab ah ajande looga yeesho caymiska iyo waajibnimadiisa. Ka sokow in la dhaqan geliyey Xeerka Hay’adda Caymiska (Xeer LR.92/2021), iyo Xeerka Shirkadaha Caymiska (Xeer LR.104/2023), haddana weli lama fulin waajibnimada caymiska, si dhab ahna hoos looguma daadegin, lagamana dhigin agab lagu yareeyo khataraha lamafilaannada ah ee maalgelinno badan hor taagan. Siiba xilli Somaliland aqoonsi ka helayso dalal caalamka ah, si weynna ay ugu baahan tahay maalgelinno caalami ah. Habraacyo sharci waa gundhigga caymis horumarsan oo ka qayb qaata yaraynta khataraha suuqa. Sidaas darteed, waxa habboon in caymiska la dardargeliyo, siiba qaababka caymis ee ganacsiyada yaryar gaashaanka u noqon kara, maalgelinta dhiirrigelin kara la dardargeliyo.
Dawladdu waxa ay qayb weyn ka qaadan kartaa u dhaxaynta bangiyada iyo macaamiisha, iyadoo jidaynaysa shuruuco hoos u dhiga khataraha keenaya in heerka dulsaarku sarreeyo. Bishii Feebarweri ee 2026, Bangiga Dhexe ee JSL waxa uu shaaciyey dhaqangalka Xeerka Rahanka (Xeer LR. 110/2025) oo la xidhiidha rahanka iyo hantida lagu dammaanad qaadayo in maalgeliyuhu helo xaqiisa la xidhiidha maalgelinta uu bixiyey. Waa qodob ka dhigan in muddadaas bangiyada iyo maalgelinuhu ka jireen Somaliland, aanu jirin jid rasmi ah oo lagu soo ceshan karo amaahda kolka qofku muddadii ku bixin waayo. Xeerkan haddii sidiisa loo dhaqan geliyo, waa mid hoos u dhigaya werwerkii laga qabay dammaanadda qofka la maalgeliyey, waxaanu kalsooni siinayaa maalgeliyaha, oo kolkii hore heer dulsaar badan saarayey maalgelinta, si uu u kabo werwerka dammaanad la’aanta iyo hubanti la’aanta ka dhalanayey, sababayeyna heerka sarreeya ee macaashka.
Qodob kale oo weli dhiman, oo ay tahay in Bangiga Dhexe ee Somaliland uu sameeyo, waa ururinta xogta dayn qaatayaasha. Waa in la sameeyo “database” sugan oo laga arko xogta macmiilka, sooyaalka daymeed, bixinta daymihii hore iyo heerka dakhli. Somaliland gudaheeda, waa dhif in macmiilka dayn qaadanayaa uu ka run sheego dakhligiisa, arrinkan oo keenaya xog kala dhantaalid iyo dagidda bangiga maalgelinta bixinaya. Daahfurnaanta dakhliga daynqaatuhu, waa isla agab kale oo dawladdu uga faa’idaysan karto cashuur qaadista, waana jid sahlaya kayd xogeed oo hubanti la’aanta yaraynaya.
Somaliland, inta u badan maalgalinaha ganacsiyadu u baahan yihiin waa maalgalinaha xaddiga yar “microfinance”, sidaas darteed, waxa waajib ah, in la ansixiyo xeer cusub oo khuseeya maalgelinta ganacsiyada yaryar “microfinance”, oo aan lagu koobsan Xeerka Baananka Islaamiga ah. Baanka Dhexe ee JSL waxa kale oo ku waajib ah, fududaynta diwaangelinta haayadaha maaliyadeed ee bixiya maalgelinta danyarta ama ganacsiyada yaryar “microfinance institutions”. Qaabka ugu wanaagsan ee lagu dhiirrigelin karo waa in laga dhimo heerka dhigaal ee Bangiga Dhexe uga baahan yahay haayadahan maaliyadeed. Ka sokow dhiirrigelinta haayadaha maalgelinaha kooban bixiya, waa in si dhab ah loo habeeyo, oo laga yeesho ujeeddo dhab ah oo sahlaysa in bulshada saboolka ah iyo ganacsiyada yaryari helaan jid u gaar ah oo maalgelineed.
Aad bay u kooban tahay in bangiyada Somaliland adeegsadaan qaababka maalgelineed ee la wadaago khasaaraha iyo faa’idada, sida Mushaaraka iyo Mudaaraba. Sababaha aan loo adeegsanna waxa sal u ah khatar ka carar; bangiyadu weli kuma kalsoona xogta macmiilka ay la shuraakoobayaan, sababtoo ah waxa maqan xeerarka xisaabeed ee daahfurnaanta xisaabxidhka ganacsiyada, sidaas darteed, khatarta maalgalinahani waa kuwo nooc kasta oo khataro ah ka sarreeya, sababtoo ah bangigu waxa uu macmiilka la wadaagayaa faa’idada iyo khasaarahaba, waana sababta bangiyadu ugu koobsanayaan Muraabaxa oo ay faa’idadooda ogyihiin, hubanti la’aanta soo celinta macaashkana kaga taxaddarayaan heerka sarreeya ee macaashka. Haddaba, dawladdu waxa ay la iman kartaa dedaallo iyo tallaabooyin lagu dhiirrigeliyo ku dhiirrashada qaababka kale ee maalgelin. Dawladdu waxa ay dhigaalka shardiga ah ee bangi ka yarayn kartaa bangiyada bixiya qaababka kale ee maalgelin, sida Mushaarakada iyo Mudaarabada, oo ah qaabab bangigu hanti kaga qayb qaadanayo maalgashiga, halka Muraabaxadu dayn ku salaysan tahay. Sidoo kale, waa in la fuliyaa waajibnimada adeegsiga Xeerarka Caalamiga ah ee Hantidhawrka (ISA) iyo Xeerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka (IFRS), si bangiyada iyo macaamiisha ay uga dhex abuuranto kalsooni, xogta xisaabxidh ee macmiilku soo gudbiyana u daahfurnaato.
Ka sokow jiritaanka Xeerka Shirkadaha Xeer LR.80/2018, haddana weli Somaliland kama jiraan shirkado dadweyne. Shirkadaha dadweyne “public limited companies”, waa shirkado iibiya saamiyo ay si daahfuran dadweynaha ugu soo bandhigeen. Si ka duwan ganacsiyada shuraakada dadka koobani ku yihiin, ama qoysasku leeyihiin, shirkadaha dadweyne waxa ku jira kumanaan qof, saamiyadoodana waa la kala iibsan karaa.
Shirkadahani waa kuwo kaalin laxaad leh ka qaata dhaqaalaha dal, oo halkii lagu tiirsanaan lahaa maalgelinta daynta ku salaysan, waxa la helayaa maalgelin hantiyeed. Shirkadaha qaabkan ahi waa kuwo dadka dakhliga dhexe u saamaxaya inay dakhligooda ku maalgashadaan mashruucyo ganacsi, sida shirkad koronto ama isgaadhsiin, oo saamiyadeeda si daahfuran loogu iibiyo suuqyada.
Marka laga yimaaddo faa’idada dabaqadda dhexe ka helayso shirkadaha sidan ah, sidoo kale waxa fursad loo helayaa in mashruucyo ganacsi oo ganacsato badani ka baqayaan lagu dhiirrado, sida warshado waaweyn, sababtoo ah halista maalgashiga warshaddu hadda kuma koobna qof, kumanaan qof baana wadaagaya khasaaraha iyo faa’idada.
Ka sokow Xeer LR.80/2018 oo gundhig wanaagsan u dhigay qaababka shirkado dadweyne oo waaweyn loo diwaangelin karo, haddana Xeerku waa guudmar aan u dhaadhacayn gunta shuruucda shirkadaha dadweyne. Sidoo kale, Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddexaad “National Development Plan III”, waxa ku xusan hirgalinta suuqyada saamiyada ee Shareecada waafaqsan kolka la gaadho 2027. Xeerka waxa lagu sheegay qaabka saamiyo loo soo bandhigi karo, se lama sheegin qaabka saamiyada dadweynaha looga iibin karo (walow Qorshaha Horumarinta Qaranku soo bandhigay doorashada suuqyada saamiyada Islaamiga ah), haddii ayna jirin suuqyo saamiyada lagu gado iyo xeerkiisa oo dhammaystirani, weli ma jirto kalsooni si dhab ah loogu dhiirran karo gadashada saamiyadaas. Sidoo kale waa in si qotodheer loo faahfaahiyo qaababka dadku usii kala gadan karaan saamiyada. Qodob kale oo shirkadaha dadweyne lagama maarmaan u ahi waa saafidda qaabka maamul ee shirkadda; in shirkadda dadweyne si dhab ah uga duwanaato shirkadaha kale ee qoys ama dad shuraako ku yihiin. Kala soocidda maamulka iyo hantiilayaasha oo si waafi ah loo sharraxaa waa jidka lagu ilaaliyo saamilayda qaddarka yar. Shirkadaha dadweyne waa in si dhab ah loogu khasbo qaadashada xeerarka xisaabeed ee IRFS, kuwan oo saamaxaya daahfurnaanta iyo xog siinta saamilayda, sidoo kalena xisaabxidhka shirkadahan uu ansixiyaa hantidhawre madaxbannaan.
Ganacsiyadu haddii ay ku tiirsanaadaan maalgelino amaah ah, waxa ay halis ugu jiraan kicitaan, sidaas darteed, iskumiisaamidda hantida iyo amaahdu waa qodob lagama maarmaan ah. waxa jira heer haddii ganacsigu amaahda gaadhsiiyo uu kacayo, waxa kale oo jira heer aanu ganacsigu ka maarmayn ilo maalgelineed oo uu wax ka amaahdo.