Saturday 18 April 2026
Dhaymo-buugeeddu waa waddo iyo aalad dabiibeed oo xanuunnada nafsiga ah iyo culays shucuureedka lagula tacaali karo. Dadkeenan ku nool berrimada aan fursadda u helin in ay helaan daryeel nafeed na waa xal iyo wadiiqo ay cuskan karaan, oo jaban. Dhaymo-buugeeddu (Bibliotherapy) waa u adeegsiga akhriska daawo ahaan si nafsiyan loogu dabiibo fayo-qabka shucuureed iyo maskaxeed ee qofka. Markii si taxaddar leh loo doorto suugaan la jaanqaadaysa waayo-aragnimada qofka, dhaymo-buugeedda waxaa laga heli karaa faham, nafis, iyo niyad dhis. Kasma-nafeedyahannadu waxay ku qeexaan in ay tahay daryeelka iyo dabiibka maskaxda iyadoo loo marayo suugaan. Ha noqoto sheeko faneed, maanso, xasuus-qor, ama qoraal kale ba e. Akhriska suugaantu waxay qofka ka caawisaa inuu la tacaalo shucuurtiisa, kororsado adkaysi, isla markaa na helo adduun arag cusub oo nolosha ah.
Taariikh ahaan Dhaymo-buugeeddu waa mid facweyn oo waayo hore la fahmay. Aaminaadda in akhrisku wax bogsiin karo dhaymo na nafta u yahay waxay soo jirtay qarniyo badan. Tusaale ahaan Faylasuufyadii Giriigga iyo Roomaanka waxay suugaanta ku tilmaami jireen dabiibka ruuxda. Masaaridii hore na maktabadahooda waxa ay u yaqaanneen “Guryaha Dabiibka Ruuxda”. Qoraayadii waayihii iftiiminta ee qarnigii lix iyo tobnaad illaa siddeed iyo tobnaad iyana aad bay uga hadleen waxna uga qori jireen. Qoraaga caanka ah ee Meeshel di Moontayn (Michel de Montaigne) wuxuu sheegayaa in uu ka helay akhriska buugagga dhaymo iyo bogsiimo, kaddib markii uu dhintay saaxiibkii oo uu cudurka dilaaga ah ee Daacuunkii Madoobaa galaaftay, wuxuu na hogatusaaleeyey in “suugaantu tahay dhaymaha ugu wanaagsan ee qabta iyo qulubka”.
Ereybixinta dhaymo-buugeed “Bibliotherapy” waxaa tumay horaantii qarnigii 20aad Saamiweel Karooderis oo ahaa nin wadaad ah. Dagaalkii Koowaad ee Adduunka kaddib, isbitaallada ciidamada ayaa adeegsaday gabayo iyo suugaan si ay ugu caawiyaan askarta dhaawaca maskaxeed uu ka soo gaadhay dagaalka. Muddo dabadeed, dhaqankaasi wuxuu ku fiday isbitaallada, iskuullada, xabsiyada, iyo xafiisyada cilmi-nafsiga, isagoo noqday mid rasmi ah oo dadku si gaar ah u adeegsado.
Maanta Dhaymo-buugeedda waxaa loo adeegsadaa saddex hab oo waaweyn:
Goobaha Caafimaadka Maskaxda: La-taliyeyaasha cilmi-nafsigu waxay bukaannadooda siiyaan buugagga la socda daaweynta. Tusaale ahaan, qof la tacaalaya welwel waxaa loo qori karaa buug la xiriira nasashada ama sheeko ka hadlaysa murugada. Akhrisku wuxuu noqdaa shaqo guri oo xoojinaysa casharrada lagu qaato goobaha la-talinta, kuwaas oo dhiirrigeliya gorfaynta wax is wayddiinta si qoto dheer.
Barnaamijyada Waxbarashada: Dugsiyada iyo maktabadaha ayaa u adeegsada Dhaymo-buugeedda si ay carruurta baraan la tacaalidda dhibaatooyinka shucuureed iyo kuwa bulsheed ba. Tusaale ahaan buugaagta iyo suugaanta ka hadasha saaxiibtinimada ama faquuqa waxa ay dhallinyarada u furaan daaqad cusub oo u saamixi karta inay si furan uga hadlaan dareenkooda. Ayaan aan sidaas u sii fogayn ayaa jaallahay Cabdilaahi Rawje ila soo wadaagay, buug sheeko faneed ah oo uu qoray si aan u akhriyo, sheekadu na waxay ku saabsanayd waayo-aragnimada faquuqa, waa wiil dhallinyaro ah oo iskuulka, ardayda iyo macalimiinta ba cadaadis badan kala kulmaya, iyaga oo ku eedaynaya inuu yahay “shaneeye” dumar la daaq ah. Muddo ayuu mushkiladdaas la noolanayaa, ugu danbeyn se wuxuu go’aansanayaa inuu gacan wax kaga qabto oo fal gacanqaad ah ayay gayaysiinaysaa. Xaaladda wiilka iyo qaabka sheekadu lafagurayso markaad akhridid waxaad dareemaysaa in haddii sheekadan oo kale ardayda dugsiyadeennu akhrisan lahaayeen ay si qaangaadhnimo leh u maarayn lahaayeen culaysyada dugsiga ka soo waajaha.
Adeegsiga Shakhsiga ah: Qaabka saddexaad ee loo adeegsado dhaymo-buugeeddu ayaa ah in qofku uu isagu si iskii ah isagu dabiibo, marar badan xitaa isaga oo aan ku baraarugsanayn. Qofku markuu akhristo sheeko uu jecel yahay xilliga uu murugaysan yahay, ama markuu xasuusto gabay uu ku xasilo, ama akhriyo xasuus-qor dhiirrigelinaya mar uu la daalaa dhacayo nolol adag – dhammaantood waa tusaalayaal ka mid ah Dhayoa-buugeed. Qaar waxay xitaa akhriska ku dhex daraan qoraal xusuus maalmeed ah (journaling) oo ay naftooda la falanqeeyaan.
Dhanka kale xirribtan dhaymo-buugeedda waxaa loo adeegsan karaa noocyo kala duwan oo suugaan ah. Akhristayaasha sheeko fanneedu waxay la falgalaan dabeecadaha iyo dhacdooyinka sheekada si ay uga baaraandegaan shucuurtooda, waa na qaab aammin ah markaad dhexgashid lana dareen noqotid jilayaasha qisada aad akhrinayso. Waxaad sidoo kale aad ka helaysaa fahan iyo waayo-aragnimo iyo la damqasho ah (empathy). Dhan ka kale maansadu waa qalab xooggan oo cabbiri kara dareemadda bini’aadamka u wada siman. Isku dabiibidda maansada waxaad u adeegsan kartaa gabayada iyo jiiftooyinka soojireenka ah iyo kuwa casriga ah labada ba. Suugaanta tixda ah waxay dheertahay suugaanta kale habdhaca iyo miisaanka, maqalka iyo maskaxda ba u roon. Xaraf raaca iyo miisaan suugaaneedku sidoo kale wuxuu fududeeyaa xusuusta iyo soo celinta nuxurkii oo si fudud maanka ugu kaydsamay. Heesaha muusigga iyo murtida leh iyagu waa ba wehel. Waagii aan waxbarashada u joogay Suudaan, qaladii iyo daltabyadii waxaa i soo mootiyey wuxuu ahaa qaraamiga Hiba Nuura iyo Magool oo aan si xad dhaaf ah u dhegaysan jiray.
Waxaa la weriyaa in qaxootiyada adduunku markay akhristaan gabayada Maxamuud Darwiish ay il iskaga gartaan, sidaas awgeed na lagula taliyo akhrinta suugaanta qurbaha ee caalamiga ah, sida Ilya Abuu Maadi iyo Jubraan Khaliil Jubraan. si ay dhaymo ugu noqoto, miridhaabo iyo maararrow na ay ugaga noqoto murugada iyo luminta aqoonsiga.
Xasuus-qorrada iyo sheekooyinka dhabta ah ee adkaysiga iyo samatabaxa la xidhiidha iyagu na waa suugaan nooc gaar ah oo laga helo wacyi, hanuun iyo dhiirrigelin.
Cilmi-baadhisyo badan ayaa muujinaya waxtarka Dhaymo-buugeedka. Dib-u-eegis la sameeyay 2017-kii waxay muujisay in Dhaymo-buugeed la hago ay waxtar u leedahay dadka qaangaarka ah ee la tacaalaya qulubka fudud. Deraasad kale ayaa iyana muujisay in dadka waayeelka ah ee la socday barnaamij akhris ah ay horumar la mid ah gaareen sida kuwa helaya la-talin gaaban.
Dhaymo-buugeed, sidoo kale waxay yareysaa welwelka. Deraasad kale oo lagu sameeyay arday jaamacadeed ayaa muujisay in akhriska si dhugmo leh loo sameeyo muddo 10 toddobaad ah ay si weyn u dhintay heerka werwerka ee ardayda. Sidoo kale isku dabiibidda maansada ayaa la ogaaday inay ka caawisay dadka jug-nafsiyaadeedda (PTSD) iyo welwelka.
Sidoo kale intii lagu jiray aafadii COVID-19, barnaamijyada akhriska la wadaago waxay siiyeen dadkii go’doonsanaa dareen, ujeeddo iyo wada xiriir. Goobaha kala duwan – sida dugsiyada, xabsiyada, iyo kooxaha daaweynta – dhaymo-buugeeddu waxay kor u qaadday adkaysiga shucuureed, is-maamul, iyo naxariista dadka kale loo hayo.
Marka laysku soo xooriyo cilmibaadhista lagu sameeyey xirribta dhaymo-buugeedda iyo suugaanta oo caafimaad ahaan loo adeegsado waxay muujinaysaa in ay raad muuqda oo la taaban karo leedahay, ayna mararka qaarkood tahay waddada ugu jaban ama ta keliya ee ay heli karaan qayb badan oo dadka ka mid ahi, ee nafta lagu baanan karo.
Dhanka kale sheekooyin badan oo shakhsi ah ayaa muujinaya in suugaantu wax bogsiin karto. Biiter Laylaan oo ah macallin luuqadda iyo suugaanta muddo dheer dhigayey, ahna qoraa ayaa waayo- aragnimadiisa la xidhiidha dhaymo-buugeedda maqaal u ka qoray ku sheegay in buugaagtu keliya aysan ahayn nafisaad iyo wakhti lumis ee ay fayaqabkeena maskaxeed wax badan ku darsadaan. Wixii sheegay in uu diraaseeyey mawduucan dhaymo-buugga, kaddib na uu akhriska buugta waxwayn iskaga gartay. Barakacayaasha iyo qaxoontiyada dunida daafeheeda ku kala firdhay iyana waxay weriyeen in akhrinta gabayada ka hadlaya khasaaraha ay ka yareeyeen kelinimadda. Sidoo kale maxaabiis ka qeyb galay barnaamijyo ay ka mid yihiin “Shakespeare Behind Bars” ayaa sheegay in ay ka heleen bogsiin iyo faham nafeed markay jileen doorar iyo sheekooyin ka hadlayay shucuurta bini’aadamka.
Haddii aan is dultaagno qaar ka mid ah dheefaha gaar ahaan laga helo isku dabiibidda akhriska suugaanta iyo guud ahaan akhrista buugagga, waxaan ka soo qaadan karnaa dhowr qodob oo si guud laysugu waafaqsan yahay in ay faaiido u taraan:
Faham iyo aragti: Inaad isbarbar dhigto dareenkaaga iyo midka jilayaasha sheekada ama dadka dhabta ah waxay kaa caawisaa inaad si qoto dheer u fahanto naftaada.
Nafis shucuureed iyo xiriir: Buugaagtu waxay kaa saacidaan inaad dareento in lagu dhagaystay. Akhrisku wuxuu horseedi karaa in dareenka loo dhug yeesho. Akhristuhu wuxuu ogaadaa inuusan kaligiis ahayn.
Xirfadda la-tacaalidda: Buugaagta waxaa laga bartaa xeelado lagula tacaalo murugada, culeyska iyo walwalka. Waxay sidoo kale gacan ka gaystaan dhisidda caqli-shucuureedka iyo dulqaadka.
Helitaan fudud oo jaban: Buug isku daaweyntu waa hab dabiib oo si fudud loo heli karo oo jaban, gaar ahaan meelaha aan adeegyada cilmi-nafsiga laga helin. Waxaa sameyn kara kaligaa, sidoo kale malaha dhibaatooyinka ay leeyihiin dawooyinku.
Dhanka kale, inkasta oo ay leedahay faa’idooyin badan, dhaymo-buugeeddu, hadda na waxay leedahay xad; waxay u baahan tahay doonis akhristeed. Dadka qaba dhibaatooyin culus sida niyad-jab daran ama cudurro maskaxeed oo xooggan se waxaa laga yaabaa inay ku adkaato ama aysan wax badan u tarin.
Sidoo kale, waa in si taxaddar leh loo doortaa buugaagta. Qoraallada naxdinta leh ama kicin kara xasuusta xun waxay khatar ku yihiin akhristaha. Ugu danbaynta na beddel kama aha isdabiibidda rasmiga iyo in dhakhtar la booqdo. waxay ku filan tahay xaaladaha fudud iyo kuwa dhexdhexaadka ah. Dhibaatooyinka culus waxay u baahan yihiin daawayn xirfadle hagayo.
Gebagabadii , dhaymo-buugeeddu waxay tixraacaysaa awoodda shucuureed iyo mala’awaalka suugaanta si ay u taageerto bogsiimada iyo koboca nafsiga ah. Haddii ay tahay sheeko, maanso, ama xasuus-qor. Buugga saxda ah oo la akhriyo xilliga saxda ah wuxuu dejin karaa xanuun, wuxuu abuuri karaa aragti cusub, wuxuu na dhisi karaa adkaysi. Sida uu mar qoraa sheegayna "Bogsiintu waxay bilaabataa markaad garato in qoraagu dareemay wixii aad adigu dareemayso, isla markaana uu naxariista uu kuu muujiyey adiga uu ku dhigay ereyo." Halkaas ayeyna ku jirtaa sixirka dhabta ah ee Dhaymo-buugeeddu, waa buundo u dhexaysa xanuun iyo fahamka lagu la wadaago.