Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Dhaxalkii Malcolm X ee Gumaysi la Dirirka

23 February, 2025
Image
Malcolm X
Malcolm X
Share

Si la mid ah shakhsiyadihii hormuudka u ahaa kacdoonka ee qarnigii 20aad, sida Che Guevara, Djamila Bouhired iyo Ho Chi Minh, xasuusta laga dhaxlay Malcolm X waxa ay higsi u tahay halgannada lagaga soo horjeedo imbiryaaliyadda iyo gumaysiga dunida daafaheeda ka jira. Jidkii siyaasadeed ee Malcolm X ku halgamay waxa uu soo bandhigaa xidhiidhada adag ee ka dhexeeya qaddiyadaha midabtakoorka iyo imbiryaaliyadda, waxaanu muujiyaa in labada dhaqan yihiin dameer iyo labadiisa daan  oo maamulladu dadka ku maquuniyaan. Tani waa sababta Malcolm X halyey ugu yahay halganka lagaga soo horjeedo midabtakoorka ee magaalooyinka galbeedka. 

Haddii ay jiraanba, waa ay yaryihiin dadka buuxin kara kaalinta Malcolm X ugu jiro kacaanyahannada Afrika, dadka aan caddaanka ahayn iyo muslimiinta dunida. Imaam Daalib Cabdirashiid, oo ahaa hoggaamiyihii Dhaqaaqa Ummat al-Islaam ee Harlem, Malcolm X waxa uu ku tilmaamay “qof astaan u ah halganka lagula jiro gumaysiga iyo cabiidinta dadka”. Sawirkiisu waxa uu noqday calan kor loo qaado marka la codsanayo dhawridda sharafta dadka ku nool Koonfurta Dunida. 

Malcolm X waxa uu ahaa qawmi afrikaannimadu ku weyntahay, una dagaallama midaynta Afrika, waxa uu ahaa muslim iyo halgamaa caalami ah oo u dirira xorriyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha. Tilmaamahaa badan ee ku kulmay awgood, shakhsiyadda Malcolm waxa ay noqotay mid dhinacyo kala duwan laga istaago oo aan si sahlan loo qeexi karin. Shirqoolkii bahalnimada ahaa ee lagu khaarijiyey ka dib, waxa kor usii kacay shacbiyadda halgamaagan, waxaanu astaan halgan u noqday dadka la tunjileecsado ee lagu xadgudbo xorriyaddooda. Waxa uu astaan halgan u noqday Afrikaankii xornimada doonayey, waxaana u baroordiiqay dunidii Muslimka ee uu ka baxay. Malcolm X (oo magaciisa Islaamka ahi yahay al-Xaaj Maalik al-Shabbaas), waxa uu hoggaamiye ruuxi ah u noqday dad badan oo diin ahaan ku taageersan. Waa sababta ay ugu wareereen dad badani shakhsiyaddan hal mar kulansatay rooxaaniyadda diineed iyo kacdoonka gumaysi la dirirka ah. 

Dunida kacdoonnada, waxa caqabad laga dhaxaysiiyaad diinta iyo kacdoonka, waana kala qaybsanaanta aan ka dhexjirin shakhsiyaddii Malcolm X. Kooxaha bidixda ah ee la dirira Hantigoosadka, sida Maarkisiyiinta, Hantiwadaagga, Shuuciyiinta iyo Qawmiyiintu waxa ay caqabad weyn kala kulmaan is waafajinta kacdoonka Malcolm iyo rooxaaniyaddiisa diineed. Is waafaqid la’aantani waxa ay kooxo badan ku abuurtaa niyadjab iyo cabsi ay ka qabaan qiridda halgankiisii. Tani waa sababta ay si joogto ah ay Malcolm X uga faa’idaystaan hormuudka midabtakoorka iyo Imbiryaaliyaddu, waana dadkii uu la diriray ee kacdoonka ku ahaa siyaasadahooda. 

Kooxo kale oo bidixda ahi waxa ay isku dayeen in ay asalraacnimadii Malcolm X beddelaan, dhaxalkiisii halganna cilmaaniyeeyaan. Waa jid aan ka fogayn isla jidka kooxo madow ku rabaan in ay cilmaaniyeeyaan dhaxalkii Malcolm X. dhinaca kale, kooxo kale ayaa isku daya in ay hoggaamiye diineed ka dhigaan, iyada oo ay caddayd in uu aragti siyaasadeed oo kacdoon ku dhisan ku socday, afrikaannimo u dirirayey, oo uu ahaa halgamaa caalamiya waafaqsanna kacdoonka Hantiwadaagga ee Imbiryaaliyadda kasoo horjeeda. 

Buugga “Afan: Isir, Jinsi, Siyaasad iyo Dhaqan” oo ay qortay qoraa Bell Hooks, waxa ay ku tidhi cutub ka mid ah buuggaas: “Taariikh-nololeedka Malcolm X waxa ay soo bandhigaysaa jidkii siyaasadeed ee uu qaaday si uu addoonsiga ula diriro, una helo madaxbannaani. Waxa kale oo ay soo bandhigaysaa dedaalkiisii diineed ee uu ku doonayey in uu ku dhabeeyo naftiisa, dhinaca ruuxdana tijaabo is geliyo”. 

Malcolm X laftiisa ayaa  qiraya in uu wareer badan kala kulmayo labada jid ee kacdoonka iyo diinta oo uu isku lammaaneeyey. Waxa uu yidhi: “Muslimiintu waxa ay ii arkaan qof adduunka isku wayneeya oo aan aakhiro u janjeedhin, kuwa kalena waxa ay ii arkaan qof aad wadaad u ah oo ku ad’adag diinta… Waxa aan dareemaa in aan gebi ka laalaado”. Waa gar in uu sidan dareemo Malcolm X, waana sababta Hantiwadaagga soo jireenka ahi sooyaalka Malcolm ee qaniga ah u kala shaxaadeen, dhinacyada siyaasadeed ee uu ku lug lahaana uga fogeeyeen arrimaha diinta. Firkaddan seeska u ah hirdan ka dhexaysiinta diinta iyo kacdoonku agtiisa kama jirin, labada dhinacna way isugu xidhnaayeen. Isku lammaanaynta labadan jid waa waxa noloshii Malcolm ee gaabnayd ka dhigaya mid xiiso leh oo u baahan u dhugasho, gaar ahaan sannadihii u dambeeyey noloshiisa, oo ah sannado koobsanaya u kuurgal qotodheer oo uu Malcolm X ku jiray. 

Isdiiddada laga dhexaysiiyo labada dhinac ee diinta iyo kacdoonka oo ay kala metelaan caqliyadda cusub ee Galbeedka iyo qolyaha bidixda fog ee Hantiwadaaggu, waxa ay jaangoysaa arrimaha rooxaaniyada ee bulshooyinka dunida saddexaad, waxaanay dejisaa habraaca lagu aqoonsanayo waxa soo jireenka ah. Wax kasta oo dhaxal, dhaqan ama soo jireen ahna waxa loo arkaa wax tagtadii la xidhiidha, duug ah oo aan casrigan cuntamayn. Sida uu Bautista xusayo, “si loo caddeeyo in bulshada casrigani tahay habnololeedkii ugu wanaagsanaa ee aadame gaadho, horta waa in habnololeed kasta oo ka horreeyey kan loo tixgeliyo mid duug ah, lasoo dhaafay oo isir ahaan iyo dhaqan ahaanba hooseeya”. Xaqiiqadu se waxa ay tahay in dhaqan kasta, dhaxal kasta iyo aqoon kasta oo bulshooyinkii hore ka tageen, ay ku duuganyihiin dhaqan iyo aqoon aan la iska indhotiri karin. Fahanka isla falgalkaas dhaqanna, waa seeska fahanka loollanka dabaqadaha, se waxa laga eegayaa xagal waafi ah, oo dhaafsiisan fahanka soo jireenka ah. 

Lenin buuggiisa uu soo saaray sannadkii 1909 ee ah “Mawqifka Xisbiga Shaqaaluhu ka Taaganyahay Diinta”, waxa uu dhaliilayaa dadkii Hantiwadaagga ahaa ee weerarka ku hayey dadka asalraaca Kiristaanka ah. Waxa uu ku dooday in aanay fahansanayn dhaxalka Maarkisiyada ee dhaliilidda diinta. Sida uu aaminsanyahay, suurogal maaha in bulshada laga xorreeyo fekerka diiniga ah ee duugga ah in la faafiyo, lana buunbuuniyo diin la’aanta, se waxa lagu tiri karaa fekerkaas diiniga ah in la gorfeeyo duruufaha sababay jiritaanka fekerka, lana soo bandhigo loollanka dabaqadaha ee dadka madaxbannaani u horseedi kara. Lenin dhinac waa uu ku saxnaa in uu dhaliilo kaalinta diimaha soo jireenka ah, se waxa uu ku guuldarraystay in uu aqoonsado in loollan dabaqadeed isla hal diin gudaheeda ka dhex jiri karo, waxa kale oo seegtay in uu aqoonsado jiritaanka diin kacdoon wadata. 

Sida aynnu dib ka qeexi doonno, jawaabtu waxa ay ku duugantahay dib ugu laabashada sooyaalkii hore, iyada oo la cuskanayo aragtida gumaysi la dirirka ah, si loo fahmo loollanka dabaqadaha ka dhex taagan. Waxa kale oo mudan in si dhab ah loogu laabto, wacyiga isirka oo qayb ka ah dhaxalka fekerka Galbeedka. Gorfayntuna suurogal noqon mayso haddaan dib loogu laaban doodda marinhabaabiska ah ee ka dhex taagan casriyowga iyo soo jireenka. 

In aqoonta dunida aan reer Galbeedka ahayn loo aqoonsado duug iyo soo jireen aan mustaqbalka iyo xaadirka macno ku lahayn, waa wax halis gelinaya dhaqamo iyo jiritaanka bulshooyin idil. Habkan waxa kale oo mustaqbalka loo afduubayaa reer Galbeedka, dhaqan, ilbaxnimo, bulsho, af ama habfikir kalena uma suuroobayso in uu wakhtiga jooga iyo mustaqbalka kaalin ku yeesho. Waa arrin keenaya liididda iyo qarinta dadka kale, dunida kusoo rogaysa in hal jid la qaado. 

Haddii qaabkan lagu socdo, mala’awaalkooda ah in ay xaddaarad ahaan ka sarreeyaan bulshooyinka dunida saddexaad ayaa sii jiraysa, balse waa mala’awaal loo hagoogay baaqyada wadanoolaanshaha iyo istixgelinta oo been ah. Waa baaqyo ay gabbaad uga ah isbeddel yimaadda. Mid ka mid ah xalalka loo heli karo isdiiddada ka dhex jirta casriyowga iyo soo jireenka, iyada oo laga eegayo xagal kacaanka madaxabannaan, waa in daaha laga qaado beenta uu sido ballanka Libiraaliyadda cusub, ee ah in la helo bulsho kala dhaqamo ah, iyada oo Libiraaliyaddu dhaqan “car-juuq-dheh” leedahay. Xalkani kama dhigna ku laabashada tagtadii iyo in sooyaal tagay la dul yuurursado, waa in tagtadii indho faaqideed lagu eego, joogtada imikana la gorfeeyo. 

In la iska diido fikradda bukta ee bulshooyinka liidda, dunidana sandullaysa, oo la innagu beeray iyada oo la inoo soo marinayo dhuumaha casriyowga Galbeedka, kama dhigna in sidoo kale la diido, lana dafiro sheekooyinka isxorraynta ku saabsan ee ku abtirsada sooyaalka gudeed ee Yurub. Waxa loo baahanyahay waa kala dhigdhigidda fikraddaas gumaysiga ah. Waxa loo baahanyahay in la isu dhegaysto, lana gorfeeyo sheekooyinka gumaysiga iyo kuwo xornimodoonka, hoosna loo dhigo sheekooyinka ismahadinta iyo sanamaynta waxyaabo gaar ah. Habkan ayaynu wax badan ku fahmi karnaa, intii sheekooyinkaasi noqon lahaayeen raadad hore iyo aydhiyoolajiyado haawanaya oo la caabudo. 

Waxa habboon in dhaliisha iyo gorfaynta casriyowga Galbeedku keenin dayrinta isir, diin ama dhaqan, oo ah wax u adeegaya habka Libiraaliyaddu u aragto kala duwanaanta dhaqamada. Sida uu Xaatim Baasiyaan leeyahay, “dib u dhugashado waxa ay ka dhigantahay sii joogtaynta tagtadii, iyo in joogtada iyo mustaqbalka loogu socdo qaab aan loo hiloobayn tagtadii”. Isdiiddada Malcolm ka cawday ee ah waxa muslimiinta iyo dadka kale ka kala aamineen, oo dabcan koobsanaysa werwerkiisii siyaasadeed iyo diineedba, waxay muraayad u tahay isdiiddada ka taagan dunidan casriga ah. Mar Malcolm X uu ku hadlayey magaca Iiliyaa Muxammad, oo ahaa afhayeenka rasmiga ah ee Dhaqdhaqaaqa Ummat al-Islaam, Malcolm laftiisuna xubin ka ahaa 12 sanno, waxa hadalkiisa laga akhrisanayey shakhsi si aad ah ugu talaxtagsan siyaasadda. Si kasta oo ay ahaataba, in la diido in loollan ka dhex taaganyahay diinta iyo kacdoonka, iyada oo la tixgelinayo sababaha sooyaal, aqooneed iyo siyaasadeed ee loollankan, waa waaqac ka bixid dhammaystiran. 

Arrinka kale ee aasaasiga ahi halkan waa arrin kale. Waa dhaliisha Maarkis u jeediyey diinta – oo ah dhaliil ka unkantay dhaliishii Feuerbach. Diintu waa seeska loollanka dabaqadaha, ugu yaraan sida bidixda fogi u arkaan, si fududna lagu xallin karo, ka hor intaynaan is weydiin waxa uu Maarkis u jeeday marka uu diinta ka hadlayey. Sida aan loollankan loo diidi karin, ayaa si la mid ahna la isaga indhotiri karin kaalin diintu ku yeelatay loollankan sooyaalka. Si la mid ah Kacdoonkii Kiristaanka, qarnigii labaatanaad, dunida saddexaad waxa kasoo ifbaxay siyaasado iyo falsafado isla falgashan oo ku hoos jira mashaariicda Hantiwadaagga dabada ku hayay Maarkisiyada, waxa kale oo kasoo ifbaxay qowmiyiin iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo Islaam ah. 

Waxa laga soo turjumay halkan.