Tuesday 15 September 2026
“War orda oo naga taga waxba ma haynee, iimaanka Alle idinka qaadye,” ayaad ku salaantaa marka ay bidhaantoodu kuu muuqataba! Saaka waxba kama duwana kuwii hore. Markii aad isha ku dhufatay duudkooda gaajadu soo xoodday ayaad kala hortagtay canaantii aad ula baratay. Iyaga, iimaanka Alle kama qaado oo kaama tagaan; adna ma diirnaxdid oo maalinna si qabow ulama hadashid. Maanta waa Jumce. Waa maalinta ay macaamiishaadu u badan yihiin. Sidaas darteed, waa in aad ka fogayso wajahadda meheradda wax walba oo isha jeebwaynta kuu iman doontaa dhibsanayso, oo kuwani u horreeyaan.
Dhowr jeer oo aad ku qaylisay ma ay tagin ee waa soo taagan yihiin. Waxaadba mooddaa in ay saaka intii hore ka badan yihiin! “War jinniqaadku saaka miyay isugu kay habarwacdeen?” ayaad ku caragoohday. Intaas ugama aadan harine saanqaad dhirif leh baad dhankoodu u qaadday. Intii ku arkaysay iyo intii awooddayba, markii ay muuqaaga arkeen ayay kaa dideen.
Maxay u didi waayeen sow garan maayaan waxa aad ku fashid? Waxa aad fadhiga ku soo gaartay sindheer—gaaja la kici waydayaa, iyo muuqaaga arki waydayaaba—aan kaa cararin e, derbiga ku tiirsan. Waa adiga laad cadawnimo oo aadan miisaamin bogga u gashay! Gaw! “Aaaaaa!” Oohin la jirta waa tii ay dhagahaaga ku kulmeen. Waa tii uu cabaadkaasi sidii dawankii madaxaaga uga dhex yeeray. Waa tii ay indhuhu ku maanseeyeen. Waa tii sharqantaas ka yeedhay bogga gabadha yari dib kuugu celisay soddon sano ka hor iyo hudheelkii Lafajabiye. Waa tii ay sida filimka kuu hortimid maalintii iyada ahayd! Alla laadku laadkii u ekaa, oo sharqantuna sharqantii u ekaa! Sharqanta gartay oo wax kasta oo maran baa sidaas u dhawaaqa marka la garaaco e, sidee baan anigu ku noqday Lafajabiye, Sindheertanina ku noqotay aniga? Sidee bay dhacdo iyada oo sideedii ahi u soo noqon kartaa soddon sano ka dib? Waydiimahaas iyo kuwo kale oo dhinbiil ka kululi waa tii ay hal mar maankaaga ku kulmeen.
Iga daa iga daa; runtood bay ahayd qoladii tiri, “Taariikhdu iyada ayaa sideeda isku soo celisa e,” waa adigii isku maaweeliyay adiga oo madaxa garaacaya sidii in aad ka jafayso xusuusahan sidii quraanjada kuugu kacay!
Cimrigaaga intiisii badnayd waxa aad ku bixisay sidii aad uga tirtiri lahayd maankaaga xusuusahan. Waad ku guulaystay ilaa heer, oo tusaale ahaan, maanta ka hor ma xasuusatid goor ay sidan oo kale kuu hor yimaadaan. Maxaa maanta kiciyay? Sidee fal sidaas u yari uu inoogu furi karaa daaqado xasuuso ah? “Mooyi. Iga daa waxaan! Ma rabo in aan xasuusto!” ayaad ku canaanatay maankaaga waydiinta badan.
“Haa walaal soo dhowaada. War Xuseenoow macaamiishan u adeeg,” ayaad adiga oo ka baxsanaya xasuusahaaga ku tiraabtay. Weli waa kuwan sida roobka u soo da'aya. Khadka ayaad gashay bal si aad uga hesho dugsi aad kaga dhuumato dabayshan xasuuseed ee saaka lagula maagay. Facebook ayaad furtay. Waaba kan wacaalkii u horreeyay ee ishaadu ku dhacdo “Waxaa buundada xaafadda shanaad ee Jigjiga laga helay maydka mid ka mid ah darbijiifta Jigjiga oo goobtaas ku geeriyooday!”
Waxa uu kugu noqday dogob kale oo la sii saaray xasuusihii ka hurayay madaxaaga! Waa halkii aad dugsiga u raadsatay oo dabayl hor lihi ka dhabanayso. “War hooy illeen belo! War saaka maxaa lagula maagay?” ayaad is waydiisay, jawaabse uma haysid. Waxa aad mar labaad dabiib uga dhigtay naftaada danbiilaha ah isdiidsiin iyo ka dhuumasho. “Waa belaayadii Oromada ee meel walba dhoobnayd. Gaajo ha u le'daan intii ay dhulka nagu qabsan lahaayeen,” ayaad isku maaweelisay. Garashadaada ayaase kaa horkeentay waydiimo culus. Maxay tahay sababta dhimashada Oromadu uga liidato tan Soomaalida? Ma naf naf kale ka qiimo weyn baa jirta? Ma cid in ay gaajo u dhimato mudan baa jirta? Muxuu yahay miisaanka anshaxeed ee aad saartay?
“Haa, qofka dhulkiisa ka soo taga ee cid kale dhulkeed ugu yimaada xaq ayuu u leeyahay in uu gaajo u dhinto” ayaad isku difaacday. Mar kale ayaadse xasuustay in aadan hubin qofka dhintay cidda uu yahay oo aad warka bar uga soo tagtay. Dib ayaad u noqotay oo warkii sii dhammaystiratay. “Marxuumka oo SOOMAALI ahaa ayaan lagu arag wax nabarro ah, waxaana loo badinayaa in uu u dhintay daranyo!” ayaad isha ku dhufatay. Ka dar oo dibi dhal! Waa Soomaali.
“Yeelkii! Maxaa reerkooda ka soo kexeeyay? Waa ciyaalkii xoolohooda iyo reerohooda ka soo cararay. May joogaan degaannadooda iyo guryahooda” ayaad isku qancisay. Garashada oo waardi kaa haysa ayaase mar kale ku soo hordhigtay xaqiiqo kharaar; Maxaad adigu darbijiif u ahayd? Ma xoolihiinnii baad ka soo tagtay markii aad habeenno badan gaajo ula hoyan jirtay qabowga iyo bara-la'aanta? Ma degaan aan buundada hoosteeda iyo biyashubka magaalada ahayn baad lahayd, muxuuse kaaga duwan yahay kani?
“Mooyi Mooyi! Iga daa, ma rabo in aan xasuusto,” ayaad kaga gudubtay adiga oo isku mashquulinaya xagga meheradda.
Saastii aad maankaaga ugu soo leexisay dhanka meheraddaba, waa tan ishaadu ay qabtay askari daranyaysan oo irridda hore ee meheradda qori la soo yuurura. Muxuu kaasi hadda la yuururaa? Kan uu ilaalinayaa sow sidii caadada u ahayd gudaha ku cuni maayo digaag, ama haddii uu rabo hilib geel uu isku khasbayo? Tolow marna maankiisa ma ku soo dhacaysaa in ay ilaaladiisu bannaanka fadhido? Tolow ma laga yaabaa in laf yar oo iliggiisa ku dhacdaa ay ku furto daaqado xasuuso kuwayga la mid ah oo gilgila damiirkiisa? Kan ilaalinayaa isagu miyaanu damiir lahayn? Sidee qof uga suurowdaa in uu ilaa heerkaas naftiisa naco, ayaad iswaydiisay. Mooyi Mooyi, dani waa seeto, ayaadse dhaafin wayday.
Irridda hore ayaad ka dareentay culays iyo malluug. Saasta aad u eegtayba waa adiga isha ku dhuftay mid ka mid ah kuwii aad muuqaalkooda necbayd. Waa duq soo godotay ilaa heer la moodo in ay dhulka wax ka haabanayso. Gacanta bidix waxa ay ku sidataa qori dheer oo ay qaarkeeda hore ee soo jabay ku caabbinayso, gacanta midigna waxa ay ku sidataa bac uskag badan oo ay ku baadigoobayso wax ay dhuunta mariso. Waa iyada xaggaaga u soo taagtay iyada oo cod hoose ku leh, “Hooyo ILAAHAY ha idin siiyo e, wax noogu rida.” Marka laga yimaado carada aad ka qaadday muuqaalkeeda iyo codkeeda aanay macaamiishaadu jeclayn, saaka waxaad u fiirsatay hadalkeeda. Maxaad saaka wax walba ugu fiirsanaysaa horta? Ma garanaysid
sida aadan u garanayn goortii iyo goobtii kuugu war danbaysay damiirkaagii.
“Ilaahay ha idin siiyo...” Weedhaasi waa mid ay ka siman yihiin guud ahaan dab-ma-shidatada aad halkan sida maalinlaha ah ugu kulantaan. In kasta oo ay afaf kala duwan ku hadlaan, haddana, habarta Kiristanka ah iyo duqa Muslinka ahiba isku si bay weedhaas u adeegsadaan! Aslanba xiriir noocma ah baa ka dhexeeya danyarta iyo Eebbe? Muxuu Eebbe sida ay ugu kalsoon yihiin ugu roonaan waayey? Maxay jeebwaynta aan afkooda Eebbe laga maqalini ugu nool yihiin nolol sare, danyarta aan carrabkooda xuska Eebbe ka tirminna u rafaadsan yihiin? Maxay jeebwaynta u baryayaan oo u leeyihiin, “Eebbe ha idin siiyee, na siiya” halkii ay ka oran lahaayeen “Eebbow na sii?” Miyaan Eebbe si toos ah wax u bixin? Ma xiriirka Eebbe ayaa ah mid u shaqeeya caksiga mise meel kale ayay wax ka khaldan yihiin? Mooyi. Acuudu billaahi mina shaydaani rajiim, ayaad isaga soo xirtay waydiimihii shaydaaniga ahaa!
Waxaa hortaada taagan laba ka mid ah kuwa ugu jeebka roon macaamiishaada. Waa Geeddi iyo Madoobe. Waa labada askariga daranyaysani horay ku sugayo. Waxa ay kaa sugayaan in aad xisaabta ka qaaddo. Wax aan mitir dhammayn ayay wajiyadiinnu isu jiraan. Waa adiga xisaabta ku mashquulsan. Dhawaaq sare oo “caaaac” ah baa yeeray. Waa sharqanta daaco meheradda badankeed laga maqlay oo ka timid Madoobe. “Imisaan ku lahaa iga daa maraqaas, waa kaas mar hore daacaqurunka igu bilaabay! Xalaan caano geel cabbay oo waan ogaa in aan ku daacaqurmayo...” ayuu sii raacshay.
Marka uu sidaas leeyahay waxaa irridda oo wax ka yar saddex mitir idiin jirta taagan hooyadii danyarta ahayd oo weli bacdii lalansanaysa. Qiyaastii, haddii aysan dhego cuslayn, qummaati ayay hantaataca iyo daacada wada socda u maqlaysaa. Tolow sidee bay dareemaysaa? Sida ay u badan tahay, saaka ma ay quraacan, xalay ma ay cashayn, ama xataa shalayba ma ay qadayn. Waxa ayna ka mid tahay dadka uu hoggaanka u yahay Madoobe. Ma kaasaa damiir leh?! Haddii uu damiir leeyahay, askariga ilaalinaya ayuu ugu diirnixi lahaa! Oo kaalay. Maxaad adigu dhaantaa? Sow ugu yaraan hadalka wanaagsan kalama masuugtid maatada daranyaysan ee ku soo mudata? Laadkii la ogaa sow saakay kuma aadan dhufan bogga mid ka mid ah dadkii gacanta kuu hoorsaday? Xaggeed xayndaabka dadnimada isu galinaysaa? Ma adaa damqasho leh? “MOOYI MOOYI! IGA DAA. MA RABO IN AAN XASUUSTO” ayaad kor uga dhawaaqday adiga oo dhegaha faraha kula jira!
Dadkii meheradda joogay oo dhan ayaa ku soo eegay. Waa la wada anfariiray. Geeddi ayaa ku waydiiyay waxa kugu dhacay iyo in aad caadi tahay. Waa adiga furka tuuray inta meheradda dhexdeeda istaagtay. “Caadi! Caadi! Caadi! Maxaa caadi ah? Sideen caadi ku noqon karaa? Bal fiirsha hareerihiinna! Bal is eega! Ma dad baad tihiin? Dadnimadu ma muuqaalka iyo in laba addin lagu socdaa? Bal eeg halkaas; fiiri sida ay u egtahay! Waa gaajo waxa ay la qalloocatay. Bal eeg caloolihiinna. Bal is eega kulligiin! Aslanba maxay tahay dadnimadu? Maxaynu kaga duwan nahay noolayaasha kale? Aaway damqashadii? Aaway diirnixii? Aaway garashadii? Aaway diintii? Aaway dhaqankii? Aaway oo aaway? Bal fiirsha xaggan; xalay ayuu gaajo ugu dhintay halkan! Waa isla xalayda aad dharagta la daacaquruntay; isla xalayda aad dharagta la gam'i wayday; isla xalayda aad xisaabinta lacagta la dhafartay. Waxaad wadaagteen wax walba oo la isugu eexdo. Dad buu ahaa, wuu diir madoobaa, Soomaali buu ahaa! Ma haysaan cudurdaar yar oo aad garsoorka dadnimada kaga dhuumataan? Maya, ma haysaan. Xataa ma doonaysaan in aad raadisaan, waayo waad dhagaxawdeen. Waxaad tihiin dhashii hantigoosiga! Duf ku baxa!