Skip to main content

Friday 6 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Dhaqan-afeedka Gundhigga u ah Sheekofaneedda Cusub ee Afrika

18 February, 2026
Image
Dhaqan-afeedka Gundhigga u ah Sheekofaneedda Cusub ee Afrika
Share

Ka hor intaan sheekooyinka lagu daabicin buugagga ama aan lagu soo bandhigin shaashadaha, waxa la isugu tebin jiray ardaaga ama geedka hoostiisa, iyadoo erey kasta iyo xanshaashaq kastaaba siteen cashar iyo xikmad, iyo habdhac keliya uu fahmi karo qofka goobjoogaha ahi. Geeska Afrika, si la mid ah goobo badan oo ka mid ah Afrika, tebinta sheekooyinku keliya may ahayn madaddaalo, ee waxa ay ahayd hab lagu gudbiyo aragtida dunida laga haysto, baridda dhallaanku siday u noolaanayaan, sida ay u fekerayaan iyo siday u kala saarayaan waxa xun iyo waxa san.

Maanta, oo sheekooyinku tebintii afka uga gudbeen warqad iyo shaashad, may luminin ruuxdoodii, se keliya waxa is beddeshay shaqadoodii, oo hadda ma aha sheeko-beraley, ee waa agab wax la isku wayddiiyo, la isku dhaliilo, oo lagu wada hadashiiyo tagtadii iyo taaganta, soojireenka iyo casriga. U kala guuridda tebintii afka iyo qoraalka, iyo ka digorogashada sheeko-beralay isku beddeshay sheekofaneed casri ahi, waxa ay furaysaa wayddiin ballaadhan oo ah: sidee ayaynu ahaanshaheenna uga dhex fahmi karnaa sheekooyinka aynnu dhaxalnay? Sidee se dhaxalka afeed u noqon karaa mid feker innagu dhiirrigeliya, oo aanu ku koobnaan xusuus?

Sheekada Afriki kumay dhex dhalan dhiganayaasha, ee waxa ay ku dhex dhalatay hawada u dhaxaysa afka tebiyaha iyo dhegta dhegaystaha. Ka hor intaanay sheekadani isu rogin xuruuf la daabaco, waxa la isugu gudbinayey afka, habdhac u gaar ah iyo xusuus ka dhaxaysa bulshooyinka Geeska Afrika. Dhaqan-afeedku ma ahayn nooc duug ah oo sheekotabinta ah, ee waxa uu ahaa nidaam dhammaystiran oo dunida lagu fahmo; hab lagu fasiro cabsida, lagu nidaamiyo anshaxa, oo suuradda qofka ee beesha dhexdeeda lagu dhiso.

Kolka aynnu u kuurgalno sheekooyinka dhaqan ee Geeska Afrika, waxa aynnu arkaynaa in aan dhacdooyinka loo tebin sida ay yihiin, se loo soo gudbiyo sida ay tahay in loo fahmo; xayawaanka sheekada ku dhex hadlayaa ma aha xayawaan, ee waa sawir ka bixinta aadame dhagartii ama sirmaqabnimadii, socdaalkuna ma aha mid jiquraafi ku kooban, ee waa tajribo anshax. Kolkaa, sheekadu waxa ay ahayd agab sheega qaab-fekerka loo dhan yahay, in le’eg inta ay ahayd wax lagu madaddaasho, ilmaha sheekada dhegaysanayaana, keliya sheeko ma qaadan jirin, ee waxa uu qaadan jiray sawirka laga bixiyey xumaha iyo samaanta, abtirsiga iyo badbaadada.

Dhaqan-afeedku sidiisaba ma ahayn nooc duug ah oo sheekotabinta ah, ee waxa uu ahaa nidaam dhammaystiran oo dunida lagu fahmo; hab lagu fasiro cabsida, lagu nidaamiyo anshaxa, oo suuradda qofka ee beesha dhexdeeda lagu dhiso

Gabaygu waxa uu ahaa udubdhexaadka dhaqan-afeedka Geeska Afrika, siiba Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo aan loo arki jirin fan u kootaysan haldoorka, se uu ahaa luuqad guud oo la isku fahmo. Gabayaagu kama soocnayn nolosha maalinlaha ah, ee qayb buu ka ahaa; isagoo ka faallo dhiibanaya khilaafyada, u sooyaalaynaya dhacdooyinka, oo cabbiraya mawqifyada bulsho ama siyaasadeed. Habdhaca gabaygu ma ahayn uun qurxinta qaabkiisa, ee waxa uu ahaa farsamo lagu fudaydiyo xifdintiisa, oo suurogaliya in uu fac ka fac u kala gudbo isaga oo aan lumin.

Kolkii sheekofaneedda casriga ahi Afrika ka bilaabantay, meel madhnaan dhaqan ka jirto kumay curan, ee waxa ay ku dhex dhalatay dunidaas dhaqan-afeedka hodanka ku ah. Sidaas darteed, in sheekada afka lagu tebiyo looga guuro hab qoraal ma ahayn goosasho, ee waxa ay ahayd keliya qaabkii gudbinta oo la dooriyey. Sheekofaneeddu mawduucyada uun kamay soo ergisin sheeko-xariiradii afka la isugu tebin jiray, ee sidoo kale waxa ay ergisatay qaab tebinta: soo celcelinta dhacdooyinka, anshaxa oo xuddun laga dhigo, tebinta qof garaad badan leh iyo sheeko ku socota wadarta, oo aan ku socon qof goonni ah.

Saamaynta u kala guuridda tebinta afka iyo qoraalku waxa ay si wacan uga muuqataa qoraallo hore oo Geeska Afrika ah, qoraalladan oo si weyn u leh tebintii dhaqan iyagoo qoran. Waxa ka mid ah sheekofaneedda “Araya” ee qoraaga Itoobiyaanka ah ee Girmachew Tekle Hawaryat uu qoray dhammaadka afartanaadka qarnigii 20aad. Waa sheeko lagu tiriyo kuwii ugu horreeyey sheekofaneedda casriga ah ee Itoobiya. Waa sheeko tabinaysa wiil dhallinyaro ah oo u socdaalay Yurub, isagoo waxbarasho doontay, se kolka uu soo laabto uqaadanwaa kala kulmaya dhaqankiisii soojireenka ahaa. Sheekadu uma soo bandhigayso loollanka soojireenka iyo casriyowga qaab lammaanaysan oo diyaarsan, ee waxa ay kusoo bandhigaysaa tebin ku tiirsan xikmad shacbi ah, kuna salaysan sawirashada anshax ee laga haysto dunida.

Dhinaca Soomaaliya, waxa aynnu soo qaadan karnaa Nuuraddiin Faarax, mid ka mid ah kuwa ugu cadcad sheekoyahannada casriga ah ee Geeska Afrika. Sheekadiisa caanka ah ee uu 1970-kii soo saaray, “From a Crooked Rib”, Nuuraddiin waxa dib uga shaqaysiinayaa qaab tebintii sheeko-xariirada, si uu u daweeyo ama u gorfeeyo mawduucyo ay ka mid yihiin jinsiga, talada iyo doorashada shakhsiga ah. Sheekadu waxa ay dhaxalkii afeed kasoo ergisanaysaa qaab-u-dhiska shakhsiyadaha oo laga dhigayo tusayaal anshax, se tusayaashani kolkan waxa ay sitaan wayddiimo cusub oo la xidhiidha dawladnimada casriga ah iyo isbeddellada bulsho. Kolkan oo kale, dhaxalkii afeed ma noqonayo wax loo xiiso oo la xuso, ee waxa uu noqonayaa agab loo adeegsado feker; sheekofaneeddu dib uma soo celinayso isla sheeko-xariiradii hore, ee waxa ay la galaysaa wadasheekaysi, tebintii hore ee dadka u sheegaysay sida ay tahay inay u noolaadaanna, sheekofaneedda casriga ahi waxa ay ku bilaabaysaa wayddiinta ah: sababmaad sidan ugu nooshihiin?

Kolka Sheekadu u kala gudubto qoraalka iyo shaneemada

Tusaalaha ugu mudan ee loo soo qaadan karo dhaxalka afeed ee u kala gudbay noocyada kala duwan ee fanku waa sheekada halyaynimada ee Sundiyaata Kayta, aasaasihii boqortooyadii Maali. Waa sheeko ka mid ah kuwa ugu caansan sheekooyinka halyaynimo ee Galbeedka Afrika. Qarniyo badan baa afka la isugu soo gudbinayey ka hor intaanu cilmibaadhaha reer Gini ee Djibril Tamsir Niane ku qorin buugga magaciisu yahay “Sundiata: An Epic of Old Mali”, 1960-kii. Qoraalku waa mid ilaaliyey ruuxdii halyaynimo: geesiga awoodda daran ee la saadaalinayo halyaynimadiisa, safarkiisa dheer, iyo guushiisa ka dhigan u laabashada nidaamkii anshax. Hase ahaatee, qoraalka dhitaynta ahi, waxa sheekada ka beddelayaa tebintii afka ee daqiiqaddaas tebinta ku koobnayd, isagoo ka dhigay qoraal sugan oo ku wajahan akhriste casri ah oo ku nool dunida dawladnimada, oo aan ku sugnayn dunidii qabiilka.

Soddon sanno ka dib, soosaaraha reer Burkiina-Faaso, Dani Kouyate, waxa uu 1995-kii soo bandhigay filimkiisa “Keita! L’Héritage du Griot”, oo uu kasoo dheegtay sheekadaas halyaynimo lafteeda. Filinku kuma koobsanayo sardinta sheekada Sundiyaata, ee waxa uu u samaynayaa habraac casri ah: oday sheekoyahan ah oo u socdaalaya magaalada, si uu sheekada ugu tebiyo wiilka uu awoowga u yahay oo dugsi casri ah ka dhigta magaalada. Halkan ayaa ay sheekada lafteedu mawduuc u noqonaysaa filinka; oo loollanka lasoo bandhigayaa keliya ma aha loollankii halyeeyga sheekada, ee sidoo kale waa loollanka ka dhex jira xusuusta iyo illowga, iyo loollanka ka dhex jira af-ku-tebinta iyo nidaamka waxbarasho ee casriga ah. Sheekada qoran, Sundiyaata udubdhexaad u ah sheekada la tebinayo, se filinka dhexdiisa, wiilka casriga nool baa sheekada ka qayb noqonaya. Haddaba, sheeka-xariiradu ma joogi kartaa samankan manaahijta iyo shaashadaha? Se dhaxalkii afka la isaga tebinayey boos ma ka helayaa dunida aan la isugu dheg raaricin si la mid ah sidii hore?

Sheekofaneedda ‘Feedh-qalloocan’ ee Nuuraddiin Faarax waxa ay dhaxalkii afeed ee hore ka soo ergisanaysaa qaab-u-dhiska shakhsiyadaha oo laga dhigayo tusayaal anshax, se tusayaashani kolkan waxa ay sitaan wayddiimo cusub oo la xidhiidha dawladnimada casriga ah iyo isbeddellada bulsho

Farqiga u dhexeeya sheeko-xariiradii iyo sheekofaneedda cusub keliya ma aha farqi la xidhiidha qaabka, ee sidoo kale waa farqi u dhexeeya shaqada sheekada. Sheeko-xariiradu waxa ay nidaamin jirtay dunida, waxaanay siin jirtay macne sugan, se sheekofaneeddu waxa ay macnahaa hore loo bixiyey gelinaysaa isweydiin. Sidaas darteed, dhaxalka afeed suugaanta casriga ah kuma dhex aha xaqiiqo lamadhaafaan ah, ee waa maaddo wax lagu fasiro ama lagu dhaliilo. Luuqadda sheekafaneedda lafteedu waa ay wadataa raadaynta asalkii dhaxalka afeed: soo celcelinta dhacdooyinka, habdhaca gudeed iyo la hadalka tooska ah ee akhristaha, sidii in qoraagu, isagoo wax qoraya, haddana uu maqlayo codkii sheeko tebiyaha.

Waxa la odhan karaa sheekofaneeddu waa tafiirta sheeko-xariiradii afka la isugu tebinayey, se haddana waa tafiir dhego-adag; tilmaamihii hooyada waa ay sidataa, se xasilloonideedii iyo hubantideedii ma laha. Codkii waa ay ka ergisatay, se shaki baa ay gelinaysaa. In sheeko-xariiradii looga gudbay sheekofaneedda casriga ahi kama dhigna in sidii fududayd ee tebinta looga gudbay adkayn, ee waa in lamataabtaankii looga gudbay wax iska weydiin.

Sidaas darteed, dhaxalkii afeed ma aha tagto qurux badan oo loo xiiso, ee waa dhito nool oo ilaa hadda sii joogtaynaya soo saaridda macno. Sheekooyinka hore waxa ay ahaayeen agab lagu nidaamiyo nolosha kooxda, laguna kala bayaamiyo samaha iyo xumaanta, oo lagu asteeyo abtirsiinta, se maanta, sheekofaneedda casriga ahi waa mid isweydiin keenaysa, oo hubinaysa sida qodobbadaas hore ugu habboon yihiin dunidan casriga ah. Kolka sheeko-xariiradii u kala gudubto tebintii afka, qoraalka iyo shaneemada, waxa ay sidoo kale u kala gudbaysaa sheeko anshaxa lagu sugo iyadoo isu rogaysa sheeko dib wax isaga weydiisa, waxa iska beddelaysaa hannaan wax lagaga sheego macnaha nolosha, iyadoo isu geddida isweydiin dhaliileed. Sidaan ayaa uu dhaxalka afeed ku noqonayaan mid aan soo afjarmin, se bilaw cusub yeeshay, oo noqday fagaare u furan fasiraad iyo hal-abuurnimo dhaqan.

Tags
Afrika Dhaqan