Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Dhaqaalaha Dawo Samaynta

14 August, 2025
Image
Gorfeyn Buug: Dhaqaalaha Dawo Samaynta
Share

Maqaalkani waxa uu gorfaynayaa buugga “Dhaqaalaha Dawo Samaynta: Sidee ayaa ay Shirkadaha Waaweyni u Burburinayaan Caafimaadka Dunida”, oo uu rugcaddaaga warbaahinta ee Nick Dearden ku gorfaynayo qaababka arxandarrada ah ee loo sumcad dilo soosaarista dawooyinka iyo faafintooda, walow qoraaga buuggu uu haysto aragtida ururrada aan xukuumiga ahayn ee lebaraaliyadda, oo gorfayntiisa hoos uga dhigaysa heerkii la rabay.

Nick Deardon, waxa uu buuggiisa “Dhaqaalaha Dawo Samaynta” uu kus oo gudbinayaa qoraal xiiso leh oo uu daboolka kaga qaadayo sida shirkadaha waaweyn ee dawooyinka sameeyaa isugu beddeleen ma naxayaal u harraaddan uun macaash, oo sumcad dilaya hannaanka daryeelka caafimaad ee caalamiga ah. Haddana aragtidiisa siyaasadeed awgeed, weli waa mid quud’darraynaya in shirkadahani si maangal ah shaqadooda wax uga beddelaan.

Macaashka iyo baahida dadka

Bogogga hore ee buugga waxa aynnu ka akhrisanaynaa sida hannaankii summadda u ahaa hantigoosadka loo dhexgeliyey suuqa dawooyinka, oo ah suuq ka jawaaba baahiyaha aadamaha oo dhan. Nasiibdarro, nidaamka macaash-doonka ah ee hantigoosadku keenay, ayaa go’aamiya cidda noolaanaysa iyo cidda dhimanaysa, oo farageliyey mareegtii dawo samaynta, laga soo bilaabo cilmibaadhista, horumarinta dawada, baahinteeda iyo iibinteedaba. Waa hannaan ku xidhan istiraatiijiyado suuqgayn, se aan dan ka galin cidhibtirka xanuunnada, xakamayntooda iyo ka hortaggooda.

Waxa uu cutubka koowaad ee buugga ku soo qaadanayaa kaalinta udubdhexaadka ah ee laga soo bilaabo kontonaadkii qoyska reer Maraykan ee Sackler ku leeyahay qaabaynta suuqa dawooyinka. Arthur Sackler, waxa uu hibo u lahaa iibinta dawooyinka waxaana loo tixgaliyaa hal-abuuridda hababka cusub ee Maraykanka dhexdiisa dawooyinka loogu suuqgeeyo. Waxa uu khabiir ku ahaa sida dhakhaatiirta dawooyinka loogu qanciyo, isagoo og in dhakhaatiirtu yihiin cidda dawooyinka qorta, kalsoonida bulshadana haysta.

Manhajka Sackler waxa uu ku qotomay fekradda ah in dadka oo dhammi si maalinle ah u adeegsadaan dawooyinka. Waxa tusaale ah in uu u ololeeyey adeegsiga dawada Valium, oo uu dhiirrigeliyey in ay adeegsan karaan dadka aan xitaa wax xanuunno maskaxeed ah qabin. Dhimashadiisa kaddib, dadkii la shaqayn jiray waxa ay bilaabeen in ay suuqgeeyaan dawada OxyContin, sannadkii 1996-kii, kolkaasna waxa dhacday fadeexaddii ugu weyneyd ee dawooyinka. OxyContin, oo la mid ah Valium, waa dawo si guud waxtar u leh, se waxa la suuqgeeyey in aanay dawadani lahayn qabatin, sidaas awgeed na dadka oo dhami adeegsan karaan, xitaa cidda xanuun yar dareenta, se nasiibdarro arrinku sidan ma noqon. Shan sanno ka dib markii dawadan suuqa la keenay, waxa ay xaqiijisay iib kor u dhaafay bilyan doollar, se waxa ay sababtay qabatin iyo in dad ku dhintaan. Sida uu Dearden leeyahay, dawo sidan oo kale ah waxa waajib ahayd in si ka fiirsi leh loo qoro, hase ahaatee, shirkadaha macaashdoonka ah, sida Purdue, sidan uma dhaqmaan. Waa shirkado xil iska saara kordhinta iibka, saamaynta dawadana tunka u saara bulshada.

Dearden waxa uu tilmaamayaa in aanay “cidna ka qarsoonayn awoodda shirkadaha dawooyinku haystaan, oo ay ku heleen kooxaha cadaadinta u sameeya iyo tabarrucaadka xad ka baxa ah ee ay siyaasadaha ku bixiyaan”. Waxa kale oo uu caddaynayaa “xidhiidhka ka dhexeeya warshadlayda dawooyinka iyo xukuumadda, oo ay dadkii khibradda lahaa ku dagaan mushaharro lagu aamusiiyo”. Laakiin, awoodda ay shirkadahani leeyihiin, si cad uma fasirayso siday ku heleen awoodda kale ee ay dawooyinka ku soo saaraan. Waa in si qotodheer loo fahmo qaabka shirkadahan ay ugu suurogashay in ay “danahooda dhaqaale ugu ekaysiiyaan dano guud oo dan u ah ha’ayadaha siyaasadeed, kuwa akaadamiga ah, daryeelka caafimaadka iyo bukaanka”.

Sannadihii ka dambeeyey Dagaalkii Dunida, waxa bilaabantay mawjad cusub oo horumarinta dawooyinka ah, waxaanay sababtay korodhka kiniinnada sida maalinlaha ah loo qaato. Kolkan, warshadihii dawadu waxa ay mideeyeen shaqooyinkoodii, oo waxa meesha ka baxay xadkii u dhexeeyey cilmibaadhista dawada iyo soosaaristeeda. Isla falgelinta shaqooyinkanina waxa ay abuurtay samaysanka kooxo shaqooyinkoodu is-dhammaystiraan oo aan kala madaxbannaanayn.

Markii la arkay isburinta ka dhex jirta baahiyaha caafimaad iyo mudnaansiinta macaashka ee shirkadaha waaweyn ee dawooyinka, waxa dhashay dedaallo kala duwan oo lagu rabo habaynta iyo korjoogtaynta shirkadahan. “Kolkan, warshadaha waaweyni waxa ay fahmeen in ay baahi u qabaan in ay sii xididdaystaan, oo doodmaangal ah keenaan, oo ah in qiimaha sare ee dawada ay sababaan kharashaadka badan ee ku baxa cilmibaadhista, oo ay gar tahay dawooyinka macaashka laga samaynayaa”. Dearden waxa uu caddaynayaa “in cilmibaadhistu u gacangashay warshadlayda ay sababtay in si fudud oo aan ka fiirsi lahayn loo fasaxo dawada”, Haayadda Cuntada iyo Dawooyinka Maraykankuna “si aad u fudud u oggolaato fasaxa dawooyin saamayn halis ah ku yeesha dadka, welibana aan haysan caddaymo ku filan oo ah in ay xanuunnada dawayn karaan”.

Cutubka saddexaad ee buugga waxa uu kaga hadlayaa kaalinta yoolka lacag samaynta ee xilligan Liberaaliyadda cusub hanaqaaday kaalin ugu leeyahay xoojinta shirkadaha waaweyn ee dawooyinka sameeya. Waxa ugu muhiimsan ee sida daran looga fekeraa waa uun macaash samayn, figta yoolkanna waxa ah hantida aan la taaban karin (intangible assets), sida xuquuqda feker ee dawada. Maanta, shirkadaha waaweyn ee dawooyinku waxa ay dedaal ku bixiyaan kordhinta qiimaha hantidaas lama arkaanka ah, halkii dedaalka lagu bixin lahaa samaynta dawada. Boqolkiiba laba ilaa saddex keliya ayaa dawooyinka cusub ee la soo saaro isbeddel dhab ah keena, halka daraasad kale oo Jarmalka laga sameeyey muujinayso in boqolkiiba 57 dawooyinka cusubi aanay wax isbeddel dawaynta ah keenin.

Arrinkani waxa uu sababay dhibaato ka jirta dhinaca helidda dawooyinka, sababta oo ah shirkadihii waaweynaa baa ku nool macaash ilaalinta xuquuqda hal-abuur ee dawooyinka hore, oo xitaa kolka ilaalinta xuquuqdaas hal-abuur dhammaato aan dawo cusub heliddeeda isku hawlin. Dhinaca kalena, xanuunnada la dawayn karaa waxa ay si aad ah ugu faafaan dalalka saboolka ah, iyada oo aan wax dedaal ah lagu bixin dawayntooda. Tusaale ahaan, “kontonkii sanno ee u dambeeyey, waxa la soo saaray laba dawo oo keliya oo lagula tacaalo xanuunka TB-da, halka isla waqtigaas, la soo saaray afar iyo toban dawo oo cusub oo loo sameeyey xanuunno aan waxbaba dilin, sida xummadda.

Safmarkii caalamiga ahaa ee Karoonaha

Cutubka saddexaad waxa kale oo uu ku qaadaa dhigayaa kaalintii shirkadaha waaweyn ee dawooyinku ku lahaayeen Karoonaha. Waxa uu u jawaabayaa sheegashadii Boris Johnson, ee uu yidhi: “Hantigoosadku waxa uu xaqiijiyey in uu wax sannad ka yar lagu helo tallaalka Karoonaha, sidaas darteed, waa macnodarro in la dhaliilo hodanka warshadlayda ah, taas beddelkeeda waa in la dhiirrigeliyo”. Deardon, waxa uu ku jawaabayaa in arxandarrada macaashdoonka iyo hantigoosadku abuureen xanuunka laftiisa, kuna sigteen in ay carqaladeeyaan dedaallada dawayntiisa.

Suurogalnimada in xanuunkani faafo waxa la ogaa sannado, se shirkadaha waaweyn ee dawooyinku wax danayn ah uma muujin xaaladdan, sababta oo ah fididdiisaa macaashkoodu ku jiraa. Haddii aanay sidan u dhaqmi lahayn, xaaladda xanuunku sidii ay noqotay waa ay ka roonaan lahayd in badan, ama heerka xanuunku gaadhay ma gaadheen. Deardon waxa uu caddaynayaa sida shirkada dawooyinku u ilaashadeen lahaanshaha tallaalka ay sameeyeen, walow dedaallada cilmibaadhista tallaalku sees u ahayd ka hortagga xanuunka. Waxa uu ku dooday in “u gacangelinta tallaalka dhawr shirkadood oo macaashdoon ahi ka dhignayd in shirkadahaas loo gacangaliyey go’aanno aasaasi ah, sida cidda soo saari karta tallaalka, qiimaha lagu soo saarayo iyo qaabka loo iibinayo”.

Macaashkii badnaa ee shirkadaha dawooyinku sameeyeen muddadii Karoonuhu waa mid ka dhashay sicirka ay jaangoysteen. “Tallaalka Moderna waxa halkii mar ee qof qaadanayo lagu soo saari karayay qiime ah 2.85 doollar, se waxa uu noqday tallaalka ugu qaalisan, oo suuqa ka joogay inta u dhaxaysa 19 ilaa 24 doollar inta hal mar qof qaadan karo”. Deardon waxa uu aaminsanyahay in adeegsiga xuquuqda lahaansha hal-abuurku sababtay in aanu tallaalku dawladaha saboolka ah qiimo macquul ah ku gaadhin.

Xuquuq lahaansho mise xuquuq aadame?

Dearden xilligii Karoonaha waxa uu qayb ka ahaa ololihii “Tallaalka Dadweynaha”, waxaanu kaga hadlayaa cutubka afaraad ee buugga. Ololahani waxa uu u dan lahaa in marka xaalado caafimaad oo degdeg ahi dunida ka jiraan, meesha laga saaro xeerarka lahaanshaha fekradda, oo xuquuqda lahaanshaha ka horraysiiya xuquuqda aadamaha. Waxa uu ahaa olole ka hortagayey hannaanka daryeelka caafimaadka macaashdoonka ah ee ku tumanaya xuquuqda dadka dunida. Ololahan oo ka duulayey soojeedinta Hindiya iyo Koonfur Afrika, waxa uu garab siiyey baaqa codsanaya in xaaladaha sidan oo kale ah laga soo reebo heshiiskii TRIPS ee go’aamiyey ilaalinta xuquuqda hal-abuurka. Heshiiska TRIPS waa heshiiska u oggolaaday in shirkadaha dawooyinku go’aan ka gaadhaan cidda adeegsanaysa dawooyinkooda iyo qiimaha lagu helayo.

Xanuunkii Karoonaha oo dunida ku faafaya, haddana tiknoolajiyadda tallaalka waxa gacanta ku hayay saddex shirkadood oo keli ah, oo dhammaantood macaashdoon ah. Natiijada arrinkan ka dhalatay waxa ay noqotay, in xitaa bilawga sannadkii 2022, dawladaha hodanka ahi heli jireen 56 kabbo oo tallaalka mRNA ah, markasta oo dal sabool ahi hal kabbo helo, waana sababta aan tallaalka loogu sinnayn.

Xadgudubkan caalamiga ah oo socda, bishii Abriil, 202-kii, shirkadaha saddexda ah ee tallaalku waxa ay saamilaydooda siiyeen 26 bilyan oo doollar, oo ah lacag ku filnaan karta kharashaadka tallaalka dad gaadhaya 1.3 bilyan oo qof, macnaha tiro u dhiganta dadka Afrika ku nool.

Xeerarka lahaanshaha

Cutubka shanaad waxa uu Dearden kaga hadlayaa xeerarka lahaanshaha fekradda ee ay shirkadaha waaweyni u adeegsadaan macaash samaynta. Waxa uu tilmaamayaa in heshiisyadii ugu horreeyey ee Ururka Caalamiga ah ee Ganacsigu ka dooday uu ku jiray heshiiska TRIPS. Ururka Ganacsiga Adduunka oo la sameeyey 1995-kii, waa udubdhexaadka mashruuca caalamiyeynta, waxaanu xoogga saaraa adkaynta xidhiidhada ganacsi ee caalamiga ah ee danta u ah xarumaha imbiryaaliyada. “Haddii Hantigoosadku rabo in uu isku ballaadhiyo suuq caalami ah, waxa lagama maarmaan ah in la mideeyo xeerarka, haddii arrinkani wiiqo awoodda dalalka qaar ku samaysan karaan tiknoolajiyad iyo horumarinta dhaqaalahoodana, waxa loo arkaa uun nasiibdarradooda”. Tallaabooyinka waddada u xaadhay shirkadaha waaweyn waa kuwo aan dimuqraaddi ahayn, kana faa’idaystay heshiiskaas TRIPS. Maraykankuna waxa uu sallaxay waddada heshiiskan, isagoo dunida ugu hanjaba saamayn dhaqaale haddii ay ka hor yimaaddaan.

Dabarka adag ee heshiiska TRIPS dhigayo waxa uu sababay in halgan ka dhex aloosmo shirkadaha dawooyinka, iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda iyo xukuumaddaha Dunida Koonfureed. Shirkadahani waxa ay markasta kasii faa’idaystaan heshiiska TRIPS, se sida uu qabo Dearden, shirkaduhu waxa ay la kulmaan iskacaabbin xooggan, oo marar ku khasabta in ay dib u joogsadaan.

Cutubka lixaad waxa uu Dearden ballaadhinayaa cilmibaadhistiisa, oo uu ku soo qaadanayo nidaamka daryeelka caafimaadka ee caalamiga ah. Waxa uu tilmaamayaa in adeegyada caafimaad si guud saamayn argagax leh kala kulmayaan hirgalinta habab la mid ah hababkii albaabka u furay shirkadaha dawooyinka. Waxa uu dhaliilayaa saamaynta aan cudurdaarka lahayn ee Baanka Adduunku ku yeeshay mashruucyada daryeelka caafimaadka, oo dejiyey hannaanka ah “in lagu tartamo suuqa caymiska caafimaadka iyo in dadweynaha loo fasaxo ka ganacsiga daryeelka caafimaad ee ay dawladdu bixin lahayd”. Baanka Adduunka, oo kaashanaya deeqbixiyayaasha waaweyn ee dunidu, waxa uu ka shaqeeyey in daryeelka caafimaadka adduunka si qotodheer wax looga beddelo, dadkaas uu kaashadayna waxa tusaale loo soo qaadan karaa Bill Gates.

Baanka Adduunka iyo Ururka Gates waxa ay iska kaashadeen ururinta bilyan doollar oo laga ururiyey maalgashadayaal iyo daymo, si loogu maalgeliyo cisbitaallada gaarka loo leeyahay ee daryeelka caafimaadka dalalka Saxaraha ka Hooseeya ee Afrika. Lacagahani badanka waxa ay ku shubmeen cisbitaallada qaaliga ah ee horumarsan, ee daryeelka caafimaad siiya dadka hodanka ah ee dalalkaas.

Labada cutub ee dambe waxa uu Deardon bedka keenayaa hababka lagu beddelli karo kaalinta shirkadahaas dawooyinka kootada ku haysta. Waxa uu aaminsanyahay in ololihii Tallaalka Dadweynaha iyo dedaalladiisuba ka shidaal qaateen halgankii la sameeyey xilligi dhibta fayraska aydhisku jirtay sagaashanaadkii. Labadaas xaaladoodba, muran kuma jiro in dedaallada laga la hortagay mammanaanta shirkadaha macaashdoonka ahi si uun u guulaysteen, shirkadaasna dib u waabiyeen, sidaas darteed waxa uu aaminsanyahay in cadaadiska saxda ahi xukuumadaha ku qancin karo in la xakameeyo shirkadahaas waaweyn.

Kaalinta dawladda

Dearden waxa uu si wacan u tilmaamayaa kaalinta dawladdu ku leedahay horumarinta tiknoolajiyadda, se waxa uu aaminsanyahay in xukuumaduhu ku guuldarraysteen kaalintooda dhaqaale, waxaanu ka codsanayaa in ay joojiyaan sheegashada ah in suuqu yahay isha badhaadhaha iyo horumarka, iyo kaalintooda halkan ku aaddan. Xujada uu sheegayaa waa xujo liberaali ah oo caan ah, oo dhigaysa in liberaaliyadda cusubi dhexdhexaad ka tahay suuqa, se haddana waxa cad in ay u adeegto uun danaha kooxda kooban ee dhiigmiiradka ah.

Gunaanadka buugga, Dearden waxa uu yididdiilo ka muujinayaa xaaladda lagu jiro, waxaanu aaminsanyahay suurogalnimada in wax ka beddel lagu sameeyo waajibaadka qaanuuniga ah ee maamulayaasha shirkadaha, laguna khasbo in ay ka shaqeeyaan dano ka ballaadhan danaha kooban ee saamilayda, waxa kale oo uu kalsooni xad ka bax ah siinayaa mawqifkii Joe Biden ku xakamaynayay awoodda shirkadaha waaweyn ee dawada. Waxa uu ku doodayaa in kaalintii dawladdu soo laabanayso, isagoo tusaale u soo qaadanaya heerka faragelinta dawladda intii uu socday safmarka Karoonuhu.

Waa dhab in sannadihii xigay dhibaatadii 2008-kii ay dawladdu qaadday faragelin lagu dheellitirayo deggenaanshaha hantigoosadka, se waa ay koobanyihiin caddaymaha in ay jiraan dedaallo joogto ah oo lagu xakamaynayo shirkadaha waaweyn, amaba tallaabooyin ka sarreeya iska caabbinta bulshada. Gebagebada buuggu waa mid waafaqsan aragtida siyaasadeed ee qoraaga, oo uu dawladda kula talinayo in tallaabo laga qaado saamaynta hantigoosadka, se waxa iswayddiin mudan, dawladuhu ma leeyihiin dhiirranaanta wax ka qabashada arrinkan? Sidee se loo cadaadin karaa si loo hubsado in tallaabooyinkan la qaaday?

Buugga Dearden waa buug waxtar leh, oo ay tahay in uu akhriyo qof kasta oo raba in uu wax ka ogaado shirkadaha macaashdoonka ah ee u harraaddan faa’ido, ee sumcad dilaya dawooyinka, waana buug inoo bayaaminaya waxa la samayn karo ee lagaga hortagi karo. Iyada oo sidaas tahay haddana taxliilkiisa siyaasadeed, oo ka duulaya aragtida ururrada aan xukuumiga ahayn ee liberaaliga ahi, ma aha mid gaadhsiisan heerkii la rabay.