Monday 23 June 2025
Billihii u horreeyay 2023-kii, kharduum waxa ay ahayd hoy diirran oo ay nololi ka buuxdo.
Maalmihii ka horreeyay dagaalkii 15-kii Abriil ka dhex qarxay Ciidanka dawliga ah ee Suudaan iyo kooxda RSF, badankeennu waxa aynu si dahsoon u dareemaynay in aynu nabadgalyeynayno magaaladeenna. Bandhigyada farshaxanku waxa ay si joogtaysan u qabanqaabinayeen madallo cusub, dhallinyaraduna doomaha wabiga Niil daafayaashiisa sabbaynaya ayaa ay iskaga dul faakahaysan jireen, markii ay bisha rabadaan soo gashayna, waxa goobo kala duwan laga dhisay taandhooyin, laguna soo qabanqaabiyay madallo iyo badhigiyo badan, gaar ahaan xaafadaha wabiga qarka ku haya iyo kaynta billicdasan ee al-Sunuut.
Dhawr toddobaad ka hor inta aanay khartuum iyo nolasheenuba is beddelin, waxa aan fursad u yeeshay in aan Macrad Suuqa ku yaalla kaga hadlo buuggayga, halkaas oo aan kula kulmay Xasan Muuse oo ahaa mid ka mida fannaaniinta aan aadka u taageero. Dhawr malmood kaddib na, Xasan waxa aannu isugu nimid xaflad lagu soo bandhigayey Muusig Afro-pop ah oo la deegaameeyay, xafladdu doon ayaa ay ka dul daarnayd, doontuna wabiga Niil bay dul sabbaynaysay, aniga iyo Xasanna waxa aannu si hubsiimo leh isugu raacnay in uu dalku dagaal afka kula jiro, wax laga qaban karaana aanay jirin, marka laga reebo in aynu intaas ka hadhay kusii bashaalno, waqti wanaagsanna la sii qaadanno magaaladeenan aynu jecelnahay. Waxa aan ogaaday in hubsiimada aad ka qabto dagaal foodda kugu soo hayaa aanay marnaba kaa caawinayn u diyaar garowgiisa.
Khartuum waa magaalo ku suntan adkaysi qayrul caadi ah, inkasta oo marar badan dhulka la la simay, haddana koB walba oo uu burbur ku yimaaddo, waa tii dib u dhisanta. Sooba, waa sida lagu magacaabo magaalada cidhifkeeda koonfureed e, waxa ay bari magaalo madax u ahayd boqortooyadii masiixiga ee Calwa, taas oo jirtay intii u dhaxaysay qarnigii lixaad ilaa iyo kii 16aad ee miilaadiga. Boqortooyadii Calwa waxa beddeshay Saldannadii Muslimka ahayd ee la odhan jiray Sannaar, taas oo lahayd qaabdhismeedka konfedereshanka. Kharduum daafaheeda waxa ku noolaa bulshooyin dhaqan ahaan kala gaddisan, waxa ayna caan ku ahayd quruxda bilicda indhasarcaadka ah ee ka dhalata marka ay labada Niil, ka cawlaanka ah ee buluugga rasiinka ah xiga iyo ka cad ee buluugga khafiifka ah, safar dheer oo ay Itoobbiya iyo Yugaanda kaga kala yimaaddeen soo dhamaystaan kuna kulmaan barta lagu magacaabo al-muqran. Dhacdadan waxa si shaacbax ah loogu yeedhaa “Dhuunkashada ugu waqtiga dheer”.
Khartuum ta aynu maanta naqaanno waxa ay si rasmi ah u aasaasantay 1820 hase ahaatee barigaas magaalo ahaan looma aasaasin ee waxa ay ahayd xero iyo dekad ciidameed oo hoos imanaysay boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Cusmaaniyiinta waxa magaalada kaga dambeeyay dawladdii xagjirka ahayd ee Mahdiyiinta, taas oo 17 sanno haysatay. Nidaamkii Mahdiyiintu, Kharduum aad ayuu u dayacay, dhismayaasheediina inta la burburiyay, ayaa dhagaxaanta ay ka dhisnaayeenna magaalada Umdurman u rarteen si ay ugu adeegsadaan dhisidda Madaxtooyo cusub oo ay waagaas halkaas ka wadeen. Xilligii nidaamkii isku dhafnaa ee Ingiriiska iyo masaaridu wada hayeen ayaa ay kharduum noqotay caasimadda Suudaan iyo badhtamaha nolosha bulsho, siyaasadeed iyo waliba dhaqaale.
Magaalada Khartuum waxa ay hoos timaaddaa gobol ay magaca ka simanyihiin ee Kharduum, kaas oo ka kooban toddoba degmo oo ku dhawaad 10 milyan oo qof ay ku noolyihiin. Guryaha magaaladu waxa ay u kala gedisanyihiin meesha ay ku yaallaan iyo dabaqada ay dadka ku jiraa ka midka yihiin. Tusaale ahaan, xaafadaha ku yaalla badhtanka magaalada ee ay degaan dadka dabaqadaha dhexe, guryaha waxa badanka ku hareeraysan geedgaabyo leh ubaxaan middabo kala gaddisan , halka xaafadaha magaalada cidhifyadeeda ku yaalla ay ku suntanyihiin dhismayaal iyo guryo ay dawladdu dhistay, degmooyinka qaarna, waxa ay guryahoodu ka dul taagan yihiin dhul beereed ay dadka halkaas ku noolli ab ka ab soo dhaxleen. Qaar kalena waxa ay dadku ku noolyihiin guryo u dhisan qaab dabaq ah oo barxado waawayn leh, kuwaas oo loogu talo galay in ay dhowr reerood oo is xigaa wada degaan. Marka aad u kacdo degmooyinka dhaca xuduudda uu gobolku la leeyahay gobollada kale na, waxa aad arkaysaa; dad ku nool guryo laga sameeyay looxaan iyo jiingado.
Barxaddu waxa ay muhiimad gaar ah u lahayd xidhiidhka reerka gudahiisa ah, geedaha iyo dhirta ubuxaanta leh ee ay hooyaday, horteedna ayayday, ku beereen barxaddaas ayaa xilliyada kulaylka hawada noo qaboojin jiray. Halkaas inta aannu isugu nimaadno ayaannu shaaha iyo sheekaba ku wadaagi jirnay. Reeraha badankoodu berxaddaas balaadhan oo kale way lahaayeen, kuligoodna sida hooyaday ubaxaan kumay beeran jirin ee guri kasta sida ula qumman buu uga faa’idaysan jiray. Tusaale ahaan, adeerkay isaga oo ka faa’idaysanaya carrada wanaagsan ee magaalada iyo waqtiyada roobabowga, waxa uu barxaddiisa ku beertay khudaar kala duwan oo ay ka mid yihiin Afokaadhaha iyo Baasinjaanka.
Kharduum, waa magaalo ay hanti iyo saboolnimo ku wada kulmeen, dhaqanka iyo fankuna saldhigteen. Waa saaxad ay ku lagdamaan qaab dhismeedka islaamiga iyo kan Afrikaan Nuubiyaanka ah. Sidoo kale, Khartuum waa magaalo ay kumannaan kun oo carruur ah oo aan waxba qorin waxna akhriyin waddooyinkeeda ku dawarsadaan. Dadka magaalada deggan idilkood ma aha qaar u dhashay, qaarkood waxa keentay saboolnimo ay filayeen in ay magaalo madaxdu ka reebi doonto, halka kuwo kale dagaallo iyo abaaro ka soo carareen iyaga oo isleh Kharduum, “Meesha uu madaxwaynuhu u hoydo, diyaaradahuna ka haadaan” ayeydun nabad galyo ka heli doontaan. Sidoo kale, waxa jira qaar waxbarasho u yimid, deetana bulshada ku milmay oo iska degay, halka kuwo kale ay kharduum ka heleen fursad ay kaga takhallusaan dhaqannada qallafsan iyo dabarka reerahooda kuna aslaan hawiyaddooda gaarka ah. Kharduum waligeedba waxa ay ahayd magaalo si wacan u weelaysa kala duwanaanshaha hayb-dhaqameedka, oo haybahaha kala duwani waxay magaalada gudaheeda iskula falgalaan sida hirarka wabigaas ay ku dul dhisantahay.
Inkasta oo dhulku qallalan yahay una badan yahay lama degaan u eeke, haddana kharduum waxa ay leedahay kaymo yaryar iyo dhulbeereedyo ku teedsan wabiga dhinaciisa bari iyo barriga magaalada, hase ahaatee, wabigu waa hantida ugu weyn ee uu gobolka Kharduum leeyahay. Waa halbowlaha nololeed ee kumannaan kun oo kalluumayste. Wabigu faa’ido keli ah ma aha ee khatarna waa uu ku leeyahay dadka ag dega. Tusaale ahaan, xilliyada roobabka, webigu waxa uu walbahaar ku furaa dadka ku nool Jasiiradda Tuuti, kuwaas oo inta lagu jiro xilliga roobka guryahooda ku ooda jawaanno ay ciid ka buuxiyeen si aysan biyaha webigu ugu soo fatihin. Hees caan ah ayaa tilmaanta in raggu ay dul seexdeen jawaanaddaas dushooda si ay uga hortagaan in uu wabigu soo galo jasiiraddooda.
Tobannaan sano ayay qaadatay in dadka Tuuti lagu qanciyo in loo dhiso buundo ku xidhiidhisa Khartuum. Xikmadda ka dambaysay diidmadoodaas hore waxa ay soo ifbaxday markii dagaalku qarxay, jasiiradduna noqotay saldhig weyn oo ay degganyihiin dagaalyahannada taageerada degdegga ah, kuwaas oo buundada xidhay jasiiraddana go’doomiyey, heer ay dadkii jasiiradda ku noolaa markale ku khasbanaadeen inay doonyaha adeegsadaan oo dib isu helaan si ay uga baxaan uguna soo noqdaan jasiiradda.
Niilku waa uu innaga wada dhexeeyay, waxaannu ku raaxaysan jirnay lacag la’aan innagoo cabbayna bunka sanjabiisha leh ee lagu magacaabo “jebena”, ama koob kabujiino ah ayaynu u doonan jirnay makhaayadda Rikishaw ee ku dhex taalla hudheelka Koorintiya, oo uu dhismahiisa maalgeliyey Qadaafi, madaxweynihii hore ee Liibiya. Hudheelkaasi wuxuu u eg yahay ukunta—beedka, ama shirbirta Penguins kolba xagasha uu qofku ka eegayo. Maanta waa la duqeeyay; muraayadihiisii buluugga ahaana waa ay dil dillaaceen, qaybo badanna waa la burburiyey. Weli wuu nasiib badan yahay marka loo eego meelo kale sida dhismaha Koraal iyo hoolka Saaxiibtinimada, oo ay ciidamada taageerada degdegga ahi dhulka la simeen.
Meel aan ka fogayn Koorintiya waxaa ku yaal mid ka mid ah saddexda madxaf ee aan ugu jeclahay madxafyada, waa Madxafka Taariikhda Dabiiciga ah ee Jaamacadda Khartuum, oo la furay 1929-kii, waxaana uu hayay agabyo dhif ah oo laga keenay qarnigii 19-aad, iyo sidoo kale xayawaanno khatar ku jira, qaar nool iyo qaar jaadkooda la kaydiyey oo tobannaan sanno halkaas lagu hayay. Waxaannu ogaanay in xayawaanno badan oo halkaas ku jiray, iyo kuwa xarunta khayraadka xoolaha lagu hayay, ay u dhinteen gaajo iyo daryeel la’aan tan iyo markii dagaalku bilowday.
Maaddaama dagaalku ku fiday hareeraha wabiga Niil iyo Qasriga Madaxtooyada, guryo badan oo taariikhi ah oo ay ku jireen wasaarado, jaamacado iyo xarumo cilmi-baadhis ayaa la gubay. Qaar kale wali lama oga xaaladdooda. Fiidiyoow aan la xaqiijin oo shaac baxay ayaa muujinaya ciidamo ka tirsan taageerada degdegga oo dhex jooga Madxafka Qaranka, sheegayana in Muumiyaw (Maydad si gaar ah loo kaydiyey) madaxafka yaallay kuwaas oo ka hadhay boqortooyooyinkii Nuubiyada ay yihiin dad rayid ah oo la jidh-dilay. Markii ciidamada qalabka sida ee Suudaan ay dib u xorreeyeen magaalada intii u dhaxaysay Sebteembar ilaa Maaj 2025, musiibadeennu way sii xoogaysatay oo waxa inoo caddaatay in la burburiyey haybteenii wadareed. Ma jiro madxaf aan la taaban, waxaana gabi ahaanba la bililiqaystay Madxafka Qaranka, taasi waxa ay ii ahayd xanuun gaar ah, waayo, taariikhdaas la baabiiyay waxay si gaar ah ula xiriirtaa qoomiyaddayda, Nuubiyiinta, oo ah dadkii ugu horreeyay ee degay dooxada Niil.
Khartuum waxa loo bililiqaystay si ka duwan magaalo kasta oo Afrikaan ah, waxaa laga yaabaa in aysan jirin caasimad casri ah oo sidan loo burburiyey.
Maalmo kaddib, markaan ka qaxnay gurigayaga, anigoo wata boorso yar oo alaabta gabadhaydu ku jirto, mid kale oo aan leeyahay oo ay ku jireen afar shay oo la xidho, afar buug, iyo xoogaa xawaash ah iyo cunto oo ay hooyadey sidday, waxa la qabsaday aqalkayagii, waxaana deggay ciidamada taageerada degdegga ah. Waxaa nalaga tirtiray magaalada oo ay qoyskayagu ku noolaayeen muddo ku dhow 150 sanno. Si lama filaan ah ayaanu u noqonnay dad shisheeye oo barakacayaal ah, oo ku kala filiqsan magaalooyinka iyo tuulooyinka gudaha iyo dibedda Suudaan. Wax fekrad ah haba yaraato ee kama aannu haysan goorta la noo oggolaan doono inaan dib ugu laabanno guryahayaga, ama gobolka Khartuum.
Magaaladii mashquulka badnayd ee Khartuum hadda waa mid cidlo ah; sawirrada dayax-gacmeedka ee Google Earth ayaa muujinaya magaalo aan dad ku sugnayn. Xorreynta kaddib kumannaan qof ayaa ku soo laabtay, waxayna la kulmeen magaalo cusub oo aan ahayn toodii, guryahoodii oo la bililiqaystay, alaabahoodii oo la xaday, wasakh iyo xataa maydad ay ka tageen malleeshiyaadkii adeegsaday guryahayaga sidii saldhigyo, cisbitaallo, iyo xabsiyo lagu jidh-dilo dadka.
Ma helin waqti aan ugu murugoodo khasaarahayga gaarka ah, sababta oo ah waxa aan u murugoonayaa magaaladeyda oo dhan. Waxa aan isku dayayaa inaan ogaado waxa ka hadhay. Waxaan ogahay in qolkii fadhiga ee gurigeennu uu gubtay, alaabtii la xaday, xataa sawirradii qoyska. Adeerkay wuxuu sawirkeygii qalin-jabinta ku arkay waddada horteeda. Buugtayadii wali way yaallaan, laakiin waa ay kala daadsan yihiin oo wasakh iyo habaas baa hagoogay.
Maktabadda qoyskaygu ma ay nasiib wacnayn. Waxa ay ku kaydsanayd Xarunta Daraasaadka Suudaan ee Maxamed Cumar Bashiir ee Jaamacadda Omdurman Al-Ahliya, taasoo gabi ahaanba la gubay. Waxaan u hibeynay maktabadda sanadkii 2012ka si waqfi ahaan ah oo aan ayayday ula niyoonnay, iyo si ay taageero ugu noqoto jaamacaddaas, oo ahayd xarun hore u socod ah oo ay dawladdu marar badan beegsan jirtay.
Maalintii aan ogaaday khasaaraha Madxafka Qaranka, sariirta kama kicin. Waan baqay. Waxa aan u baqay Xarunta Diiwaanka Qaranka, oo ahayd dhisme dheer oo ku yaalla badhtamaha Khartuum oo lagu hayo qoraallo iyo diiwaanno qadiimi ah. Nasiib wanaag, in kastoo ciidamda taageerada degdegga ah qorsheynayeen in la gubo, haddana kaliya qaybta maamulka ayaa waxyeello soo gaadhay, halka kaydka diiwaannada uu weli badqabo. Ugu yaraan, taariikhda Khartuum qayb ka mid ah way badbaadday.
Waxaan daawaday fiidiyow kasta. Waxaan dheehday sawir kasta oo Khartuum laga qaaday toddobaadyadii la soo dhaafay. Waxa aan u murugooday suuq kasta oo gubtay, dhisme kasta oo la dhacay, meel kasta oo la burburiyey. Isla waqtigaas, waxaan si deggan uga fekerayay sidii aan dib ugu laaban lahaa magaalada aan wali jeclahay. In kasta oo aan ogahay in go’aankaasi uu adag yahay, haddana waxaan aaminsanahay inaan soo ceshanno Khartuum haddii aan rabno in aan si dhab ah uga guuleysano mashruuca huriyey dagaalkan, kaas oo doonayay in uu beddelo tirada dadka, dadka hadhayna addoommo uga dhigo beeraha iyo macdanta.