Monday 28 April 2025
Xasuustayda dhallaanimo ee fog, qiyaastii toban sanno ka hor, waxay ka bilaabmataa halkan; kharaabbadan dooxa Burco qarka u saaran. Luuqan yar ee dixda looga soo daaddego, waa saaxiibkayga iigu dhow nolosha ee si walba ii og, maxaa yeelay, ma jirto marxalad aanan soo marin. Anniga oo naxdin la kurbanaya oo cararaya, maray, anniga oo faraxsan oo haaf harakoo ah sita, maray, anniga oo dhiigaya oo faro i go'een, maray, anniga oo faanaya oo saaxiibaday la socdana, maray. Waa madxafka daranyadayda, haddii uu hadli lahaa, wuxuu kuu sheegi lahaa kumanaan mar oo aan gaajo iyo ciil kula dhacay, iyo kumanaan kale oo la igu dilay. Ishaa i maqanba, markii dhagaxu iga ga dhacay isagaan marayay.
Asaagay, wuxuu leeyahay aabbe iyo hooyo, annigu se, waxaan leeyahay; labo kartoon iyo caagged aan xabbagta ku shubto. Dadka sow dhooqo lagama abbuurin? Derbigan maddow aad baan ugu ekahay, shakina igagama jiro in kan layga sameeyay, waxa aan se la yaabay, sababta la ii dhaho "Derbi-jiif" ee aan la ii odhan "ina Derbi" waayo; aabbe ayaan leeyahay, waxa la yaahdaa: Cigge Muuse, ma aqaan wax u raaca.
Kollay Ilaahay wuu og yahay, derbigan meel aan ahayn ima hayn karto. Haddii aanu taas ogayn iima qoreen halkan, sow wax walba qadar Alle maaha? Haa, sidaas baan ka maqlaa masaajidka aannu dariska nahay. Maxay ka dhigantahay in aad Ilaah leedahay? Waxay ila tahay, ku qancidda wax walba oo aadan aqoon, maxaa yeelay, aqoontu waa jawaab fakatay. Jawaabtana su'aal baa ka horraysa, sida wadaadku sheeganna; su'aalluhu waa camal shaydaan. Waxa aan ku fakaraa, mararka qaar, malaha shaydaankuba waa anniga! Sababtoo ah, maankayga kama baxdo; horta ma noolahay? Miyaan qof ahay? Haddii aan qof ahay, maxaan u yeelan waayay xaqa dadka? Haddaan leeyahay, mee?
Eraygan "aargudasho" waa eraygii koobaad ee aan barto sida loo qoro, iyo ka aan ugu jeclahay wax la dhaho. Waa dhaxalka qudha ee aan ka hayo saaxiibkay Cumar. Habeen buu noo yimi isagga oo aad u taahaya oo dhiig hunqaacaya, huudheelle uu waslad hilib ah kala cararay baa si xun u garaacay. Markii uu jiifsan kari waayay, ayuu inta uu ruuggaga dhulka dhigay oo afka gidaarka u dhaweeyay, xinjiraha dhiigiisa la socda ku qoray eraygan. Anna waan ka dabbo qoray oo maalinkii uu noolaa oo dhan, marba inta aan dhulka ku qoro baan ku odhanayay "ma saxay?" isagguna madaxa ayuu ii ruxayay. Meel walba ayaan ku qoraa; gidaar, miis, musqul iyo xitaa kortaanka aan goglado. Wax walba ayaan ku qoraa; qallin, dhuxul, dhagax iyo, mararka qaar tamaashiir aan helay ama aan soo xaday. Muhiimadu waa in aan dhaho erayga aan u jeclahay weedh dibnahaygu qabtaan, si aan nafta u rejagalliyo, sababtoo ah; himilladaydda ugu wayni waa in aan aarguto. Noloshu waa loollan: halgan ama hoggo!
Noloshu waa loollan: halgan ama hoggo!
Qabiil ma lihin, qaranna ha sheegin. Dadku sidii waslad qudhuntay bay sanka iyo indhaha naga qabsadaan, xataa wadaadka wacdigiisu yahay in laysu naxariisto, nooma ogollaado in aan cagta saarno masaajidkiisa widhwidhaya. Maxaa yeelay, ma nihin dadka sharfan ee kitaabkiisa ku qoran. Waxa jirta xaqiiqo ay isdiidsiiyaan; waxaannu nahay caddaynta dhabta ah ee caqli xumadiinna! Taasi maaha waxa muhimka ah. Biyo-kama-dhibcaanku waa in aan caqliyadaasi sii tallin doonin; haddii ayna jirin sabab jiraalkayaga ka danbaysa, ma jirto sabab aannu idiin dhaafno!
Marka aan indhaha furo ee dhanka suuqa u luuddo, galab walba, waxaan faashkayga kula dardaarmaa; quud fiican soo dhacso ama dhiig fiican soo qub! Ma jiro habeen iiga farxad badan, kolka aan fiidkaba moobil ka qaado ardayad jaamacadd ka timi, ee aan degdeg ugu helo iib. Gaajada igu qabowday judha aan haaf bariis ah isaga diiriyo, meesha iigu dhow ee aan khamri ama xabbag ka heli karo, ayaan isku-sii-daayaa. Balwadu waa quudka kaliya ee i dareensiiya in aan QOF ahay, daqiiqadda aan afka saaro, ayaa iigu danbaysa kadeedka waayaha. Waxay indhahaygu sidii filim u daalacdaan nolosha ugu quruxda badan ee aan heli karo. Nolol aan ka werwerla'ahay quud, amni iyo hoy. Nolol aan ciddina ku qaylinaynin "tuugga qabta" iyo "garacan, maxaa meesha wadhay!" Taasi waa riyada sarkhaannada dibjirta ah. Maxayse kaaga dhigantahay, waa dhaddo cadceedda la duusha. Hagaag marwo: qofku, muxuu qof ku yahay?