Tuesday 5 November 2024
Soomaalilaan ayaa ku wargelisay dublamaasiyiinta Hargeysa jooga in ay isafgaradkii Itoobbiya ay horraantii sannadkan la galeen heshiiskiisii rasmiga ahaa diyaariyeen, oo uu saxeexii uun u dhiman yahay, sida ay dhawaan xustay Addis Standard. Heshiiskan oo ahaa mid buuq badan gobolka iyo caalamka ba ka dhaliyay, hirgalintiisu waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay xaaladda siyaasadeed ee Soomaalilaan aanay deggannayn, doorashooyinkii madaxtooyada iyo ururraduna soo dhaw yihiin. Ka dib jabkii dagaalka Laascaanood ka soo gaadhay iyo xaalada walaaca leh ee ka jirta Ceerigaabo. Heshiiskan labada hogaamiye ee Soomaalilaan iyo Itoobbiyaba waxa uu u yahay fursad waji bedbaadin ah. labada hoggaamiyaba waxaa lagu eedeeyaa in ay dalalkooda kala qaybin iyo dagaallo sokeeyo ka huriyeen. Raysal wasaare Abiy Axmed, dagaal dad milyan ku dhaw ku dhinteen ayuu gobolka Tigreega ka riday oo ilaa maanta siliciisii ka sii taagan yahay gobolkaas, sidoo kale waxaa hadda ka socda Itoobbiya dagaallo uu kula jiro falaagooyin ku abtirsada deegaanka Amxaarada iyo isla Oromada oo deegaankiisa ah. Halka dhankiisa madaxweyne Muuse Biixi lagu eedeeyo, musuqmaasuq, kelitalisnimo, isna dagaal muddo bilo ah soconayay oo uu ku jabay ayaa muddo xileedkiisa ka dhacay Laascaanood. Arrimahan oo ay keeneen xukuumadda Muuse Biixi oo ka dheeraatay isku wadkii iyo dhibirsanaantii astaanta u ahayd Soomaalilaan. Soomaalilaan waxa ay ku dhisnayd hannaan xukuumaddu beelaha dalka wada dega isku wad iyo la tashi ku hoggaamiso. Xukuumadda Kulmiye intay joogtay dalku dhaqaale ahaan iyo milatari ahaan ilaa in door ah oo uu roonaaday ka dib, dadka qaar waxay u arkaan in xukuumadu tijaabinayso siyaadeeda.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaalilaan ayaa badhtamihii bishii Sibeteembar sheegay in ay qaadeen talaabooyinkii u danbeeyay ee isafgarad, heshiis loogu beddelayay, se waxay u eg tahay in ilaa doorashooyinka bisha soo socota ku soo aadan Soomaalilaan meel u dhacayaan in aan tallaabo hore loo qaadi karin, caqabbadaha kale ee heshiiska ku gudbanina taas uun ma aha, oo dalalka gobolka iyo qaar dano ka leh gobolkuba waxay muruqooda dul dhigayaan fashilinta isafgaradka, dedaaladaasna waxaa u danbeeyay isbahaysigii Asmara lagaga dhawaaqay.
Haddaba, iyadoo Muqdisho heshiiskan ka gilgilaynaysa ayay heshiisyo aan tafaasiishooda la ogeyn, Tabata isafgaradka,waxa ay la gashay Turkiga iyo Masar. Taas oo sababtay walaaca laga qabo, in dagaal gobolka ku dhex maro Itoobbiya iyo Masar oo khilaaf muddo dheer ahi ka dhex oognaa, kaas oo daaran dhaamka korontada laga dhallinayo ee Itoobbiyi dhisatay qaabka loo dhaaminayo. Ka dib wada hadallo soo socday tan iyo 2011, waxa ay u muuqataa in ay Masar muruqeeda diblumaasiyadeed tijaabinayso, isafgaradkii Itoobbiya iyo Soomaalilaanna waxa uu u noqday albaab u fura in ay awood siyaasi ah iyo mid milatari ku khasabto Itoobiya, oo ay gobolka soo cagadhigato, muddo labaatan sanno iyo dheeraad ah oo ay ka maqnayd ka dib.
Dhanka kale, Iskaashiga milatari ee ay xukuumada Federaalka Soomaaliya la gashay Masar, waa mid maamul goboleedyadu aad uga soo horjeedsadeen. Haddaba, maxaa keenay kala duwanaanshahan? In kastoo laga yaabo in xukuumada Muqdisho iskaashigan uga dan leedahay, in ay samaysato xulafo miltari oo kala duwan, si ay kala doorasho u hesho, haddana qaabka ay u maamushay waxa uu ahaa mid laablakac ah. Soomaaliya iyadoo ay ka taagan yihiin khilaaf gudeed oo nidaamka federaalka daarran, oo maamul goboleedyo badan walaac ka muujinayaa dedaalka markisiyaynta awoodda ee xukuumada federaalku ku hawlan tahay iyo gaabiskii la dagaalanka argagaxisada ayaa ay Muqdisho go’aanno degdeg ah qaadatay. Kuwaas oo ay ka mid tahay heshiiska iskaashiga milatari ee ay la gashay Masar iyo in ay ka reebtay Itoobiya hawlgalka AUSSOM ee sannadka soo socda bilaabmaya. Taas oo maamul goboleedyada Buntilaan, Jubalaan iyo Koonfur Galbeed ka soo horjeedsadeen. Arrinta kale ee muhiimka ahi waa meelmarinta qodobada dastuurka Soomaliya oo lagu muransan yahay. Tan ayaa dhalisay sii kala fogaanta Muqdisho iyo maamul goboleedyada. Waxa aanay kuso beegan mar xiisadan Itoobiya ay sii balaadhatay.
Tan waxaa lagu sababeeyay arrimo door ah. kow; in kolka Itoobbiya baxdo ee muranka isafgaradku dhamaado, xukuumada Muqdisho u adeegsato ciidankan Masaarida muquuninta mucaaradkeeda. Waxaa la sheegaa, in gacan saar la xidhiidha taariikh hore uu ka dhexeeyo falaagadii USC iyo Masar, 1990 markii dagaalka sokeeye ka hurayay dalka. Waxa la xusay in Masar iyo Liibiya oo iskaashanayaa hubeeyeen Jabhaddii USC, iyaga oo cududaas u adeegsaday in ay meelo badan qabsadaan oo ay kula dagaallamaan beelaha kale ee ay jaarka, xataa dhexdooda isku dagaalaan, ilaa Cabdilaahi Yuusuf oo wata ciidan beeshiisa u badan iyo Itoobbiyaan Muqdisho xoog ku qabsaday. Taasi waxay ina tusaysaa awoodaha qalaad ee dhan kaliyaa la soo heshiiyaa in ay halisteeda leedahay.
Sidoo kale maamul goboleedyada ka ag dhaw deegaannada al-Shabaab ka taliso, waxay walaac ka muujinayaan gaabiska ku yimid wajigii labaad ee ololihii xukuumadda ee ka dhanka ahaa al-Shabaab, iyadoo xarakadu dib ula wareegtay deegaanno hore looga qabsaday, iyadoo beerlaxawsatay dhallinyaro qiiro waddaniyeed iyo mid diineed ku jirto oo ka kala imanaya dhamaan daafaha dalka. Maamul goboleedyadan waxa ay dareemayaan in haddii Itoobiya baxdo ayna jirin wax ku kala gudbanaanaya iyaga iyo al-Shabaab.
Jeenawari 2025, waxaa la qorshaynayaa in gabi ahaanba ciidamada ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya oo ay beddelaan ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo taageero ka helaya wajiga cusub ee isla markaa bilaabmi doona ee AUSSUM. Tan iyo 2007 waxa Soomaaliya joogay ciidama nabad ilaalin oo qalaad, kuwaas oo laba waji oo hore soo maray, AMISOM, ATMIS, iyo wajiga saddexaad ee bilaabmaya 2025 ee AUSSUM. Wajigan cusub oo ay wali u dhiman tahay ansaxintii u daanbaysay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa la filayaa in saxeexa u danbeeya lagu duugo 15 Noofembar, ka dib marka la soo saaro warbixinta qaab dhismeedka hawlgalkan cusub, hawlgalku waxa uu ku dhisan yahay qaraarka golaha ee summadiisu tahay 2748. Hawlgalka AUSSUM, waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay xaaladda gobolku qasan tahay, hawlgalku aad buu uga kooban yahay hawlgaladii hore, weydiimo badan ayaana ku gadaaman sida uu noqon, doono iyo waxa laga filanayaba.
Haddaba, xukuumadda Kulmiye oo durba waji gabax kala kulantay hordhaca ololaha doorashada, oo xadhiga bedbaado ee ay cuskan karto uu ahaa dhammaystirka isafgaradkan ayaa bishii hore shaacisay in heshiis u beddelidii is afgaradku diyaar tahay, balse, waxay u muuqataa in aanay ka dheefi doonin oo ay ku rumawday, odhaahdii ahayd, “nin daad qaaday xunbo cuskay.”