Wednesday 9 October 2024
Kolkii ay shacabka reer Biritan ay gaadheen quustii ugu darnayd, ayuu raysal wasaarihii xisbiga Shaqaaluhu Jim Callaghan shir saxaafadeed qabtay Janaayo 1979. Iyadoo aan dalku wax dhaqaaqa lahayn oo ay fiday shaqojoojintu, ayuu raysal wasaaruhu qalalaasihii taagnaa dafiray oo uu ku tilmaamay in ay tahay arrin ku kooban in yar oo aan dhaayo fiyow wax ku arkayn oo mucaarad ah. Maalinkii xigay waxaa hadalkiisa nuxurkiisa cinwaan ahaan u soo qaatay wargeyska The Sun, “Xasarad? Xasarad maxay ah?” – waxa ay ahayd weedh jeesjees ah oo soo afjartay muddo xileedkiisii. Maqaal BBC-da lagu daabacay oo qoraalkaa hore dib u millicsaday ayaa ku tilmaamay in uu ahaa mid soo gudbiyay “dareenka dadweynuhu ka qabeen xukuumad aan ka warqabin xaalada cakiran ee ku soo wajahan, taas oo aakhirkiina ka takhalustay.” Dhawr bilood ka dib ayuu ku guuldaraystay doorashooyinkii, oo xisbigii Shaqaaluhuna dhacadiidsaday kursiga kaydka, halka xisbigii talada la wareegay dib u qaabeeyay dalka.
Afartan iyo shan sanno ka dib, xaaladaas oo kale ayay Soomaalilaan gaadhay, iyadoo colaado iyo sicirbarar ba’ani jiraan, oo rejadii shacabku xumaatay, ayaa agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile sheegay; in aanay jirin maalin uu maanta ka wanaagsan yahay dalku.
Ereyadan waxa uu ka hor yidhi arday qalinjabinaysa, kuwaas oo badankoodu shaqo la’aan ku negaan doona, oo ku wada taamaya sidii ay dalka uga bixin lahaayeen oo fursado u raadsan lahaayeen. Balse, miyuu qaldanaa tolow? Kolka aad eegto kumanaanka doolar ee ay bil walba qaataan xubnaha baarlamaanku, ee lagu daro dawladda iyo dadka ka ag dhaw ee waxa ay doonaan samaynaya iyadoon cid la xisaabtamaysaa jirin, run ahaantii maalin ka wanaagsan Soomaalilaan ma soo marin; waa kaliya haddii aad tahay siyaasi bilaa damiir ah ama ganacsade ka ag dhaw qoorweynta Talisa.
Sannadihii u danbeeyay dalka waxaa isku biirsaday qabyaalad xadhka goosatay, sinaan la’aan dhaqaale oo faraha ka baxday iyo musuqmaasuq baahsan. Kala qaybsanaantan sii siyaadaysaa waxa ay timid xilli xaaluf ku yimid haybtii qaranimo – ama ba ay beddeshay mid gurracani – taas oo qeexday jawiga siyaasadeed ee dalku ku sugnaa afar iyo tobankii sanno ee u danbeeyay, waxa ayna ku soo beegantay muddadii uu dalka ka talinayay xisbiga Kulmiye.
In kastoo uu muddadan koboc dhaqaale jiray, haddana kooxo gaar ah ayay faa’idadu jeebkooda ku dhacaysay. Markii la hirgaliyay lacagta 5,000 ee shillin, milyaneero cusub ayaa judhiiba samaysmay, go’aankani waxaa uu ka mid ahaa siyaasado maalyadeed oo musuq badan oo ay qaadatay xukuumadii kulmiyee hore (2010 – 2017), siyaasadahan oo ilaa maanta dalka barmadow iyo hagardaamo ku ah. Tan iyo 2010-kii hanti badan ayaa si gurracan loo urursaday. Muddadani waa mid ku astaysan is afgaradyo daahsoon oo lagu buunbuuniyay in ay yihiin xidhiidh caalami ah, xidhiidhka dhaw ee la la samaystay kelitaliska Jabuuti haysta, iyo billawga wadahaddalada Soomaaliya, kuwaas oo hore loo reebay 2003-dii, waxaana laga dhaxlay cagsiga wixii laga filayay (2012 ilaa hadda).
Hoos u dhaca ku socday sharciyada dawladda dhexe tan iyo xukuumadii madaxweyne Cigaal, oo lagu ladhay horumarka uu hagayo suuqa aan nidaamsanayn, ayaa si ba’an u carqaladeeyay dhaqdhaqaaqii dadweyne ee ka hor iman lahaa sida ay wax yihiin, taas oo ay ku qeexday Kaleer Eldar oo khabiir ku ah colaadaha iyo arrimaha Soomaalidu ‘oligopolistic state’ nidaam dhaqaale oo shirkado gaar ah u xidhan, iyo ‘peaceocracy’ nidaam dawli ah oo ku mamay nabad aan wanaag kale oo weheliya lahayn, halkii xoogga laga saari lahaa dhisidda “xukuumad qarameed dimuqraadi ah”. Taas waxaa ka dhashay in aynnu mar walba baraha bulshada ka maqallo shacabka masaakiinta ah oo jeedinaya cabasho aan laga hoos qaadayn oo ay ka mid tahay; “mudane madaxweyne hoos noo eeg”
Maanta dhaqaalaha Soomaalilaan waa mid la daalaadhacaya xasillooni darrada shilinka, waxsoosaar la’aan, shaqola’aan baahsan iyo sicirbarar. Waxsoosaarka beeruhu waa mid aad u hooseeya, oo waxaa badanka laga soo dhoofsadaa dalka jaarka ah ee Itoobbiya. Magaalooyinka qiimaha korontadu waa mid aad qaali u ah, halkii yunit waxaa lagu gadayaa 0.60 ilaa 0.73 oo doolar, tan waxaa sabab u ah kootooyinka xukuumadu bixiso, taas oo culeys joogta ah ku ah qoysaska, sidoo kalena waa arrin ku gudban warshadawga aadka loogu baahan yahay. Sicirbararka hadda taagan waxaa la la xidhiidhiyaa kor u kaca shidaalka oo uu halkii litir marayo 1.20 ilaa 2 doolar, kaas oo Wasaaradda Horumarinta Maalyaddu ku sababaysa cunaqabataynta ay sababeen weerarada badda cas ee Xuutiyiinta. Halka dad kale farta ku fiiqayeen tan iyo 2020 kootada sharcidarrada ah ee soo dejinta shidaalka ee uu madaxweyne Muuse Biixi ugu xidhay koox ka ag dhaw, kuwaas oo xidhiidh la leh shirkada sumcadda xun ee Trafigura, taas oo iyadu gacanta ku haysa Teerminaalka shidaalka ee Berbera, oo 2018 uun dib loo qarameeyay.
Arrinta kale ee cusub ee saamaysay suuqu waa khilaafka u dhexeeya xukuumada iyo ganacsatada yaryar ee ka taagan dekada Berbera. Khilaafku waxa uu daarran yahay adeegsiga qalabka iskaanka oo sharcidarrada lagu tilmaamay, kaas oo soo kordhiyay kharash dheeraad ah, ($50 ama 450,000 oo shilin) oo la saaray alaabada la soo dhoofiyo, kaas oo ka barbar jira cashuuraha kastamyada oo 1000 doolar ah. Qalabkan waxaa soo iibisay shirkada DP World, waxaana loogu talagalay in uu beddelo baadhistii gacanta ee waqtiga dheer qaadan jirtay ee koonteenarada ee la adeegsan jiray intaan dekada la casriyeyn. Dekada Berberi hadda waxa ay leedahay awood ay ku martigelin karto 500,000 oo koonteenar sannadkiiba. Waxaa lagu eedeeyay in dad xukuumada ka ag dhawi ay rabaan in ay lacag ka sameeyaan iskaanarkan cusub. Ganacsatadii diiday in ay bixiyaan lacagta khidmada ee dheeraadka ah alaabadoodii ayaa la xayiray 28 Julaay ilaa ay isu dhiibeen amarka xukuumada 14-kii Ogos. Soomaalilaan waa qaran aad ugu tiirsan alaabada la soo dejiyo, dekada Berberina waa dekada qudha ee loogu tiirsan yahay in wax la la soo dego, khilaafka 17 cisho taagnaa ee uu sababay kharashka iskaanarku waxaa xanbaara shacabka, oo qiimaha alaabada ayaa labajibaarma ama saddex jibaarma.
Soomaalilaan waa meel ay lacagta doolarku ka taliso, waxsoosaarka guduhu aad u yar yahay, maalgashiga dibbaduna hooseeyaa, oo adeegyada dawliga ah oo dhan kharash laga maalo, marka laga tago darajooyinka fiican ee ay ka gasho tayada dekadaha caalamka, waxa ay u muuqataa in waqti adag ku soo wajahan yahay malaayiinta reer Soomaalilaan ee markoodii horeba la daalaadhacayay soo dhacsiga nolol maalmeedkooda.
Dilkii uu u geystay shaqaale ka tirsan dawladda hoose, hooyada kalkaalisada ah, ee ka dhacay xaafadaha Gacma-Dheere ee Hargeysa Maarjtii dhaweyd, waxaa ka dhashay gadood muddo gaaban ah balse, dib la isuma weydiin. In kastoo danbiilihii la xidhay, haddana dhacdadu waxa ay ahayd mid ka turjumaysa arrin halis badan oo nidaami ah, taas oo la xidhiidha sida xukuumadu lama taabtaan sharciga ka weyn u sii noqonayso. Soomaalilaan waxa ay noqotay meel masuuliyiinta qaranku quudhsadaan shacabkii loo dhaariyay in ay u adeegaan. Haddii arrin yar wax laga weydiiyo cadho ayay kaga jawaabaan, islaxisaabtankana qosol jeesjees ah ayay ku wajahaan, dhaqankan ah in ay madaxdu sharciga iska saraysiinayaana waxaa ka dhashay cunfiyo kala gedisan oo ka dhan ah dadweynaha. Hooyadii kalkaalisada ahayd, gaadhi ayaa la dul mariyay oo mayd ahaan looga tagay – in kastoo ay si fududba ugu dhiman lahayd dawo dhacday oo dalku lagu soo galiyay dayaca dawladda awaadeed, haddana sidaa arxanka daran ayaa loo dilay.
In kastoo ay miisaaniyada dawladdu afar jibaarmatay tan iyo 2010-kii, Soomaalilaan way ku guuldaraysatay in ay maalgaliso adeegyada dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, oo tan iyo 2012 mashaariicaha hirgalay waxaa badanka lagu maalgaliyaa deeqaha caalamiga ah. Adeega caafimaadka ee asaasiga ahi waa mid aanay helin dadka baadiyaha ku nooli, halka adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ay ku baahsan yihiin magaalooyinka iyagoo bilaa nidaam ah oo bulshada ka sameeya faa’ido xad dhaaf ah. Adeegyada dawladda laftoodu kama kharash yara; waa kuwo agabku muhiimka u ah adeeg bixinta iyo shaqaaluhuba ku yar yihiin, kuwaas oo badanka aan musharaad nafleh helin, halka agaasimayaasha cusbitaaladu ay hanti ka sameeyaan maalyad ay leexsadeen. Dhanka kale, waxaa cirka isku sii shareeray kiisaska kansarka, balse, haddana ganacsatada lagu qabto iyagoo dalka keenaya dawooyin iyo cuno dhacday wax ciqaab ah lama mariyo. Ganacsatadan masuulka ka ah halaynta caafimaadka masaakiinta, iyagu iyo qoysaskooda kolka ay bukoodaan laguma arko goobaha caafimaadka ee dalka ee xaalada liidata ku sugan, ee dibaddaha ayay aadaan si ay adeeg caafimaad oo qumman u helaan.
Kolka aad aragto ka ganacsiga daroogada Qaadka ee ay dawladdu ogoshahay ee ay cashuurta yar ka qaadato, ganacsiga kootada ku wada xidhan iyo adeeg bixinta caafimaadka ee aan nidaamsanayn, waxa aad isweydiinaysaa in maanta Soomaalilaan ay xukuumad shaqaynaysaa ba ka jirto, hadday jirto se maxay qabataa?
Kolka aad korka ka soo eegto waxaa kuu muuqanaysa in hay’adaha dawliga ah ee Soomaalilaan yihiin kuwo tamar darran, oo kartidooda hawlgudasho liidato, hufnaana haba sheegin. In kastoo dalka ay ka jirto nabad waxoogay ah kolka loo barbardhigo dalalka jaarka, balse, cunfiga faqriga iyo musuqmaasuqa cidna ma soo hadal qaado kolka laga tago canbaaraynta xubnaha mucaaradka ee ka kooban wasiiro hore.
Waxaa isna qodob xasillooni darrada uga sii daray ah, oday dhaqameedka ka fogaaday dhexdhexaadnimadii ee dhumiyay kalsoonidii dadweynaha. Oday dhaqameedku marbay ahaayeen halka qaranku u iisho, balse, sannadahan danbe tiradoodu aad bay u siyaaday oo badankooda waxaa ay u adeegaan siyaasiyiinta, waxayna la kala safan yihiin muxaafadka iyo mucaaradka, sidoo kale sannadahan danbe waxaa soo kordhay siyaasiyiin maangaab ah oo waxa ku weyni yahay in ay halkooda xejistaan oo aan lahayn aragti iyo karti hogaamineed oo ay ku hantaan codbixiyayaasha, kuwaas oo taageeradooda ka hela in ay dalka u qaybiyaan reero. Qaarkood baa meelahaa kaga qayliya in qabiilkooda iyo deegaankooda gooni loo saaray iyagoo intaan hantidhunsi wada oo bangalooyin waaweyn ka dhistay caasimada.
Rejadii ahayd in la helo nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiga ah ee jamhuuriyadan curdinka ahi ku taamaysay lama gaadhin, oo dhinacyo badan marka laga eego nidaamka Soomaalilaan ka jiraa waxa uu aad u shabahaa nidaamkii gurracnaa ee Soomaliyadii 1960. Maanta siyaasiyiintu Hargeysa ayay ku raaxaysanayaan iyagoon dan ka lahayn faqriga ragaadiyay deegaannadii ay metelayeen, si la mid ah siyaasiyiinta lixdanadii.
Nidaamkii ku dhisnaa wadatashiga iyo dimuqraadiyadii dhaqanka ahayd ee Soomaalilaan jaadgoninimada ka dhigay waxaad moodaa in uu dhintay, oo hadda waxa aynu ku jirnaa waqti sawaxanka kali ah ee aan maqlaynaa yahay “waa marakayagii”. In kastoo maanta xaalada ba’an ee dalka ka jirta masuuliyadeeda uu leeyahay xisbul xaakimku, basle, arrintani waa mid salka ku haysa siyaasadda habar-habarta, oo adeegsanaysa kootada tobanka sanno ah ee xisbiyada, taas oo ku timid talada siyaasiyiin iyagu faa’ido ku qaba.
Tan iyo markii dib loo aasaasay 1991, xukuumada Soomaalilaan waxa ay xoogga saartay sugida amniga, taas oo ay ka turjumaysaa in miisaaniyada ugu badan dhankaa loo qoondeeyo, miisaaniyadii 1999 amnigu waxa uu ka ahaa miisaaniyada guud boqolkiiba 83%. Ilaa maantana waxa uu yahay waaxda miisaaniyada ugu badan lagu bixiya (ku dhawaad 40%), horraantii filashada shacabku ka qabaan xukuumada qunyar qunyar ayay u korodhay. Hasayeeshee, heshiiskii bulsho ee dawladnimadu ku dhisnayd waxa uu noqday mid ku salaysan raaligelinta beelaha, hadday tahay in xilal dawladeed beelaha lagu maslaxo iyo mashaariico (sida dhaamam), halkii ay ahayd in loo gudbo nidaamka lala xidhiidhiya dimuqraadiyadaha hirgalay, ee ah xukuumad ku salaysan hay’addo oo mandiq iyo xeerar ku shaqeysa. Dalalka gobolka ee ku fashilmay in ay samaystaan nidaam liberal ah oo dimuqraadi ah, ayaa Soomaalilaan isdhigasho iyo in ay ku qanacsanaato nidaamkeeda dimuqraadiyada isku dhafan ku abuuray, kaas oo ah mid isku qasa nidaamka oday dhaqameedka iyo nidaamka baarlamaaniga ah, kaas oo aan dalku wax midho ah ka dheefin ilaa hadda.
Markasta oo la gaadho xilliga doorashada waxaa soo baxda nuglaanshiyaha nidaamkan siyaasadeed, markaas oo carqalad ku timaaddo dheellitirkii raaligelinta beelaha, foolxumada muuqaalka nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka ayaa soo baxda, waxaana muujisma khilaafka gunta dheer ee ku salaysan sinaan la’aanta dhaqaale. Kidane Mengisteab, waxa uu ku sheegay buuggiisa The Crisis of Democratization in the Greater Horn of Africa, in nidaam dhaqameedku (qabiiladu) “ay saameyn weyn ku leeyihiin natiijada doorashooyinka, balse, aanay saamayn macne leh ku lahayn siyaasadaha xukuumadda. Taas oo ka dhigan nidaamka isku dhafa dawladnimada casriga ah iyo nidaamka qabiilku ee qabiilku go’aaminayaan cidda codka la siinayo, waa nidaam aan codbixiyaha qabiilka codkiisa ku dhiibtay aanu codkiisa ku dalban siyaasaddo waxtara ee ay kaliya kursiga saaraan boqorkooda xiga.
Burco, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Soomaalilaan, oo hoy u ah qaar ka mid reeraha u waaweyn dalka ayaa tusaale u ah sida ayna isula xidhiidhin in deegaanku leeyahay awood siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale. In kastoo ay leedahay awood siyaasadeed oo miisaan culus, oo ayna hoy u tahay seyladda xoolaha ee u weyn dhulka Soomaalida, haddana Burco saamaynteedaas kama ay dhaxlin wax horumar dhaqaale ah. Magaaladu waxa ay la daalaa dhacaysaa tiradabadan ee ganacsiyada yaryar ee albaabadu iskugu laabmaya, taas oo badanaa lala xidhiidhiyo xaaladda dhaqaale ee liidata, sida jid xumada. Warbixin ay soosaareen DRC 2024 ayaa sii faahfaahisay xaaladda dhaqaalaxumo ee magaaladaa ka jirta, dadka warbixintan lagu waraystay 32% ka mid ah waxa ay ku tiirsan yihiin lacagaha dibadda looga soo diro, taas oo muujinaysa maqnaanshiyaha ganacsiyo waara. In kastoo xisbiga talada haya ee Kulmiye reeraha gobolkaa taageero badan ku leeyahay, oo ay gobolad bariguna jeebka ugu jiraan, haddana xukuumadihii isku xigay way ku guuldaraysteen in ay hirgaliyaan siyaasaddo kor u soo kiciya koboca dhaqaalaha ee gobolka.
Taa cagsigeeda, Boorama oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka, waxa ay waxoogaay koboc dhaqaale ah ka dhaxashay dhawaanshiyaha ay u dhawdahay koboca ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Hargeysa, iyadoo kaga faa’iday saamaynta loo yaqaan korodhka togan (positive agglomeration effect) kaas oo kor u qaaday dhaqaalaha magaalada. Isla warbixintii DRC ee sahaminta (survey) qoysaska, waxaa lagu sheegay in qoysaska ugu dhakhliga sareeya Soomaalilaan ay ku cufan yihiin jidka kooridoorka Berbera (Hargeisa, Berbera, Wajaale), Boorama oo ka ag dhaw kooridoorka celceliska dakhliga qoysasku uu yahay ($720) halka uu Burco yahay ($626). Iyadoo sidaa ah haddana labada magaalaba way ka siman yihiin tabashada oo waxa ay ku doodaan in ay helaan xubno dheeraad ah oo reerkooda ku metela xukuumada, oo waa ta yaabka lehe, la aaminsan yahay in ay kor u qaadayso wadajirka qaran. Xooggan dheeraadka ah ee la saarayo siyaasadda ku salaysan qabiilku, waa mid Meesha ka saaraysa in laga jawaabo sinaan la’aanta dhaqaale ee sii kordhaysa, taas oo muddada dheer Soomaalilaan xasilloon darro ku ah.
Kala qaybsanaantan waxaa dibadda u soo saaray isafgaradkii dhawaan lala galay Itoobbiya horraantii sannadkan. Waxaa ka horreeyay safarkaas uu madaxweyne Muuse Biixi Addis Ababa ku aaday dhawr dhacdo oo waaweyn: shirkii ay oday dhaqameedka Dhulbahante ku qabsadeen Jigjiga kaas oo ka horreeyay colaadii Laascaanood ee Diisembar 2022; eedii loo jeediyey Ugaas Cabdirashiid( Gadabuursi) ee ahayd in uu doonayey Xuukumada Somaliland in uu u gacan dhaafo Itoobiya lana yeesho xidhiidh toos ah si ay gacanta ugu qabtaan Seylac, iyo kulankii ay Addis Ababa ku yeesheen Ugaas Cabdirashiid iyo Garaad Jaamac saddex bilood ka hor intaan isagaradka la saxeexin.
Dhacdooyinkan isa soo tarayay muddada haddayna gacan toos ah ba ku lahayn Itoobbiyi, maaha kuwo uuna ka warqabin Raysal wasaare Abiy Axmed, kaas oo muddaba hadal hayay hiraalkiisa uu ku rabo in uu rug uga helo Itoobbiya badda cas. Si la mid ah xukuumadii ka horreysay ee TPLF, Abiy waa mid jaanis ka dhex raadiya khilaafka qabiil ee muddada soo taxnaa iyo tabashada deegaannada qaar ee Soomaalilaan si uu u gacan maroojiyo xukuumada oo tanaasulaad uga helo.
Dalalka gobolka ee duulaanka ah waxa ay marar badan isku dayeen in ay ka faa’ideystaan tabashada iyo khilaafka gudeed ee Soomaalilaan, taas oo hoos u sii dhigtay xasilloonida iyo madaxbanaanida dawladda. Gobolada bari ee Soomaalilaan waxa ay muddo dheer ahaayeen meelaha ay aadka uga jirto caddaalad darrada dawladeed iyo dhaqaale ee ugu ba’an. In kastoo ay yihiin gobolo leh khayraad dabiici ah sida; macdanaha, xoolaha, fooxa iyo malmalka, haddana waa kuwo ay dayacday dawladda dhexe. 20-ka kastam ee ay ka soo baxaan 75% ka mid ah dakhliga cashuuraha qaranku, shan keli ah ayaa ku yaal bari: Beer (Togdheer), Burco (Togdher), Caynabo (Sool), Laascaanood (Sool) iyo Ceerigaabo (Sanaag).
In kastoo masaafada u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood ay ka ballaadhan tahay, masaafada u dhaxaysa Boorama iyo Hargeysa, haddana fahanbixinta magaalo ganacsiyeedku waa mid isku mid ah (economic gateway cities). Sida ay Hargeysi u tahay xarun ganacsiyeedka Galbeedka, ayay Burcana doorkaas oo kale ugu jirtaa bariga – fadhiidnimada dhaqaalaheedu waa mid ka turjumaya xaalada dayrada ah ee ay ku sugan yihiin magaalooyinka ay ka midka yihiin Laascaanood iyo Ceerigaabo, taas oo ay imika uga sii dareen colaaduhu.
Kala tagsanaanta horumar ee gobolada Soomaalilaan sababta u weyn ee ka danbaysaa waa ku tiirsanaanta saa’idka ah ee dekada Berbera, taas oo lagu daray fashilka dawladdu ku fashilantay in ay kaabayaasha dhaqaalaha gaadhsiiso gobolada kale ee dalka. Arrintani waxa ay go’doomisay meelo badan oo dalka ka mid ah, oo waxa ay ka hor istaagtay in ay samaystaan shabakado ganacsiyeed, taas oo loollan daaran gaadhista (access) ka dhex abuurtay kooxaha aan dawliga ahayn, waxaana ka dhashay in ay hoos u dhacdo awoodda gorgortan ee dawladdu. Gudaha kolka la eegana, go’doonsankani waxa uu sameeyay dhaqaale laba heer ah; kaas oo gobolada qaar ganacsi ahaan korayaan, halka kuwa kalena ay ragaadiyeen horumar la’aan iyo colaado qabali ah.
Shirkii Boorama ee 1993 lagu soo doortay madaxweyne Cigaal in uu horkaco dib u dhiska jamhuuriyada waxa ay ahayd mid ku astaysan billawga dhabbe muran badan oo loo maray dawlad dhiska xilli uu dalku ku sugnaa xaalad deyro ah. waagaa SNM iyadaa billawday in ay dib isu cunto oo dalkana khatar galisay. Maanatan waxaa dalka ka taliya qaswadayaashii SNM qaar ka soo hadhay oo ah kuwo halis ku ah dalka, kuwaas oo dalka ku daawanaya xaalada rifanka ah ee ku socota, iyagoo gacanta birta ku sii adkaynaya nolosha madaniga iyo ganacsigii u saamaxay in ay Soomaalilaan ka soo kacdo burburkii dagaalka sokeeye ee horraantii 1990-nadii.
Waa arrin sahlan in ay Soomaalilaan baalka ka gasho diiwaanka dalalka Afrikaanka ah ee rejadaa lahaa balse, ay rejadaa soo afjareen kelitalisnimo iyo musuqmaasuq. Siday doonto ha noqotee aragtida caynkaasi xaalka Soomaalilaan kolka la eego ka badbadin ayay noqonaysaa, oo kiisaska caynkaas ah mar walba waxaa ku lug leh Ameerika iyo Yurub. In kastoo faragalinta dibaddu xaqiiqo ka jirta Soomaalilaan ay tahay, haddana, dhaawaca ay Soomaalilaan ka kici la’dahay waa mid ay nafteeda u geysatay.
Soomaalilaan waa inay dib u baandhaysaa kala tagsanaanta dhaqaale iyo ta goboleed ee jirta. Haddii la sii wado nidaamka xukuumiga ah ee hadda jira ee sal ka xaadisnimada iyo kala qaybsanaanta ku astaysan, kaliya taasi ma daciifin doonto sharciyada gudaha balse, sidoo kale waxa ay wiiqi doontaa sumcadda ay Soomaalilaan gobolka ku leedahay. Baaqyada daarran “Soomaalilaan la wada leeyahay”, wadajir ama difaaca qaran waxaa lagu gaadhi karaa uun iyadoo wax ka beddel lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale, oo la hirgaliyo nidaam awoodsiinaya bulshooyinka, taas baa ka muhiimsan helida xilal wasiiro ama baarlamaan.
Talaabooyinka dhiirigalinta leh, sida wax ka beddelka la filayo ee lagu samaynayo xeerka cashuuraha (tus; Xeer No. 23/2019 oo hore u ahaa xeer No. 12/2000) waa mid muujinaysa rejo wanaag, balse, waa bilaw uun. Waa suuragal in la gaadho mustaqbal wanaagsan – kaas oo Soomaalilaan tahay meel amniga cunadu sugan tahay, oo aan hooyooyinku ka cabsi qabin in ay u dhintaan wax laga hortagi karo, oo aan u hogaansanaanta cashuur bixiyihu u hogaansan yahay dawladda aanay carqalad ku ahayn jiritaanka maleeshiyaad qabiil ama qoorweyn talada maroorsata.
Codbixiyayaasha Soomaalilaan waa kuwo u badan da’ yar, iyadoo ay kooban tahay helitaankooda adeegyada casriga ah, haddana, waa kuwo la halgamaya caqabbadaha qarniga 21-aad, sida marin habaabinta warbaahinta, haddana halistu hadda ayey ugu darantahay. Casrigan cusub ee lagu jiro, ee ku astaysan saliid baadhista, iyo danaynta caalamiga ah ee sii kordhaysa, taas oo ka imanaysa dalalka gobolka iyo sidoo kale Iimaaraatka, Turkiga iyo Shiinaha, looma baahna in la sii joogteeyo roomaansiyaynta nabadda nugul ee ay Soomaalilaan samaysatay.