Skip to main content

Tuesday 9 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Dhammaadka boqortooyada Maraykanku kama dhigna dhammaadka adduunka

12 June, 2025
Image
Geeska Cover
Share
Xilligan oo awooddii maraykanku furfurmayso, Koonfurta Dunida waxa ku waajib ah in ay iska caabbiyaan u hilowga tagtadii. Awoodo badan oo isu dhigma dunida si iskood ah ugama hirgali karaan, ee waa wax ay tahay in lagu dhiso halgan.

Muran kuma jiro in dunidu gashay waayo cusub iyo soo ifbaxa awoodo dhawr ah oo isu dheellitiran. Inkasta oo weli Maraykanku awood leeyahay, haddana waxa si aad ah u dheellitiraya nidaam caalami ah oo Shiinuhu hoggaaminayo. Ma aha wax ku kooban jidadka ganacsi, marinnada alaabaha la waarido amaba maalgelinta dawladdu siiso dalalka soo koraya, se waa dheellitiran ka turjumaya soo ifbixidda isbahaysi caalami ah oo ay sameeyeen dalalka awood ahaan hoos loo dhigay ee Galbeedka iyo Koonfurta dunida ahba.

Isbahaysigani waxa uu hadda sameeyey waxa loo yaqaan Koonfiurta Dunida. Si ka duwan mashruucii Dunida Saddexaad ee badhtamihii qarnigii labaatanaad, oo ahaa mashruuc ka farcamay halgannadii lagaga soo horjeeday gumeysiga iyo Dagaalkii Qaboobaa, mashruucan Koonfurta Dunidu, oo bilaabmay billawgii sagaashanaadkii, waxa uu waajahayaa cadaadis kaa hore ka duwan oo ah soo laabashada awoodda Liberaaliyadda cusub. Mashruuca Koonfurta dunidu kuma salaysna dalal jiquraafi ahaan is xiga ama dad isku dabaqad ah, ee waa mashruuc ballaadhan oo furan, dalal dhinac walba dunida kaga yaallaanaa ku jiraan.

Mashruucan awgii, dhawaaqa iyo baaqyada dhaqdhaqaaqyada qaarkood ayaa gaadhay meelo ka baxsan Maraykanka, sida dhaqdhaqaaqa “Qabsashada Wall Street” (2011) iyo dhaqdhaqaaqa “Nolosha Dadka Madaw waa Muhiim” (2013). Dhaqdhaqaaqa “Qabsashada Wall Street” waxa uu dhaliilsanaa hannaanka dhaqaale Liberaaliyadda cusub, dhaqdhaqaaqa “Nolosha Dadka Madaw waa Muhiim” isna waxa uu dhaliilsanaa nidaamka midabtakoor ee Maraykanka. Labadan dhaqdhaqaaqba waxa ay daaha ka qaadeen halka dunidu hadda u badantahay. Inkasta oo nidaamka Shiinuhu horkacayaa marnaba ahayn ceeb ka saliim dhammaystiran, se haddana waa nidaam ay ka muuqato siyaasad furfuran oo awoodo isdheellitiri karaa jiraan, oo ay is garabsocdaan qaabab kala duwan oo dimuqraadiyad iyo Hantigoosad ahi, oo aanay jirin awood keli ah oo dunida kale u yeedhisa shuruudaha casriyawga.

Qodobkan dambe waa waxa halista ugu weyn ku ah Galbeedka. Awoodda Maraykanku kuma koobna awoodda dhaqaale uun, ee waa wax koobsanaya qeexidda aadamnimada lagu saleeyey midabka cad. Qaabdhismeedka hadda ee dimuqraadiyadda iyo hantigoosadka ee xilligani waa mid ku milan aragtidan cunsuriga ah, oo sida uu ina xasuusinayo faylasuuf Lewis Gordon, kacdoonka cusubi waa mid werwer ku haya, oo u muuqda mid biraynaya ugu yaraan aqoonsigooda.

Werwerka Galbeedku qabaan waa mid sii kordhaya, oo aynu ka arki karno dheelliga isbahaysigii Atlaantiga dhaafsiisnaa, soo laabashada qoomiyadda caddaanka iyo isku dayga in awooddii lagu la soo noqdo dagaallo ganacsi iyo siyaasadeed. Waxa aad xasuusnaataa hadalka taariikhyahankii reer Ingiriis Arnold Toynbee ee ahaa: “Ilbaxnimooyinku si tartiib ah iyagaa qudha isaga jara, ee lama dilo”.

Laga soo bilaabo Obaama ilaa Biden, si gaar ah xilligii Trump, Maraykanku waxa uu u halgamayey in uu kaalintiisa adkaysto oo uu maareeyo dib u noqoshada ku socota. Se jidka uu Trump u marayo waa mid xagjirnimo ku jirto oo inta badan dhinaca Maraykanka uun khuseeya. Waxa uu iskaga baxay isbahaysiyo soo jireen ahaa, waxaanu ku dedaalay in awoodda Maraykanka lagu soo celiyo sandullayn dhaqaale. Se haddana arrinkani suurogal ma aha. Suurogal maaha in Maraykanku sii joogteeyo kaalintiisii ahayd joogtaynta hoggaanka dunida iyo hoggaamiyaha imbiryaaliyadda. Waxa meesha ka baxay hannaankii maamulka caalamiga ah la dejiyey Dagaalkii Labaad dabadii, oo loogu talagalay dhabaynta deggenaanshaha dunida iyo ilaalinta awoodda Maraykanka iyo mashaariicdiisa maaliyadeed iyo anshaxba.

Illaa hadda, sawirka istiraatiijiyadeed ee reer Galbeedku waa mid weli u xabbisan aragtida labada awoodeed ee dunida. Soo ifbaxa awoodo badan iyo isdheellitirku markasta Maraykanku waxa uu u arkayey halista ugu weyn. 2010-kii, Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee hore, Condoleezza Rice, ayaa ka digtay in soo ifbaxa awoodo isdheellitiraa ka dhigantahay “loollan, tartan danaha ah, iyo halka ugu sarraysa oo ah ku tartanka anshaxa iyo qiyamka”.

Waxa loo fiirsan karaa fasirka kasoo baxaya werwerka Galbeedku ka qabo ururka BRICS. Galbeedku marka ay gorfaynayaan ururkan, waxa ay u sawirayaan in uu ururku yahay urur jiho-siyaasadeed, oo weerar iyo halis ku ah nidaamka caalamiga ah ee Libiraaliyadda. Sawirkan ay bixinayaan waxa uu iska indhotirayaa mid kasii halis badan taas, oo ah in ururka BRICS ku bishaaraynayo duni awoodo isu dhigma ka hanaqaadaan, oo isbeddel weyni ku dhici doono qaabdhismeedka maamulka iyo awoodda dunida.

Sidaas oo ay tahay isbeddelka nidaamka maamul ee dunidu ma aha wax si fudud ku hirgalaya. Bishii Febraayo ee 2025, wargeyska The Washtigon Post, waxa cinwaan weyn lagu qoray: “Trump waxa uu dib usoo noolaynayaa mabda’ii Monroe ee xidhiidhka Maraykanka iyo dhinaca galbeed ee dunida”. Marka habraacan la eego, soo ifbaxa awoodo kale ma aha fursad, ee waa halis weyn oo lagaga hortagi karo uun awood ballaadhsi iyo kala boobka dalalka lagu hirdamayo. Laakiin kala xigsiga iyo kala boobka dalalku hadda waxtar ma laha. Dunidu hadda way ka gudubtay aragtidii Maraykan ee nidaamka Libiraaliga ah watay. Imbiraadooriyaddii Maraykan iyadaa is burinaysa, oo ka gaabisay hirgelinta nabadda, badhaadhaha, ama xitaa isku duubni aydhiyoolajiyadeed. Taas beddelkeeda, Koonfurta Dunidu waxa ay bedka keenaysaa aragti taas hore ka duwan: aragti ka xorrowda imbiraadooriyaddaas galbeedka, oo furan soo ifbaxa awoodo kala duwan, isla markaana tahli kara inay xadgudubka shirkadaha iyo dawladda ku tilmaanto nooc ka mid ah muruq u sheegasho iyo sandullayn.

Sidaas oo ay tahay, waa in aan si fudud la inoo dagin. Soo ifbaxa awood kale oo dheellitira Galbeedku xornimo sideeda uma aha, oo waxaaba suurogal ah in awoodihii uun la la kala wareego, oo kolba awood cusubi uun sandullaynta dunidii kale la wareegto. Haddaba, haddii la rabo in Koonfurta Dunidu dhaafto meel lagu tashado, laguna tartamo, waxa habboon in Koonfurtaasi la xisaabtanto awoodaha cusub, oo ay iska diidaan imbiryaaliyadda Galbeedka iyo qaababka cusub ee Hantigoosadka keli taliska ah.

Waa inaynu waajahnaa waaqac werwer leh: waxa suurogal ah in Maraykanku burburiyo dunida ka hor intaanu ka tanaasulin kaalintiisa imbiryaaliga ah. Ma habboona in la dhayalsado qar iska xoornimadaas, oo haddaba ka muuqata dagaalladiisa ganacsi. Haddii uu Maraykanku sawiran kari waayo duni aanu hoggaaminayn oo mustaqbalku kusoo madoobaado, beddelka waxa uu dooranayaa in aan cidi gadaashii noolaanin.

Waxa hadda aynu galaynaa loollan cusub, waana xilli cusub oo u baahan aragti cad iyo kala miiran. Haddii Maraykanku diyaar u yahay baabi’inta dunida ka hor intaan imbiraadooriyaddiisu meesha ka bixin, caqabadda ina hortaallaa kuma koobna iska badbaadinta inuu ina sahaydo dumitaanka Maraykan, ee waxa kale oo ina horyaalla la qabsiga iyo qaabaynta waxa ka dambayn doona.

Ma aha shaqo dawladaha uun u taalla. Xukuumadaha Afrika waxa ku waajib ah in ay hawlgeliyaan ururrada, sida Mandaqadda Ganacsiga Madaxabannaan ee Qaaradda Afrika (AfCFTA). Haddii ay doonayaan xukuumadaha Afrika in ay qayb ka noqdaan awoodaha soo ifbaxaya, waxa ku waajib ah inay dhisaan ururro goboleed cusub, oo ay xoojiyaan madaxbannaanidooda dhaqaale, dadka Afrikana lagu mudo irbad cusub oo aadamnimo, oo aan ahayn irbad keliya nacsiisa Galbeedka, ee dadnimada dadka dhista.

Arrimahani waa wax u baahan halgan. Keliya waa in aan lala dagaallamin hadhaagii gumaystaha, ee waa in fadhiidnimada lafteeda la la dagaallamaa. Dhammaadka boqortooyada Maraykanku ma aha dhamaadka dunida, se wejiga cusub ee dunidu yeelanaysaa waxa uu innagula dhaqmayaa sida aynnu u halganno uun.