Saturday 19 April 2025
Filimka Arrival (2016) waa filim keliya aan ku saabsanayn noole-cireed dhulka soo weeraray. Waxaa sameeyay Denis Villeneuve oo hore u sameeyay filimaan aad u caan baxay sida lamaanaha Dune, Incendies iyo Blade Runner 2049. Filimka waxaa laga soo xigtay sheekada la yidhaa ‘Story of Your Life’ oo ah sheeko gaaban oo uu qoray qoraa Ameerikaan ah oo la dhaho Ted Chiang. Sheekada filimku waxay dhex qaadaysaa shucuur iyo falsafad aad u fog—dabeecadda afka ama luuqadda, wakhtiga iyo sida aynnu u qaadanno go’aan aynnaan ogayn waxa uu dhali doono. Filimaanta noole-cireedyadu soo weerarayaan meeraha dhulka iyo aadamaha waxa ay badanka xoogga saaraan is-badbaadinta aadamaha iyo la daagallanka noole-cireedyada. Laakiin Arrival wuxuu qaadayaa waddo taas ka duwan oo u eeg indho-indhayn, wuxuu indho-indhaynayaa sida wada hadalka iyo is fahamku u qaabayn karo bulsho ama qof timaaddadiisa. Sidoo kale waxa uu muran gelinayaa sida aynnu u aragno wakhtiga, xornimada (Free will) iyo sidii caadiga inoo ahayd ee aynnu ula macaamili jirnay dabeecadda.
Waxaa filimka ku jirta dhacdo ku bilaabanaysa laba iyo toban walxood oo waaweyn una qaab eeg dayaxgacmeedyo oo ka soo muuqanaya dhawr meelood oo ku kala yaalla dunida dacalladeeda. Tallaabada ugu horraysa waxaa qaadaya ciidanka militariga Maraykanka oo isku deyaya inay fahmaan ujeedka booqashada walxahan iyo noole-cireedyada saaran—heptapods waa magaca loo yaqaanno noole-cireedyada— waxay shaqaalaysiinayaan Dr. Louise Banks oo bartay afafka qalaad si ay ula xidhiidho noole-cireedyada una turjunto afkooda waxa ayna wada shaqaynayaan Ian Donnelly oo ah fiisigis-yahan.
Noole-cireedyadu waxay adeegsanayaan calaamado wareegsan oo u dhigma jumlado dhamaystiran oo micne leh halkii ay ka adeegsan lahaayeen alif beeto. Dr. Banks mar kasta oo ay afkooda wax ka barato waa mar kasta oo ay wakhtiga si kale u aragto, waxay arkaysaa in tagtadii, joogtadii iyo timaaddadiiba ay is dhinac yaallaan halkii ay kala horrayn lahaayeen taas oo sababaysa inay nolosheedii hore iyo ta u soo socotaba ay hal mar wada noolaato.
Qaabka sheekadu u kala horrayso, muuqaallada quruxda badan ee la adeegsanayo iyo iyo mawduuca laga hadlayo wuxuu kugu kallifayaa markaad filimka dhamaysato maalmo kaddib xattaa inaad ka fekerto farriimaha filimku xambaarsanyahay.
Aragtiyaha ugu quruxda badan ee filimku sido waxaa kamid ah aragtida (Sapir-Whorf hypothesis) oo sidoo kale loo yaqaanno Theory of Linguistic Relativity. Waa aragti tilmaamaysa in afku qaabeeyo sida uu qofku u fekero ama dunida iyo xaqiiqada u arko—labada qof ee laba af oo kala duwan ku hadlaa way kala duwantahay sida ay u fekeraan ama dunida u arkaan. Safarka Dr. Banks ee filimka dhexdiisu wuxuu ina barayaa sida marka ay luuqad cusub baratay uu isu beddelay qaabkii ay u fekeraysay iyo sidii ay wakhtiga u arkaysay oo lamid noqotay qaabkii noole-cireedyadu u fekerayeen ama wakhtiga u arkayeen—tagtada, joogtada iyo timaaddada oo aan daba oollin mid walbana aanu gaarkiisa u jirin balse is dhinac yaalla oo hal mar wada jira. Calaamadaha ama ereyada wareegsan ee aan bilaw iyo dhammaad midna lahayn ee luuqadda noole-cireedyadu adeegsanayso ayaa ka turjumaya duni tagtada, joogtada iyo timaaddaduba isku sidkan yihiin taas oo liddi ku ah sida dadku u arko wakhtiga—tagtada oo hore u dhacday oo aan lagu noqon karin, joogatada oo hadda la noolyahay iyo timaaddada oo aan weli la gaadhin.
Figure 1: Logogram design by Martine Bertrand, Patrice Vermette and Aaron Morrison
Haddaba haddii afku beddeli karo sida aynnu u aragno dunida iyo wakhtiga laftiisaba sidoo kale waxa uu beddeli karaa jiritaankeenna. Mawduucani wuu ka baxay xadka sayniska khayaalka ah waxa uuna ka hadlaya sida afku u qaabayn karo bulsho dhaqankeeda iyo astaameheedaba.
Caalamkeenan af walbaa wuxuu nolosha u turjumaa qaab u gaar ah. Afafka qaar ayaa leh ereyo lagu cabbiro dareen, dhacdo ama walax halka afafka qaar aanay lahayn ereyadaas taas oo saamaynaysa sida dadka luuqadahaas ku kala hadlaa u kala arkaan nolosha. Arrival wuxuu ka jawaabayaa su’aasha ugu danbaysa ee aragtidan la iska wayddiin karo— taas o ah; ka warran haddii luuqad cusubi beddeli karto gabi ahaanba sida aynnu wakhtiga u aragno?
Caalamkeenan af walbaa wuxuu nolosha u turjumaa qaab u gaar ah. Afafka qaar ayaa leh ereyo lagu cabbiro dareen, dhacdo ama walax halka afafka qaar aanay lahayn ereyadaas taas oo saamaynaysa sida dadka luuqadahaas ku kala hadlaa u kala arkaan nolosha. Arrival wuxuu ka jawaabayaa su’aasha ugu danbaysa ee aragtidan la iska wayddiin karo— taas o ah; ka warran haddii luuqad cusubi beddeli karto gabi ahaanba sida aynnu wakhtiga u aragno?
Wareeggu waa astaanba koowaad ee filimka, waxaad ku arkaysaa meel walba laga soo bilaabo wareegga maraakiibta ay wataan noole-cireedyadu ilaa erayada luuqaddooda taas oo ka turjumaysa in wakhtigu aanu lahayn xariiq toosan oo dheer balse uu yahay wareeg aan dhammaad lahayn.
Dr. Louise isla marka ay sidaa u yeelato awoodda ay ku arki karto timaaddada waxay arkaysaa inanteeda Hannah ee aan weli dhalan inay noolaan doonto muddo gaaban balse ay uga tegi doonto xasuus aanay illaawi doonin. Dr. Louise waxay ogaanaysaa haddii ay wax kasta samayso in aanay timaaddada waxba ka beddeli karin bedbaaninna karin inanteeda. Daah-qaadkaas timaaddadu waxaa la socota su’aal murugadeeda wadata—haddii ay ogtahay sida wax waliba ku dhamaanayaan, ma u babac dhigaysaa noloshaas adag oo ma noolaanaysaa? Iyada oo og inanta ay dhali doontaa in aanay muddo badan noolaanaynin xanuunka halista ah ee ku dhacay dartiis, ma u babac dhigaysaa inay dhasho inantaas, jeclaato, hadhowna aasto?
Marka laga yimaaddo ogaanshaha ay ogtahay xanuunka ay mari doonto Louise waxay go’aansanaysaa inay noloshaas noolaato inanteedana jeclaato taas oo muujinaysa awoodda aadumuhu u leeyahay qaadashada go’aanno culus xattaa haddii uu ogyahay inay keeni doonaan xanuun iyo murugo.
Mawduucan murugada badani waxa uu tilmaamayaa mar kale Arrival in aanu ahayn keliya filim khiyaal-saynis ah ama in xidhiidh lala sameeyo noole-cireedyo balse uu ku saabsanyahay quruxda ay leedahay ku dhaadashada waxyaabaha aan waaraynin iyo qaabilaadda nolosha macaankeeda iyo qadhaadhkeeda labadaba.
Marka laga yimaaddo falsafadaha kale ee uu xambaarsanyahay filimku waxa kale oo jira farriimo kale oo uu gudbinayo waxaana ka mid ah awoodda ay leedahay isgaadhsiinta aadamuhu. Isla marka noole-cireedyadu soo gaadhaan dhulka waxaa bilaabmaysa baqdin iyo in la is fahmi waayo taas oo keenaysa in waddamada qaar dagaal isu diyaariyaan.
Dr. Louise shaqadeedu keliya maaha turjumaad ee dhanka kale waxa ay isu xil saaraysaa keligeed inay metesho dhaqamada iyo aragtiyaha kala duwan ee aadamaha. Waxaad filimka dhexdiisa ku arkaysaa Dr. Louise oo farriin sir ah la wadaagaysa dawladda Shiinaha iyada oo aanay ogalayn dawladda Maraykanku waxa ayna sidaa kaga hortegeysaa khilaaf soo kala dhex gala labada dal iyo aadamaha guud ahaan. Filimku wuxuu ina barayaa cashar ah in isfahamka iyo wada-shaqayntu ka awood badan yihiin kala-shakiga iyo dagaalka. Duni lagu kala qaybsanyahay siyaasadda, fekradaha, diinta iyo luuqadda ayaa u midoobaysa keliya in ay wada hadleen oo is fahmeen darteed.
Filimku muuqaal iyo farshaxan ahaan waa filim cajiib ah. Naqshadda markabka noole-cireedyada, qaabka eryada luuqaddoodu u samaysantahay iyo midabka madow xigeenka ah ee filimkuba waa mar la arag. Waxa kale oo aad u qurux badan naqshadda noole-cireedyada laftooda oo tilmaamaya qaab noolayaal aan dunidan ama meerahan u dhalan haddana aan gacan ku samays ahayn taas oo uu filimkani kaga duwan yahay filimaanta kale ee noole-cireedyadu kasoo muuqdeen. Sidoo kale qaabka sheekadu u dhisantahay ayaa ah mid waafaqsan mawduuca filimka, oo wuxuu ka leexanayaa qaabkii caadiga ahaa ee bilaw, dhexda iyo dhamaadka ahayd waxa uuna la jaanqaadayaa sida ay noole-cireedyadu u arkaan wakhtiga, waxa uuna daawadayaasha ka ilaalinayaa caajis oo dhan waxana wax walba la daah-qaadayaa daqiiqadaha filimka ugu danbeeya.
Ugu danbayn, Arrival waa mid kamid ah mucjisooyinka shineemada Hollywood kasoo baxday qarniga 21aad. Filimkani wuxuu qaadayaa waddo aanay hore u qaadin filimada ku saabsan sayniska khiyaalka ah gaar ahaan filimada shakhsiyaadka dumarka ahi hogaaminayaan. Arrival waxa uu Rotten Tomatoes ku haystaa 94% qiimayn ah taas oo ka dhigan in qiimayntiisu fareesh tahay. Sidoo kale waxa uu IMDb ku haystaa 7.9/10 halka Letterboxd uu ku haysto 4.1/5.
Arrival waxa uu helay aqoonsi caalami ah isaga oo loosoo sharraxay kuna guulaystay abaalmarinno kala duwan waxaana kamid ah:
Waxaan kula talinayaa qof walba oo xiiseeya sayniska khiyaalka ah (science fiction) ama filimada qaabka sheekadooda loo soo bandhigayaa is hor iyo dabo marsanyahay amaba dadka jecel in ay daawadaan filimada saamaynta kaga taga in ay soo eegaan Arrival. Gabo gabadii Arrival Ma aha keliya filim loo sameeyay in la daawado, sidoo kale waxaa laagu talo galay in la dareemo.