Skip to main content

Thursday 17 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Dhallinyarada iyo Caafimaadka Dhimirka

15 May, 2025
Image
Dhallinyarada iyo Caafimaadka Dhimirka
Share

Soomaalida, faca kacaamay labaataneeyadii sannadood ee u danbeeyay dhugmo gaar ah bay mudanyihiin marka la joogo caafimaadka dhimirka. Jirrooyinka nafsadeed, sida ay xadkabaxa u yihiin waa aynu wada ognahay marka lagu saleeyo deraasadaha cilmiga ah ee laga sameeyay gayiga soomaalida iyo bahda  caafimaadka dhimirku natiijooyinka camaliga ah ee ay hayaan. Dunida oo dhami, iyada oo xilli walaac badan ku jirta dhanka caafimaadka dhimirka, faca loo yaqaano Z-generation na (dhashay 1997-2012) uu yahay midka walaaca laga qabo maadaama uu  wajahayo isbeddellada xoogga leh ee ka dhashay tignoolajiyada iyo saamaynteeda dhaqan-dhaqaale. Dhallinyarada soomaaliyeed walaacaas dunidu qabto waxa u dheer iyo dhibaatooyinka ay gaarka la yihiin baynu maqaalkan ku eegi doonnaa. Shantii sanno ee u danbeeyay oo aan si joogto ah ugu hawlanaa wacyigalinta, baadhitaannada iyo daawaynta xanuunnada nafsiga ah iyo inta aan xogogaal u ahay dhakhaatiirta dhimirka ee aan shaqowadaaga nahay, waxa si weyn u muuqata dadka ugu badan ee adeegyada caawimaad nafsi soo dalbadaa in ay yihiin dhallinyarada ka hoosaysa da'da 35 sanno. In tirada ugu badan bulshadeenna ee xidhiidh la leh dhakhaatiirta dhimirka ama soo bookhata xarumaha latalinta iyo daawaynta ay yihiin facii ku kacaamay marxaladii burburka dowladnimadii dhexe kaddib waxa ay inna siinaysaa ishaaro mudnaan leh oo innagu baraarujinaysa baadhitaanno iyo wayddiimo xeeldheer. Ishaaradaasi waxa ay inna tusi kartaa in ay arrintani leedahay laba dhinac oo midi ifafaale togan yahay midna waji xun iyo xaalad taban oo hoos u eegid u baahan.

Dhanka ifafaalaha rooni innooga muuqanayaa waa in faca danbe u joojin boogaynta iyo faquuqa oo muddo dheer ahaa darbi ku gudban la-tacaalidda iyo kabashada xanuunnada dhimirka. Dhakhaatiir ahaan iyo bulsho ahaan ba aad ayay innoo farxad galinaysaa in aynu aragno dad aan ka waabaneyn muujinta dareenkooda iyo sheegista xaaladdooda nafsadeed oo aanan dhag u dhigin wixii takoor ah ee bulshada uga imanaya. Sidoo kale, dhallinyaradu waxa ay dadka waaweyn kaga nasiib bateen in ay ka xorroobeen khuraafaadka dhaqan-diimeed ee caafimaadka dhimirka muddada dheer hadhaynayay. Heerkan in aynu soo gaadhnaa waa guul, waxana aynu rejaynaynaa in bulshadu si guud u wada aqoonsato xanuunnada dhimirka kana wada shaqayso fayoqabka nafsadeed. Waa hubaal Wacyigalinta, aqoonta iyo ilbaxnimadu haddii ay hannaankaas ku sii socoto in aynu heer kasii sarreeya gaadhi doonno.

Docda kale, dhallinyaradu in ay yihiin daneeyeyaasha, bukaannada iyo macaamiisha ugu badan ee xarumaha la-talinta nafsiga ah waxa ay tilmaamaysaa in ay dhibaneyaal u yihiin curiyeyaal aad u badan oo xanuunnada dhimirka keena, marka la barbar dhigo jiilalkii hore na ay iyagu ka saami bateen. Burburka dawladnimo ee ay la kawsadeen dhallinyaradu  iyo jawiyada colaadeed ee ay ku dhex barbaareen  waxa ay kala kulmeen kumannaan dhibaato oo dhimirka wax yeelaynaya. Dawlad la,aantu waxa ay daaha ka qaadday oo bannaanka soo dhigtay dhammaan baahiyihii dawladi dabooli jirtay kuwaas oo caafimaadka dhimirka saameeyay.

Halkan waxa aynu ku xusi doonnaa dhawr qodob oo aan lagu soo koobi karin xanuun dhaliyayaasha dhimirka oo dhan, laakiin haddana qaarkood ay yihiin curiyeyaal toos ah oo abuuray jirrooyinka nafsadeed ee dhallinyarada ku habsaday kuwaas oo ka dhashay xididdo fog oo oo siyaabo kala duwan xaaladaha nafsadeed ugu lug leh. Mahadhooyinka ay dhaxleen dhallinyaradu waxa ka mid ah:

  1. Doogta burburka iyo dagaallada
    Dhallinyarada facan ahi waxa ay la kawsadeen burbur iyo dagaallo kaga tagay doog iyo tiiraanyo. Si guud burburka iyo colaaduhu waa natiijo mahadho ku noqotay dhimirka bulshada soomaalida si gaar ahna dhallinyarada oo aan weli laga daawayn, xanuunkeediina uu ku lammaanyahay xiskooda iyo xasuustooda.

  2. .Shaqo la'aanta iyoBusaaradda 
    Sida la qiyaasayo tirada ugu badan ee bulshadu waa dhallinyaro, ay la daristay shaqo la’aan ku keentay walaac iyo quus nololeed. Taas oo ay u dheertahay rejoxumada ay ka qabaan dawlad iyo nidaam mar uun ka saara dabinka ay ku jiraan. Shaqo la’aanta waa sababaha ugu weyn ee keenay isku buuqa iyo qulubka dhallinyarada.

  3. Qabatinka maandooriyeyaasha
    Dhallinyarada waxa ay cidlo iska heleen nooc walba oo daroogo ah oo ay balwado ka dhigteen, iyaga oo kaga dhuumanaya silica nololeed iyo culaysyada nafsadeed ee ku lammaan taas oo u nuglaysa in ay ku dhacaan cudurada nafsiga ahi.

  4. Qabatinka Aaladaha tignoolajiyadeed 
    Ku walfidda baraha bulshada, qabatinka daawashada filimaanta anshax ahaan aan habboonayn, ku mamanaanta ciyaarista giimamka iyo adeegsi kasta oo digital ah waxa uu saamayn muuqata ku leeyahay caafimaadka dhimirka ee dhallinyarada.

  5. Xidhiidhada aan caafimaadka qabin
    Mushkiladaha nafsadeed waxa ay ku lug yeehiin marar badan xidhiidho waalidnimo oo ka dhaxeeya waalid iyo ilmihii, xidhiidho walaalnimo oo ka dhaxeeya kuwo wada dhashay iyo, xidhiidho lamaane oo isfahanku xumaaday, marna uu ka jiro xadgudub ama ay ka aloosantay colaadi mar kalena ay ka jirto buun buunin. Xidhiidhka labo qof, qof iyo qoys ka dhaxeeya oo qummanaada ama qalloocdaa waxa ay isasaamaynayaan caafimaadka dhimirka ee qofka. Waxa qodobkan la socda oo cilmibaadhisuhu ay walaac ka muujiyaan xidhiidhada dareen ee ku tiirsan internet-ka iyo baraha bulshada kuwaas oo ka abuurmay xidhiidh khiyaali ah kuna taagan tiirar aan xaqiiqo ahayn.

  6. Iswaafajin la’aanta dhaqanka iyo nolosha casriga ah
    Marxaladda kala-guurka ah ee dhallinyaradu ay tagaanyiin waa buundada u dhaxaysa casriyawga aqoontu iftiimisay wacyiga caafimaadka dhimirka iyo dhaqankii hore oo ay kasii joogaan dadka waawayn ee aan si saxa u aqoonsanayn xanuunnada dhimirka, tusaale ahaan qofku marka uu nafsad ahaan jirroodo; waalidku waxa  uu aaminsanyahay in ilmihiisa ay hayso durro ama ay jimanaan dardareen, xalkuna uu yahay in xarun cilaaj oo wadaad haysto la geeyo, halka ilmuhuna aaminsanaan karo in uu yahay bukaan dhimirka laga hayo oo u baahan dhaymo nafsi ah oo lagu la tacaalo xarumaha dhimirka iyo la talinta nafsiga ah. Halkaas waxa ka dhalanaysaa isdiido marxaleed oo adag.

Gunaanad

Dhallinyarada soomaalidu waxa ay la noolyihiin xanuunno dhimir oo maaro u helistoodu ka bilaabmayso aqoonsi iyo garawshiiyo, isla jeerkaas na u baahan daawayn iyo baxnaanno. Dhallinyaradu wacyiga iyo aqoonta iyaga oo kaashanaya hoos ha u eegaan xaaladdooda nafsi, intii karaan ahna wixii ay iska moosi karaan curiyeyaasha xanuunada dhimirka na dadaal ha ku bixiyaan, wixii ay talobixin iyo caawimaad nafsi heli karaana yay ka labalabayn. Dhanka kale, waxa laga ma maarmaan ah in la helo xeerar iyo siyaasado lagu maamulo Caafimaadka dhimirka. Si taas la mid ah, waa in maamullada Soomaalida ee kala duwan la yimaaddaan tab iyo xeelad wal oo meesha laga ga saarayo curiyayaasha xanuunnada dhimirka sida dhimista shaqo la’aanta iyo kordhinta adeegyada caafimaad ee la xidhiidha caafimaadka dhimirka.