Monday 9 March 2026
Sidee ayaa uu dhallaan u qaadi karaa dubbe ka hor intaanu qaadin buug? Sidee jidhka dhallaanku isugu beddeli karaa mashiin waxsoosaar ka hor intaanu dhadhamin madaddaalada nolosha iyo farxadda dheesha? Kolka Afrika la joogo sababma ayaa qeexitaanka dhallaanimada loogu koobaa lagamamaarmaannimada halkii xaqa qofi leeyahay la aqoonsan lahaa? Ka faa’idaysiga carruurta Afrika keliya ma sheegayso dhibaato bulsheed, ee sidoo kale waxa ay soo bandhigaysaa dhibaato falsafadeed oo qotodheer oo la xidhiidha macnaha nolosha, soohdinta anshaxa iyo xidhiidhka noloshu la leedahay dhaqaalaha duni aan isku dhigmin.
Tirokoobyada cusub ee ka warramaya shaqaalannimada carruurta waxa ay daahqaadayaan dhibaato aadamannimo oo qotodheer, oo tirokoobyadii hore ka badan, arrinkan oo weji cusub u yeelaya xidhiidhka qiyamka iyo xuquuqda aadame ka dhexeeya, wayddiinna ka keenaya heerka karaamadu kaga jirto dhaqaale caalami ah oo aan isku dheellitirnayn. Sannadkii 2024, tiro ku siman 138 milyan oo carruur ah ayaa dunida ka shaqaynayey shaqooyin loo tixgaliyey shaqooyin halis ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo wada saareen Qaramada Midoobay iyo Ururka Caalamiga ah ee Shaqaaluhu.
Kolka Afrika la joogo dhibaatan shaqaalaysiinta carruurtu waa ay sii labajibbaarantaa, oo sida ku xusan warbixinta Ururka Qaramada Midoobay u qaabbilsan Carruurta (UNICEF), tiro ku dhow 86.6 milyan carruur ah ayaa Afrika ka shaqeeya shaqooyin halis ah, tiradan oo in ka badan kalabadh tirada carruurta shaqaysa dunida ka dhigan. Kolka Afrika la joogo, dalalka Saxaraha Kahooseeya ayaa heerka ugu sarreeya ah, iyadoo heerka carruurta shaqaysaa ay 20% ilaa 22% ka yihiin carruurta da’doodu u dhaxayso 5 jir ilaa 17 jir. Kolka xogtan laga shidaal qaato, waxa la odhan karaa in dhallaannimadii ay ahayd inay ahaato heer waxbarasho, madaddaalo iyo kadhisanka seeska anshax iyo aadamannimo, ay isku beddelayso taxane waxsoosaar oo lagu dhiigmiiranayo jidhkii dabiiciga ahaa iyo nafsaddii ilmaha.
Kolka xagal falsafadeed laga eego, waaqacan qadhaadh waxa lagu gorfayn karaa adeegsiga mafhuumkii uu soo dhiraandhiriyey Johan Galtung ee ahaa cunfiga qaabdhismeedka bulsho ku milmay, oo tilmaamaya qaabab cunfi oo aan lagu samayn garaacitaan ama noocyada xadgudub ee tooska ah, ee se ah cunfi lagu fuliyo seesas bulsheed ama dhaqaale oo aadamaha ka hor istaaga mid ka mid ah shuruudaha nolol wanaagsan, una beddela agab waxsoosaar. Waa macne la kulmaya aragtiyihii Kaaral Maarkis ku sheegay buuggiisa “Raasamaal”, kolka uu dhaqaalaha hantigoosadka ku tilmaamay dhaqaale u janjeedha in uu xidhiidhada bulsho u beddelo xidhiidho ku salaysan soosaaridda qiime dheeraad ah, isagoo yidhi: “Hantigoosadku iskuma hawlo da’da shaqaalaha, kol haddaanu awoodo in uu qiime waxsoosaar oo dheeraad ah jidhkiisa kasoo gooyo”. Xaaladda dhallaanimana, qiimahaas dheeraadka ahi waxa la falgalayaa jidh dhallaan oo waxsoosaar loo adeegsanayo, lana isticmaalayo, una gacangashan taxane qiime maaddi raadiya oo bahaloobay, iskana indhotira dhinacyada aadamannimo, anshaxeed iyo nafsadeed ee carruurta.
Afrika dhallaannimadii ay ahayd inay ahaato heer waxbarasho, madaddaalo iyo ka dhisanka seeska anshax iyo aadamannimo, ayaa isu rogtay taxane waxsoosaar oo lagu dhiigmiiranayo jidhkii dabiiciga ahaa iyo nafsaddii ilmaha
Qodob kalena waa in inta badan bulshooyinka Afrika ay shaqada yaraanta lagu bilaabo u arka wax nolosha iyo dhaqanka bulsheed ka mid ah, amaba lagamamaarmaan u ah nolosha, oo xoogsiga carruurtana loo tixgaliyo arrin dabiici ah oo aan ahayn ka faa’idaysi. Caadiyeyntani waxa ay dib-qeexaysaa fahanka laga haysto carruurnimada lafteeda, waxaanay keenaysaa nooc xadgudub ah oo baabi’inaya kala soocnaantii dhallaannimada iyo xoogsiga, dhaliisha shaqaalannimada carruurtana iskaga moosaysa dhaqan la caadiyeystay oo aan la sharaysan in arrinku yahay. Qodobkan caadiyeynta kolkaynu ka hadlayno, Pierre Bourieu waxa uu buuggiisa Reproduction in Education, Society and Culture, ku sheegayaa in qaabdhismeedyada bulsho karaan soosaaridda sawirashooyin dhibbanaha ka dhiga in uu xaaladdiisa u arko “wax dabiici ah”, oo aanay ahayn xaalad ka dhalatay gumeysi iyo maquunin hore. Kolka xagashan laga eego, doodda ku saabsan carruurnimadu, ma aha keliya dood aadaminnimo, ee waa masalo dhaqan oo ay ku kulmaan awoodda macnawiga ah iyo duruufaha nololeed ee badiba bulshooyinka Afrika.
Xagal anshaxeedna, qiimaha ilmuhu waa in uu dhaafo waxsoosaar dhaqaale. Immanuel Levinas ayaa ku dooday “wejiga aadamuhu waxa uu I saaraa masuuliyad aanan ka baxsan karin”. Hadalka Levinas waxa uu ina xusuusinayaa in kolka tirokoob carruur silicsan la sheego, aynaan keliya arkin tiro, ee jidh iyo ruux innooga dhex muuqdaan, keliyana aanay noqon xog la abla’ablayn karo, se ay tahay dhacdo ay innagaga waajibayso tallaabo anshax.
Waxa jiray yoolal caalami ah oo ahaa in shaqaalannimada carruurta lasoo afjaro kolka la gaadho sannadka 2025, se warbixinaha iyo tirokoobyadu waxa ay muujinayaan in yoolashaasi aanay hirgelin. Tusaale ahaan, jiritaanka 54 milyan oo carruur ah oo shaqooyin halis ah ka shaqeeyaa, waa wax soo bandhigaya in baaqyada siyaasadeed aanay keligood waxba ka beddeli karin waaqaca kakan ee ay isla falgaleen saboolnimada, koobnaanta waxbarashada iyo cadaadiska korodhka bulsho. Waxa caddaanaysa in aan qaddiyadaha anshax iyo aadamannimo lagu xallin karin go’aanno siyaasadeed oo keliya, ee ay furdaamintoodu u baahantahay dib-u-qaabaynta qaabdhismeedka bulsho, iyadoo loo marayo caddaaladda bulsho, hagaajinta shabakadaha iyo haayadaha ilaalinta dhallaanka, iyo dib-u-dhiska qiyamka ka dhigaya waxbarashada iyo nabadgalyada carruurta xaq aan nasiib lagu helin.
Siyaasad ahaanna, ka faa’idaysiga carruurtu waxa uu soo bandhigayaa sida dawladnimadii ka dambaysay gumeysigu ugu guuldarraysatay ilaalinta cidda ugu nugul kooxaha bulshadeeda. Faraans Faanon waxa uu buuggiisa “Looma Ooyaan” ku sheegayaa in seesaskii gumeysigu ka tagay sii jiraan xornimada ka dib, iyagoo kolkan yeeshay qaabab cusub oo dayrin ah, oo kooxaha bulsho ee nugul dibedda uga saaraya mashruuca waddaninimo.
Nolosha Afrika badanka waxa lagu maamulaa caqliyadda qofka rooni reerka ha u hadho, iyadoo qiimaha qofka lagu saleeyo inta uu nolosha ka dabbaalan karo, waxna soo saari karo. Habraacan kolka la eego, ilmuhu waa jire xuquuqdiisa dib loogu dhigay, shaqada loo soo qaddimay, siyaasadda ka maqan, oo mustaqbalka uun macno leh.
Ilmaha xoogsanayaa waxa uu metelaa mid ka mid ah wejiyada siijiritaanka seeskii gumeysi, sababtoo ah dawladdu waxa ay ku guuldarraysatay in ay waxbarasho iyo daryeel u dammaanad qaaddo ilmaha, oo ah wax qayb ka ah waxyaaha ilmaha ku riixaya suuqa shaqada. Waxa kale oo lasoo qaadan karaa Achille Mbembe, oo deraasaddiisa “Bulsho Colaadeed”, ku doodaya in nolosha Afrika badanka lagu maamulo caqliyadda qofka rooni reerka ha u hadho, iyadoo qiimaha qofka lagu saleeyo inta uu nolosha ka dabbaalan karo, waxna soo saari karo. Habraacan kolka la eego, ilmuhu waa jire xuquuqdiisa dib loogu dhigay, shaqada loo soo qaddimay, siyaasadda ka maqan, mustaqbalka uun macno leh.
Dhaliisha ka faa’idaysiga xoogga carruurta Afrika laga fogayn karo nidaamka caalamiga ah ee khayraadka booba iyada oo wayddiin anshax bedka la keenin. Macdanta carruurta Afrika qoddaa waa ta gasha tiknoolajiyadda caalamiga ah, waxsoosaarka beereed ee ay carruurtani ku lafajabaanna waa ta lagu adeegsado suuqyo fog oo Galbeedka badhaadhay ah.
Waa sababta arrintu u leedahay sababo caalami ah, natiijooyinkeeduna yihiin ku maxalli ah. Zygmunt Bauman oo kalatagsanaantan tilmaamayaa buuggiisa “Liquid Life” ku sheegay “in dunida la caalamiyeeyey ay soo saarto aadame dheeraad ah, sida ay usoo saarto alaabo dheeraad ah”. Kolkaa, ilmaha Afrika waxa uu ku abtirsadaa dheeraadkaas, oo la adeegsanayo iyadoon la aqoonsanayn.
Ka faa’idaysiga carruurta Afrika waxa ay ka turjumaysaa dhibaato qotodheer oo ku milan nidaamka qiyamka dhaqaale iyo bulsheed. Sida tirakoobyadu u muujinayaan baaxadda dhibaatadan, abla’ablaynta falsafadeedna waxa ay innagu hagaysaa wayddiin qotodheer: maxay ka dhigantahay in aynnu aadame nahay, kolka wakhtigii dhallaannimo lagu beddelanayo xoogsi aan jixinjix lahayn? Sidee bulshadu u soo celin kartaa dhallaannimadii seeska u ahayd xorriyadda, hal-abuurka, waxbarashada, karaamada iyo mustaqbalka?
Wayddiimahan waxa aynnu u daynaynaa damiirka aadame ee maqan, innagoo leh: wakhtiga uu ilmuhu madaddaalada iyo waxbarashada u joojiyo in uu xoogsadaa waa wakhtiga lagu xadgudbay macnihii anshax ee jiritaanka. Kolkaa, furdaaminta arrintani waa mid u baahan dib-u-dhiska qiyam sarraysiiya kaalinta dhallaanka, oo aan u arkin agab waxsoosaar, una arka jire wakhtigiisa leh, xuquuqdiisa iyo jiritaankiisana leh. Ma aha baaq anshax oo keliya ku wajahan dawladaha iyo haayadaha, ee waa baaq ku wajahan aadame kasta oo wax uun kaga hadheen anshaxa iyo mabaadi’da aadamannimo ee sare.