Skip to main content

Sunday 9 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Dhaliilaha Haayadaha Khayriga ah

21 January, 2025
Image
kaalmo
Gaadiidka kaalmada qaada. (Photo by Mohamed Elshahed/Anadolu via Getty Images)
Share

Sawiro in aad si lama filaan ah ula kulantay ilme yar oo ku hafanaya berkad yar oo biyo ah, oo ku siganaya in uu quuso, adiguna aad tahay qofka keliya ee meesha joooga. Si fudud ayaad ilmahaas u bedbaadin kartaa, adigoo berkadda galaya, se ka fikiri maysid in dharkaaga ama kabahu kaa qoyi doonaan, sababtoo ah haddii aanad u dhakhsan ilmaha ayaa dhiman kara. Waa wax aan fikir dheeraad ah u baahnayn, oo qofku waa uu iska dareensanyahay waajibnimada bedbaadinta ilmaha yar. Se, halkan waxa taalla weydiin kale. Waajibnimada bedbaadinta ilmuhu ma is beddeli kartaa haddii ay meesha joogaan dad kale oo ilmaha bedbaadin kara? Maya, waajibkaas ku saaran waxba iska beddeli maayaan. Wax farqi ahi ma u dhaxayn karaa in ilmuhu kuu dhawyahay iyo in uu meel kaa durugsan oo lagaaga dhow yahay uu joogo? Maya, weli waajibkii meesha wuu yaallaa. 

Waxa kale oo imanaysa weydiin kale oo ah, waajibka ku saaran ee ay tahay in aad ka falcelisid hoos ma u dhacayaa haddii aanu ilmahaasi biyo ku quusayn, se beddelkeeda uu halis dhimasho ugu jiro cunto yari, biyo la’aan ama caafimaad darro, habka keliya ee aad ku bedbaadin kartaana uu yahay in aad lacag ugu deeqdid adigoo u marinaya haayadaha khayriga ah? Peter Singer waxa uu aaminsanyahay in aanay waxba iska dhimayn waajibkii ku saarnaa.

Buuggiisa “Macaluusha, Badhaadhaha iyo Anshaxa” iyo buuggiisa kale “Naf aad Bedbaadin Kartid” oo uu 2009-kii soo saaray, waxa uu Peter Singer ku doodayaa in uu simanyahay waajibka kaa saaran in aad bedbaadisid ilmahaas biyaha quusaya iyo in aad kaalmaysid dadka baahida darran, kaalmadaadana u dhex marisid haayadaha khayriga ah. Xeerka anshax ee labada xaaladoodba gundhigga u ahi waa in ay waajib innagu tahay in aynnu garab istaagno dadka baahiyeysan ama xaalad adag ku jira, inta waxa aynnu huraynaa marnaba u dhigmayn dhibta ay la daalaadhacayaan. Tusaale ahaan, deeqda aad la baxaysid marka la eego, dharka iyo kabaha lacagtaasi kuu jari lahayd marnaba uma dhigmaan muhiimadda ay leedahay in aad bedbaadisay qof dhiman rabay. 

Xujadan aasaasiga ah ee aadka u qayaxan ayaa dhaqdhaqaaq bulsho oo kobcaya ku shidaalisay in ay is urursadaan oo ay isu xilsaaraan ururinta deeqaha iyo gaadhsiinta dadka u baahan. Kooxdani waxa ay lafaguraan meelaha lacagta lagu bixin karo, waxaanay dadka hodanka ah ku dhiirrigeliyaan in ay deeqaha ay bixinayaan meelahaas ku bixiyaan. Meelaha ugu badan ee dadka lagula taliyo waxa ka mid ah, Haayadda Ladagaallanka Mallaariyada (oo dadka u qaybisa marakaneecooyinka dawaysan), haayadda Schistosomiasis Control Initiative (oo ka shaqaysa hirgalinta barnaamijyo lagula dagaallamo cayayaanka dugsiyada ku dhasha), haayadda GiveDirectly (oo lacago toos ugu dirta dadka saboolka ba’an la nool). 

Dad ka badan 17 kun oo qof ayaa ballanqaaday in ay boqolkiiba hal dakhliga soo gala sannadkii ay ku deeqaan, kuna bixiyaan qaddiyadahaas dhaqdhaqaaqan deeq-bixintu dhiirrigeliyo. Dad ka badan kun qof ayaa sidoo kale ballanqaaday in ay ku tabarrucaan boqolkiiba toban dakhligooda sannadlaha ah. Dhaqdhaqaaqani waxa uu shacbiyad weyn ku dhex leeyahay jiilka labadii kun kacaamay [waa dadka dhashay muddadii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1996-kii], sidaas darteed waxa dhaqdhaqaaqan lagu suntaa in uu yahay dhaqdhaqaaq bulsho oo jiilkan hadda nooli leeyahay. 

In kasta oo isweydiinta dhaqdhaqaaqan gundhigga u ahi afartan sanno kor u dhaaftay, haddana dardarta u weyn ee dhaqdhaqaaqani waxa uu cirka isku shareeray tobankii sano ee u dambeeyey, isla sannadkan ayaana la faafiyey buugaag dhawr ah oo mawduucan ku saabsan, sida buugga: Sidee baad Meel Sare uga Gaadhi Kartaa Samafalka, Habka ugu Wanaagsan ee Samafalka, waxaana u danbeeyey buugga Peter Singer ee “Samafalka u Weyn ee aad Qaban Kartid”. Buugaggan waxa garabsocda barnaamijyo warbaahinta laga sii daayo oo meelo badan oo dunida ah gaadha. 

Dedaalladan ka sokow, dadka oo dhammi lama dhacsana, kumana qanacsana sida wax u socdaan. Dadka dhaliilaa waxa ay dhaqdhaqaaqan ku eedeeyaan arrimo uu ka mid yahay habdhaqanka aan dimuqraaddiga ahayn ee samafalka dhaqdhaqaaqan, halista hoos u dhigidda adeegyada aasaasiga ah ee danta guud, baahida loo qabo qorshe fog oo horumarin dhaqaale ah iyo in samafalka haayadahan khayriga ahi yahay dhuun qoyn oo aan qorshe fog lahayn. 

Kooxaha bidixda ahi waxa ay qabaan dhaliilo kuwan ka xeeldheer, haayadahan khayriga ahna waxa ay u arkaan kuwo lagu soo gabbado oo marinhabaabin noqon kara. Paul Gomberg waxa uu ku doodayaa in xujada Peter Singer bedka keenay ay xoojinayso indho-ka-jeedinta siyaasadda, oo ay xujadani indhaha ka leexinayso u kuurgalka siyaasadda, arrimaha bulsho iyo dhaqaale, si loogu jeesto doodo falsafadeed. 

Gomberg waxa uu ku doodayaa in hantida iyo deeqaha loo baahanyahay in ay saboolnimada wax ka taraan ee la dhexmariyo haayadaha samafalku ay aad u badanyihiin, sidaas darteed wax badan ku dhex dayacmaan, waxaana uu u arkaa habab loogu tartamayo wakhtigeenna, awooddeena iyo ilaha kale ee aynnu haysanno. 

Singer iyo dadka kale ee dhaqdhaqaaqan samafalka u ololeeyaa waxa ay ku doodaan in ay jecelyihiin isbeddelka, oo ay taageeraan, kuna baaqaan hagaajinta siyaasadaha dunida, gaar ahaan siyaasadaha la xidhiidha arrimaha ay ka mid yihiin caddaaladda, socdaalka iyo ganacsiga caalamiga ah. Waxa muuqata in doodda Gomberg ee si guud u dhaliishan Hantigoosadka aan laga jawaabin. Singer waxa uu dadka ku dhiirrigeliyaa, in haddiiba qofku leeyahay dedaal uu hanti ku samaysanayo, ay tahay in uu isla jeerkaasba ka fikiro istiraatiijiyad uu dadka saboolka ahna ku kaalmayn karo.

Marka la joogo Hantiwadaagga iyo kacaankii ka dhashay, aragtidooda ka duwan qaabka haayadahan samafalka ahi wax u wadaan waa ay ka xeeldheertahay in ay kaga aragti duwanyihiin hababka dadka saboolka ah wax loo gaadhsiinayo. Seeska ka aragtiduwanaantu waa in dhaqdhaqaaqani ku sal leeyahay falsafadda akhlaaqeed ee burjuwaasiga. Kooxaha samafalka ee dhaqdhaqaaqan u ololeeyaa waxa ay iska dhegotiraan hannaanka bulsheed ee Hantigoosadku sababo. Dadka dhaliishan ee kasoo horjeeda dhaqdhaqaaqani waxa ay kooxahan u arkaan dad milil dusha ka dhayaya, oo halkii ay Hantigoosadka dhibaatada keenay ay abbaari lahaayeen, dawaynaya natiijada ka dhalatay. 

Samafalayaasha iyo haayadaha khayriga ahi waxa ay kaalmada ula dhaqmaan sidii hog madow oo aan u kuurgal u baahnayn; hanti badan ayaa la bixiyaa, natiijo wanaagsanna waa la fishaa, in natiijo wanaagsan la helaana waa u shardi in kaalmo kale lagu deeqo. Waxa kaliya ee la dabagalaa waa in dadka deeqda bixiyaa fishaan waxa hantidoodii lagu qabtay, sida nolol la badbaadiyey ama kaabayaal la hagaajiyey. Samafalayaasha isxilqaamay waxa ay iska indhotiraan xidhiidhada bulsho ee muhiimka ah ee ka dhalanaysa ku deeqidda kaalmada.

Dhaliisha dul hoganaysa haayadaha khayriga ahi waa in ay keliya tixgeliyaan xidhiidhka ka dhexeeya qofka wax ku deeqaya iyo qofka la bedbaadinayo ee baahida u qaba. Kama hadlaan, danna kama galaan nidaamka masuulka ka ah in dabaqadahani samaysmaan; dad baahiyihii aasaasiga ahaa la’yihiin, kuwo kalena ku deeqayaan dheeraad. 

Haddii aynnu eegno ururrada iyo shirkadaha sameeya hantida dad kale si ba’an ugu baahanyihiin, waxa aynnu is weydiin karnaa in ay khaldantahay haddii hantidaas loo diido in ay ku ganacsadaan oo faa’ido ka sameeyaan. Anshax ahaan waa wax aad u kharriban, si la mid ah sida haayadaha khayriga ahi ugu doodaan in ay khaldantahay in aan haayadahan hanti loogu deeqin. Anshaxa iyo damiirka wanaagsani waa ay diidayaan in hanti kooban (ama waxay jari karto) lala barbardhigo nolol aadame. 

Halkan waxa is goosanaya xujada dhaqdhaqaaqa samafalayaasha isxilqaanka ahi keenaan. Innaga oo ah dad haysta hanti, damiir iyo anshax, haddana nolosha jaangoyn karno qiime cayiman, se isla innaga oo hoos joogna nidaam Hantigoosad ah, waynu aamini karnaa in noloshu qiime cayiman lagu jaangoyn karo. Natiijada liidata ee qodobkan ka dhalatay waa in samafalayaasha isxilqaamay dadka ka rabaan in ay bixiyaan hanti lagu jaangooyey suuqa Hantigoosadka ee baahiyaha aasaasiga ah. 

Halkan waxa iskaga hor imanaya sillan-suganta Singer bedka keenay. Marka uu soo qaatay ilmaha la bedbaadinayo, waxa aynnu huraynaa waa wax innagu kooban, oo ah qoynta dharkeenna iyo kabaheenna, se xaaladda kale ee qofka baahan kaalmada haayadda khayriga ah loo dhexmarinayo, waxa aynnu huraynaa shuruudo haayado Hantigoosad ahi u dhigeen si qofkaas baahan loo bedbaadiyo. 

Dhaliisha dul hoganaysa samafalka sidan ahi keliya kuma koobna hoggan madow ee kaalmadu ku dhacayso, ee sidoo kale waxa la dhaliilaa lana beeniyaa falsafadda akhlaaqeed ee burjuwaasiga ah, samafalayaasha isxilqaamayna shidaalisa. Waa falsafad shuruudaha Hantigoosadku ku xidheen kaalmada u ekaysiisa shuruudo dabeecaddu keentay. Isu ekaysiinta bedbaadinta qofka aanad aqoon ee hortaada biyo ku quusaya iyo qofka baahan waa jid khaldan. Ilmaha quusta taagan ee u baahan baahiyo aasaasi ah oo nolosha ah, sida cunto, biyo nadiif ah iyo daryeel caafimaad, waa baahiyo uu xaq u lahaa, se Hantigoosadku si aan dimuqraaddi ahayn uu u qaybiyey, isagoo dejiyey shuruudaha qaybinta hantida. Sidaas darteed, Hantigoosadku saddex midkood ayaa uu ku guuldarraystay in uu qofka baahan kaalmeeyo:

1: Hantigoosadku waxa uu hayaa wax kasta oo qofka baahan ee dhibta ku sugani u baahnaa in lagu bedbaadiyo. Dadku badanka waxa ay haystaan uun wax baahi tira nafahooda iyo qoysaskooda, se haayadaha iyo shirkadaha Hantigoosadku waxa ay isku koobeen raasamaalkii lagu haqabtiri lahaa baahiyaha dadka baahan. Kootada raasamaalka cid gaar ah ugu xidhani waxa uu keenayaa cawaaqib la saadaalin karo oo aan la hurayn. 

2: Raasamaalka kootada ugu xidhan shirkadaha Hantigoosadku isagaa abuura dadka baahan. Shirkadaha aan ka faa’idayn dadka aan lahayn awood iibsi oo ay alaabahooda ku gataan, waa sababta dad badan oo baahani gacanta u hoorsanayaan samafalayaasha si loo bedbaadiyo oo ay awood iibsi ugu helaan isla shirkadihii Hantigoosadka ahaa. Dadka saboolka ahi, ka sokow awood la’aantooda alaabaha shirkadaha hantigoosadka ah, waxa ay bulshada uga qayb qaadan karaan habab kale oo macno leh, se dawladaha lebaraaliyada cusub wata iyo shirkadaha macaashdoonka ahi waxa ay hababkaas kale u arkaan macnodarro, habka keli ah ee dadkaas kor loogu soo qaadi karaana waxa ay u arkaan in awood iibsi loo sameeyo. Dhinaca kale, in raasamaalka loo arko alaab aasaasi ahi waxa ay dhabarjebin ku tahay iskufilnaanshaha bulshooyinka qaar haystaan. 

Marka haayadaha khayriga ah iyo samafalayaasha isxilqaamay baahiyaan in qaddarka cunto ee dad sabool ahi u baahanyihiin, shirkado Hantigoosad ayaa dhulalkooda dihin qabsada, una adeegsada in ay ka beeraan dalag dadka jeebweynta ah laga iibiyo. Beerahani waxa ay suququl geliyaan biyaha awalba yaraa, ka sokow burburka deegaan iyo isbeddelka cimilo. 

Dhinaca kale, shirkadaha Hantigoosadka ahi, waxa ay sannadkii dalalka soo koraya ka soo saaraan lacag gaadhaysa laba tirilyan oo doollar, oo laga dhexsameeyo xawilaadda lacago sharcidarro ah, cashuur la baxsi iyo siyaasadaha ganacsiga caalamiga ah oo u dan ah dabaqadda Hantigoosadka ah ee caalamiga ah. Khasaaraha lacagahani ku hayaan dalalka soo koraya iyo dadkooda, ayaa dhinaca kalena dan u ah Hantigoosadka. Sidaas darteed, in qofku awood u yeesho waxyaabo nolosha aadamuhu intay jirtay aan dhib ku hayn, sida in uu qofku wax uu cuno helo, waxa shardi looga dhigay in uu qofku dadka kale kaga sarreeyo suuqa caalamiga ah, qofkaas oo jaangoyn kara habka loo adeegsanayo ilaha maxalliga ah. Isla lacagahaas badan ee dalalkan saboolka ah laga sameeyey ayaa loo adeegsadaa barnaamijyada xukuumadaha iyo barnaamijyo duruufaha jira lagu daweeyo, sida la dagaallanka Mallaariyada. 

Dhibaatadu waxa ay ku hoos jirtaa in dadka hodanka ahi baahiyahan aasaasiga ah u samayn dadka saboolka ah, se waa in ay ku noolyihiin nolol badhaadhe leh, oo ay hanti badan burburiyaan xilli dad kale gaajo u dhimanayaan. Sababtu waa in aanay warba ka hayn dadkaas saboolka ah. Xalku markaas waa in wacyigelin la sameeyo, lana abuuro dhaqanka waxbixinta. 

 

Waxa laga soo koobay oo laga soo turjumay halkan.