Sunday 14 December 2025
Lodkan, inta wax qorta, waajibkooda koobaad waxaan u arkaa dib u qeexidda si-u-aragga nololeed ee qofka Soomaaliga ah. Maxaa yeelay, muddo aad u dheer ayaynu nolosha mutuhinaynay tabtii aynu geela iyo adhiga u dabo socon jirnay, ayaynu u dabo soconay dadkii uu Ibraahim-Hawd ku tilmaamay 'fulayada fekerka' oo waxa ina horkacayey indhowgarad indheergarad isu arka, dabadeed macnaha indheergaradnimada ayaa innaga lumay, oo waxa soo baxday, nolol u liidata sida maskaxdii ka talisay u liidatay.
Waxyaabaha la maleeyay ee kolba meel loo la kacay, waxa ka mid ah, ragannimada ninka Soomaaliga ah, taas oo qeexiddeeda dhidibo looga dhigay dirir, qallafsanaan iyo macangagnimo. Si loo xalaaleeyo qeexiddan xaaraanta ah na, waxa baydad guun ah looga dayaa suugaanta duugga ah, taas oo in badan hiil u noqota khuraafaadka bulsheed. Si gaar ah, maah maahyada oo laga soo miiro inta ugu qaabka daran ee sifaynaysa dabeecadda ninka Soomaliyeed, tusaale waxa ay had iyo jeer tilmaamaan raggu in uu yahay bahalo damaaci badan oo dadnimo yar tusaale waxa ka mid ah; “raggu waa wareebe oo yur kuma tago”, “nin wuxuu kugu bartuu kugu dilaa”, “raggu hunguri ayuu ku walaalloobay”, waxa kale oo ka mid ah “ushaada nin aad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa”, “nin aan shantaadu farood kaa reebin sharci kaama raabo”.
Marka aad waaqica iyo maahmaahda isla eegto waa labo is dhalay, waa se in ay kala gudhaan. Maxaa yeelay, suuragal maaha in dal 49% ka mid ah shacabkiisu uu bahalo isu arko dabadeed nolol waarta la helo. Suuragal maaha nin looga baqayo inan yar oo gaadhi la raacday, in lagu aamino xil ummadeed. Sidii maahmaahdii "ninkii adhiga laga la quusto ayaa geela loo dirsadaa" maaha in ninkii ubadka laga la quusto dawladda loo dirsado, maxaa yeelay, xilku geel la raaco maaha.
Raggu, nolosha Soomaalida waa ka geed sare waab door xadiddan ku leh.
Ilmaha in masuuliyad la da'ah la saaro, oo tusaale ahaan uu shaah karsan karo, canjeelana duban karo, waxay u carbisaa masuuliyaddaha waaweyn ee nolosha in uu ka soo widhwidhi karo, kolka uu qaangaadho. Wiilku, kijadiisa waxba kama yaqaan, oo gurigiisa waxba kama yaqaan ee sida geelu xerada ugu hoyasho tago ayuu ugu hurdo tagaa guriga. Sidaas si la mid ah, aabbuhu, waa maqane jooga; sheeko carruureedda wax kuma laha, hees carruureedka wax kuma laha, barbaarinta na haba sheegin, waa dhif. Waa noole laga cabsado oo laga firdhado aad na looga baqo. Waa qof aan la la tashan oo kalitalis ah oo tiisa ku meel mara, haa waa qof isla weyn oo kali jire ah. Sidaas daraaddeed, marka aad eegto hab dhaqanka qoyska, Soomaalidu, waa ummad bilaa aabbe ah.
Waxa jira fekrado shaacsane noqday, oo loogu qiildayo dadnimotirka ninka. Tusaale ahaan, waxa la yidhaa; ‘raggu haweenka wuu ka dareenno yar yahay’, oo looga jeedo wuu ka murugo, damqasho iyo xanuun yar yahay. Had iyo jeer, arrintan waxa marmarsiiyo looga dhigaa dayaca wiilasha yar yar waayaha qadhaadh loogu kaliyeeyo. Laakiin haddana, ma jirto daraasad caddaysay in raggu dumarka ka dareen yar yahay, waxa se laysla og yahay in sida wiilasha loo barbaariyo ay cabudhiso dareenkooda, taas oo werwer iyo walbahaar u horseedda danbaysada. Sidoo kale, dunida oo dhan is-qudhgoynta waxa ku badan ragga. Tusaale qormo 2019-kii lagu daabacay BBC-da waxa lagu xusay in qiyaas ahaan, 793,000 kun oo qof sannadkiiba ay u dhintaan is qudhbixinta, intooda badanna ay rag yihiin. Si la mid ah, 19.7% nimanka reer Yurub ayaa caawimo nafeed raadsada ka hor is-qudhgoynta, halka 30% ay tahay dumarka. Sababaha ugu waaweyn ee raggu ayna u aqoon xaaladdooda nafeed, ayaa loo tiirin karaa dhaqanka baahsan ee ah; raggu dumarka wuu ka dareenno yar yahay. Dhaqankani waa hab ninka iyo isfahanka naftiisa lagu kala xidho, maxaa yeelay, dareennadu waa farriin sidayaal, si farriinta loo fahmo na waa in la la fadhiistaa. Qofku kolka uu murugoodo, maaha in uu murugada dado oo qarsado, sababta oo ah, murugadu iskama iman. Waa in uu ogaadaa sababta keentay, dabadeed waxii uu ka qaban karo ku hagaagaa. Inanka yar ee saddex jirka ah amma toban jirka ah ee inta la dilay ooyay amma inta la maagay ilmeeyey, maaha in oohintiisa eed looga dhigo, maxaa yeelay, oohintu waa sida jidhku damaqa uga falceliyay, maaha damaqa laftiisa! Kolkaas, adiga oo dhibka wax ka qaban kara, maxaad falcelinta jidhka ugu ceebsan?
In badan waxaynu aragnaa kontan jir xildhibaan ah oo la dagaallamaya lixdan jir isna xildhibaan ah –sababta la doono ha laysku qabto e, waa arrin ku tusinaysa in ninka Soomaaliga ah aanu xakamayn aqoon dareennadiisa. Mar kale, isaga oo da' ahaan afartan jir ah ayaa shikhsiyad siddeed jir ahi ka dhex sheekaysaa, lama se yaabaysid marka aad aragto, in sida dawacada adhiga looga baaciyo, isaga iyo naftiisa loo kala baaciyo. Dabadeed, wax halhays noqotay "naagaha lama fahmi karo" cidi se isma wayddiin; ninku mays fahmaa? Qof aan isfahmin se, qof kale ma fahmi karaa? Waxa hubaal ah in qof aan is aqoon aanu qof kale baran karin!
Waxa jirta arrin muhiim ah oo ay tahay in wax badan laga doodo; waa waxa la yidhaa “ragannimada”, aynu is wayddiinno e ragannimadu ma wax ninka ka baxsan oo ay tahay in uu raadsado baa? Dhaqaalaha iyo ragannimadu ma kala madax bannaan yihiin? Waa maxay doorka ninku?
Maanta, raggu doorkii saxda ahaa ee ay ahayd in ay hayaan ma hayaan. Waxa ay hayaan door khiyaal ah oo naftooda iyo bulshadaba halis ku ah, sababtuna waa sida doorkooda nololeed loogu qeexay. Kaalinta nololeed ee ninka, sida lagu qeexay, waa in uu reerka biiliyo oo haggaamiyo. Kaalintan bal aynu kala dhig dhigno oo saafno. Biilka, celcelis ahaan, qofka Soomaaliga ahi wuxu maalintii ku nool yahay wax ka yar hal doollar, in badan oo ka mid ahna waxa ay quutaanba ma helaan. Colaadaha, abbaaraha iyo fatahaadda daadadka ee iska soo noqnoqdaana, waxay baro-kiciyeen ku dhawaad 4 malyuun oo Soomaali ah – si guudna, dunida oo dhan 60% dadka bilaa guryaha ahi waa rag, heerka shaqo la'aanta dhallinyartu waa 30%, wiilasha si gaar ah waa 18% halka ta haweenku tahay 27%!
Haddaba, wiilka Hargeysa amma Muqdisho jooga ee aan dawladi waxbarasho ka bixin, caafimaad siin, guri siin ee bariiskiisa siduu ku heli lahaa la hirdamaya, biilka reerka ha bixiyabo e, xagguu ka keeni? Ma gacmaha kooban ee hantida ummadu ku ururtay ayuu soo dhici amma soo dawarsan?! Ujeedku maaha in aan raggu shaqaysan, ujeeddadu waa in la fahmo; hanti la'aantu maaha raggannimo la'aan, waa dawlad la'aan. Wiilka ka soo baxay iskuul buugta layska sii qaato ee dabadeed ka soo qaatay waraaq caddaynaysa in uu iska iman jiray, ee soo dhex joogsaday suuq oday walba inankiisa jiidanayo, sidee doorkiisa nololeed u noqon karaa in uu dunidaas dhaqaale ka keeno?
Dhaqaale heliddu waa hirdan waayaha adag lagu la jiro, sidaas daraaddeed ma noqon karto door nineed. Doorka ninku waa in uu noqdaa, wax ninka gacantiisa ku jira ee uu go’aan ka gaadhi karo sida in uu wax bixiyo ama aanu bixin. Nin baahani biil ma hayo, in aanu biil haynna maaha in ragannimo ka maqan tahay, ee waa in dawladi ka maqan tahay!
Hoggaaminta kolka ay joogto, ma jirto qayb maskaxda ka mid ah oo shaqadeeddu tahay hoggaamin oo ragga (amma aadamahaba) ku jirta. Hoggaamintu, waa is uruursiga xirfado dhawr ah, sida qorshaynta, maaraynta wakhtiga, xallinta khilaafaadka, xakamaynta dareenka, hagidda, gorfaynta waayaha, xidhiidhinta hagaagsan, iyo shikhsiyadda qofka oo waayihiisa qaabeeyay ku lammaan yihiin. Shaqooyinkan waxa qabta qaybta hore iyo qaybta danbe ee maskaxda. Xirfadahan, waxa door muhiim ah ku leh deegaanka uu qofku ku barbaaray, waxbarashada uu helay, inta ay khibraddiisu gaadhsiisantahay, iyo waxyaabo la hal maala. Kolkaas, sidee nin marka uu cadhoodo tabtii gaadhi xumaaday bakhtiyaya amma sidii folkaanno qarxaya uu ummad u hoggaamin karaa? Si kale, sidee nin aan xaaskiisa la tashan karin uu ummad ula tashan karaa, illayn xilku waa hanti ummadeed oo ay tahay in laga wada tashado e?! Sidaas daraaddeed, hoggaamintu maaha kaalin nineed ee waa door qofeed kaas oo leh wacyi iyo waayo-aragnimo uu waayaha ku hago.
hoggaamintu maaha kaalin nineed ee waa door qofeed kaas oo leh wacyi iyo waayo-aragnimo uu waayaha ku hago.
Geesta kale, ilmuhu si isku mid ah ayuu ugu baahan yahay aabbaha iyo hooyadaba, aabbuhu in uu ilmaha la ciyaaro, quudiyo, la joogo oo wakhti badan la qaato, waxay xoojisaa xidhiidhka aabbaha iyo ilmihiisa. Sidoo kale, waxay qaadhaan weyn ku dartaa badqabka nafeed iyo xasilloonida ilmaha, taas oo muhiim u ah koritaanka ilmaha. Waa fahanxumo qoyseed aragtida aabbaha guriga ka saarta ee tidhi "hooyadu ubadka ha hayso" sidii oo carruurtu xoolo la haynayo tahay.
Rggannimadu, maaha wax ninka ka maqan oo ay tahay in uu ka dhex raadiyo dagaalka, adadaygga iyo ka-cararka dareennadiisa. Ragganimadu, waa in ninku naftiisa fahmaa, waa in uu dareennadiisa la fadhiistaa oo aanu dadin, waa in uu masuuliyadda ficilkiisa qaadaa, waa in uu kaalmo doontaa kolka uu u baahan yahay, waayo wuu u baahan yahay. Ragannimadu, maaha mucjiso cirka ka soo dhacday, ee waa in ninku daddoobo oo nolosha la falgalo. Ha raadin ragannimada, waayo waad tahay ee naftaada baro.