Skip to main content

Thursday 22 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Dhacdooyinka Boorama.. Habqanka Maaraynta Xukuumadda iyo Faragashiga Dibedeed

13 December, 2025
Image
Somaliland’s Western Fault Line
Share

Magaalada Boorama ee magaalo madaxda u ah gobolka Awdal waxa shantii Diisambar ka dhacay dhacdooyin lagu tirin karo dhibaatooyinkii siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ugu halista badnaa intii ay Somaliland jirtay. Bannaanbaxyo ka dhashay oggolaanshaha xukuumadda ee xafladda bandhigga Xeer Ciise ayaa saacado gudahood isku beddelay iska hor imaaad dhiig ku daato oo u dhexeeya ciidamada amniga iyo dadka bannaanbaxayey, iyadoo lagu qiyaasay dhimashada dad aan labaatan ka yarayn, halka tobanaan kalena dhaawacmeen, bannaanbaxayaashana loo adeegsaday rasaasta nool. Xaalku kolka uu halkan gaadhay, qaddiyaddu ma noqon iskumaandhaafka xaflad dhaqan, ee waxa uu isu beddeshay imtixaan adag oo iftiiminaya heerka awoodda dawladda Somaliland u gaadhsiisantahay maaraynta arrimaheeda gudeed.

Dhimbiishu halkay ka qaraxday waa go’aanka xukuumadda ee lagu oggolaaday qabashada xafladda bandhigga Xeer Ciise, ka dib toddobaaddo werwer ka taagnaa magaalada Saylac. Xeer Ciise waa xeer dhaqameed afka la isugu tebiyo, kana dhexeeya beesha Ciise ee kala deggan dalalka Jabbuuti, Itoobiya iyo Somaliland, sannadkii 2024-na waxa Xeerka lagu daray liistada dhaxal-dhaqameedka aadamaha ee UNESCO.

Si guud, xaflad lagu bandhigayo xeer dhaqameed oo lagu qabto magaalada Saylac waxa loo arki karaa xaflad dhaqan, looguna dabbaaldegayo aqoonsiga caalamiga ah ee xeerkan la siiyey. Hase ahaatee, doorashada goobta iyo goorta – magaalo ay ku muransanyihiin labada beelood ee Gadabuursi iyo Ciise, gobol ay xasaasi tahay xuduudda dhuleed ee labada beelood ka dhaxaysa iyo xilli Geeska Afrika la ciirciirayo loollanno jiquraafi-siyaasadeed oo la xidhiidha marinnada badeed, deked helista iyo kala qaybsiga awoodaha deegaan – waa arrimaha dhacdadan dhaqan siiyey weji siyaasadeed oo gebi ahaanba ka duwan sida ay ahayd.

Ka dib shaacinta oggolaanshaha qabashada xafladda, Boorama waxa ka bilaabmay dibadbaxyo judhiiba maamulku xakamayn kari waayay. Saacado gudahood waxa la weeraray Bangiga Dhexe, Xafiiska Badhasaabka iyo saldhigyo ciidan, waxaana la xidhay jidad magaalada ku yaalla. Dhallinyaro badan ayaa hub qaatay, waxaana la qaatay calamo ka duwan calanka Somaliland. Falcelinta ciidamada amnigu waxa ay noqotay in ay rasaas u adeegsadaan dhacdadan, laguna soo biiriyo cutubbo kale oo ciidamo ah, iyadoo dawladdu isku dayaysa dib u xakamaynta nidaamka. Waxa caddayd in ay jirtay cid maalgashanaysa dhacdo sidaas u kooban, si ay u bixiso sawir awoodda dawladnimo wiiqaya, sidoo kalena tilmaamaya in xidhiidhka Boorama iyo Somaliland ka jilicsanyahay sida sheekada “wax-wada-lahaanshuhu” tebiso, oo inta badan lasoo qaato kolka dib loo xusuusto “Shirkii Boorama” iyo kaalintii Awdal ku lahayd dib u dhiska Somaliland.

Habeenkii xigay, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” waxa uu isku dayey dejinta cadhada, isagoo tacsiyadeeyey dadka dhintay, faray in ciidamada laga saaro magaalada, sidoo kalena ballanqaaday la xisaabtanka masuuliyiinta, ugu dambayna waxa uu maalinkii xigay shaaciyey joojinta bandhiggaas. Kolkan waxa is casilay Wasiirka Warfaafinta, oo ku dooday in go’aankii oggolaanshuhu ahaa go’aan xukuumadeed oo wadar ahaan loo qaatay, kelidiina aanu qaadan karin saamayntiisa, siiba gobol uu beel ahaan kasoo jeedo. Taxanahan dhacdooyinka ah – dibadbaxyo, adeegsiga awood ciidan, ka dibna dib u gurasho – waa qaab hore loogu arkay dhibaatooyin hore, oo ay ugu horrayso mushkiladdii Laascaanood ee 2023.

Habqanka Maaraynta ee Hargeysa: Laascaanood ilaa Boorama

Unugga dhibta u weyn ku keenay habdhaqanka dawladda intii ay jireen dhacdooyinka Boorama waa sida fudud ee degdegga ah ee loo adeegsaday rasaasta caadiga ah. Warbixino warbaahineed iyo xuquuqeed oo maxalli ah ayaa sheegaya in dibadbaxyada lagu waajahay rasaas toos ah oo lala dhacay bannaanbaxayaal aan hubaysnayn. Habdhaqankani waa mid dib inoo xusuusinaya mid u eg oo Laascaanood laga sameeyey, kolkaas oo iska hor imaadka ciidamada iyo dibadbaxayaal deegaanka ahi ay keentay ka bixitaanka Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo soogeliddii ciidamada SSC-Khaatumo.

Wejiyada ay iskaga egyihiin Boorama iyo Laascaanood waa kuwo cad oo ah in awood lagu wajaho dibadbaxyo nabadeed. Se haddana kala duwanaanshaha labadani waa mid isaguna cad; arrinka Laascaanood marka la eego, waxa jirtay jabhad nidaamsan oo Buntilaan ku sugnayd, una diyaarsan maalgashiga cadhada bulshada deegaanka, halka Awdal, siiba Boorama, aanay lahayn jabhad nidaamsan oo ka baxsan xuduudda Somaliland. Waa farqi ka dhigaya arrinka galbeedka mid gaabis ah, kana waadaxsan xaaladdii bariga, se haddana ka kakan sababtoo ah waxa isku hirdiyaya xisaabaha Jabbuuti iyo Itoobiya, oo arrin lama xidhiidho dhinac keli ah.

Labada xaaladoodba waxa ay bannaanka keenayaan dhibaatooyin gundhig ah oo kusoo noqnoqday Somaliland. Waxa si weyn u muuqata awood la’aanta laamaha amnigu ku maarayn karaan bannaanbaxyada iyagoo aan hub adeegsan. Waxa kale oo si weyn u muuqata maqnaanta kalasaariddii kaalinta milatariga iyo booliska, arrinkan oo keena in bannaanbaxyadu isu beddelaan isfoodsaar hubaysan.

Dhibaatadan amni waxa ay sii kabaysaa tabashooyinka siyaasadeed ee horeba uga jiray Awdal si la mid ah xaaladdii bariga. Waxa muuqata in uu jiro dareen ballaadhan oo ah in metelaadda gobolkani ku leeyahay xukuumadda, baarlamaanka iyo laamaha amnigu aanu u dhigmin miisaanka dimuuqaraafiyadeed iyo beelaha deggan. Sidoo kale waxa jirta tabasho ah in go’aannada sida dhabta ah u taabanaya nabadgalyada gobolka – sida bandhigga Xeer Ciise – lagu gaadho Hargeysa, iyada oo aan si dhab ah looga qayb gelinin bulshada deegaanka. Dareenkan, walow uu ka hor imanayo doodda kale ee qabta in Gadabuursi uu haysto metelaad siyaasadeed, haddana waxa uu shidaalinayaa ololaha kuwa diiddan mashruuca siyaasadeed ee Somaliland, oo qaarkood dabada ka riixayaan noqoshada maamul-goboleed gaar ah oo si toos ah u hoos taga Muqdisho. Waa olole sannaddo soo jiray, se hadda fursad ka dhex helay dhacdooyinka Boorama.

Sooyaalka Awdal: Shirkii Boorama ilaa tabashada duudsiga siyaasadeed

Gobolka Awdal waa gobol sooyaal dheer leh, si habsami lehna isugu dheellitira labada beelood ee Gadabuursi iyo Ciise, oo xuduudda ay wadaagaan u tallowdo Jabbuuti ilaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Boorama lafteedu waa magaaladii Shirkii Boorama ee 1993-kii, oo kulmiye odayaal dhaqameed gaadhaya 150 oday oo ka kala yimi Somaliland, waana shirkii lagu aasaasay Axdi Qarameedka iyo nidaam siyaasadeed xerudhalan ah oo mideeyey Golaha Guurtida iyo haayadaha dawladeed ee cusub. Waa shirkii suurogaliyey in maamulka laga wareejiyo hoggaankii SNM, laguna wareejiyo xukuumad laga midaysanyahay oo beesha Gadabuursi ay ka heshay xilka madaxweyne-ku-xigeen, oo ay ilaa hadda haysato.

Waxa muuqata Awdal in uu ka jiro dareen ballaadhan oo ah in metelaadda gobolkani ku leeyahay xukuumadda, baarlamaanka iyo laamaha amnigu aanu u dhigmin miisaanka dimuuqaraadiyadeed iyo beelaha deggan. Sidoo kale waxa jirta tabasho ah in go’aannada sida dhabta ah u taabanaya nabadgalyada gobolka lagu gaadho Hargeysa.

Hase ahaatee, xusuusta dagaalkii sokeeye ayaa ka tagtay sheekooyin iskhilaafsan oo ku saabsan xidhiidhka gobolkani la leeyahay Somaliland. Intii lagu jiray dagaalkii SNM kula jirtay nidaamkii Siyaad Barre ee siddeetanaadkii, SNM waxa u badnaa beesha Isaaq, qaybo badan oo ka mid ah Gadabuursina waxa ay qaateen mawaaqif ka duwan kuwa SNM oo nidaamka Siyaad Barre lagu taageero. Sooyaalkani waa mid weli haldoor badan kusii hadhsan, iyagoo aaminsan in la dagaallankii Siyaad Barre cid gaar ahi wadatay, ka qaybgalka gobollo kale, sida Awdal, ee shirka dib-u-heshiisiinta ahna keliya waaqaca cusubi khasbay, sidaas darteedna aanay ka helin saamigii saxda ahaa.

Arrinkan waxa soo raaca dad badan oo gobolka kasoo jeeda – sida Axmed I. Samatar iyo kuwo kaleba – oo feker ahaan iyo siyaasad ahaanba u dhaliila isku koobidda maamulka ee Hargeysa. Waa codad codsanaya tallaabooyin intan ka ballaadhan oo saami-qaybsi iyo maamul-daadejin. Sooyaalkani waa ka fasiri kara sababta go’aan fudud oo sida oggolaanshaha Xeer Ciise, uu isugu beddeli karo mid eel hore soo kiciya.

Jabbuuti: U adeegsiga kaadhka Ciise loollanka gobolka

Suurogal maaha in faylka Xeer Ciise la akhriyo iyada oo aan Jabbuutina la garab wadin. Dalkan yar, walow qoomiyadda Canfartu ku weheliso degaanka dalka, haddana siyaasad ahaan waxa gacanta ku haya Ciise. Bishii Aktoobar ee 2025, Baarlamaanka Jabbuuti waxa uu oggolaaday wax-ka-beddelka dastuur oo meesha lagaga saaray da’dii lamadhaafaanka u ahayd murashaxa madaxweynannimo (75 sanno), arrinkan oo albaabka u furay in Ismaaciil Cumar Geelle, oo 77 jir ahi, isu sharraxo mar lixaad doorashooyinka 2026-ka.

Jawigan doorasho ee Jabbuuti, ayaa uu nidaamka ka taliya Jabbuuti waxa uu fursad ka helayaa jaangoynta xuduudda ciise. In Xeer Ciise lagu daray dhaxalka caalamiga ah, warbaahinta Jabbuutina u dabbaaldegtay, waa qodob beesha Ciise usii xididdaynaya in ay yihiin beel dherersan min Jabbuuti, Itoobiya ilaa Somaliland, oo aan u hoggaansanayn xuduudaha dawladnimo ee casriga ah. Qaar ka mid ah haldoorka Hargeysa iyo Awdal waxa ay baahsanaanta beeshan u arki karaan wax nidaamka Jabbuuti uga faa’idaysanayo sugidda awooddiisa xeebta galbeed, Awdal iyo Saylacna uu ka dhigo goobo xasaasi ah oo ka dhex taagan Somaliland, Jabbuuti iyo Itoobiya, isagoo ku doodaya in deegaannadani yihiin dhul Ciise.

Nidaamka Jabbuuti baahsanaanta degaanka Ciise waa mid uu u adeegsado wejiyo kale duwan; gude ahaan, waxa uu shidaaliyaa fekradda “haybta Ciise” si uu fursad ugu helo sharcinnimada talinta, indhaha gudahana uga jeediyo wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddo-korodhsiga xukunka uu ku fadhiyo tan iyo sagaashanaadkii, welina la kulmaya cadaadis ku saabsan cidda beddeli doonta. Dibed ahaanna, baahsanaanta degaanka Ciise waxa uu u adeegsadaa cadaadiska Itoobiya, isagoo u maraya faylka Canfarta iyo Ciisaha, iyo cadaadiska Somaliland isagoo usoo maraya faylka Awdal iyo Saylac. Dagaal kasta oo dhex mara beelaha Gadabuursi iyo Ciise, saamayntiisu ma gaadhi waayayso iskudheellitirnaanta isir ee gudaha Jabbuuti iyo nabadgalyada jidka Addisiyo Jabbuuti ee aadka u firfircoon. Arrinkani waa ka dhalinaya weydiinta ah: danta Jabbuuti ma waxa ay ku jirtaa kala furfuridda Somaliland, mise awoodtirkeeda heer la xakamayn karo mashaariico Itoobiyaan, Imaaraati ama Turki oo ku jira dagaalka dekedaha iyo loollanka marinnada?

Baaqa uu soo saaray Ugaadka Ciise oo ku sugan Itoobiya – isagoo ku baaqay in bandhigga Saylac qabsoomayo awoodba ha lagu qabtee, ciddii hub haysatana kula dardaarmay in ay xuduudda Awdal tagaan – waa mid walaac dhalinaya. Dhinac marka laga eego, waa hadal beesha Gadabuursi u diraya gooddi dagaal, waana sababta Ugaaska Gadabuursi uu ugu jawaabay hadal isna adag iyo aqbalidda baaqa dagaalka ah. Dhinac kalena, waxa muuqata in xukuumadda Cirro ku gaabsatay warbixino guud oo aan qiimo sare lahayn, sida “gacmo shisheeye” iyo “qorshayaal qalalaase”, waana arrin sheegaya in xukuumaddu aanay awoodin in ay Jabbuuti kula hadasho luuqad siyaasadeed oo ku habboon heerka khatarta.

Muqdisho iyo ololaha qalalaase ee baraha bulshada

Dhibaatadan waxa kale oo ka faa’idaysatay Muqdisho oo kaalin badheedh ah kaga jirtay furfuridda gudaha Somaliland tan iyo markii Hargeysa iyo Addis Ababa ay kala saxeexdeen Is-Afgaradka bishii koowaad ee 2024. Xukuumadda Federaalka iyo masuuliyiin ka soo jeeda gobolka Awdal waxa ay miciin bideen ka faa’idaysiga qalalaase kasta oo gobolka ah, si ay caddayn uga dhigtaan in ay jirto “diidmo shacab oo Somaliland ah”. Dagaalkan waxa ay u mareen jidad dhawr ah, oo ay ka mid yihiin: baaqyo rasmi ah oo sheegaya in Awdal “qayb muhiim ah ka tahay Soomaaliya”, waxa faafay olole warbaahin oo nidaamsan oo ay hoggaaminayaan xildhibaanno iyo shakhsiyado ka soo jeeda Soomaaliya oo ku baaqaya mashruuca “Maamul-goboleedka Awdal”, waxa raaca olole baraha bulshada ah oo dhacdooyinka Boorama u sawiraya “kacdoon shacab oo raba ka xorroobidda Hargeysa”.

Nidaamka Jabbuuti baahsanaanta degaanka Ciise waa mid uu u adeegsado wejiyo kale duwan; gude ahaan, waxa uu shidaaliyaa fekradda “haybta Ciise” si uu fursad ugu helo sharcinnimada talinta. Dibed ahaanna, baahsanaanta degaanka Ciise waxa uu u adeegsadaa cadaadiska Itoobiya, isagoo u maraya faylka Canfarta iyo Ciisaha, iyo cadaadiska Somaliland oo u soo maro faylka Awdal iyo Saylac.

Khilaafkan ka dhex jira beelaha iyo ololaha warbaahinta la isu marinayey, waxa garab socday dano dhaqaale oo qarsoon; qalalaasaha Awdal ka curtay waa mid kusoo beegmaya loollan intan ka ballaadhan oo la xidhiidha dekedaha, jidadka ganacsiga iyo shaqooyinka la xidhiidha dekedda Berbera iyo jidka taga Itoobiya. Ganacsadayaal ka tirsan beelaha Gadabuursi iyo Ciise ayaa danaynaya dib u qaabaynta jidadka ganacsiga ee u dhexeeya Saylac, Berbera iyo Jabbuuti, qaarkoodna waxa ay ka faa’idaysanayaan hoos u dhigidda awoodda dawladda ee gobollada qaar, ha uga faa’idaystaan kootarabaan ama gacan-ku-dhigidda jidadka rarka. Sidaas darteed, gadoodka socda waxa isla falgashan olole shacab, mid warbaahineed iyo dano dhaqaale oo dhinacyo kale wataan.

Ilaa hadda ololayaashani kumay guulaysan in ay bannaanbaxyada u rogaan kacdoon wadareed oo lagaga baxo mashruuca Somaliland, welina qayb weyn oo ka mid ah tabashooyinka Boorama waa kuwo lagu falanqeeyo Somaliland gudaheeda, iyadoon aan laga xidhiidh furan. Se halista jirtaa waa in haddii xukuumaddu sii joogtayso gefafka, ay fursad siinayso ololaha socda oo ugu dambayn warbaahinta dhaafa isuna beddela mashaariic siyaasadeed, sidii laba sanno ka hor ka dhacday Laascaanood, kolkaas oo gefafkii nabadgalyo iyo siyaasadeed albaabka u fureen maamul cusub oo Muqdisho ku xidhmay.

Saylac iyo damaca Itoobiya ee gaadhidda badda

Laga soo bilaabo bishii Aktoobar, 2023, kolkaas oo Raysalwasaare Abiy Axmed uu shaaciyey “in aanay suuragal ahayn in ay Itoobiya sii ahaato dal bilaa bad ah” gaadhitaanka badda, tab iyo xeeladba, waxa uu ka dhigay qaddiyad udub-dhexaad u ah hadalladiisa arrimaha gudeed khuseeya. Kawdii Jeenaweri ee 2024 waxa uu is-afgarad la saxeexday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, waxaanay labada dhinac isku af garteen aqoonsiga Somaliland iyo in Itoobiya laga kireeyo dhul Berbera u dhow. Soomaaliya waxa ay tallaabadan kaga jawaabtay cadho iyo in uu yahay heshiis aan sax ahayn oo baalmarsan madaxbannaanideeda, safiirkeeda ayaa ay u yeedhay, waxaanay ku gooddiday qaadidda tallaabooyin diblumaasiyadeed iyo qaanuun.

Ka dib muddo ismaandhaafkaasi taagnaa, cadaadiska gobolna Itoobiya la saaray, Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay heshiis ku gaadheen Turkiga bishii Diisambar ee 2024, iyadoo laba dhinacba ballanqaadeen xallinta arrinta la xidhiidha badda ee uu muranku ka dhashay, iyadoo weliba la ilaalinayo midnimada Soomaaliya. Heshiiskani waxa uu si toos ah meesha uga saaray wadahadalkii Somaliland iyo Itoobiya ka yeelan karayeen helidda badda. Bishii Sibtambar ee 2025, Itoobiya waxa ay shaacisay dhammaystirka dhaamka Niilka iyo bilawga shaqadiisa, tan oo ahayd tallaabo cusub oo Itoobiya siisay kalsooni hor leh. Xaaladahan oo jira, gaadhidda Badda Cas waxa uu noqday mashruuca Abiy Axmed ee cusub, waana mashruuc ay Itoobiya dib ugu qaabaynayso kaalinteeda gobolka.

Muqdisho waxa ay kaalin badheedh ah kaga jirtaa furfuridda gudaha Somaliland tan iyo markii Hargeysa iyo Addis Ababa ay kala saxeexdeen Is-Afgaradka bishii koowaad ee 2024, kacdoonkii Booramana waxa ay isku dayday in ka faa’idaysto se ololahaasi waxa uu noqday mid aan guulaysan.

Hirgalin ahaan, damaca Itoobiya waxa uu haystaa saddex khiyaar oo uu bad ku gaadhi karo; Eretariya, Jabbuut ama xeebaha waqooyi-galbeed ee Somaliland (Saylac). Labada khiyaar ee hore waa kuwo hawlo badan ku kacaya, sababtoo ah waxa jira isbahaysiyo caalami ah iyo saldhigyo milatari oo Jabbuuti ku yaalla, la dagaallanka Eretariyana waa mid wata xasaasiyad gaar ah. Hase ahaatee, jidka saddexaad waa mid u muuqda mid labada kaleba ka hawl yar, xilli aanay jirin isbahaysi Somaliland difaaci kara, joogitaanka awoodo caalami ahi aanu jirin, khilaafka qaanuun ee Hargeysa iyo Muqdisho ka dhex jiraana weli taagan yahay.

Arrimahan ayaa uu kusoo beegmay safarkii Madaxweyne Cirro uu ku tagay Addis Ababa bishii Aktoobar, 2025, oo ahaa safarkiisii koowaad ee Itoobiya ka dib doorashada. Waxa si cad u muuqda in is-afgaradkii baddu soo xidhmay ka dib cadaadiska gobolku sameeyey, labada dhinacna isku dayayaan in ay xidhiidhkooda kusoo koobaan wanaajinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi. Isla jeerkan, Madaxweynaha Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ahaa dhinacyadii sida ugu adag uga soo hor jeeday is-afgaradka, waxa uu ka shaqeeyey in uu wanaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay odayaasha Gadabuursi, oo hore dibedda ugu maqnaa se ku soo laabtay Boorama, dhinaca kalena waxa uu xidhiidh xooggan la yeeshay unugyo Ciise ah oo xuduudda ku sugan, isagoo taatikadan u adeegsanaya in uu Abiy Axmed ku cadaadiyo, sidoo kalena sameeyo awood isku xidhan oo ka hortag u noqota tallaabo kasta oo Itoobiya ama Imaaraadku isku dayo in uu ka fuliyo xeebaha Somaliland.

Marka Hargeysa la eego, jilcinta awoodda dawladda ee gobolka Awdal ama gelinta iska hor imaad hubaysan, waxa ay uga dhigantahay in albaabka loo furay tallaabooyin damac badeed ah oo aan dani ugu jirin Somaliland, tallaabadaasi ama ha dhex marto Muqdisho iyo Addis Ababa ama ha ahaato awoodo kale e.

Dhibaatooyinka gobol huraya

Arrimahaas oo dhammi waxa ay ka dhex socdaan Geeska Afrika oo maraya marxalad dib u qaabayn oo kakan. Suudaan waxa ay badhtanka ugu jirtaa dagaal sokeeye laga soo bilaabo 2023-kii, dagaalkan oo warbixinaha caalamiga ahi ku tilmaameen dhibtii ugu weyneyd ee qax iyo barakac dunida, iyadoo dad ka badan 11 milyan ku barakaceen. Badda Cas iyo Gacanka Cadan waxa ay la kulmayaan weerarro soo laabtay laga soo bilaabo dhammaadka sannadkii 2023, weerarradan oo ay Xuutiyuuntu ku hayaan maraakiibta ganacsiga, shirkadaha shixnadaha qaadana ku khasbay dib ugu laabashada jidkii ay mari lahaayeen, iyadoo arrinkani kordhiyey kharashka rarka iyo wakhtiga isku socodka badeecadaha. Soomaaliya waxa sii kala daadanaya nidaamkii fedderaalka, iyada oo Buntilaan iyo Jubbalaan shaqo ahaan uga baxeen maamulkiisa, sidoo kalena ururka al-Shabaab ayaa deegaanno badan gacanta ku dhigaya, oo dawlad jiifta ka hoos dhisaya dawladda rasmiga ah, isagoo ka faa’idaysanaya taagdarrada federaalka iyo ismaandhaafka dhinacyada. Itoobiya lafteeda waxa ku socda loollan cusub, iyadoo ay dib isu bahaysanayaan Asmara iyo TPLF, Jabhadda Amxaaraduna ku soo siqayaan dawladda.

Dhibtan ka aloosan Geeska oo jirta, awoodo goboleed iyo kuwo caalami ah ayaa dib u qaabayn ku samaynaya booskooda; Qaahira waxa ay xoojinaysaa joogitaankeeda diblumaasiyadeed iyo milatari ee Badda Cas, Jabbuutina waxa ay maalgashanaysaa kaalinteeda ah in ay hoy u tahay saldhigyada shan awoodood oo caalami ah, Turkigu waxa uu isbahaysi difaac oo muddo dheer ah la galay Soomaaliya, heshiiskan oo ah toban sanno, isla xilli dhinacyo Turki ahi ka digayaan xaaladda sii wiiqmaysa ee Soomaaliya. Imaaraadkuna waxa uu xoojinayaa joogitaankiisa dekedo dhawr ah, oo ay ka mid tahay Berbera.

Somaliland waxa ay badhtanka ugu jirtaa danahan isla falgashan iyo khariidadda la isku hirdiyayo, waxaana muuqata in xukuumadda Cirro ay ku dedaalayso ka fogaanta in ay si badheedh ah dhinac ugu go’do ama ugu xagliso; dhinac rasmi ah kama aha garabka Masar-Eretariya-Jabbuuti, dhinacna kama aha garabka Itoobiya-Soomaaliya-Turkiga. Hase ahaatee, dhexdhexaadnimadani waa mid surin cidhiidhi ah kusii xidhaysa. Khalad kasta oo gudeed – sida maaraynta dhibta Xeer Ciise – waa mid isku beddelaya fursad dhinacyadani ku soo hirtaan: xukuumadda Muqdisho oo rabta in ay Somaliland u muujiso maamul guuldarraystay, nidaamka Jabbuuti oo adeegsanaya kaadhka Ciise, Itoobiya oo qaab kasta ku raadinaysa jid ay bad u marto, iyo awoodaha caalamiga ah ee xeebaha Soomaalida u arka qayb ka mid ah marinka ganacsi ee caalamiga ah.

Jidadka furan

Maanta Somaliland waxa horyaalla laba jid oo cadcad. Jidka koowaad waa hanashada Awdal iyadoo u maraysa wanaajinta habdhaqanka dawladda, oo aan ku koobsan daminta qaska jira. Waa arrin ka dhigan joogtaynta go’aanka ka saaridda ciidamada milatariga ah ee Boorama, shaqadana lagu koobo booliska nidaamka iyo kaladambaynta ilaalinaya, oo aan hub adeegsan. Sidoo kale furidda dabagal garsoor oo madaxbannaan oo lagu sameeyo dhacdooyinkii dhacay, oo la caddeeyo cidda dhabta ah ee masuuliyadaha leh, heer amar iyo heer fulinba.

Tallaabooyinka amni iyo garsoorba ka sokow, jidkani waxa uu u baahanyahay tallaabo haayadeed iyo dastuur oo qotodheer. Inta badan tabashada Awdal waa mid la xidhiidha metelaadda gobolka ee Golaha Guurtida, Wakiillada iyo xukuumadda, iyadoo aanay jirin halbeegyo cadcad oo beeluhu ku qaybsadaan xilalka. Halkan ayaa ay ka muuqataa baahida loo qabo dib ugu laabashada qaababka metelaadda iyo samaynta habraac wadaag oo joogto ah oo lagu qanciyo gobollada darafyada – Awdal, Sool iyo Sanaag – oo ay ku jiraan ka qaybgalka madaxtinimada iyo golayaasha. Xitaa waxa baahi loo qabi karaa dib ugu baaqidda Shir Boorama 2 ah, si dib loogu cusboonaysiiyo heshiiska bulsho, oo ku munaasib ah wixii ka dambeeyey Is-afgaradkii Itoobiya iyo loollanada goboleed ee la xidhiidha marinnada badda. Haddii aan dib uqaabayntan la samayn, heshiis kasta oo siyaasadeed waxa uu noqon doonaa mid kumeelgaadh ah, oo marka hawli soo baxdaba kala data.

Jidkan dib u habaynta ahi waxa kale oo uu u baahanyahay in faylka Xeer Ciise dib loogu furo Awdal gudaheeda, iyadoo loo marayo la tashiga odayaasha Gadabuursi iyo Ciise iyo hormuudka kale, si dabbaaldagyada dambe u noqdaan kuwo khilaafka lagu xalliyo, halkii ay sii qotodheerayn lahaayeen. Waxa kale oo habboon joojinta hadallada xanafta leh iyo isku tuhmidda la shaqaynta dhinacyo shisheeye. Jidkani kuma koobna in uu xukuumadda Cirro ka badbaadiyo dhaliisha, ee waa dib u qaabaynta Somaliland awood u yeelata dib isu qeexid, ka hor intaan dabinnada dibedda loo maleegin amaba aan looga faa’idaysan awood darro taagan.

Jidka labaad waa qaadidda jidka gacan ka hadalka iyo xadgudubka; sii joogtaynta dafiraadda masuuliyadda iyo in Awdal lagu hayo khaanadda arrimaha nabadgalyada, ololaha baraha bulshadana loo oggolaado ka faa’idaysigiisa. Xaaladdani haddii ay dhacdo, ololaha “Maamul-goboleedka Awdal” waxa uu isu beddeli doonaa mashruuc siyaasadeed hubaysan, waxaana soo laalaaban iskudhacyada Ciise iyo Gadabuursi, oo saamayn ku yeelan doona xuduudaha labada beelood ee ilaa Itoobiya, oo kicin doona xisaabaha Jabbuuti iyo Itoobiya.

Ugu dambayn, in qalalaasaha Boorama lagu damiyo caddaalad iyo wadahadal dhab ahi ma aha ka badbadin siyaasadeed, ee waa shardi aasaasi u ah sii joogidda degganaanshaha dal ah ka u dambeeya wax deggan Geeska Afrika. Khaladku kolkan Boorama oo keliya ma galaafanayo, ee waa mid saamaynaya Somaliland oo dhan iyo xitaa gorgortanka goboleed ee Badda Cas la xidhiidha.