Aadamuhu waa noole bulsheed oo aan kala maarmin. Bini’aadamku ma aha jire/noole ka go’an dunida uu ku dhex nool yahay. Waxa uu ku dhex samaysmaa qoys, waxa uu ku barbaaraa dhaqan, waxa uu bartaa af, waxa uu la kulmaa oo la falgalaa diin, caadooyin, xeerar iyo aragtiyo bulsheed oo kala jaad ah. Dhammaan arrimahaasina waxa ay si toos iyo si dedbanba uga qayb qaataan korriinkiisa iyo samaysanka hab-dhaqankiisa bulsheed. Sidaas darteed, qofku mar walba waxa uu la nool yahay xidhiidh ka dhexeeya naftiisa iyo dadka kale ama bulshada. Xidhiidhkaas ma aha dhibaato, balse waxa uu dhibaato noqon karaa kolka qofnimadiisu lunto illaa heer qofku awoodi waayo in uu kala saaro waxa isaga ka soo fulaya iyo waxa bulshada ka soo baxaya.
Dhaank-raac waa qof go'aankiisa, qiimayntiisa iyo fahamka qofnimadiisa si xad-dhaaf ah ugu xidha wax dadka kale sameeyeen, aamineen ama qiimeeyeen, isaga oo aan samayn qiimayn shakhsi ah oo ka madax-bannaan. Hase yeeshe, eraygan loogama jeedo in uu tilmaamayo ku dayashada dhammaanteed, waayo, ku dayashadu waa qayb dabiici ah oo ka mid ah barbaarnimada iyo tadawurka bini’aadannimo.
Ilmuhu waxa uu ku daydaa waalidkiisa, ardayguna waxa uu ku daydaa macallinkiisa, qofka khibrad ahaan yarina waxa uu qaadan karaa ama ka korodhsan karaa qofka isaga ka aqoon ama waayo-aragnimo badan. Sidaas darteed, ku dayashada lafteedu ma aha wax taban. Haddaba, marka la joogo dhaan-raacnimada waxa ay si gaar ah u danaynaysaa waa xaaladda uu qofku gaadho heer uu jecel yahay in uu la mid noqdo dadka kale, doonana waxa ay doonayaan, kuna qiimeeyo naftiisa isagoo ku salaynaya heerka uu ugu eeg yahay ama kala midka yahay.
Saddexna aynu isla fahanno:
Ka barasho: Waa waxa uu qofku dadka kale ka barto, balse uu ku ladho qiimayntiisa.
Ku dayasho caafimaad qabta: Waa waxa qofku dadka kaga daydo, balse dheef adduunyo ama mid aakhiro leh, sida sadaqada iyo wax-barashada.
Dhaan-raacnimo: Waa marka qofku lumiyo awooddii uu wax ku qiimayn lahaa, dabeed uu si indho la’aan ah ku raaco dadka ama bulshada.
Dhaan-raacu ma aha qof si fudud wax uga bartay dadka kale, balse waa qof ay isaga khaldan tahay waxa uu dadka ka bartay iyo qofka uu yahay. Qofka noocan ahi waxa uu si joogto ah u eegaa jabaq-noqodka kaga imaanaya dibadda si uu uga dhex helo jawaab uu ku farxo ama uu ka naxo.
Halkii uu isweydiin lahaa waxa uu aaminsan yahay, waxa uu eegaa waxa ay dadka kale ka aaminsan yihiin, waxa uu eegaa waxa bulshadu u aqoonsan tahay guul. Sidaas awgeed, dhibaatada dhaan-raacu ma aha oo kaliya waxa qofku sameeyey in uu sameeyo, balse waa sababta uu u sameeyey.
Waxa jirta fikrad falsafadeed oo la xidhiidha dooddan oo lagu magacaabo: “Authenticity” (is waafajinta waxa gudahaaga ka guuxaya iyo waxa aad dibadda ka muujiso), fikraddani oo ku salaysan in qofku qaato lahaanshaha doorashooyinkiisa iyo aqoonsigiisa, isla markaana ku noolaado nolol uu leeyahay, garanayana xorriyaddiisa iyo masuuliyadda ka dhalan karta xorriyaddaas, halkii uu masuuliyadda noloshiisa ku salayn lahaa caadooyinka bulshada, xeerarka guud ama waxa uu filayo inay saamayn dibadda ah ku yeelanayaan.
Taasi waa cagsiga ama kasoo horjeedka mawduuceenan, balse haddii aynu dib ugu noqonno mawduceenna ah: “In-authenticity” (in qofku lumiyo asalkiisa, uuna nolosha u jilo si uu dadka u raaligeliyo ama uu isugu ekaysiiyo. Waa nooc iska yeel-yeelnimo in qofku noqdo; dhaan-raac, iska daba-socde wax kasta oo dadku usoo bandhigaan).
Waa aragti ku saabsan dabeecadda qofka ee ku dhisan ku dayasho qofeed/bulsheed oo xad-dhaaf ah, taas oo qofka xurmadiisa iyo madax-bannaanidiisa lumin karta, ku darsoo waxa ay u gudbi kartaa fikirka iyo awooddii uu ku dhisan lahaa shakhsiyad u gaar ah. Qofku waxa uu dadka kale ka qaadan karaa fikrad, caado, qaab, hab-dhaqan, aqoon, ama se xitaa himilo. Hase yeeshee, waxa go’aamiya arrintaas waa ku dayasho caafimaad qabta ama heer qofku uu awood u leeyahay in uu qiimeeyo waxa uu qaadanayo.
Qof madax-bannaan, marka uu arko waxa ay dadka kale samaynayaan ama sameeyeen waa uu darsaa kuna qiimeeyaa naftiisa in ay anfacayso iyo in kale. Haddii ay waafaqsan tahay qiyamkiisa iyo dhab ahaan waxa uu aaminsan yahay waa uu ku raacaa si caafimaad qabta, balse uma raaco si indho la’aan ah. Sidaas darteed, xitaa haddii uu sameeyo ugu dambeyn waxa dadka kale sameeyeen, ficilkiisu waxa uu noqonayaa mid u gaar ah iyo hab gebi ahaanba ka duwan sidii loo sameeyey. Sababtoo ah waxa uu raaciyey doorasho miyir leh.
Laakiin se dhinaca kale, dhaan-raacu, waxa uu ficilka ka bilaabaa dadka kale. Haddii ay dadka kale sidaas sameeyaan, waxa uu u qaadanayaa in ay tahay habkii ugu mudnaa ee loo samayn lahaa, haddii ay dadku wax jecel yihiin, waxa uu u qaataa in ay tahay in la jeclaado, haddii cid bulshada dhexdeeda lagu ammaano, waxa uu u arkaa in isaguna u baahan yahay in la ammaano. Sidaa awgeed, laba qof waa ay samayn karaan isla hal ficil, balse waxa ay ku kala duwan yihiin waa go’aanka.
Qofka koowaad, waxa uu leeyahay doorasho, qofka labaadna waxa uu leeyahay raacid. Midi waxa uu odhanayaa waxa aan arkay waxa ay dadka kale sameeyeen, waa aan qiimeeyey, dabadeed waxa aan u doortay in aan anigu u arko in ay sax tahay. Halka, midka kale leeyahay, haddii dadka kale sidaas sameeyeen, aniguna waa in aan sidaas sameeyaa. Farqiga u dhexeeya labadaas qolo waa wax yar marka dhinaca ficilka laga eego, laakiin marka dhinaca falsafadda laga eego waa farqi weyn. Sababtoo ah mid waxa uu ku dhisan yahay miyir iyo doorasho, halka kan kale ku dhisan yahay ku-raac iyo ku-tiirsanaan.
Sidaas darteed, dhaan-raacu ma aha waxa qofku sameeyo oo kaliya; waa sababta uu u sameeyo waxa uu samaynayo. Qofka shaqada dadka kale xiiseeyaa ma aha raacoo, qofka fikrad ay dad badan qabaan aaminsanna ma aha dhaan-raac. Haddaba su’aashu waxa ay tahay: “Yaa ah dhaan-raaca la sheegayo?” ama se “Yaan ahayn dhaan-raac?!”
Mid ka mid ah su’aalaha ugu faca-weyn ee falsafadda qofnimada waa su’aasha ah: “Yaan ahay?” Inkasta oo su’aashu u muuqato mid sahlan, ma aha mid lagu degdegi karo ka jawaabisteeda. Waa su’aal ka mid ah kuwa ugu xeesha dheer ee falsafaddu weligeed la tacaalaysay ama ka doodaysay. Haddii lagu fasiri lahaa magaca qofka, ma aha mid qeexaysa qofka qofnimadiisa oo dhan; sidoo kale shaqaduna ma aha mid qeexaysa qofka himiladiisa oo dhan, hantida, muuqaalka jidheed, qoyska ama sumcadiisu iyagna ma aha kuwa ku qeexi kara qeexid dhammaystirta qofka shakhsinimadiisa oo dhan.
Shakhsiyaddu waxa ay ka kooban tahay: isku-darka fikir, qiyam, rabitaan, go’aan, waayo-aragnimo iyo faham uu qofku ka haysto naftiisa iyo dunida uu ku nool yahay. Hase yeeshee, marka qofku uu si joogto ah ugu tiirsanaado wax kasta oo dibadda uga yimaadda isaga oo aan qofku ku samayn qiimayn gudaha ah, waa u gogol-xaadhka marka uu bilaabmayo waxa loo yaqaan: “Luminta shakhsiyadda.”
Qofku marka uu xaaladdan gaadho waxa uu bilaabaa in uu isweydiiyo waxa ay dadka kale ka filayaan, halkii uu isweydiin lahaa waxa uu isagu aaminsan yahay. Waxa uu bilaabaa in uu yidhaahdo dadku waxa ay rabaan inaan noqdo sidan, halka uu odhan lahaa anigu waxa aan doonayaa inaan noqdo sidan.
Farqiga u dhexeeya labadan qof ayaa ah: in midi noloshiisa leeyahay, halka kan kalena noloshiisa loo yagleelo.
Innagoo ka duulayna Authenticity, waxa aynu ku xidhi qofka si uu ugu noolaado si waafaqsan naftiisa iyo qiyamkiisa, halkii uu si buuxda ugu tiirsanaan lahaa bulshada ama uu noqon lahaa dhan-kaste-raac, sida: caadooyinka, xidhiidhada dadka iyo filashada bulshada. Marka fikraddan lagu dabaqo falsafadda dhaan-raacnimada, waxa soo baxaya qodob aad muhiim u ah: dhibaatada ugu weyn ma aha in qofku dadka kale la mid noqdo, balse waa in uu ku talax-tago sidii uu u noqon lahaa shakhsiyadda uu u maleeyo in ay ka saxan tahay ee ay bulshadu u badan tahay ama sidoo kale bulshadu doonayso.
Haddii qofku uu muddo dheer dadka kale u isticmaalo muraayadda uu iska dhex arko, waxa dhici doonta mar uu is-waayi doono. Sababtoo ah dadkuba mar walba ma joogayaan halkay markii hore joogeen, sababo la xidhiidha danta, duruufta iyo waayaha oo mar walba isbedbedalaya. Sidoo kale, haddii uu qofku mar walba naftiisa ku cabbiro isaga oo ag-dhigaya qofka ugu guulaha badan, ugu quruxda badan, ugu caansan, ugu hantida badan ama qof uu gaadh is-leeyahay, waxa qofkaas ka hoostay in noloshiisa aan loogu talogelin in uu noqdo nuqul qof kale! Haddii uu gaadhana, waxa laga yaabaa in uu noqdo qof ka duwan qofka uu isku dayayo in uu la mid noqdo, oo leh karti, rabitaan, duruufo iyo jid nololeed oo u gaar ah.
Halkaasna waxa kasoo baxaysa khatar aan si fudud loo dhaadin, qofku in uu noqon karo qofkii uu doonayay in uu noqdo, laakiin se gudaha ka madhan kana gubanaya oo garan-la’ waxa uu yahay!
Qofku waa uu yeelan karaa magac, mansab, sumcad iyo wax kasta oo uu kaga dayanayay qofka uu doonayay in uu noqdo, balse haddii la weydiiyo: “Kuma ayaad tahay?” Maxaa uu ku jawaabi?! Ma waxa uu odhan cidda aan ku dayanayay ayaan ahay, mise cid kale?
Su’aashu kama hadlayso daciifnimadii jidhka iyo cududda qofka in uu wax iska dhicin karo iyo in kale. Haddaba, haddii si taxaddar leh loo fahmo su’aasha, waa in aynu isla eegno meelaha ay geli karto daciifnimada dhaan-raacnimadu. Marka hore, shaki iyo muran-ma-doonto weeyi in uu yahay daciif, balse waxa sii daba taal su’aal kale oo leh: “Halkee iska soo gaadhaan dhaan-raacnimada iyo daciifnimadu?” Qof aad u aqoon badan ayaa noqon kara dhaan-raac, qof dhaqaale badan haysta ayaa isna noqon kara, xitaa qof bulshada dhexdeeda jago-sare iyo sumcad weyn ku leh ayaa laga yaabaa in uu noqdo dhaan-raac. Sababtu waxa ay tahay in dhaan-raacnimadu aysan cabbirayn heerka qofka, balse ay cabbirayso heerka madax-bannaanida gudaha.
Qof ayaa noqon kara bare jaamaceed, laakiin haddii go’aannadiisa aqooneed uu mar walba ku saleeyo waxa ay aqoonyahannada kale ka sheegaan isaga oo aan ku samayn qiimayn u gaar ah, waxa halkaas kasoo baxaysa in uu weli ku jiro xayndaabka dhaan-raacnimo. Sababtoo ah iyaga ayuu ku raacay waxa ay ka sheegayeen.
Sidoo kale, qof ayaa noqon kara xubin-hoggaamineed, laakiin haddii go’aannadiisu mar walba ku xidhnaadaan dadka hareertiisa jooga ama ay wax dhegta ugu sheegayaan meel il-yartu is-qabatay, isna weli waxa uu ku jiraa seerahaas. Sabab la xidhiidha in uu yeelan waayey go’aan uu ku joojiyo waxan dhacaya.
Midda ugu muhiimadda badan marka la jooga ama laga faalloonayo dhaan-raaca; waa baraha bulshada. Teknoolajiyadda casriga ahi, waxa ay dadkii isugu keentay hal-salli. Taasi oo saamaxday in ay sii kordhaan dadyowgan uu mawduucu ka hadlayo, mid iska bilaa-camal ah oo wax uu qabto garan la’, ayaa waxa uu daawanayaa qof soo duubay meelo quruxsan oo Carro-eddeg ka mid ah. Isma weydiinayo halkee ka bilowdaaye, isla subaxa ku xigaba waxa uu qaadanayaa moobilkiisa ama waxa uu doonanayaa kaamirad uu taagteeda hayn, kolka uu soo duubo meelo badan, waxa uu soo gelinayaa bar-akoon uu yagleelay dhawaan. Marka xisaabtu sida uu isugu geystay noqon weydo, waxa uu bilaabayaa in uu calaacalo oo wahan iyo wareerna ku furmo. Waa nooc dhaan-raacnimada ka mid ah.
Mid kale ayaa arkaya maqaal leh mug iyo miisaan iyo micno uu ka duulayo, qoraal kaas oo leh cid uu ka socdo, cid uu ku socdo iyo sabab loo qorey oo keentay in la qoroba. Isma weydiinayo halkee ka bilaabaa’e, isla maalinka ku xiga ayaa uu qorayaa qoraal aan lahayn aragti, ujeeddo, hadaf, nuxur, cid loo qorey iyo micno ku dhex duugan. Waxba ku tiigaali mayno’e qofkan, waa iska Alle u sahal! Waa halka ay gaadhsiiso.
Waxa jira qolo kasii liita kuwan, qolo noloshooda barbardhiga dadka kale, sida: guryaha ay ku nool yihiin, shaqooyinka ay hayaan, waxa ay awoodaan baahiyaha aasaasiga ah. Dhibtu ma aha in qofku dadka kale arko. Dhibtu se waa in qofku wax kasta oo uu arko isu qiyaaso, doontana xadhiga dawaarka—dabeedna tosho dhar inay u xidhmi Alle og yahay!
Sidaas darteed, noloshan la khalad fahmay ee qof kasta sheellaraha/leebarka hayo meel aan ku habboonayn naftiisa iyo qiyamkiisa waa mid laga qurux badan yahay amase laga roon yahay in lagu sii taagnaado, weliba iyada oo qofku uu sii idho-cad-yahay, leeyahay waa meel aan ka gun-gaadhi karo’e iddaaya! Waxa habboon qof kasta in uu ogaado waxa uu ku fiican yahay, ka dhabayn karo, yoolkeeda xaqiijin karo, dadkuna odhan hadhow waa qofkii ugu horreeyey—hambalyo.
Si kastaba ha ahaatee, falsafadda dhaan-raacnimadu inkasta oo ay mudnayd in laga qoro maqaallo dhaadheer iyo wax noqon kara buug, haddana intan ayaynu iskaga koobi. Dadka jecel in ay yeeshaan dadka kale dabeecaddooda, qaab-hadalkooda, qaab-fadhigooda iyo xitaa qaab-socodkoodaba, waxa jira dad jila sida dadka ay ku dayanayaan u socdaan, ha wanaagsanaado ama ha xumaado qofka ay ku dayanayaan. Qaar ka mid ah dadka jecel in ay dadka ku daydaan, waxa ay si joogto ah ugu faanaan in ay yihiin kuwo la jaan-qaadaya bulshada. Iyada oo laga yaabo in qofkan faanaya uu si tartiib-tartiib ah maalinba maalinka kasii dambeeya ay sii shiiqayso shakhsinimadiisii. Waxa mararka qaar jira in qof ku faano wax aanu isagu aasaaskeeda lahayn amase bud-dhigin.
Haddaba, haddii uu qofku noloshiisa oo dhan ka dhigo mashruuc uu ku doonayo in uu noqdo “sida dadka kale,” ugu dambeyn waa laga yaabaa in uu noqdo wax walba oo uu arkay, marka laga reebo waxa nafsadiisu rabtay oo uusan garan!
Ugu dambeyn, ma aha in qofku dadka oo dhan ka go’o, caado kasta diido ama wax kasta oo bulshadu samayso kasoo horjeesto. Taas, waxa lagu tilmaami karaa madax-adayg ee ma aha madax-bannaani. Taladu waxa ay tahay, in qofku barto farqiga u dhexeeya ku-dayasho iyo ka-barasho, ku-raacid iyo ka-doorasho. Qofku ha dhagaysto dadka kale, wax haka barto, wax haka qaato, laakiin ugu dambeyn ha yeesho shaandho uu wax ku kala hufi karo. Oo ha yidhaahdo, tan waxa aan u doortay waan fahmay, qiimeeyey, waana aaminsanahay. Midna ogsoonow, halka dhaan-raacnimadu ku idlaato, waa barta ay ka bilaabmayso qofnimada dhabta ah ee madaxa-bannaan.