Tuesday 15 September 2026
Haddii Ameerikaanku haystaan Steve Wonder, Shiinayskuna Cui Jian, Iraaniyiintuna Mahdi Yarrahi, Nayjeeriyiintuna Fela Kuti, waxaa iswaydiin leh; yaa Soomaalida ugu jira booskaas? Waa kee hoobalka ka gudbay xayndaabka madadaalinta ee fankiisa u tallaabshay naqdinta iyo toosinta bulshadiisa? Waa kuma fannaanka ereyadiisu taabanayaan boogaha laga laliyo isha iyo utumaha bulsho ee lamataabtaanka ah? Tolow Soomaalidu ma leedahay fannaan jaadkaas ah? Warcelinta waydiimahaas kore, ayaynu sadarrada soo socda kaga bogan doonnaa ee akhris wacan.
Maadaama aynu sadarrada soo socda fan ku falanqayn doonno, aan ku furfurto qoraalkayga, kalmad uu Suugaanyahan Ibraahim-Hawd Yuusuf Axmed ka yiri fanka, si aan u godliyo garashadaada fanka. “Fanka iyo suugaantu waa dun xariir ah oo isu haysa bulshada, mar kale qofka iyo nolosha, mar saddexaadna qofka iyo naftiisa. Waa waxa ku dareensiiya in ay noloshu tahay adiga, adiguna aad tahay nolosha!”
Sida uu Hawd xusay, Fanku, ma aha madadaalo iyo isxodxodasho kaliya, balse, waa albaabka laga galo bulshooyinka iyo mid ka mid ah qasriyada laga hago ummadaha. Fanka Soomaalida oo sidiisa u koobani waxa uu inta badan awoodda saaraa jacaylka iyo madadaalada, iyo haddii laga badin waayo xoogaa isjiidjiid ah oo ku kooban xayndaabka siyaasadda.
Iyada oo ay si guud inoogu yaryihiin jaadadka kala duwan ee fanku u qaybsamo, haddana inta yar ee aan haynaa kama gudubto xayndaabkaas! Sida ay u indha la'dahay uma Alla la'a e, waxaa jirta Hoobalad doorkaas qaadatay; intii aan waydiimaha kore warcelintooda raadinayayna aan aad u dhexgalay fankeeda. Waa hoobalad ilaa heer aad ka dhadhansanayso fankeeda kaalintii indheergaradka faneed, ay ahayd in uu ka qaato bulsho sida Soomaalida u dayacan.
Deeqo Afro, waa mid ka mid ah fannaaniintii la kacaamay dawlad la'aanta iyo burburkii Soomaalida, waxa ay ku tirsantahay fannaaniinta fanka dhexe, oo ah buundada isku xirta fankii hore ee Soomaalida iyo fanka cusub ee maanta calanwallaynaya. Sida jiilkeedu u badan yahay, ma ay helin taageero dawladeed ama bulsho oo fankeeda garabjoogtay, taas baddalkeeda waxa uu fankeedu ahaa welina yahay, mid garabrarato ah oo ku tiirsan dadaal shakhsi ah iyo halgan qofeed.
Sida raceedu u badan yahay, fankeedu ma qaadin dhabbaha madadaalinta iyo hasaawinta bulshada, taas baddalkeeda, waxa uu fankeedu u leexaday toosinta iyo naqdinta bulshadeeda oo ah surin halis leh. Marka laga yimaado in ay Deeqo tahay fannaannadda keli ah ee fankeedu sidaas awoodda u saaray metelaadda bulsho iyo dib-u-dhiska ummadeed, haddana waxa ay dheertahay fannaaniinta dhiggeeda ah, in ay tahay abwaanad curisa suugaan baarka sare ah iyo laxamaysato falkisa codad heersare ah—oo sida aynu arki doonno iyada ayaa falkisay ereyada iyo laxammada qaar ka mid ah heeseheeda kuwa ugu cuddoon.
Si aysan dooddaydu u noqon sheegasho iyo libin aan la jeclaaday fannaanadda, bal aan dhexgalno suugaanta Afro iyo sida ay u dooxayso una dhayayso boogaha bulsho. Hor iyo horraanse, inta aynaan u gelin suugaanteeda, aynu si wadajir ah uga jawaabno laba waydiimood oo soo dhawayn kara fahamka mawduuca.
Tan koowaad waxa ay ina waydiinaysaa, aslanba, maxay yihiin boogaha bulsho ee Soomaalidu leedahay, kuwaas oo ay tahay in codka indheergaradka lagu saxo? Iyo maxay tahay kaalinta indheergaradka bulsho Soomaalida oo kale ah, ay tahay in uu qaato? Haddii aan tan koowaad ku hormarno, waa doorka far ku fiiqidda goddaloolooyinka bulsho ama u ol'olaynta helidda nidaam dawladnimo oo ay la'aantiisu tahay meesha ay salka saaraan dhibaatooyinka Soomaalida iyo toosinta horweynka bulshada sida Duubabka, Wadaaddada, Madaxda, iwm, oo ah dadka qaata go'aammada dib-u-dhaca iyo burburka.
Kaalinta indheergaradku waa noqoshada gaarhaye si isku mid ah gaar uga haya qallooca bulshadiisa iyo qaladka kaga imanaya bannaanka. Si kale haddii aan u niraahno, waa gaylame si isku mid ah uga dhiidhiya falfalxumada bulshadiisa ka dhex jirta iyo tan bannaanka kaga imanaysa. Indheergaradku, ma jiraan wax kale oo uu tixgaliyaa oo aan ka ahayn xaq iyo runta, mana dabraan xayndaabyada bulsho ee lagama gudbaanka ahi.
Intaas haddii aan isla fahannay, aan u galno badda suugaanta Deeqo oo aan inoo soo qabto heesta koowaad ee aynu wada eegi doonno. Waa heesta la yiraahdo “Maxaa inoo dan ah?” Ereyada waxaa leh Abwaanka inta badan heesaha Deeqo, ee aanay iyadu samayn, sameeyay, waa Cabdirixmaan Bulqaas e. Laxankuna waa Deeqa. Waxa ay hoobaladdu iyada oo bulshadeeda aan khasbayn, se, isku dayaysa in ay maankooda cariso waydiinaysaa war horta maxaa inoo dan ah, maaddaama aadanaha lagu tilmaamo danayste halka ay maalinkaas ugu raynayso aada. Waxayna leedahay:
- Ummadyahay murtida maqal
- Hadalkiyo macnaha fahan
- Waa marag ma doontoo
- Talaa inoo muhiimee
- Horta maxaa inoo dana?
Marka ay Afro godasho maanka dhagaystaha, ee uu soo jeestana, waxa ay tartiib ugu dhiibaysaa baaqeedii indheergaradnimo oo tibaaxaya war dawladnimadu waa lagama maarmaan e, aynu dawladnimo baadigoobno si aan u dadawno oo uga baxno bahalnimada iyo isqalashada aan ku jirno. Intaas ugama haraysee si ay u soo dhawayso fahamka dhagaystaha, waxa ay adeegsanaysaa ekeeye muujinaya caydi xoolaad oo dugaag manaxe ahi meel cidla ah ka helay, waxa ayna leedahay: dhagayste, shacab aan dawlad iyo xeerar dawladnimo oo ilaaliya lahayni sida maqashaasi u dagantahay ee aysan xoog ay uga carartana haysan, xayndaab ka celiyana u lahayn ayay u daganyihiin.
- Maamul dawladeediyo
- Meelaan sharciba jirin
- Masaalkeedu waa sida
- Maqal meel cidlaa fiid
- Bahal uu ku mayracay.
Markii ay intaas u dhaabbadayso dhagaystahana, waxa ay hoos u sii galaysaa naqdinta dhaqanka qabiilnimada, oo ah tiir weyn oo ka mid ah taakooyinka dawladnimo ee Soomaalida. Waxa ay gaashaanka u daruuraysaa sunnaha siyaasadeed ee oranaya, “Cadkanaw ku cunay(= Reerkayagu ku hel) ama ku ciideeyay”. Waxay cod dheer ku sheegaysaa in dawladnimada la aammino oo reernimada la xooro. Waxayna leedahay:
- Mar hadduu qabiilkaa
- Masuul aysan ku lahayn
- Maamulkii markaa jira
- Muranka iyo qaylada
- Meel laguma gaaree
- Mar tanaasul oo gudub
- Dawladdana madaxa iyo
- Minjimaha u sii daa
- Meel dheer ha gaartee.
Haddii ay nagala soo hadashay Dawladnimo iyo dhaqankeed, waatan Afro oo markanna dib u hagaajinaysa unugga aasaasiga ah ee bulshada, waa qoyska e, islamarkaana heesteeda “Xor baan ahay” ku dillaacinaysa mid ka mid ah boogaha bulsho, ee qaybta ka ah dadnimatirankeenna. Heestan ereyada iyo laxankaba waxaa leh Cabdirisaaq Bulqaas oo sidii aan soo sheegnay ah ceelka laga soo dhuro heesaha ashqaraarka leh ee Deeqo. Heestan, waxay Deeqo dib-u-dhis aasaasi ah ku samaynaysaa adduun-aragga ninka ee ku aaddan guurka, oo ah mid u eg nidaamka duqoobay ee gumaysiga iyo islahaanshaha, waxayna leedahay:
- Islahaansho ma oggoli
- Aadami xoraan ahay
- Shalaan adiga kuu imide
- Hortaa adiga waan jiray
- Haddii aan isguursannay
- Macneheedu ma ahayn
- Inaad ani i leedahay
- Ama aad ii iibsatay.
Mar kale waxay isla heestaas ku burburinaysaa fannaanaddu, iyada oo ku hadlaysa codka la aammusiyay ee gabadha; in waydiimaha bacda miiran ah iyo xakamaynta waallida ah ee ninka Soomaaliga ahi qoorta ku sitaa yihiin wax ay tahay in daaqadda laga tuuro oo aan laga jeclayn dhanka gabadha, ayna tahay in reerka lagu dhiso ixtiraam, isfahan, iyo dulqaad. Waxa ay cod dheer ku sheegaysaa in iskufiirsiga, amarsiinta iyo xukunaskareedka ha soo jeesanta ku dhisani, uu yahay halka ay u dhimatay iyo dhaqan aan shuqul ku lahayn qoysnimada, waxayna leedahay:
- Adduunkaan u necebahay
- Su'aal aakhiraadyada
- Xaggee aadday maantiyo
- Yaa adi ku soo wacay?
- Amarsiintu waa ceeb
- Islawaynidaa daran
- Haddii la isu fiirsado
- Ixtiraamku waa lumi.
Indheergaradku ma aha qof jiilkiisa ku kooban ee waa qof si joogta ah ula socda isbaddallada iyo arrimaha ku soo kordha bulshadiisa—shar iyo khayrba—si aysan u dayacmin hawshiisa gaarhayemimo. Afro oo waajibaadkaas gudanaysaana waa tan mar kale dib-u-dhis ku samaynaysa aragtida qalloocda ee bulshadeedu ka qaadatay baraha bulshada oo dadkeeda dhawaangal ku ah. Deeqo waxa ay heesteeda “Social Media” ku dadaalaysaa in ay codbaahiyeheeda si indheergaradnimo leh ugu toosiso dala bulsho oo ku timid isticmaalka aaladahaas. Waa cajaa'ibta Deeqo e, heestan ereyada, laxanka iyo codkaba iyadaa leh. Waxayna leedahay:
- Sooshiyaal miidyuhu
- War hooy sidaa maaha
- Qarankana sumee maaha
- Kala sooc dadkana maaha
- Madaxdii la soo doorto
- Eedayn u saar maaha
- War hooy sidaa maaha
Deeqo oo farriinteeda sii wadata, waatan markale naqdinaysa dhaqanka raacatanimada ee “Madaxaa furanta” ah oo Soomaalidu baraha bulshada la gashay. Waatan iyada oo cod dheer kaga digaysa dhaqanka yar iyo weyn caadiga inala noqday ee 'komenti ka cayga', oo aad mooddid in aynaanba u haysan komentiga hadal la mid ah kan aad qofka isaga oo ku hortaagan ku tiri ama aad farriin ahaanta ugu dirtay. Waxa ayna leedahay:
- Sidaad doontid yeel maaha
- Fannaaniinta cay maaha
- Heesohooda soo qaado
- Si xun wax uga sheeg maaha
- Dumarkeenna Soomaaliyeed
- Ceebtooda soo raadi
- Sawiradiyo fiidyowga
- Ruux kale ka soo qaado
- Komantiga ku cay maaha
Wariye ku dhex noqoshada bulsho wada wariye ah dhaqan ahaan sida Soomaalida, misna heshay baraha bulshada oo ah meel si fudud wax walba loogu gudbin karo, ma aha hawl sahlan, waana mid ka mid ah duruufaha ay la noolyihiin wariyayaasha Soomaalidu. Deeqo oo la dareen ah wariyayaashaas, gudanaysana waajibkeeda indheergaradnimo waxa ay isla heestaas ku dhex leedahay:
- Wariyaha socdaalkaaye
- Shacabkiisu sugayaane
- Si uu warar u gaarsiiyo
- Qoraallada u soo saaro
- Sii kala fasiro maaha
- Xumaantana u saar maaha
- War hooy sidaa maaha
Gabagabada heestan waxay Deeqo dillaacinaysaa boogta ugu weyn ee marka isticmaal xumada baraha bulshada la soo qaado ay hubaal tahay in qof kasta oo Soomaali ah maankiisa ku soo dhacdo, gaar ahaan bilowgii faafidda baraha bulshada ee Soomaalida; waa ku tuugsi dadka jirran muuqaalladooda oo aad shaacsane uga dhex noqday baraha bulshada xilligaas. Deeqo oo dhaqankaas fooshaxun naqdinaysana waxay leedahay:
- Ruux bukoo sariir saaran
- Sawirkiisa soo qaado
- Dadka sadaqo ka aruuri
- Hadhawtana ha siin maaha
Bulshooyinka ma jecla indheergaradka iyo cidda sifooyinkiisa lagu arkaba—oo lama hayo indheergarad aan bulshadiisu colaadin, haddiiba aanay nafta dhaafin. Sababtu waa mid la iska garan karo; oo bulshooyinka ma jecla keenadiidka runta u sheega, ee ka burburiya khuraafaadka ay dhoodhoobtaan, islamarkaana laadka ku dhufta xayndaabyada lagu dabro maanka qofka ee agtooda lamataabtaanka ka ah. Afro oo sunnahaas maraysana waxay la kulantay caqabadahaas ilaa heer ay gaartay in laba sano oo xiriir ah loogu hanjabo dil—sida ay ku sheegtay Waraysi ay siisay Wariye Dalmar—kaas oo ay ku sababsatay toosinteeda iyo dadaalkeeda dib-u-dhiska bulsho.
Haddii aan soo aragnay Deeqo oo inaga toosinaysa dhaqanka dawladnimada iyo kii qoyska, waatan mar kale heeskeeda “Qabyo” oo ay ereyada, laxanka iyo codkaba iyadu leedahay, waxay ay inagu baraysa cashar kale oo bulsha ahaan muhiim inoo ah; waa toosinta adduun-aragga qofeed. Bulshada Soomaalida waxaa shaacsane ka dhex ah in qofka lagu arko in uu yahay qof is ah, oo aan u raxlayn bulshada, raacinna dhanka jamaahiirtu u qulqulayso lagu shaabbadeeyo sifada islawaynida oo ah astaan aan fiicnayn oo xumaan ka marag kacda marka lagu joogo adduun-aragga bulshada. Deeqo oo inaga wacyigalinaysa arrinkaasna waxay leedahay:
- Wixii qalbigaygu diido
- Damiirkuna qaadan waayo
- Haddii aan go'aan ka qaato
- Qab iyo Islawayni maaha
- Waxaan ani ii qalmaynin
- Waxaan isu quuri waayo
- Haddaan qunyar uga dhaqaaqo
- Xumaan qaar baa u qaadan
Inkasta oo Soomaalidu ahayd duul munaafaqaddu ku yartahay oo qofka runta u sheega xataa hadday kharaartahay iyaga oo ka dab qaadanaya maahmaahda guunka ah ee “Nin ragi runtu kama nixiso,” haddana, waxaa gadaal ka samaysmay dhaqan magaalawga iyo qabiilnimada isu tagay iska dhaleen oo ceeb ka dhigaya in qofka runta loo sheego, islamarkaana faraya in qofka kula tolka ah gar iyo gardarraba aad difaacatid. Deeqo oo dhaqankaas silloon sii naqdinaysaana waxay leedahay.
- Qof baa jira xumaha quuta
- Haddaan qarinee tilmaamo
- Qummaati haddaan u sheego
- Qaar baa ila yaabi doona
- Qofkii aad yara dhaliisho
- Haddaad qaladkiisa sheego
- Qaar baa soo kala ordaaya
- Qabiil ku difaacanaaya
Nasiibdarrada duulka Soomaalidu safka siman u heleen dhammaadka qarniga 20aad iyo bilowga qarniga 21aad, waxaa malaha ugu ayaandarraa qolada sadka u heshay iskujoogga argagixisannimada! Waxaa cimrigoodu ku simay in aabbe sababsado gacanta wiilkiisa oo jannada ka dhex arkay, hooyana ku dhimato goobtii cadceedda ahayd ee ay qudaarta yar la fadhiday si ay uga quudiso wiilka qaraxiisa ay sababsan doonto. Deeqo oo xaajadaas aabeheed ka weynta ah ka taariikhaynaysa, islamarkaana ku hadlaysa codbaahiyaha hooyadaas ayaanka daran waxay ku leedahay heesteeda “Qaan baan idinku leeyahay” oo ah mid ay ereyada, laxanka iyo codkaba iyadu leedahay sidatan;
- Hooyo qaaliyaan ahay
- Uurkaan idinku qaadiyo
- Horaadkaad qurquriseen
- Inaad igu qadarisaanoo
- Qiimaysaan filaayaye
- Heedhe qaraxu waa maxay?
- Hooyo qaraxu waa maxay?
- Hooyo qaaliyaan ahay
- Quudkaan u raadshaa
- Qorraxdaan u taaganahay
- quutulyoomka maalintii
- Marmar baanan soo qaban
Markii ay xogwarranka inoo dhammaysana, waatan hooyadii ayaanka darnayd oo inoo gardhiganaysa. Waatan iyada oo codka Afro ku hadlaysa oo ina waydiinaysa bal in aan wax uun qiil ah oo aan isku difaacno aan hayno bulsha ahaan. Waatan iyada oo inooga warramaysa sida ay u tahay dhagixii dabka iyo dheriga u dhexeeyay ee qoyska iyo qarankeeduba aanu midna u arxamin; oo midna dhamacdaas boorka leh soo fariisiyay midna amni ay ugu yaraan dhamacdaas ku fadhido siin waayay! Waxayna leedahay:
- Ummadyahay gartaa qaad
- Qalad baa la iga galay
- Qoon baan tirsanayaa
- Xanuunkaan qarsaniyiyo
- Qaantaan idinku leeyahay
- Qiil ma u helaysaan?
- Hooyo qaaliyaan ahay
- Qarankii aan dugsanayiyo
- Qoyskii ilmaha dhalay
- Qaybtaydii kama helin
- Qayla dhaanta heestani
- Soomaalaay u qaas tahay
Soomaalidu, dhaqan ahaan inkasta oo aysan caana badan u lisi jirin gabadha, sida aysan wiilkaba ugu lisi jirin, haddana ilaa heer ixtiraamka dumarku geed ka go'an buu ahaa, gaar ahaan marka la joogo ka warranka cawrooyinkooda iyo maryohooda. In nin gabar ka faalloodo labiskeeda iyo jirkeeda wuxuu ahaa dhaqan lala irkigo iyo xaajo oday ka weyn ah oo xaal adag lagu kala qaadan jiray.
Laakiin muddadii Soomaalidu harjadaysay oo dawlad la'aanta ahayd ayaa waxaa u soo dusay dhaqanno silloon oo kii argagaxisanimada ee aan kor ku soo sheegnay la socday. Waa ka faalloodka iyo ku mashquulka maryaha dumarka iyo midabyadooda oo noqday raatibo salaadaha la raacsho. Waa iska indhatirka wax kasta oo kale oo aan ahayn tumaa is qaawisay? Iyo xaggee bay isku qaawisay? Duulka manhajka noocaas ah ee doolka ahi soo saaray oo ay Deeqo u bixisay 'Af ku xooglayaasha', ayay markanna heesteeda “Af ku xoogle” oo ay iyadu ereyada, laxanka iyo codkaba leedahay ku naqdinaysaa. Waxay kula gorgortamaysaa in uu bal dib isu eego oo uusan noqon “Maroodigu takarta saaran ma arkee, kan kale takarta saaran buu arkaa”. Waxayna leedahay:
- Intaad qaraxa xooraysid
- Maatada xasuuqaysid
- Xaafada walaalaa
- Intaad kala xuduminaysid
- Anna kaa xishoon maayo
- Maryahayga xiran maayo
- Guur kuugu xilan maayo
- Xidid iima noqonaysid
- Af ku xoogle dib u joogso.
Waxa ay kula garramaysaa in uusan xaq u lahayn in uu la hadlo isaga oo reerkiisii ku hoos dayacan yahay iyo in aysan shaqo u taal ahayn u fiirrsashada dumarka iyo waxa ay xiran yihiin illeen lama uu xirto e? Waxayna leedahay:
- Adoo xeradi waydaara
- Xushmad reerkii kaa waayay
- Xaaskaagii ooyayso
- Dumar kale xisaabtooda
- Hadba kala xulxuliddooda
- Heblaayaa xadraynaysa
- Xaluskeedi baa muuqda
- Xubnahana bar baa qaawan
- kayshali bay soo xiratay
- Waa adinkan ku xiiqee
- Xaawalayda maryohooda
- Horta miyaad la xirataan?
Waxa ay xasuusinaysaa in dumarka baraarugay ee ka baxay xayndaabka dadnimatirka ee raadinaya xaqooda aadaminimo uusan hadal uga furnayn af ku xoogle oo dhan, gabayguna ka xiranyahay. Sidoo kale waxa ay samafal ahaan ugu soo bandhigaysaa in uu soo xaadiro casharro ay Deeqo ahaan u bilaabayso, oo malahayga heestani kaw ka tahay, kuna aaddan sida ay tahay in uu u dadoobo Af ku xoogluhu oo gabadha ula dhaqmo. Waxayna leedahay:
- Dumarkaan xaquuqdooda
- Xaqoodiina doonaaya
- Miidyaha xariiftamaya
- Kaftankoodu kaa xirane
- Xaqa dumarku leeyahay
- Sida loo xannaaneeyo
- Xeerkaan ku barayaaye
- Casharada u soo xaadir
- Af ku xoogle dib u joogso.
Waa indheergaradka iyo geddiis e, haatanna aynu isla eegno Deeqo oo mar kale cod baahiyaha u qaadatay utun bulsho oo guun ah, waa godadlenimada e (Polygamy). Soomaalidu waxay kaalmaha hore kaga jirtaa bulshooyinka leh dhaqanka xaasas badsiga; oo ah dhaqan aad ugu badan qaaradda madaw ee Afrika iyo guud ahaan bulshooyinka reer miyiga ah. Dhaqanka xaasasbadnidu waxa uu kaalin weyn ku leeyahay dayaca iyo darxumada bulshada Soomaalida la nooshahay, oo marka laga yimaado saamaynta xun ee uu ku yeesho xiriirka qoyska, waxa uu qayb ka yahay fakhriga iyo nolol xumada ubadka Soomaalida ku barbaaraan.
Deeqo oo dhaqankaas naqdinaysaana waxay heesteeda “Afar Xaasle” oo ay iyadu ereyada leedahay, ayna wada qaadaan Cimraaan Qaaraami ku muujinaysaa hab-fikirka ninka Soomaaliga ahi ka haysto xaasasbadnida iyo sida uu u yahay hummaag been ah oo samaysmay. Inkasta oo heestu u dhacayso qaab talantaalli ah oo Deeqana hablaha matalayso, Cimraanna ragga, haddana waa hees naqdin ah oo ay Deeqo ku naqdinayso dhaqankaas silloon islamarkaana ay ku muujinayso sida aan loo difaaci karin doodda xaasasbadnida. Heestu waxay u dhacaysaa sidan:
- Ninkii Hanyar baa haween badsadee
- Muxuu hodan yahay hal xaasluhu
- Ninkii is hubaa hawaysta labee
- Muxuuba hayaa halxaasluhu
Deeqo:
- Ninkii hantiyoo hal xaas qabaa
- Dhib iyo hawlba Waa hilmaamaa
Cimraan:
- Ninkii helayaa afarta hoystee
- Muxuu is hagraday xal xaasluhu
Deeqo:
- Haweenka hanbee, ha wada xaabsane
- Hal xaas guurso oo halkaa ka bax!
- War halkaa ka bax!
Cimraan:
- Hal iyo laba iyo haween badan baan
- Hammiga ku hayaa inaan helo
Deeqo:
- Ninkii hadlayaaba ha iska hadlee
- Muxuu habbi yahay hal xaasluhu
Cimraan:
- halyeey lacag laa, hareeraha dumar dhigtee
- Muxuu ku hungoobay nimaan hayn.
Deeqo:
- Halkii reer baa farxadda hantiyee
- Maxay ka helaan haween badan
Cimraan:
- Ninkaan hayn baa hal reer u hoydee
- Harraad kama baxo hal xaasluhu
Heesaha kale ee aad ugu tagayso badda suugaanta Deeqo, ee u taagan naqdinta iyo toosinta bulsho waxaa ka mid ah heesta "Ila meerayso" oo ay wada qaadaan fannaanka Cimraaan Qaaraami. Heestan ereyada iyo laxankaba Deeqo ayaa leh, waxayna ku muujisanaysaa nolosha Soomaalida ee jid iyo jaho laawaha ah. Waxay ku naqdinaysaa dhaqanka tala keen iyo taladiidnimada ah. Waxayna qayb ka mid ah heesta ku leedahay:
- Reerka hooy talo ma u horseednaa
- Adduunka hormaray ma u hayaannaa "May"
- Ee haddaad diiday orod ila meerayso
- Inaan kaa haro anaa ku haystoo
- Hawraarta beentiyo hawada ila dhaafoo
- Horay u sii soco, "May"
- Oo haddaad diiday orod ila meerayso
- Hilib walaaliyo hal quraa nee hiil ma ii noqon "May"
- Oo haddaad diiday orod ila meerayso.
Sidii aan kor ku soo sheegnayba, indheergaradku kaliya uma taagna in uu dhaliil iyo toosin uun bulshadiisa la dultaagnaadee, waa difaace iyo gaarhaye u tooghaya eedaha dunidu bulshadiisa kula abyooto iyo xaajooyinka aan qaban. Afro oo doorkaas qaadanaysaana waxay heesteeda “Argagixisa ma ahin” ku daadifaynaysaa eedayn caalami ah oo sinjiga Soomaalida lagu shaabbadeeyay markii duulkii aan kor ku soo sheegnay ee aragtiyaha doolkaa xanbaarsanaa soo galeen dhulka Soomaalida. Heeskan, ereyada iyo laxankaba waxaa iska leh Bulqaas. Waxay heeskan Deeqo ugu babac dhigaysaa cunfiga iyo carada lagu tilmaamay bulshadeeda. Waxay cod dheer ku sheegaysaa in ay duul nabdeed yihiin oo aan waxba ka jirin dadqalnimada lagu tuhmay. Waxayna leedahay "waad na tuhunteene wallay naga tahay."
Soomaali baan ahay
Asal dhalada baan ahay
Taariikhdana ogaalkay
Argagixiso maan noqon
Duul islaama baan nahay
Astaanteennu waa nabad
Dad ilaasha dariskoo
Ixtiraama baan nahay
Ummadaha ilahay
Dad ammaangashaan nahay
Iyada oo isbariyeelkeeda sii wadatana, waxay meesha ka saaraysaa in awoowayaashood meel ku wada shaahi jireen duulkaas xanaaqsan ee nolosha la colka ah. Waxay dhaqangalinaysaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd "Kab iyo xaarkeed waa la isla xooraa". Waxay caddaynaysaa in sinjigeedu yahay Afrikaan dub madaw oo dhul ballaaran oo Geeska Afrika la yiraahdo daggan. Waxayna leedahay:
- Argagixiso ma ahiyoo
- Aysis farac ma ii galin
- Alqaacidana ma aqaan
- Ummad meel ku nooloo
- Afrikaana baan nahay
- Geeska Afrikada bari
- NFD anaa iska leh
- Hore aadoo sii soco
- Jabuutina anaa daga
- DDSI iyo
- Agagaarka xamariyo
- Illaa iyo waqooyiga
- Anigaa iska leh oo
- Abtirsiimahaygiyo
- Waa dhaxal awoowgay.
Ka gayoon mayno, haddii aan damacno in aan hal hal u dul istaagno suugaanta Deeqo ee ku aaddan toosinta iyo hagaajinta bulshada, oo sida ay iyaduba waraysi ay bixisay ku sheegtay, suugaanteeda oo dhami marka laga yimaado in yar oo koobani, waa suugaantaas bulsheed. Ma sahlana in aad fannaan noqotid adiga oo aysan jirin cid dhabarkaaga taagan oo ku fangaraynaysa, waxaase ka sii adag in aad fannaannimadii ku qabato shaqo bulsho, oo aan wax muuqda oo kharash ah kaa soo galayn, taas baddalkeedana aad ku dhib mudanayso ilaa heer ay naftaadu khatar ku galayso! Afro iyada oo la nool duruufaha fannaanka Soomaaliyeed la noolyahay oo dhan, ayay samaysay dadaalkaas iyo nafhurkaas bulsho. Waxay u qalantaa in lagu maamuuso doorkeedaas sharfan ee ay ka qaadatay dib-u-dhiska bulsho, laakiin nasiibdarro sida uu dhigayo xeerka aan qornayn ee indheergaradka iyo bulshada u dhexeeyaa, waxay maamuuskaas ka heli doontaa bulsho aan tay la hadlaysay ahayn oo qarniyo ka dib fahmi doonto miyir qabna ku dhagaysan doonta suugaanteeda. Aniga oo ka dab qaadanaya maansadii Gaarriye ee oranaysay:
- Ha laguu ilmeeyee
- Horta dhimo af maahee
- Eeggoo la noolyiyo
- Ifkaan kaaga baahnahay
- Wax yaroo aqoonsi ah
Waxaan Deeqo ku leeyahay ku mahadsanid doorka sharfan ee aad ka qaadatay ilbixinta iyo dib-u-dadaynta bulshadan. Gabagabadii, waxaan aad uga xumahay in Afro ay noqotay dhakhtarkii uu ku dhacay xanuunkii uu dabiibayay, oo intii aan qoraalkan tifaftirayay ay isoo gaartay in ay ku dhacay Daacuunkii REER U HEESKA oo fanka Soomaalida ku faafayay waayahan.