Skip to main content

Wednesday 9 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad
Title

Deegaanka Tigraygu Dagaal Dambe Diyaar uma aha

21 June, 2025
Image
Deegaanka Tigraygu Dagaal Dambe Diyaar uma aha
Share

Jid cidhiidhi ah, boodh badan oo qarfo ah waxa dhinac teedsan teendhooyin ay ka muuqato astaanta buluugga ah ee Qaramada Midoobay, oo muddo afar sanno ka badan hoy u ah 28 kun oo qof oo qaxoonti ah. Xerada Adi Mehameday waxa ay 82 km u jirtaa magaalada Shire, ee gobolka Tigray, waqooyiga Itoobbiya. Waa xero hoy u ah qaxoonti tiradiisu koobantahay, kolka la barbardhigo halkii milyan ee barakacay, welina aan kusoo laaban guryahooda, walow uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyey TPLF iyo ciidamada dawladda Itoobbiya 2dii Noofambar ee 2022-kii. 

“Waxannu rejaynaynay in aan laabanno, se hoggaankayaga kamaannu helin xog  dhammaystiran. Marar bay soo hadalqaadaan in aannu laabanayno, se haddana waxba kama suuroobin”, sidan waxa tidhi Medhin Yalem, iyada oo wejigeeda daal iyo diifi ka muuqato. Suququlka cunto ayaa saameyn xun ku yeeshay aabbaheed, oo taagdarreeyey, muddo sannad ahna aan socod lagu ogayn. Sidoo kale, wiilkeeda 20 jirka ah ayaa dhiig la’aan la tiicaya, qoyskuna maalinkii hal mar wax ka badan cunto afka ma saaro. Sida ay u badanyihiin barakacayaasha xeradan ku jiraa, Medhin waxa ay kasoo jeeddaa Wolkait, oo ah gobol ku yaalla galbeedka Tigray. Gabadhan kontameeyada ah, oo dakhligeedii weyday kaddib markii ay faraha ka qaadday beerteedii iyo xoolaheedii, ayaa tidhi: “Qaar ka mid ah deriskayaga ayaa isku dayay in ay ku laabtaan Tselemti (deegaan u dhow Wolkait), se haddana halkan bay kusoo laabteen, gobolku nabadgelyo ma aha”.

Inkasta oo nabad lagu heshiiyey, haddana dawlad deegaanka Tigraygu waxa uu la kulmayaa cadaadiska kooxo hubaysan, gobolkan oo uu hadda si ku meelgaadh ah gacanta ugu hayo maamul xidhiidh la leh TPLF, se sida rasmiga ah u hoos taga maamulka Addis Ababa, sida heshiiskii Biritooriya dhigayey. Gobolka Wolkait  waxa uu gacanta ugu jiraa xoogag Amxaaro ah, oo dawlad deegaanka deriska la ah Tigrayga dagaal kula jira xukuumadda federaalka,ayaa dhankeeda doonaysana in Wolkait loo jaro. Isla xilligan, waqooyi bari ee Tigrayga waxa gacanta ku haya xoogag Ereteriyaan ah, oo muddadii dagaalka garab taagnaa dawladda.

Laga soo bilaabo markii dagaalkani joogsadaay, dhibannayaasha dagaalkan ka mid ah dagaalladii ugu ba’naa ee Afrika oo maray, oo ay ku naf waayeen afar boqol oo kun oo ciidan ah iyo saddex boqol oo kun oo rayid ahi, sida ku xusan warbixinta uu faafiyey Machadka Niyuu Lines, waxa ay ku noolyihiin xaalad dagaal iyo nabad u dhaxaysa.

Ku loollanka maamulka iyo cabudhinta gudaha ee TPLF

Bishii Maaris ee sannadkan, khilaafka gudeed ee ka dhexjiray TPLF ayaa xaaladda dawlad deegaankan madmadow badan gelisay. Debretsion Gebremichael, hoggaamiyaha TPLF, iyo Getachew Reda, oo markaas ahaa madaxweynaha ku meelgaadhka ah, ayaa isku eedeeyey ka cagajiidka hirgelinta heshiiskii nabadda. Heshiisku waxa uu dhigayey in dadka barakacay guryahooda ku laabtaan, in laga baxo meelihii la kala qabsaday, iyo hub ka dhigista iyo qaramaynta 274 kun oo dagaalyahanno ahaa oo ku biiray Xoogagga Difaaca Tigrayga, oo ah garabka hubaysan ee TPLF. 17 kun oo keliya ayaa lagu sameeyey kala diris iyo hub ka dhigis, sida lagu xusay warbixin ay dhammaadkii Abriil soo saareen Guddiga Qaran ee Qaramayntu.

Khilaafka sii kordhayay ee u dhexeeyey Debretsion Gebremichael iyo Getachew Reda waxa uu sababay in Getachew laga saaro TPLF 15-kii Sebtember ee 2024-kii. Lix bilood kaddib, tobankii Maaris ee sannadkan, Getachew Reda oo weli sii ahaa madaxweynaha ku meelgaadhka ah ee dawlad deegaanka, waxa uu shaqadii ka joojiyey saddex jeneraal oo ka tirsan Xoogagga Difaaca Tigray. Debretsion oo ka jawaabaya tallaabadan, waxa uu magaalooyin dhawr ah oo uu Getachew ku samaystay xulafo, u magacaabay saraakiil la shaqeeya, magaalooyinkaasna waxa ka mid ahayd caasimadda deegaanka ee Mekele. “Getachew waxa ku weyn dib u habaynta maamullada hoose ee deegaanka, iyada oo ay habboonayd in uu mudnaanta siiyo xorraynta shacabka, dad badan oo dadka dawlad deegaanka ahina waxa ay go’aankiisa u arkeen mid degdeg ku jiro oo aan wakhtigiisii la joogin, sababtoo ah weli dadkii baa ku jira xeryo qaxoonti, oo aan cunto, biyo iyo hu’ midna aan haysan”, ayaa Debretsion ku dooday mar aan waraysi kaga qaaday hudheelka Agsum, ee Mekele ku yaalla, 18-kii Maaris.

Khilaafkaa waxa ku xigay dagaallo goos goos ah, xadhig xaqdarro ah oo dad lagu la kacay iyo ugu yaraan hal dil oo maxkamad la’aan la fuliyey, sida ay muujinayaan caddaymo uu ururka Afrique XXI kasoo ururiyey Mekele iyo magaalada Adi Gudom, oo caasimadda deegaanka afartan kiiloomitir koonfur ka xigta. Hadera Kiros, oo ah hoggaanka Isbahaysiga Dhallinyarada, waxa uu saddex cisho ku jiray xabsi intii la beddelayey maayarka magaalada, oo dadka qaar ku tilmaameen afgambi. “Dhallinyaradu waxa ay u baxsadaan Mekele ama Addis Ababa, sababtoo ah waxa ay ka cabsanayaan TPLF iyo ciidamadooda” ayaa uu yidhi Hadera oo ah aabbaha laba carruur ah.

21-kii Maaris, Alemu Haile, oo ah 37 jir dhismaha ka shaqeeyaa, waxa uu ka qaybgalay bannaanbax boqollaal dadka deggan Adi Gudom isugu soo baxeen, iyagoo ka muddaharaadaya beddelidda maayarkii magaalada ee taageersanaa Getachew, laguna beddelay maayar kale oo uu wato Debretsion. Alemu, oo madaxa baandhays kaga duubanyahay, ayaa cod tabardarro ka muuqato ku sheegay in saddex xabbadood uu madaxa kaga dhuftay mid ka mid ah malleeshiyo ka tirsan Xoogagga Difaaca Tigray. Walaalkiisa ka weyn, Gebrehiwet Haile, oo ka murugaysan waxa dhacay ayaa leh: “Suurogal maaha in awooddu xal noqoto”. Ninkan oo shaqaale dawladeed ah ayaa ku doodaya: “inay lagama maarmaan tahay in hoggaamiyayaashu muwaaddiniinta wadahadal la sameeyaan, haddii kale waxa ay dhalinayaan loollan iyo khilaaf cusub oo u dhexeeya taageerayaasha Debretsion iyo kuwa Getachew”.

Ugu dambayn waxa 8-dii Abriil madaxnimadii ku meelgaadhka ahayd ee dawlad deegaanka laga qaaday Getachew Reda, iyadoo lagu wareejiyey Jeneraal Tadese Werede, isla mar ahaantaana federaalka Addis Ababa ansixiyey. Sidaas oo ay tahay, isbeddelkani weli ma dejinin shacabka Tigrayga. “Maan arag wax isbeddel ah, ama xal la taaban karo oo lagu sameeyey dhibaatooyinkii na haystay. Weli deggenaansho la’aantii baa sii socota. Nabadgelyo darro ayaannu dareemaynaa, waxaannanu ku noolnahay cabsi joogto ah” ayaa ay tidhi Mistral Abraha oo ka soo jeedda magaalada Shire. Qalalaasaha siyaasadeed iyo nabadgelyo waxa ay Mistral Abraha ku khasbeen in ay bilo kolba dib u dhigto furitaanka farmasii ay leedahay, iyada oo imika wax shaqo ah aan hayn, se baratay dawooyinka. “Waxa aan u baahanay dammaanad iyo deggenaan” ayaa ay ku doodday Mistral oo dedaalkeeda kaga qayb qaadatay dagaalkii, dhaawacana ku dawaynaysay cisbitaal guud oo aanay weligeed mushahar ka qaadan.

Abiy Axmed iyo khilaafka Ereteriya

Magacaabidda Tadese waxa ay walaac ku haysaa Meressa Dessu, oo ah cilmibaadhe ka tirsan Machadka Deraasadaha Nabadgelyada ee Addis Ababa ku yaalla. Meressu waxa ay ku doodaysaa: “Walow uu Tadese hoos u dhigay guuldarradii maamulka ku meelgaadhka ah, haddana magacaabistiisa, Raysalwasaare Abiy waxa uu sii xoojinayaa kala qaybsanaanta gudeed ee TPLF ka dhex jirta”.

Marka Addis Ababa la joogo, waa dhif in laga hadlo khilaafka gudeed ee TPLF ka dhex jiraa. Raysalwasaaruhu waxa uu ku mashquulsanyahay dagaallo iyo jabhadayn kale oo dalka gudihiisa ka jira, gaar ahaan labada deegaan ee Amxaarada iyo Oromada. Bishii Abriil ee 2023-kii, jabhadda Faano ee Amxaaradu waxa ay  bannaanbax iyo gadood ka sameeyeen in xoogagga deegaanka lagu daro ciidamada qaranka iyo booliska. Qalalaasahaasi afar bilood kaddib waxa uu isku beddelay hawlgal hubaysan oo Faano kala hortimi ciidamada Federaalka, xoogagga Faano oo ah isla xoogaggii ciidamada Federaalka ka barbar dagaallamayey intii uu socday dagaalka Tigraygu.

Raysalwasaaruhu waxa kale oo uu ku mashquulsanyahay khilaafka Ereteriya ee soo cusboonaaday, kaddib markii hadallo xanaf leh la is weydaarsaday. Meressa Dessu waxa ay ka digaysaa in “diyaargarawga milatari ee Eretariya weli socdo, Raysalwasaaruhuna, dhankiisa, aanu ka tanaasulayn qorshaha Itoobbiya marin badeed ku helayso, Badda Cas-na ku saldhiganayso. Iska hor imaadka danaha labadan dal, oo hore dal kaliya u ahaa ka hor intaanay kala go’in 1993-kii, isla mar ahaantaana ka cagajiidaya in ay wadahadal yeeshaan, waxa hubaal ah in ay dagaal horseedi doonaan”. Meressu waxa ay intaas ku daraysaa, in kala qaybsanaanta TPLF, dan u wada tahay Abiy Axmed iyo Afwerki.

Khilaafka Ereteriya iyo Itoobbiya waxa uu walaac kale ku hayaa bulshada Tigrayga. Debretsion Gebremicheal waxa uu badhtimihii Maaris yidhi: “Waxa aannu ka cabsi qabnaa in dagaal ka dhex qarxo Ereteriya iyo Itoobbiya. Waxa aannu rejaynaynaa in khilaafka diblumaasiyad lagu xalliyo. Xitaa haddii aannaan faragashan, dagaalku halkan dhulkayaga ah buu ka dhacayaa, marka la eego halka aannu dalka kaga naallo”. Bishii Feebaraayo, Wakaaladda Afrika Intellijensi waxa ay daaha ka qaadday “kulan sir ah oo aan hore u dhicin oo dhammaadkii Jeenawari ka dhacay Asmara”. Waxa la sheegay in Afwerki “kulankaas ku ballanqaaday in uu garabsiin doono Xoogagga Difaaca Tigrayga, haddii ay dagaal la galaan Itoobbiya”. Hoggaamiyaha TPLF markii la wayddiiyey arrinkanna, waa uu dafiray in uu wax xidhiidh ah la sameeyey Ereteriya.

Weli waxa khilaaf xooggani ka dhex jiraa Debretsion Gebremicheal iyo Federaalka. 26-kii Maaris, TPLF waxa ay sheegtay in “halkii ay ahayd in dib u dejin loo sameeyo bulshada Tigrayga ee la dhibtooday xasuuqii deegaanka, xukuumadda Itoobbiya ay ku fooggantahay tallaabooyin dhib uun horseedaya, sida in alaabaha aasaasiga, oo shidaalku ka mid yahay, ay ka hor istaagay in la geliyo deegaanka Tigrayga, oo ay joojisay dedaalladii samatabixinta ahaa. Tallaabooyinkanina ay bulshada Tigrayga halis gelinayaan”.

Inta badan dagaalyahannadii Xoogagga Difaaca Tigrayga waa ay ka go’antahay in aanay mar dambe hub qaadan. Kaleb, oo magaciisa beddelay ayaa ku doodaya: “Dagaalku cidna dan uma aha, dad badan baa naga dhimanaya, waxaannanu ku hoos madhanaynaa heshiis aan waxba beddelayn”. Sannadkii 2021-kii, ninkan oo farshaxanka ku shaqaysta, 25 jirna ahi, waxa uu ciidamada ku biiray ka dib markii qof qoyskiisa ah la dilay. Isaga oo ka niyadjabsan dagaalka hoggaanka TPLF ugu jiraan hanashada maamulka deegaanka, waxa uu hadda farxad dib u geliyey in uu fiise ka helay Maraykanka. “Waxa aan ahay dhallinyaro, waxbadanna waan qaban karaa. Qoyskaygu anigay igu tiirsanyihiin, mana rabo in wakhti dambe iskaga lumiyo dagaal” ayaa uu yidhi.

Suququlka cunto oo nafo badan galaafanaya

Surin cidhiidhi ah oo ka mid ah Mekele, tuugadana ka qarsoon, ayaa uu degganyahay Abebe, oo magac aan kiisa ahayn adeegsanaya. Waxa uu xusayaa in uu doorbidayo in uu Itoobbiya ka tago, halkii uu mar kale dhar ciidan qaadan lahaa. Wiilkan dhallinyarada ah ee soddon jirka ah ayaa leh: “Hadda waxa aannu garanaynaa natiijada dagaalka. Labadaydii walaal ee iga yaraa iyo saaxiibkay baan waayay. Hoggaanka siyaasiyiinta ahi waa in ay nabad dhaliyaan, oo ay ka waantoobaan u adeegidda danahooda gaarka ah”. Badanka xubnihii Xoogagga Difaaca Tigray hubka lagama dhigin. Dhakhtarkan oo ka hawgala cisbitaal millitari oo ku yaalla Mekele, waxa uu ka cabsi qabaa in lagu khasbo dagaalka haddii mark kale dagaal qarxo. Magaaladiisii weli waxay gacanta ugu jirtaa ciidamada Ereteriya, oo ah waxa waalidkii ka hortaagan in ay ka baxaan xero qaxoonti oo ay ku jiraan. Waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabaynayaa: “Bulshada Tigraygu waxa ay sameeyeen nafhur, waxaanay ka tallaabsadeen caqabado badan, heer aanu qofina rabin in dagaal lagu laabto”.

Aynnu ku noqonno kaamkii qaxoontiga ee Adi Mehameday. Medhin Yalem, oo aynnu hore usoo xusnay, waxa ay tibaaxaysaa sida bulshadii deegaanka ee ay ku barakaceen si tartiib ah u karahsadeen qaxoontiga. “Bulshada deegaanku khaati bay naga joogaan. Ma awoodaan cunto ay nala wadaagaan, oo iyagii baa la dhib mudanaya saamaynta dagaalka” ayaa ay ku cabatay. Xaaladdan oo jirta, nafaqaddarrada deegaanka Tigraydu waa ay kasii daraysaa. Bilawga bishii Maaris, nafaqadarradaasi waxa ay sahayatay nolosha Abeba Teklu, oo ahayd hooyo saddex hablood haysata. Tesheger Tagegne, oo ah ninka ay ka dhimatay, ayaa yidhi: “Laba ilaa saddex sanno ayaa ay la tacaalaysay nafaqadarro. Xaaladdeedu waa ay sii xumaanaysay, waxaana ugu dambayn talaxgabay kelyaha”.

Machadka Mekele ee Cilmibaadhista Caafimaadka Guud waxa uu diwaangeliyey korodh ku yimi nafaqadarrada carruurta iyo dadka ka yar 18 jirka, oo intii u dhaxaysay July ee 2024 ilaa January 2025, kor uga kacay 43%, gaadhayna 48%. Agaasimaha Machadka, Hayelom Kansai, waxa uu yidhi: “Qalalaasaha taagan ee heer walba leh iyo cabsida laga qabo in dagaal cusubi qarxo ayaa ka qayb qaadanaya nafaqadarrada iyo suququlka cuntada”. Joojinta gargaarkii USAID, ee uu amray madaxweynaha Maraykanku bishii Jeenawari 20-keedii, waxa uu sii sababay in xaaladda bani’aadamnimo kasii darto, oo haddii dagaal dib u bilaabmo musiibo argagax leh isu rogaysa.