Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Dedaalka Soomaaliya ugu Jirto is Hortaagga Aqoonsiga Soomaalilaan

8 February, 2025
Image
Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (Photo by MICHELE SPATARI/AFP via Getty Images)
Share

Masuuliyiin aad ugu dhow madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhiirrigeliyey in uu aqoonsado Soomaalilaan. Codsiga ay masuuliyiintani soo jeediyeen waxa kale oo taageersan hoggaanka sare ee Golaha Aqalka Sare. Xaaladahan soo cusboonaaday awgood, safaaradda Soomaaliya ee Maraykanku waxa ay hawlgalisay mid ka mid ah shirkadaha saamaynta leh oo ku taalla Washington, si ay uga hawlgalaan ka hortagidda aqoonsiga Soomaalilaan. Waxa muuqata in Soomaaliya isu diyaarinayso dagaal adag muddada uu xilka hayo Donald Trump. 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Daahir Cabdi, oo ku cusub xafiiska, ayaa 27 Noofambar heshiis la galay shirkadda BGR, heshiiska oo dhigaya in shirkadda la siiyo bil walba konton kun oo doollar muddo 12 bilood ah, ama isugayn 600 kun oo dollar sannadkii. Heshiiska labada dhinac dhexmaray oo loo gudbiyey Wasaaradda Caddaaladda Maraykanku waxa uu dhigayaa in BGR safaaradda kala shaqayn doonto “adeegyada ku saabsan arrimaha dawladnimada”. 

Walaaca dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya haystaa waa cadaadiska badan ee keeni kara in Maraykanku Soomaalilaan u aqoonsado dawlad madaxbannaan, arrinkan oo si gaar ah Jamhuuriyiintu u taageersanyihiin. Laga soo bilaabo sannadkii dhammaaday ee 2024, Soomaaliya waxa kale oo ay ku dedaalaysay ka qaybnoqoshada Sharciga AGOA (African Growth and Opportunity). 

Muddo-xileedkii hore ee Trump, xidhiidhka Soomaaliya iyo Maraykanka waxa ka dhexjiray madmadaw badan. Xilligaas Donald Trump waxa uu Soomaaliya ku daray liiska dalal muslim ah oo muwaaddiniintooda uu xannibaad safar saaray. Waxa kale oo uu Soomaaliya kala baxay ciidamo badan oo kooxaha Islaamiyiinta ah la dagaallamayey, oo hawlgallo ka fulin jiray Soomaaliya. 

Safaaradda Soomaaliya oo la hadashay wargeyska African Report waxa ay sheegtay in “Soomaaliya iyo Maraykanku yihiin saaxiibbo dano badan wadaaga ”, siina wadi doonaan la dagaallanka argagixisada iyo ka shaqaynta barnaamijyo nabadgalyo, oo ay rejaynayaa sii ballaadhinta wadashaqaynta iyo xidhiidhka dhaqaale ee ku dhisan dano isweydaarsiga. 

Imika, oo dib loo doortay Donald Trump, koox ka mid ah Jamhuuriyiinta oo aadna ugu dhow madaxweyne Trump, ayaa diraya baaq ah in la aqoonsado Soomaalilaan, kuna talinaya in tallaabadaasi ka hortag u noqon doonto isballaadhinta Shiinaha ee Geeska Afrika. Kiron Skinner oo ah, agaasimihii hore ee Waaxda Qorshaynta Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xilligii Trump, waxa ay qaybta diblomaasiyadda ee buuggii ololaha Trump ku qortay: “Waa in [si siyaasadda Shiinaha loo wajaho] la aqoonsado Soomaalilaan, si looga hortago hoos u dhaca ku socda saamaynta iyo kaalinta Maraykanku ku lahaa Jabuuti”. 

Masuuliyiin kale oo Jamhuuriga ka tirsan, horena xilal usoo qabtay muddo-xileedkii hore ee Trump ayaa si badheedh ah ugu ololaynaya qaddiyadda Soomaalilaan iyo aqoonsigeeda. Waxa ka mid ah masuuliyiintaas Lataliyihii Arrimaha Afrika ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Tibor Nagy iyo ergaygii gaarka ahaa ee dalalka Harooyinka ee Afrika, Peter Pham. 

Dhawaan ayaa uu xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Scott Berry oo laga soo doortay Pennsylvania, xubinna ka ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Goluhu, waxa uu Golaha hor keenay sharci ku baaqaya in “Soomaalilaan la aqoonsado”. Xildhibaankani waxa uu laba sanno ka hor Golaha hor keenay hindisahan oo kale, balse ma meelmarin. “Waxa aannu rabnaa in dooddani furnaato oo mid taagan noqoto” ayaa Perry ugu warramay wargayska The Africa Report. Brian Mast oo ah xildhibaan Jamhuuri ah, ahna guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare, waxa uu The African Report u sheegay in aanu si shakhsi ah Perry ugala hadal hindisaha sharci ee uu keenay, se “uu la fadhiisan doono, lana eegi doono waxa habboon, arrinkana kala hadli doono guddi-hoosaadka Afrika”. 

Dhinaca kale, Jim Risch, oo laga soo doorto gobolka Idaho, una ololeeya qaddiyadda Soomaalilaan, ayaa bilawgii sannadkan loo doortay in uu guddoomiyo Guddiga Xidhiidhada Dibadda ee Aqalka. Risch waxa lagu xasuustaa in uu 2022 soo gudbiyey Xeerka Wadashaqaynta Somalilan. Xeerkan walow aanu aqoonsiga ku saabsanayn, waxa uu ku baaqayey ka faa’idaysiga fursadaha laga heli karo wadashaqayn lala yeesho Soomaalilaan, lagalana shaqeeyo arrimaha nabadgalyo ee gobolka. 

Arrimahan taagan awgood, Soomaaliya waxa ay hawgalisay dad kala shaqeeya hoos u dhigidda cadaadiska ku baaqaya aqoonsiga Soomaalilaan. Kooxaha la adeegsaday waxa ka mid ah, Lester Munson, oo hore xilal uga soo qabtay Guddiga Xidhiidhada Dibadda, iyo Scott Eisner, oo hore madax uga soo noqday Xarunta Ganacsiga Maraykanka iyo Afrika. Waxa kale oo jirta in BGR hore ugu shaqaysay Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya, sannadihii 2018 iyo 2019. 

Warbixintan waxa laga soo turjumayThe Africa Report.