Skip to main content

Tuesday 15 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Tix

‎Dayow: Maanso iyo Milicsi Bulsho

23 August, 2026
Image
‎Dayow: Maanso iyo Milicsi Bulsho
Share

Maansadan waxa aan u curiyey dareen ka dhashay; jaantusyadiii iyo muuqaalladii naxariis darrada ahaa; in hooyo Soomaaliyeed nin askari ahi laba-dible u xidho, haddana jiido sida ragga oo kale! Waa xaalad uu ka digigixoonayo qof kasta oo in uu damiir leh. Waa xaalad mararka qaarkood qofka ku qasbaysa in uu isweydiiyo: Xaggee ayaynu u soconnaa, maxaase innagu dhacay?! Marka aan eegay waxa hareeraheenna ka dhacaya, waxay ku tusinaysaa waxyaabo badan oo aan laga aamusi karin; dad dhibaataysan oo la sii dhibayo, damiirkeenii oo sii daciifaya, aqoontii oo sidii loo baahnaa aan loo adeegsan, dhallinyaradii oo rajo la’aan iyo tahriib ku sii jeedda ama se ay duruufaha adagi bareen balwad si ay isu hilmaamsiiyaan waxan dhacaya. Waxa jira danyar aan haysan cid u hiilisa, haween la dayacay oo duruufuhu bareen balwadda iyo meelo xun-xun si ay u daboolaan baahiyaha naftooda iyo ubadkooda iyo sidoo kale, dadkii looga fadhiyey in ay bulshada hoggaamiyaan oo mararka qaarkood iyagii noqdeen qayb ka mid ah dhibaatada haysata bulshada.

Maansadu ma aha oo keliya ereyo aan ku cabbirayo duruufaha haddeer jira, balse waa baaq ka soo baxay damiir aan jeclayn tacaddiga inta uu arko; haddana ka aamusa. Waxaan isku dayay in aan dhowr sadar ku muujiyo waxa aan dareemayo, aniga oo isweydiinaya sababta bulsho haysata dad, dhul, aqoon iyo fursado badan ay haddana ugu dhex jirto khilaafyo soo noqnoqda, musuqmaasuq, saboolnimo iyo niyad-jab yar iyo weynba. Waxa iigu murugada badan ma aha oo keliya dhibaatada jirta, balse waa marka dhibaatada inta la arko, aan waxba laga soo qaadin la iskana caadiyeysto “normalizing” xumaantana ay noqoto wax maalinle ah oo aan cidina la yaabin, oo la iska yidhaahdo “waa cadceed cusub iyo caadadeed!”

Waxa si gaar ah ii taabtay dhallinyarada, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in dhallinyaradu yihiin jiilka beri. Haddii maanta la dayaco, beri waxa soo bixi doona bulsho tabar daran; haddii se la siiyo aqoon, fursad, xirfado iyo dhiirigelin, iyaga ayaa noqon kara xoogga ugu weyn ee dalka dib u dhisi kara. Waxa aan ka murugooday dhallinyaro aqoon leh oo dalka ka tagaya, qaar kale oo balwad iyo ciyaar isku dhaafiya waqtigooda iyo mustaqbalkooda, halka qaar badan oo rajo lahaa ay duruufuhu ku khasbaan in ay dalkooda iyo dadkooda ka libdhaan. Waxaan isweydiiyey: Maxaa keenay in qof aqoon leh uu dalkiisa ka quusto, halka qof aan aqoon iyo karti mid toona lahayn uu mararka qaarkood ay uga fursado fiicnaadaan?

Waxa sidoo kale i taabtay doorka waayeelka iyo wax-garadka, oo ah kuwii looga fadhiyey hanuuninta jiilkan kacaamaya. Waayo-aragguna ma aha mid kasta oo cirro iyo da’ ka muuqato, balse waa mid ay ka muuqato masuuliyad, garaad, talo-bixin iyo midhif-tir. Haddii jiilkii ka horreeyey ku guuldarraysteen in ay ka tagaan dhaxal muuqda oo la taaban karo. Iyaguna haddii ay waddadii qaadaan jiilkan maanta waxba uma yaal, balse haddii ay ku jideeyaan hilin iyo aragti togan oo leh hiigsi fog, waxa cad in jiilka kacaamayaa uu mari doono waddo la qodax-tiray mustaqbalkeeduna fiican yahay. Sidaa awgeed, maansadu waxay su’aal gelinaysaa masuuliyadda qof kasta oo bulshada qayb ka ah, gaar ahaan kuwa maanta haya midida daabkeeda oo ah kuwa awoodda in ay wax ka beddelaan sida maanta xaalku yahay.

Waxa kale oo ay maansadu ka hadashay musuqmaasuqa iyo dhaqanka ah in danta gaarka ah laga horreysiiyo danta guud, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in bulsho aan daacadnimo lagu dhaqin aanay si dhab ah u horumari karin. Mashruucii la sameeyaba haddii aan daacadnimo lagu fulin, hantidii la heloba haddii aan si caddaalad ah loo qaybin iyo haddii xilka la qabtaba loogu adeego dano gaar ah, dhammaantood waxay noqonayaan wax dib u dhiga bulshada. Waxa aan rabay in aan xusuusiyo qof kasta oo awood haysta in xilku aanu ahayn sharaf keliya, balse uu yahay amaan iyo masuuliyad xagga Alle ka timid.

Maansadan waxa kale oo aan ku xusay haweenka, ubadka iyo dadka danyarta ah, sababtoo ah waxaan rumaysanahay in heerka dhabta ah ee bulsho lagu qiimeeyo aanu ahayn sida ay ula dhaqanto dadka awoodda leh, balse uu yahay sida ay ula dhaqanto kuwa aan awoodda lahayn. Hooyada la dayacay, ilmaha aan helin waxbarasho, dhalinyarada rajo-beeshay, iyo qofka saboolka ah ee aan codkiisu gaadhin meelaha go’aanku ka soo fulo dhammaantood waxay mudan yihiin in laga hadlo. Haddii aynu doonayno bulsho wanaagsan, waa in aynu marka hore ilaalinaa kuwa ugu nugul sida dadkii maalinka dhawayd u cataabayey dawooyinkii kelya maydhista ee loogu jawaabay; waa dad lasoo adeegsaday!, inkasta oo uu Madaxweynuhu si degdeg ah uga jawaabay. Haddana wax badan ayaa khaldan oo sixid u baahan.

Si kastaba ha ahaatee, ma doonayo in maansadani noqoto mid dadka ku beeraysa quus. Waxaan doonayaa in ay noqoto digniin ay la socoto rajo. Waxaan aaminsanahay in dhib kasta oo jira uu leeyahay waddo looga bixi karo, haddii aynu dib ugu laabanno damiirka, aqoonta, caddaaladda, wadajirka iyo daacadnimada. Waxaan aaminsanahay in aan weli haysanno fursad aan wax ku saxno, oo jiilasha inaga dambeeya uga tagno wax ka wanaagsan waxa aynu maanta haysanno.

Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeenna ka dhawro dhibta muuqata iyo tan qarsoon, in uu naga saaro jid kasta oo dib-u-dhac keena, oo uu inoo dooro cid leh daacadnimo, caddaalad iyo damiir nool.

Maansadani, haddaba, waa codkayga; waa waxa aan arkay, waxa aan ka murugooday, iyo rajada aan weli qabo. Ma aha in qof walba uu igu raaco wax kasta oo aan sheegay, balse waxaan jeclaan lahaa in qofkii akhriya uu hal mar isweydiiyo: Haddii aynu ognahay waxa inna dib dhigaya, maxaa inaga hortaagan in aynu beddelno?

Waayo, bulsho dhibkeeda garata, balse aan wax ka qaban waxay lumin kartaa mustaqbalkeeda laakiin bulsho qaladkeeda qirata, garatana halka laga raacay, damiirkeedana dib u soo noolaysa, weligeed ma lumiso fursad ay wax ku sixi karto.

‎‎Duni waxaynu joognaa,
‎Bini'aadam daayee,
‎Xoolihii dayoobeen!

Dabcigii wacnaan laa,
‎Dadkii bayska diidoo,
‎Dibindaabyo doonee.‎

‎Dunidaynu joognana,
‎Damiirkaa la duugaa,
‎Wanaagaa la dayrshaa.‎

‎Duqaydii wacnaydee,
‎Da’yarteena hagi layd,
‎Dabinay u qoolaan!‎

‎Kuwii duubka xidhan laa,
‎Dadka diinta fari laa,
‎Iyagaa is-dilayee!‎

‎Degelkaan ku noolnahay,
‎Labadii mar doodaba,
‎Dhiigay iska daadshaan!‎

‎Dariiqaad dawaaftaba,
‎Wuxu halaq dul joogaa!
‎Meel Dirac ku leedee!‎

‎Dalka aan ku noolnahay,
‎Waxay dawo ka doontaan,
‎Dad-qal doollar caabuda!‎

‎Dugsashada dhurwaaguna!
‎Maantiyo daraataba,
‎Waa waxa dib noo dhigay.‎‎

‎Dibu milicso waayaha,
‎Inta Eebe deeqiyo,
‎Ina siiyey duunyaba.‎

‎Inta dumar la daayacay,
‎Waayuhu dambaajeen,
‎U daciiftay ubadkaa!‎

‎Maxay ubadku dooxyada
Daroogada ku nuugeen,
Dawyada ka siibteen!‎

‎Dugsiyada tacliintuna,
‎Doodihii la diiday!
‎Da'yartii ku buuxsheen.‎

‎Maxaa duul aqoon lihi,
‎Dalka looga dhaartoo,
‎Dabadeed tahriibeen!‎‎

‎Duruufaha haddeer jira,
Qaar bay damqaynoo,
‎Oo dibir-dhacsanayee!‎

‎Dalagii la beeree,
‎Dadku wada sugaayeen,
‎Bay keli daldalayaan!

‎‎Daaqii mar soo baxa,
‎Intay dayr ku jeexdaan,
‎Bay yagu is doojaan!‎

‎Mashruucii la daabaco,
Musuq baa dillaacoo,
‎Daacad looma helayee!‎

‎Dal waxaan ku noolnahay,
Duqaydiyo wax-garadkii
‎Dibjireen kal koodii!‎

‎Daah male xumaantood,
‎Intay dabaqyo taagtaan,
‎Digri bay ku meeraan!‎

‎Danyartii waxaa helay,
Qoom diir-naxayn loo,
‎Oo soo dilaal tagay!‎

‎Duruus aan la filayn oo,
‎Digashadu ka kow tahay,
‎Diwaan nooga buuxsheen!‎

‎Dar-Allee mar uun bay,
Iska daahir noqonoo,
‎Daa'im lagama quustee.‎‎

‎Daa'imow dambeeyow,
Deeqdaada noo dhiib,
‎Dhibta nooga daawee.‎

‎Daawahaan ku soconana,
Rabow noo daryeeloo,
‎Dibindaabyo naga dhowr.‎

‎Rabow daaldhe naga hay!
Oo daalim naga hay,
‎Noo doorna duco-qabe.‎

‎Dabandeebnay Eebow,
Noo door ciddii doora,
‎Sida daaha daacada.

Qoraallada kale ee qoraaga

Buug

Islaamka u Dhexeeya Bari iyo Galbeed

Feker

‎Suugaan & Falsafad