Sunday 8 February 2026
Dagaalka ka socda Suudaan waxa uu galay sannadkii saddexaad, waxaanu dalka iyo dadkaba ku reebay raadad argagax leh. Dagaalkani waxa uu sababay barakaca dunida ugu ballaadhan, sida Qaramada Midoobay sheegtayna, 12 milyan oo qof ayaa ku khasbanaaday qax, dalkuna waxa uu la ciirciirayaa 4 milyan oo qaxoonti ah. Inkasta oo aanay jirin tirikoobyo dhammaystiran oo ku saabsan dadka naftooda ku waayay dagaalka, haddana Kulliyadda Caafimaadka Ladhan waxa ay soo bandhigtay in tiro ka badan lixdan kun oo qof ku dhinteen gobolka Kharduum intii u dhaxaysay Abriil 2023 ilaa Juun 2024. Sida deraasaddu sheegtay, tiro ka badan 26 kun oo qof oo dadkaas dhintay ahi waxa ay ku naf waayeen dagaalka socda. Deraasaddu waxa ay xoojinaysaa in 90% dadka ku dhintay Kharduum aan la diwaangelin, qodobkan oo tilmaamaya in khasaaraha dhimashadu intan aad uga badanyahay.
Khasaaraha nafwaaga waxa barbar socda burbur dhaqaale gaar ahaan kaabayasha dhaqaale oo dagaalka ka hor lugo adag ku taagnayn. Wasiirka Caafimaadka, Haysam Muxammad Ibraahim waxa uu sheegay in Ciidamada gurmadka degdegga ah (RSF) ay boobeen oo ay baabi’iyeen 250 cisbitaal, oo ah saddex meelood meel cisbitaalladii dalka. Haysam waxa uu warsaxafadeed uu dhammaadkii sannadkii hore qabtay ku sheegay in khasaaraha soo gaadhay kaabayaasha caafimaadku dhanyahay 11 bilyan oo doollarka Maraykanka ah. Dhinaca waxsoosaarka ayaa isna burbur laxaad leh la kulmay, Guddoomiyaha Rugta Warshadaha, Mucaawiya al-Bariir waxa uu sheegay khasaaraha haleelay warshadaha iyo beeruhu in uu dhanyahay 80 bilyan oo doollar. Wasiirka Waxbarashada, Muxammed Xasan Dahab ayaa isna ku qiyaasay burburka loo gaystay goobaha waxbarasho ee gobolka Khartuum oo keliya 115 goobood.
Inkasta oo RSF kaalinta ugu weyn ku leedahay dumitaankan, haddana dhinacyada qaar ayaa isku dayaya in ay iska duwaan eeddan, dhinaca kalena, awoodaha siyaasadeed ee taageersan dawladda ayaan si cad uga ololayn eedda lagu soo duwayo.
Tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay badhtamihii Abriil ee sannadkii 2023, waxa taagan wayddiinta ah yaa leh masuuliyadda bilawga dagaalka. Qaar ka mid ah awoodaha siyaasadeed, oo uu ka mid yahay Golaha Dhexe ee Xorriyadda iyo Isbeddelka, ayaa isku dayay in ay eedda ka duwaan RSF, una cudurdaaraan in RSF faraha la gashay daadinta dhiigga shacabka, si ay weji qurxoon ugu yeelaan jabhaddan. Golaha Xorriyadda iyo Isbeddelka ayaa ku dooday in nidaamka duugga ah oo ah hadhaagii Xisbigii Mu’tamarka Dalka, uu huriyey dagaalka ka dhex socda ciidamada qaranka iyo RSF, isagoo isku dayay in uu carqaladeeyo geeddisocodkii dalka Dimuqraaddiyad lagu gaadhsiinayey.
Doodda goluhu waxa ay waafaqaysaa sheegashada RSF, oo ku doodda in xubno taageersan Xisbigii Mu’tamarka oo ciidamada ku dhex jiraa dagaalka bilaabeen iyada oo RSF ku bartilmaameedsaday gobolka Soba ee koonfur ka xiga caasimadda Khartuum, sidaasna ku qaadayaan eedda bilawga xabbaddii u horraysay ee dagaalka, oo ay masuul ka noqonayaan burburka RSF gaysatay, oo aan dhici lahayn haddii aan xubnahaasi dagaalka bilaabi lahayn.
Doodda ku saabsan cidda leh bilawga dagaalkii dhacay 23 Abriil 2023, waxa ka dhalanaysa wayddiin kale oo ka muhiimsan, oo ah xaalku sidee ahaa dagaalkan ka hor?
Dagaalka ka hor, 12 Abriil ee 2023, xoogagga RSF ayaa ku ruqaansaday magaalada Merowe ee waqooyiga dalka, iyaga oo aan oggolaansho iyo wadashaqayn midna ka haysan ciidamada qaranka. Dhaqdhaqaaqan waxa loo tixgaliyey amardiiddo iyo fallaagoobid. Afhayeenka Ciidamada Qaranka, Nabiil Cabdalla ayaa digniin diray 13 Abriil, isagoo ka digay is urursiga RSF iyo dhaqdhaqaaqa oggolaansho la’aanta ah ee ay ka wadaan dalka.
RSF may yeelin baaqa ah in ay ka baxaan Merowe, waxaanay dhaqdhaqaaqooda ku fasireen mid dabiici ah oo aan sharci jabin ahayn, waxaanay ku sababeeyeen in ay cabsi ka qabaan weerar Masar ka yimaadda, kol haddiiba Ciidamada Cirka ee Masar joogeen madaarka Merowe. Sababayntooda ka sokow, tababarka ciidan ee Masar iyo Suudaan ku samaynayeen saldhigga Merowe ma ahayn wax ugub ah.
Ismaandhaafkani waxa uu ku sal lahaa khilaaf siyaasadeed oo qotodheer oo jiray waxii ka dambeeyey afgambigii 25 Aktoobar ee 2021, gaar ahaan khilaaf ka taagnaa dib u habaynta ciidamada iyo qaramaynta RSF oo la rabay in ciidamada qaranka lagu daro. Ciidamada Qaranku waxa ay ka biyo diideen in aan wakhti cayiman loo samayn xilliga RSF ciidamada lagu darayo, lana carrabaabin shardiga ah in saddex sanno gudahood qaramaynta lagu dhammeeyo.
Taliyada Ciidamada Qaranku, Cabdifataax al-Burhaan waxa uu sheegay in sababta ay heshiiska u galeen ay ahayd in RSF la qarameeyo, ciidamadana la hoos keeno, qodobkan ayaanu ku tilmaamay farqiga u weyn ee labada dhinac ee siyaasaddu isku hayeen. Waxa uu ku adkaystay in aanay oggolaanayn heshiis kasta oo aan qodobkan fulinayn. Khaalid Cumar Yuusuf, oo ahaa afhayeenkii waanwaanta siyaasaddu waxa uu sheegay in RSF iyo Ciidamada kale ee madaniga ah ee heshiiska dib u habaynta ciidamada ka qayb galay ay aaminsanaayeen in muddada qaramayntu qaadan karto ilaa toban sanno. Tan cagsigeeda, Ciidamada Qaranku waxa ay ku doodayeen in aan muddada qaramayntu ka badan karin laba ilaa saddex sanno, oo aanay muhiim ahayn in muddadaas dheer la sugo.
Volker Perthes, oo ahaa Madaxa Ergadii Qaramada Midoobay ee Suudaan ka kaalmaynaysay muddada ku meelgaadhka ah, waxa uu waraysi saxaafadeed ku sheegay in qodobka qaramaynta RSF uu yahay ka dhaliyey dagaalka socda, waxaanu caddeeyey in RSF diyaar u ahayd dagaalka, isagoo daliishaday qabshada degdegga ah ee ay RSF ku qabsadeen meelo muhiim ah oo ka mid ah caasimadda iyo weerarka ay ku qaadeen gurigii Taliyaha Ciidanka.
Inkasta oo ay jirto sheegasho marinhabaabin ah oo tilmaamaysa in RSF rabtay in xoogaggooda lagu daro ciidamada qaranka, haddana sidan waxa beeninanaya hoggaamiyaha RSF Maxamed Xamdaan Dagloo, oo bishii Juun ee 2021 ku hanjabay in soo hadal qaad kasta oo ku saabsan qaramaynta RSF keenayo burburka dalka.
Dagloo waxa ku dooday in aanay RSF ahayn unug yar oo si fudud ciidamada loogu dari karo. Mabda’an Dagloo waxa uu ahaa mid aan is bedbeddelin laga soo bilaabo markii dastuurku ansixiyey xoogagga RSF bilawgii 2017, markaas oo Golihii Waddanka ee Xisbigii Mu’tamar ansixiyeen sharcinnimada RSF. Kulan talafeeshan oo Dagloo lala yeeshay ansixinta kaddib waxa uu sheegay in RSF tahay awood iskeed u taagan, oo la mid ah Ciidamada Ilaalada Jamhuuriyadda oo si toos ah uga amar qaata madaxweynaha, ciidankana garab siinaya xitaa iyada oo ay dhammaatay shaqadii loo wakiishay, ciidamadana aan lagu dari karin. Jawaab tuhun dhalisay ayaa uu sidoo kale talafeeshan ka sheegay, kaddib heshiiskii Burhaan iyo Xamduuk ee bishii Noofambar, 2021, isaga oo xusay in aanay qaramaynta RSF khusayn Raysalwasaar Xamduuk, talooyin arrinkan ku saabsanna aanu ka qaadanayn.
Dacaayadda buunbuunisa RSF, wejiga qurxoonna loogu sameeyo, dhinaca kalena eedda loogu sameeyo Ciidamada Qaranka iyo nidaamkii hore, waxa jira talaxgab ka jira kaalinta awoodaha siyaasadeed. Ciidamada Qaranku waxa ay la daalaadhacayaan taagdarrada ka jira awoodaha siyaasadeed. Iyada oo aan milatarigu ka maarmi karin galaangalka siyaasadeed, guusha ay Ciidamada Qaranku gaadhayaan waxa ay ka dhitinaysaa dhinaca siyaasadda.
Awoodaha siyaasadeed ee dawladda taagersan waxa ka dhiman jiheeye waxqabadkooda iyo go’aannadooda xakameeya. Kooxo ka mid ah awoodda siyaasadda iyo bulshada ayaa saxeexay bishii May ee 2024 Heshiiskii Suudaan ee Qaahira ka dhacay. Heshiiskani waxa uu dhigayey in Ciidamada Qaranka Suudaan yihiin cidda keliya ee sharciga u leh ilaalinta nabadgalyada iyo ilaalinta midnimada dalka.
Lix bilood kaddib heshiiskaas, qaybo ka mid ah dhinacyada siyaasadda oo hore u saxeexay heshiiskaas, ayaa ka qaybgalay wadahadallo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerlaan iyo urur Faransiis ah, oo uu ka dhashay heshiiskii Jineefa. Dhinacyada saxeexay heshiisku waxa ay ka tanaasuleen in ay Ciidamada Qaranka u aqoonsadaan cidda keliya ee sharciga u leh ilaalinta nabadgalyada.
Waxa kale oo Suudaan awood tiray xubbinnimadeedii Midawga Afrika oo la laalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa labo bilood ka hor soo bandhigay qorshe lagaga gudbo caqabaddan oo ah in lasoo dhiso xukuumad cusub oo ku dedaasha in ay hesho kaalmada Midawga Afrika, xubinnimadana usoo celisa. Badhasaabka gobolka Daarfuur, ahna hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Suudaan ayaa diiday in xilligan la soo dhiso xukuumad cusub, kuna baaqay in mudnaanta la siiyo hawlgallada milatari, isagoo ku dooday in xukuumad kasta oo xilligan la dhisaa kalsoonida waayayso.
Dadka qaar baa ku sababeeya diidmada kooxaha kale ee hubaysan in ay ka cago jiidayaan soo dhisidda xukuumad cusub, cabsi ay ka qabaan in ay xukuumaddaas cid kale ka faa’idaysato awgeed. Dhinaca kale, waxa hadallo xanaf leh is weydaarsanaya Dhaqdhaqaaqa Caddaaladda iyo Sinnaanta oo taabacsan Wasiirka Maaliyadda, Jibriil Ibraahim iyo hoggaamiyaha Xoogagga Iskacaabbinta Suudaan, Abu Caaqila Kaykal, oo kasoo goostay RSF, dhammaadkii sannadkii horena kusoo biiray safka Ciidamada Qaranka. Waxa la faafiyey maqaal markii dambe la masaxay oo ereyo adag oo sumcad dil ah lagaga hadlayo Abu Caaqilah, waxaana markii dambe bar lagu faafiyey maqaalka oo ay leedahay Xarakada taabacsan Jibriil lagu qoray raalligelin, inkasta oo Xarakadu diidday saxnimada raalligelinta, oo ay ku doodday in maqaalku siday aragtida qofkii qoray, mareegta Xarakaduna aanay metelin.
Khilaafkan labadan dhinac ee dambe u dhexeeyaa waxa uu bilaabmay kaddib markii la xoreeyey gobolka Aljasiira bilawgii sannadkan, oo ay hadallo ka dhasheen in masuuliyiin ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Caddaaladda iyo Sinnaanta loo magacaabay guddiga dib u dhiska Aljasiira. Kaykal waxa uu dhaleeceeyey Wasaaradda Maaliyadda uu hoggaamiyo Jibriil Ibraahim, isagoo ku dhaleeceeyey in ay gabtay mashruuca dib u dhiska Aljasiira, waxa kale oo uu ku tuhmay in uu xukuumadda lacago kaga qaato dagaalka socda, se aanu kaalin ku lahayn halganka.
Iyada oo bulshada Suudaan aad u dhaliilayaan dhinacyada siyaasadda ee doortay in ay la saf noqdaan RSF, amaba ku marmarsoodaan dhexdhexaadnimo aan waxba ka jirin, haddana dhinacyada siyaasadda ee dawladda la jiraa waa ay ka gaabiyeen in ay dhaliisha dhankooda ka miisaan. Siyaasiyiintu muddo ayaan hadal laga maqal, se maalinta meel cusub la xorreeyo ayaa ay soo muuqdaan iyada oo dirayska ciidanka xidhan, maalmaha kalena dadka ma siiyaan dhiirrigelin iyo jihayn.
Haddii aan xaalku isbeddelin, dhibaatada Suudaan waxa ay gashay sannadkii saddexaad, dalka iyo dadkuna waxa ay la daalaadhacayaan burburinta RSF waddo iyo aamuska dhinacyada siyaasadda ee Ciidamada Qaranka raacsan.