Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Dawladda Somaliland iyo Puntland oo Gaadhay is Afgarad Ujeeddo Badan ah

6 October, 2025
Image
Dawladda Somaliland iyo Puntland oo Gaadhay is Afgarad Ujeeddo Badan ah
Share

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Dawladda Somaliland iyo dawlad goboleedka Puntiland ee Soomaaliya ayaa ay ku sheegeen in ay is afgarad ka gaadheen heshiis wada shaqeyneed oo ku saabsan dhinacyada nabadda gobolka Sanaag, la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta ganacsiga iyo isu socodka.

2

 

1

Shir ay Nayroobi ku yeesheen Wasiirro iyo masuuliyiin ka socday labada dhinac ayaa lagu sheegay in labada dhinac bogaadiyeen guulaha dawladeed ee uu mid kaste ku tallaabsaday, iyada oo Puntiland sheegtay tixgelinta ay u hayso xaqa aaye-ka-tashiga Somaliland oo sannadkii 1991-kii ka baxday midnimadii ay la gashay Soomaaliya, 1960-kii, laakiin ay Soomaaliya weli diiddan tahay. Somaliland ayaa, iyaduna dhankeeda bogaadisay tallaabooyinka uu Maamulka Puntiland u qaaday dhanka dawlad-dhiska. Waxa kale oo ay labada dhinac isla cambaareeyeen 'siyaasadeynta hawada' iyo duulimaadyada oo ah farriin ay si isku mid ah ugu direen dawladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan labada dhinac ayaa u muuqda mid leh ujeeddo siyaasadeed oo dhaafsiisan qodobbada ku xusan. Dawladda Somaliland iyo dawlad goboleedka Puntiland oo muddo dheer isku hayay muranno dhuleed iyo maamul, marar badanna ku dagaallamay, ayaa intii dambe u muuqday in ay isu soo dhawaanayaan, ka dib markii ay Xukuumadda Muqdisho faragelin ku sameysay deegaanno ay labadoodu sheegtaan, kana sameysay 'maamul' cusub oo ay labadooduba ku gacansaydheen. Waxana ay mar sii horreysay is dhaafsadeen maxaabiis dagaal oo lagu kala qabsaday dagaalladii gobolka Sool ku dhex maray ciidanka Somaliland iyo ciidan beeleedyo ay qaarkood ka soo tallaabeen dhanka Puntiland.

Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa ku tilmaamay heshiiskan in uu yahay tallaabo wada jir ah oo ay u qaadeen fashilinta qorsheyaasha ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ka waddo deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, iyada oo Somaliland iyo Puntiland, sida muuqata, ay dib u dhigeen khilaafaadkii iyaga ka dhexeeyay.

Dhanka kale, xubno ka mid ah mucaaridka Somaliland ayaa Xukuumadda ku dhaliilay heshiiskan waxana ay ku tilmaameen dastuur jabin ay ku kacday. Wasiirkii hore ee Isgaadhsiinta Somaliland, Cabdiweli Suufi ayaa sheegay in heshiiskan ay ku jiraan qodobbo halis ku ah midnimada dhuleed ee Somaliland, isaga si gaar ah u tilmaamay in Puntiland kaalin laga siiyay arrinta nabadeynta Ceerigaabo.