Saturday 8 November 2025
Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa cambaareeyay tallaabo ay Dawladda Hoose ee Hargeysa kula kacday qaar ka mid ah shaqaalaheeda, isaga oo soo xiganayay muuqaallo lagu faafiyay warbaahinta oo ku saabsan xubno shaqaale ah oo laga eryay shaqada laguna eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo tuugnimo. Komishanka Xuquuqul Insaanka ayaa falkan ku tilmaamay mid baalmarsan sharciga oo xadgudub ku ah muwaaddiniintaas oo laga eryay shaqadii laguna sameeyay sumcad dil, iyada oo aanu jirin xukum maxkamadeed oo ku dhacay ama loo cuskaday dambiyada lagu qaaday.


Waxa uu Komishanka ugu baaqay laamaha dalka ee ay arrintani khuseyso in ay tallaabo ka qaadaan xubnihii Fulinta Dawladda Hoose ee xadgudubkaas kula kacay shaqaalaha. Waxa uu Komishanku sheegay in aan qofna lagu sheegi karin dambiile, iyada oo aanu jirin xukun maxkamadeed.
Dhawaan ayaa ay soo baxeen eedo sheegaya in shaqaale ka mid ah Dawladda Hoose laga eryay, waxana arrintaas ka hadlay Xoghaye Fulinta oo beeniyay in aanay jirin 15 qof oo mar laga wada eryay Dawladda Hoose, laakiin isla jeerkaas waxa uu yeedhiyay magacyada lix qof oo uu sheegay in shaqada laga eryay oo saddex ka mid ah uu ku eedeeyay xatooyo, khiyaano iyo wax-is-dabamarin, waxana uu soo bandhigay qoraallo uu u adeegsaday in ay caddeynayaan eedeynta laaluushka ama xatooyada.
Labo sannadood ka hor ayaa uu Maayir Mooge sheegay in uu shaqada ka eryay shaqaalihii ugu badnaa eel aga eryo Dawladda Hoose intii ay jirtay, isaga oo sheegay in loo eryay sababo la xidhiidha wax-is-dabamarin iyo laaluush, xilligaas oo uu ka digayay in dadweynuhu laaluush ku bixiyaan adeegyada, laakiin isla markaas ma uu sheegin Maayirku in dambiyadaas uu ku eryay shaqaalaha ay maxkamadi xukuntay.