Tuesday 19 May 2026
Muddooyinkii u danbeeyay mandaqadda ay dhacaan dalalka carbeed waxa ay la kulantay isbeddello waaweyn oo natiijadii ka dhalatayna ay sababtay in dalal badan oo Carbeed dastuurradooda dib u qoraan. Waddamadaas waxa aynu ka xusi karnaa Masar, Tuunis, ilaa ugu danbayn Suuriya oo uu dhammaadkii 2024 ka dhacay isbeddel la yaab leh. Xidhiidhka ka dhexeeya badanka qoraalka dastuuriga ah iyo waaqaca siyaasadeed ee mandaqadda Carbeedi waxa uu ka mid ahaa arrimaha ugu murugsanaanta badan. Iyada oo dastuurka loo dhigay in uu noqdo heshiis bulsheed oo dabar u ah suldada, ilaaliyana xuquuqda dadka, ayey haddan kelitalisyadu waxa ay uga faa'iidaysteen in ay xukunka ku ilaashadaan oo ku dheeraystaan. Haddii wax-ka-beddel loo baahan yahay in lagu sameeyana ay ku qaadanaysaba 10 daqiiqo gudahood, sida tii ka dhacday Suuriya sannadkii 2000.
Isbeddellada siyaasadeed ee aynu goobjoogga u ahayn aawadood: waxaan is arkay aniga oo danayn siinaya in aan wax ka ogaado tajribadii dastuur ee mandaqadda ee tan iyo 2011, si gaar ah 11 dal Carbeed oo dejiyay dastuurro cusub, wax-ka-beddello asaasi ah ku sameeyay kuwo hore u jiray, ama soo saaray baaqyo ama dukumentiyo dastuuri ah. Waxa aan wada sheekaysi daarran cilmibaadhisteeda ku saabsan waaya'aragnimadeedii mandaqadda si gaar ah Shaam bilawgii qarnigii labaatanaad la yeeshay bare sare Elizabesth Thomspson oo ah cilmibaadhe macruuf ah oo ku isirran Maraykanka, ahna qoraaga buugga "Justice Interrupted: The Struggle for Constitutional Government in the Middle East."
Mar kale, Cilmibaadhe Nathan J. Brown oo reer Maraykan ah, folaadna u ah shakhsiyaadka aadka loo xigto Galbeedka si loo fahmo nidaamyada dastuuriga iyo siyaasiga ah ee Carabta, iyo qoraaga waxqbad mudnaan leh sida “Constitutions in a Nonconstitutional World” iyo “When Victory Is Not an Option”, ayaynu waraysiganna ka qabanaynaa aragtiyihiisa ku saabsan fashilka dastuuriga ah ee Carabta, mustaqbalka dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah, iyo caqabadaha kalagguurka
Nathan Brown: Waxa la odhan karaa halka ay u dhimatayba waa qoraalka: maxaa yeelay, waxa ka buuxa goldaloolooyin, qodobbo madmadow ku jiro oo xuquuqda ku saabsan, habraacyada isla xisaabtanka oo liita, iyo wixii la mid ah. Kala duwanaanshaha se u dhexeeya qoraallada dastuuriga ee kelitaliska iyo dimuqraaddiga waa kuwo jira oo badanka laga badbadiyo. Waxa aan filayaa in halka fashilkooda dhabta ahi dhacaa ay tahay qoraalka in ka badan dhanka siyaasiga ah. Dastuur kastaa u ma shaqayn karo hannaan dimuqraaddi ah oo way adkaanaysaa, haddii aanu jirin wadarnimo dhanka bulshada iyo siyaasadda ah.
NB: Ugu horrayn aan idhaahdo ku dhawaad ama gabi ahaanba dastuurradu (kuwa kelitaliska) waxa ay u qoranyihiin sidii ay awoodda u sii haysan lahaayeen, kuwa dimuqraaddiga ahina toobiyahaas ayay hayaan; awooddana u ma xaddiddo si uun e, balse waxa ay qeexaan kalasarraynta hoggaanka, oo waxa ay bixiyaan oggolaansho iyo xoojin maamulka ah. Wax kedis ku dhacayna ma aha in dastuurro la qoray iyada oo ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale iyo ciidan, sida oo kalana loo nashqadeeyay si ay taliska u taageeraan.
Caalamka Carbeed dastuurradaa waxa ka duwayaa waa in ku dhawaad idilkood ay qorteen nidaamyo yoolkoodu yahay in ay maamulka xididdada u aastaan. Mana ay qorin xoogag siyaasadeed oo tartamaya oo doonaya in ay qoraan xeerar lagu dhaqangeliyo shaqada siyaasiga ah iyo nukhbo isku deyaysa in ay dhisto (ama in ay mid ka badbaadiso dhibaato), iskaba daa e waxa qortay nidaamyo u ololaynaya in ay wax-ka-beddel sameeyaan ama dardargeliyaan, ama dhisaya aydiyoolajiyad cusub.
Gugii Carbeed ka dib, arrinku wuxuu ahaa mid ka duwan: oo Tuunis waxa dastaatiirta qoray xoogag siyaasadeed oo tartan iyo gorgortan ku jira, Masarna waxa ay ahaayeen natiijo ku saabsan loollan aan weli la go'aamin, halka Urdun iyo Maqribna waxa meesha laga saaray nidaamyo isku dayaya in ay isku dheellitirka kuwa mucaaradka ku ah. Midhaha dedaalladaasi waxa ay ahaayeen kuwo aad u yar, iyada oo ay jirtayna xilligii "aaminaad la'aanta dastuuriga ah" (yididdiilladuna ay aad u badnayd) oo ay raad ku reebtay, dhaqdhaqaaqyada iyo dhinacyada saamaynta siyaasiga ah lihina waxa ay noqdeen kuwo in badan u xaglinaya oddoroskooda in ay ku cabbiraan erayo dastuuri ah; oo waxa ay noqotay luuqadda dastuuriga ahi mid si joogto ah looga dhex arko goobaha dadweynaha.
NB: Caqabadda u weyni, sida aan xusay, waa kelitaliska qudhiisa. Waana masuurtowdo in kolkasta oo ay awooddu kootaysan tahay la helo maxsuul ka duwan toobiye aan inagu hagayn macangagnimo. Halis weyn bayna ku tahay in la qoro dastuur oggolaanaya isla xisaabtan iyo tartan dhab ah. Waxaan se filayaa in caqabad kale jirto. Xitaa haddii wadarnimada laga helo waaqaca, in la aqbalaa waa mid madmadow ku jiro, ama sida ka laga dheehan karo—tusaale ahaan, Masar sannadkii 2011—isla kolkaba waxa ay u dumaysaa kalsoonidarro qotodheer.
NB: Waxa ay ahaayeen raadadka sharci ee qodobbadaasi kuwo xaddidan, waxana aan filayaa in ay jiraan qoraallo ku saabsan diinta oo ay suuragal tahay in ay yeeshaan raadad (tusaale ahaan, kuwa ku tacalluqa qoyska ee seeskoodu diinta yahay) balse qodobbadaasi ku ma dhex jiraan, si ay u yeelato saamayn dhab ahna waxa kamakacdo ah in qodobbadu ahaadaan kuwo xaddidan, ama awoodda u qeexaya si loo xaddido fasirka shareecada ee dhaqangalay. Macnaha sharci waxa uu qeexaa wayddiinta ah "cidma" inta uu qeexo "maxay".
Hasayeeshee, waxa ay qodobbadaasi keenayaan ku baraarugsanaan iyo dood, oo waxa ay qaabaynayaan qodobbo xujooyin dastuuri ah. Waxa adag in la fahmo ku dhex milanka qotodadheer ee hab qorista dastuuriga ah ee labadii tobanguuro ee u danbeeyay, iyada oo aan la garawsan qaabkii diintu ugu xidhmatay qoraalka dastuuriga ah.
NB: Farriinta dukumentiga ku saabsan ee aan dirayaa waa: "Suuriya waxa ay leedahay madaxweyne, isaga ayaana maamule ka ah marxaladda ku-meel-gaadhka ah". Farriinta aan jecelahay se in aan la wadaagaa waxa ay daarran tahay: "Haddii aad is leedihiin dastuurku, muddada fog, waa qalab aad bulshada ku qabsan doontaan halkii ay ka ahayd in aad u adeegsataan jidkii aad dib ugu dhisi lahaydeen nidaamka siyaasiga ah ee bulsho si qotodheer u kala qaybsan oo u burbursan waad ka shallayn doontaan.
NB: Tani waxa ay ka dhigan tahay, ugu yaraan haddii aynu oddorosno mustaqbalka, in mashruuca siyaasiga ah ee ururku soo dhammaaday. Waxana aan uga jeedaa fekradda odhanaysa habka ugu sarreeya ee loogu ordi karo yoolka ururku waa in loo maro shaqada siyaasiga ah. Dabcan, yoolka qudhiisa ayaa noqonaya kolkaa in la bedbaado. Qaar ka mid ah gudaha xarakada ayaa qaba—oo imika qarni jirsatay—in farriintoodu tahay mid fog, xilligan cadaadis darani jirana ay waxqabad weyn tahay in la ilaaliyo nidaamka.
NB: Filayaa su'aashu waxa ay ku arooraysaa dawladda iyo nidaamka—waana waxa ay badi nidaamyadu sameeyaan—oo waxa ay qabaan in nidaamka la sugaa ay la mid tahay iyadii oo la sugayo dawladda lafteeda. Taas ayaana ka dhigaysaa mid adag in isbeddel awoodeed oo kasta la aqbalo, Islaamiyiin ha ahaadaan ama cidaha kalaba
NB: Haddii aynu ka derisno, inaga oo dib u milicsanayna taariikhda bulshooyinkaas, qaabdhismeedkooda siyaasadeed iyo caqabadihii ay la kulmeen, waxa ay guushu noqon lahayd mid kedis ku dhacday ilaa heer. Waana run in ay jireen xisaabaad khaldan, balse u ma malaynayo in ay gaar ku ahayd Islaamiyiinta. Gebi ahaanba xaaladdu way ka duwan tahay Suuriya oo waa bulsho ka soo kabanaysa tobanguuro laga dhaxlay cunfi amakaag ah iyo barakac; iyo bulsho khilaafaadka siyaasiga ahi ay isu beddeleen kuwo ciidan. Maaddaama oo xaaladdu aad uga duwan tahayna waxa aan ku sigtayba heer in aan baadho casharro meelo kale ah oo ay isa soo shabbahaan oo ku saabsan dalalka ka baxsan ee la tacaalaya dagaallada sokeeye ee la mid ka ah.
NB: Ma qabo in ay aad uga liidato oo muddo dheerna jiitamayso. Waxa ay mushkiladdu ku arooraysaa erayga "kala guur" (transition) qudhiisa — oo soo bandhigaya bilaw iyo dhammaad cad. Siyaasaddu weligeed ka bilaabanmayso oo ku ma dhammaanayso meel cayiman, wixii dadka qaar ugu muuqday kala guur si xeeldheer u cad (sida tii ka dhacday Ruushka dhammaadkii sideetaneeyadii ama bilawgii sagaashaneeyadii) waxa ay aad ugu muuqataa mid ka duwan maanta.
NB: Waxaan filayaa haddii aynu u fahanno siyaasadda keli ah in ay u tahay dhaqdhaqaaq loogu socdo ama lagaga fogaanayo dimuqraaddiyadda waxa badanka socdaa waa ay ina hareer marayaan. Waxa aynu haysannaa erayo hodan ah oo siyaasadda ku saabsan oo aanay habnoonaynna in lagu koobaa dhanka keliya ee metalaysa dimuqraadiyadda.
NB: Dabcan in laga hor yimaaddaa waa kamakacdo. Yoolkuna waa in la maamulo iska hor imaadkaa oo laga shaqeeyo dejinta xeerar siyaasi ah si loo ilaaliyo bedka wada-xaajoodka. Waddo indhasarcaad ahi ma jirto oo ku tacalluqda natiijadaa, balse "bulsho madani" ah oo kasta oo aan xididdo qotodheer la lahayn bulshada waxa ay u badan tahay in ay fududdahay in la xakameeyo.
NB: Waxa aan filayaa isbeddelka u weyni wuxuu ku aroorayaa in "haybta aan qeexnayni" ay noqotay mid awood leh. In kasta oo siyaasaddu faafreeb adag la kulmayso, oo laga yaabo in ururrada shaqaalaha ama xisbiyada ay haystaan xoogaa fakaag ah, balse waxa jira doodo in badan horumarsan oo ka aloosan debedda , ha ahaadaan baraha bulshadaa ama wadasheekaysiyada gaarka ah oo ah arrimo aan dhaaday ee aan ahayn cilmibaadhis. Balse waxaan qabaa in nidaamyo kooban ay xakamayn karaan habfekerka muwaaddiniintooda, xitaa haddii ay ka adeejiyaan oo ku xakameeyaan haayadaha sharci oo dhan.
NB: Hore la iigu ma jeedin tuhunka "bariyaynta" waxana culayska caddayntaasi ay fuulaysaa cidda eedaynta soo jeedisay haddii tuhun caynkaas ah la ii jeediyo. Danna ka ma lihi in aan iska difaaco. Waxa aan isku deyayo in aan sameeyo waa waxa aad xusayso: dhegaysi. Waxana ay ka dhigan tahay labo arrin: in aan dhegaysto kuwa aan dersayo iyo in aan akaademiyiiinta saaxibbaday ah ee dersaya dhegaysto, innaga oo aan fiirinayn luuqaddooda, jinsiyaddooda, ama takhasaskooda. In aan muxaadarooyin uun jeediyo u ma faafiyo buuggayga, balse si aan ula falgalo oo uga qaybgalo, waxana aan aad ugu faraxsanahay kolka aan saaxiibbaday kala kulmo falcelin dhab ah; sidaas si la mid ah aad baan ugu riyaaqaa marka aan gorfayn macne leh kala kulmo kuwa aan dersayo (ha ahaadaan islaamiyiin Kuwaytiyiin ah ama garsoorayaal Masaari ah).
Waxaan filayaa kala soocidda ah cilmibaadhayaal Carbeed oo "is dersaya" iyo cilmibaadhayaal Galbeediyiin ah oo "u muxaadaraynaya" in aanay khaldanayn. Intii aan ku jiray geeddigayga cilmibaadhistana aad bay u soo koobatay taasi. Aqoonyahanndu si weyn bay ugu furfuran yihiin in bulshooyin aqooneed oo caalami ah la dhiso caksiga kuwo maxalli ah, su'aalahooduna waa kuwo dhiirranaan ay ka muuqato. Nasiibxumo, waxa jira labo qodob oo siyaasi ah oo saamayn leh oo dhankaa toganna aad hoos ugu dhigaysa: xayiraadda lagu soo rogay in dunida Carbeed lagu derso culuumta bulshada; iyo xayiraadda socdaalka gaar ahaan hoggaanka Maraykanka ee hadda jooga.
Qormadan waxa Noonpost ka soo turjumay Cabdicasiis Daahir.