Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Daniel Dennett iyo Iswaafajinta Falsafadda iyo Sayniska

27 January, 2025
Image
Getty Images
Getty Images
Share

Falsafaddu badanka lama jirin sayniska, qoraalkan soo socdana waxa kuu caddaan doona sababaha kellifaya in wax laga beddelo arrinkan. Daniel Dennet oo ah bare jaamacadda Tufts Falsafadda ka dhiga, dhinacyada falsafadda iyo aqoontana ka qoray buuggaag toban kor u dhaafaya, waxa uu iftiiminayaa shaqadiisa ku foogganaanta falsafadda xilli falsafadda iyo sayniska hirdan ka dhexjiro. Dennett waxa uu ku doodayaa in falaasifo badan oo xilligan nooli ku mashquulsanyihiin dedaalladooda falsafadeed, oo ay xoogga saaraan aragtiyahooda iyo dib ugu laabashada aragtiyo falsafadeed oo duugoobay, isla xilligan wax kastaa is beddaleenna ku dhegganyihiin ka shaqaysiinta habab qadiim ah oo falaasifadii hore adeegsan jireen, iyaga oo aan ku dedaalin in ay u kuurgal xeeldheer ku sameeyaan horumarka xawaaraha sare ee saynisku ku tallaabsanayo. Waxa uu Dennett is weydiinayaa: haddiiba aynnu isku raacsannahay in waaqica iyo xaqiiqada jiraa isla beddelaan isbeddel kasta oo ku yimaadda sayniska, miyaanay mudnayn in fikirka falsafadduna horumar sameeyo, oo ugu yaraan u dhow horumarka saynisku samaynayo?

Qoraalkan waxa uu Dennett ku xaddidayaa afar heer oo uu u fekerkiisa falsafadeed kala wareeg ku yimid; heerkii falsafadda kalaasiga ah, heerkii Aragtida Horumarka Noolayaasha, heerkii Aragtida Miimiga (Aragtida Horumarka Dhaqamada) iyo heerkii “Intentional Stance”. Afartan tiir waxa ay fahankiisa iyo aragtidiisa falsafadeed iyo sayniseedba ku biiriyeen fahan qotodheer, waxaanay hodmiyeen sooyaalkiisa falsafadeed, oo waxa ay garab ka siiyeen fahankiisa habdhaqanka aadamaha iyo sida falsafaddu uga jawaabi karto weydiimaha haddii habab tayo leh la adeegsado oo aan la dul fadhiisan habab duug ah oo waa hore la adeegsan jiray. 

Dennett waxa uu qoraalkiisan ugu baaqayaa falaasifadu in ay dib ugu laabtaan hababka baadhistooda, waxaanu ku dhiirrigelinayaa in ay qaataan fikradaha cusub ee saynisku daaha ka qaado. Waxa uu ku doodayaa in aynnu dunida innagu xeeran wax badan ka ogaan karno haddii la isku soo dhaweeyo aragtiyaha falsafadda iyo hababka saynisyahannadu wax u taxliiliyaan. Waa hab innaga kaalmayn kara in aynnu jawaabo u helno weydiimo jiraalka ku saabsan oo boqolaal sanno ka hor la is weydiiyey. 

******

Haddii aad aragto sixiroole qof dumar ah laba u kala jaray, oo aad rabtid in aad wax ka ogaatid sida ay ugu suurogashay in uu qof dhan laba u kala jaro, sidaasna weydiisid qof kale. Kasoo qaad in qofkaasi kuugu jawaabay: “Anigaa kuu sheegaya sida uu sidan ku sameeyey. sixiroolayaashu qofka si dhab ah uma kala jari karaan, se indhosarcaad uu adeegsaday ayuu innagu moodsiinayaa in uu qofka laba u kala jaray, innagaana sidaas moodayna”. Ka soo qaad in aad sii weydiisay weydiin kale: “Hagaag, se sidii xitaa indhaheenna u beddeli karaa oo uu inoo moodsiin karaa in gabadhu kala go’day?” Ka soo qaad in uu kuugu jawaabay: “Anigu arrinkan kuma takhasusin, ee keliya aragtidaydaan kuu sheegay”. 

Magacaygu waa Daniel Dannett, waxaan qoray buugaag kor u dhaafaya 12 buug oo aan garaadka iyo doonista madaxabannaan kaga hadlay. Waxa aan ahay bare falsafadda ka dhiga jaamacadda Tufts. Laga soo bilaabo yaraantaydii, waxa ay doonis xad ka bax ahi ii haysay in aan ogaado sida waxyaaluhu u shaqeeyaan. Waxa aan jeclaa in aan alaabahaas kala furfuro si aan u ogaado waxa ka shaqaysiinaya. Waxa igu jirtay hibo injinneernimo oo aan mustaqbalka guul ku gaadhi karo. Markii aan falsafadda bartay, waxa aan ogaaday in hibadaas igu jirtay si kale iigu adeegtay oo aanan dhayalsan karin. Waxa aan noqday faylasuuf ku dedaala in uu ogaado sida fikraduhu u shaqeeyaan –halkii aan yaraantaydii walxaha ku dedaali jiray. Waa sababta igu riixday inaan difaaco fikrad aasaasi ah oo ah: haddii aad rabtid in aad faylasuuf falsafadda wax ka fahma noqotid, waa in aad dunida iyo sayniskaba wax badan ka taqaannid. Waxa aan ku doodaa in falaasifadda sayniska u dhuundaloolaa falsafadda kaga meeqaam sarreeyaan kuwa aan wax badan ka aqoon sayniska, waa si la mid ah in saynisyahannada falsafadda yaqaanaa sayniska kaga fiicanyihiin kuwa aan falsafadda danayn. Markaas saynisyahannada laftoodu waxa ay u baahanyihiin falsafad si ay weydiimahooda qaab wanaagsan uga jawaabaan, weydiimo fiicanna isu weydiiyaan. 

Dad badani waxa ay xagjir ku noqdaan aragtiyahooda, waxaanay diidaan inay ka tanaasulaan aragti dhaliil weyn kala kulmaysa cidda kasoo horjeedda, lagana gar leeyahay. Waan ku faraxsanahay in aragtiyahayga la dhaliilo, aniguna wax dhaliilo, haddii aan sidaas la samayna xaqiiqo jirta lama gaadhayo, sidaas darteed waxa aan aasaasi u arkaa in aynnu weydiin muhiim ah is hordhigno markasta, taas oo ah: “ka warran haddiiba aan khaldanahay?”

Markii aan waxbarashada sare ee falsafadda ka waday jaamacadda Oxford lixdanaadka qarnigii tagay, waxa maalin igu dhacday in aan saaxiibbadaydii waxbarashada igula jiray aan ka doodno waxa gacanta qofka awoodtira marka la suuxiyo. Waxa aan is weydiiyey waxa gundhig u ah suuxinta. Ma wax xididdada la xidhiidhaa? Mise waaba wax la xidhiidha qulqulka dhiigga? Waxa aan arkay in ay la yaab ku noqotay saaxiibbaday in qof falsafad dhigtaa is weydiiyo weydiimo u yaalla aqoonta shaqada xubnaha, waxaanay u qaateenba in aan falsafadda ka beddelan doono. Se anigu waxa aan tagay maktabadda caafimaadka ee jaamacadda, waxaanan isku dayay in aan wax ka barto shaqada xididdada. Arrinkani waxa uu noloshayda u noqday kala wareeg muhiim ah. 

Markii aan aqoon igu filan aan u yeeshay xididdada iyo unugyada, waxa aan ogaaday in unugyadu tilmaanta siiyaan maskaxda, tilmaansiintanina gundhig u tahay horumarka maskaxdu wax ka samayso ee aynnu waxbarashada u naqaan. Ka hadalka hababka nooluhu wax ku barto iyo heerarkiisu xilligaas waxa uu ahaa wax ku kooban aragtida Daarwin ee Horumarka Noolayaasha, aniguna xilligaas wax badanba kama aqoon aragtidan saynis, se waxa aan dareemay doonista ba’an ee aan u hayo baadhisteeda. Markasta oo aan wax badan sii ogaado, waxa kobcayey fikirkayga, waxaanan is odhanayey imikaad furihii heshay. Waxa aan ogaaday haddii aynnu si dhab ah aragtidan horumarka noolaha u fahanno oo aragti isku dhammaystiran lasoo baxno, in aynnu ka takhallusi karno waxkasta oo aynnu indhosarcaad iyo wax loo xal waayey aynnu u aragno. 

Ilaa hadda waxa amakaag igu ah sida ba’an ee falaasifo badani uga cabsadaan in ay yeelaan in aanay waxba ka garanayn aragtidaas Horumarka Noolaha ee Daarwin. Waxa ay aaminsanyihiin saxnaanta odhaahda sheegta in haddii tafsiir fisyoolaji, meekaaniki ama fiisigis loo helo habka wax kastaa u shaqeeyaan, waxa ay macnotiri weydiimaha falsafadda, oo ay meesha ka saarayaan. Ma aaminsan in arrinku sidan yahay. Waxa aan aaminsanahay fahankeenna dabeecadda iyo qaabkan farshaxanka leh ee ay u jirtaa uu kordhinayo fahankeenna waxyaalaha iyo ka fikirkeenna mustaqbalka, oo aynnu meesha ka saarno fasiraadaha mala’awaalka iyo indhosarcaadka ah. 

Waxa aan aaminsanahay in aragtiyaha Daarwn buriyeen weydiimo waaweyn oo falaasifadda horyaallay. Waxa dhab ah in falaasifo badani isku dayayaan in ay gundhig u helaan wax, iyada oo Daarwin caddaynayo in ka fikirka waxaas ay gundhiga u rabaan u qalmin in aasaasi laga dhigo. Arrinkani uma cuntamo falaasifo badan, sababtuna waa in ay wax ka bartaan Socrates iyo Plato, waxa ugu horreeya ee ay bartaanna waa xadaynta ereybixinaha; macnaha xadaynta waxa wax kasta gundhigga u ah. Sida uu Aristotle yidhi, dedaal badan oo aynnu gelinnay xadaynta iyo caddaynta gundhigga iyo waxa sees noqon karaa waxa uu ina tusin doonaa in aynnu khalad falsafadeed oo weyn galnay. Iska illow sees u samaynta wax iyo jawharka wax, oo taas beddelkeeda walaxda xagal kasta ka eeg, markaas ayaa walxaha si waafi ah wax looga ogaan karaa. 

Mid ka mid ah marxaladihii ugu iftiinka badnaa noloshayda ee i soo maray waa mar aan akhriyey buugga “The Selfish Gene” ee uu qoray Richard Dawkins. Waxa aan wax ka bartay horumarka dhaqamada iyo samaysankooda, isaga oo soo dheeganaya aragtida Horumarka Noolayaasha ee Daarwin. Erey kasta oo luuqad ku jiraa waa summad dhaqan u taagan, waa wax aan hiddeside ahaan loo kala dhaxlin, se dhaqan ahaan la isugu gudbiyo, wakhtigana la horumara. Aragtida Dawkins waa aragti guud oo taxliilinaysa sida dhaqamada aadamuhu ku horumaraan iyaga oo barbar socda awoodaha garaadka aadamaha. 

Kolkan waxa aan odhan karaa farqiga u weyn ee u dhexeeya maskaxda shimbaansiiga iyo maskaxda aadamuhu waa in aan ta shimbaasiigu awood u lahayn ilaalinta miimyada, se ta aadamuhu miimyo badan awooddo inay ilaaliso, waana xaqiiqada ku saabsan awooddeena horumar. Kombiyuutarka ama moobilkeenna gacantu awood ma laha haddii aynaan “applications” u soo dejin. Aplications-kaasi waxa ay metelaan miimyadaas aynnu isku afgaranno. Mid ka mid ah miimyada ugu halista badan ee xilligan jira waxa ka mid ah fikradda ah in xaqiiqadu aanay muhiimad lahayn, sababtoo ah waa wax kooban oo aan koobsanayn wax kasta, la iskuna daalin sugidda dhabnimada wax, se taas beddelkeeda loo daayo cid kastaa waxa ay xaqiiqo u aragto, xaqiiqadaada iyo xaqiiqadaydu waa ay kala duwanaan karaan, xaqiiqada cid kasta oo nooli aamintaana way ka duwanaan kartaa. Waa arrin aan la iska indhotiri karin in dadka lagu dago in cid kastaa xaqiiqada si gaar ah u arki karto, waana wax dad badan soo jiita, loogana faa’idaysto waxyaabo dhib keena oo lagu kala aragti duwanaado. 

Waxa aan aaminsanahay in mid ka mid ah aragtiyahayga ugu wanaagsan ay tahay “Intentional Stance” oo ah aragti aaminsan in aynnu si iskeen ah ula falgalno waxyaabaha xalka inooga baahan oo aynnu sawiranno mawqifka aynnu ka qaadanayno. Waxa aynnu is weydiinaynaa waxani maxaa uu u baahanyahay? Waxa aynnu qaabkan ku ogaan karnaa sida wax u dhici karaan iyo tallaabada la qaadi karo ee wax cayiman ku saabsan. [Tusaale ahaan, saaxiibkaa oo aad filim la daawanaysid, horena aad u ogayd in uu gaajoonayo, marka uu filimku dhammaado waxa aad ogtahay ama filaysaa in uu cunto raadsan doono]. Waxa hubaal ah in garaadka macmalka ahi isaga oo raacaya algaroosimka uu filasho samayn karo iyo waxa uu ku jawaabi karo, innaga waxa innagu adag sidii aynnu macmalkaas ula dhaqmi lahayn, sidii in ay yihiin noolayaal dhab ah oo leh aaminaado iyo doonis. Tignikaal ahaan waxa la bixinayaa dedaallo badan oo lagu kala garan karo garaadka macmalka ah iyo aadamaha, se waxa kale oo loo baahanyahay in la helo xeerar xadaynaya arrimahan. 

Maqaalkan waxaa laga soo turjumay madasha Big Think.