Skip to main content

Saturday 6 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Danbiyo Dagaal

15 November, 2025
Image
Danbiyo Dagaal
Share
Danbiyo Dagaal: Qabqablayaasha, siyaasiyiinta, dawladaha shisheeye, gargaarka iyo Doorka ay ku leeyihiin fashilka Dawladnimada Soomaaliya, waa buug ay sannadkii 2014 ay soo saartay Wariye Rasna Warah oo u dhalatay Kiiniya. Baadhisteedan waxa ay si qoto dheer ugu lafa guraysaa sida ay dhinacyadaas kala duwan ay uga qayb qaateen welina qayb uga yihiin fashilka dawladnimada Soomaaliya.
Hordhac

Buugga danbiyo dagaal “War Crimes” wuxuu ka mid yahay qoraallada ugu foolaadsan ee laga qoray arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sababaha keenay in laysla qaato oo lagu sifeeyo dawladnimadda Soomaaliya in ay tahay “dawladd fashilantay”. Rasna Warah, oo ah wariye iyo cilma baadhe reer Kiiniya ah, buuggan waxa ay u qortay si mug balaadhan oo ay ku dheehan tahay farshaxan weriyenimo iyo cilmi baadhis wada socda ah. Buugga ayaa bilow illaa dhamaad tebinaya sheekooyin iyo tusaaleyaal tira beela oo ka warramaya sababaha ay u hana qaadi la`dahay dawladdnimada Soomaaliya.

Buuggan waxa ay si turxaan bixina u dul istaagaysaa doorka ay qab-qablayaasha, siyaasiyiinta, hoggaamiye kooxeedyadda, deeq bixiyayaasha, dawladdaha shisheeye iyo kuwa deriska ahba, ay qayb uga yihiin bur-burka Soomaaliya iyo inay ahaato dawlad fashilantay.

Rasna, waxa ay buugga ku tilmaamaysaa in dhibaatooyinka Soomaaliya aysan ahayn kuwo ka dhashay dagaallo qabiil oo kaliya, balse ay yihiin natiijo ka dhalatay is-bahaysi balaadhan oo danaysi, khiyaano iyo xatooyo caalami ah. Waxay ku doodeysaa in dagaal kasta, abaar kasta iyo mashruuc gargaar oo kasta uu leeyahay cid si toos ah uga faa’iidaysata, taas oo horseedaysa in Soomaaliya aanay weligeed ka bixin xaalad dawlad la’aan iyo kala dambeyn la’aana. Walow uu buuggu aad u koobanyahay oo lagu sheegi karo buug yare, haddana waxa jira qaybo muhiima oo buuggu xambaarsanyahay sidaas awgeed inta dambe ee qoraalkan waxa ay ku soo qaadanaynaa qaybahaas ee iyo sida ay uga faalato qoraagu.

  1. Musuq-maasuqa Dawladda iyo Baahsanaantiisa

Mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee buuggu dul istaagayo waxa ka mid ah musuq-maasuqa baahsan ee dawladda iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ku kacaan. Qaybtan oo ah cutubyada u soo horreeya qoraagu waxa ay kaga warrantay in nidaamka dawladnimada Soomaaliya uu noqday mid ka dheer hufnaanta iyo isla xisaabtanka sidaas awgeedna uu yahay nidaam uu daashaday musuq xadhkaha goostay.

Waxa ay ka warramaysaa sida shaqooyinka iyo nidaamka geedi socodka waddanku uu u noqday mid u adeega dano shakhsiya, isla markana qofkastaa uu ku danaysto oo ku amar-kutaagleeyo booska ama xilka uu markaa hayo isagoo uga faa`iidaysanaya xatooyadda hantida dawladda iyo mashaariicda duniddu ugu deeqdo dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Soomaaliya.

Waxay hogga tusaalaynaysaa sida musuqu uu noqday wax iska caadiya. Waxa ay si faah faahsan uga warbixinaysaa in madaxda sare ee dawladdu qayb ka yihiin xatooyooyinka iyo. Waxa ay sidoo kale soo qaadnaysaa sida looga beensheego dakhliyada soogala xarumaha dawladda ee ay ugu horreeyan dekadda iyo garoonka diyaaradaha iyadoo lagu lunsado lacag aad u baddan. Qoraaga oo arintaa ka faalloonaysa waxa ay xutstay in sannadkii 2009-kii dakhliga rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya ahaa $24 milyan, hase yeeshee bangiga dhexe lagu shubay oo keliya $6 milyan. Sannadkii xigay ee 2010-kii, dakhliga guud wuxuu kordhay illaa $30 milyan, balse lacagtii la dhigay Bangigu waxa ay ahayd $12 milyan oo keliya.

Waxa kale oo ay tibaaxaysaa in cid kasta oo isku dayda in ay arrimaha musuqa wax ka qabato oo ka hadasho la takooro, xilka uu hayana laga qaado, waxay tusaale u soo qaadanaysa Cabdirisaaq Fartaag oo ahaa khabiir maaliyadeed kana mid ahaa dadka doonayay in Soomaaliya loo sameeyo nidaam hufan oo maaliyadeed. Fartaag ayaa xilkii looga qaaday kadib markii uu madaxda sare ee dalka lawadaagay xogo tilmaamaya baahsanaanta musuqmaasuqa. Qoraaga oo aad uga yaabtay gundheeraanta musuqa iyo boobka hantida ayaa tiri: “Soomaaliya waxaa ka jira nidaam musuqmaasuq ah oo ay adagtahay in la kala garto cidda dambiile ah iyo cidda gargaareha ah.”

  1. Abaar ku naaxayaal

Qaybtan oo ah qaybta labaad ee buugga, qoraagu waxa ay ku tabinaysaa sida abaaraha iyo macluusha Soomaaliya ay u noqdeen ganacsi iyo il dhaqaale oo ay xantoobaystaan tuugo xidhan shaad dawladeed, hay’ado sita magac samafal iyo dawladdo u soo xayd xaydtay tuugaysi.

Soomaaliya waxa ay safka hore kaga jirtaa waddamada markasta ay kasoo yeedho qaylo dhaan aad u daran oo ku saabsan abaar dhacday, colaado soo noq-noqday, barakac, darxumo caafimaad iyo aqoon darro ka dhalatay dugsi iyo waxbarasho la`aan.

Dunida oo ka jawaabaysa baahiyaa joogtada ah ee Soomaliya xilli walba laga soo sheego ayaa dadkeedu soo uruuriyaan malaayiin iyo balaayin lacaga oo isugu jirta taakulo iyo samata bixin, waxaase ayaandarro ah in lacagahaasi ay ku danbeeyaan gacmo aan ahayn kuwii loo waday. Musuqan iyo xatooyadanna waxa gaysta madax dawladeed, ha’yado gar gaar iyo manaxayaal gaajaysan.

Rasna oo ka sii faaloonaysa qodobkan waxa ay tilaamaysaa in gargaarkii loogu talagalay dadka tabaalaysani isu dhalan rogay “ganacsi”. Waxa ay carrabaabaysaa, si loo qariyo gargaarka iyo dhaqaalaha la lunsaday iyo meelaha ay lacagtu ku baxday in la sameeyo warbixinno been oo marar badan lagu sheego in gar gaar la gaadhsiiyo degaamada ay al-Shabaab ka taliso taas oo ah raadgadasho.

  1. Is-qabsiga Siyaasiyiinta Soomaaliya

Is-qabsiga Siyaasiyiinta Soomaaliya waxa ay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan ee buuggu si ballaadhan isu dul taagayo dultaagayo. Kolkan qoraagu buuggu waxay si xeeladyasan u dhaleecaynaysaa siyaasiyiinta Soomaalida, iyadoo ku tilmaamaysa kuwo dan shakhsi ah uun ka shaqeeya. Waxay tiri, “Marka koox siyaasiyiin ah ay is-haysaan, waxaa khasaaraya shacabka; marka ay heshiiyaanna, waxay u heshiinayaan sidii ay u qaybsan lahaayeen hantida qaranka.”

Buugga oo si gun balaadhan loogu darsay arrimaha dawladdnimada Soomaaliya waxa uu muujinayaa sida xukuumad kasta oo la doortaa ay u noqoto mid daciif ah, maaddaama hoggaamiyeyaasheedu ay ku mashquulaan dagaal siyaasadeed iyo musuq halkii ay diiradda saari lahaayeen nabadda iyo dib-u-dhiska. Laga soo bilabo Shrikii Carta, TFG, iyo dawladiii madxweyne Sheekh Shariif gadhwadeenka ka ahaa Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaaladdaas. Is-qabqabsiga iyo ficiltanka siyaasiyiinta Soomaaliya waxa uu albaabadda u furay faragelinta shisheeye iyo burburka ha’yadaha dawladda. Waxaa kale oo uu keenay in shacabku ka daalaan, una arkaan dawladnimadaba mid aan waxtar lahayn.

Qoraaga oo muujisay niyadsami la`aanta arrimaha is-haysiga madaxda Soomaaliya ayaa tilmaamtay in aysan tisqaadi karin, islamarkaan aysan Soomaaliya ka dhalan Karin dawladd toolmooni, illaa ay heeshiiyaan madaxda iyo hawlwdeenadda dawlada ee iswada ee isku wada marani.

  1. Faragelinta Dawladaha Shisheeye

Qoraagu waxay si qoto dheer u falanqaysay sida dawladaha shisheeye ay ula tacaaleen Soomaaliya — qaarna ay si toos ah u farageliyeen, qaarna ay u adeegsadeen siyaasad danahooda lagu ilaashanayo. Tusaale ahaan, buuggu wuxuu iftiiminayaa doorka Maraykanka iyo Itoobiya ee dagaalkii 2006-kii, markaas oo la doonayay in la burburiyo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, taasoo keentay in kooxaha hubeysan ee cusub (al-Shabaab) ay abuurmaan

Rasna, waxay sheegtay in dalalka reer galbeed iyo kuwa deriska ah qaarkood ay u arkaan Soomaaliya meel ay danahooda ku difaacaan, balse aysan waligood rabin inay arkaan dawlad Soomaaliyeed oo xoog leh oo madax-bannaan. Faragelintan joogtada ahi waxay sii dhaawacdaa isku-kalsoonaanta bulshada iyo awoodda dawladnimo ee gudaha.

  1. Dawladdaha Deriska

Cutubkan qoraagu, waxa ay kaga warramaysaa sida dalalka deriska la ah Soomaaliya gaar ahaan Kiiniya, Itoobiya, iyo Jabuuti, ay uga faa’iidaysteen dawlad la’aanta Soomaaliya.

Waxa ay ku doodaysaa in xaaladda Soomaaliya ay noqotay “fursad istaraatiiji ah” oo dalalkaasi ay u adeegsadaan saddex siyaabood:

  1. Amni ahaan, si ay u helaan cudud sharci ah oo ay ku joogaan gudaha Soomaaliya (sida AMISOM).

  2. Dhaqaale ahaan, si ay uga faa`iidaystaan lacagaha deeqaha ah ee dalalkooda la soo dhex mariyo ama in la musuqo oo dabadeed dalalkooda lagu maalgashado

  3. Siyaasad ahaan, si ay u yeeshaan saameyn joogto ah oo ku saabsan cidda Soomaaliya madax ka noqonaysa.

Rasna waxay tilmaamaysaa in dhiigbaxa ka socda Soomaaliya uu yahay fursad ay ku bullaalaan dawladdaha deriska la ah, kuwaas oo ka hela sandareero lacageed, farogelin iyo tagrifal awoodeed. Qaybo badan oo buugga ka mid ah waxa ay aad ugu tiiqtiiqsanaysaa sida Kiiniya uga macaashto lacagaha Soomaaliya loogu deeqo iyadoo tilmaamaysa in ganacsiga Kiiniya iyo lacagta taalla ay ka mid tahay hanti badan oo la dhacay lana musuqay dabadeed halkaas lagu maalgashaday. Waxay sidoo kale soo qaadanaysaa Saamaynta ay Itoobiya iyo Kiiniya ku lee yihiin Soomaaliya iyo in ay si gun dheer ula shaqeeyaan maamul goboleedyada Soomaaliya qaybtoodna ayba iyagu yagleeleen.

Gunaanad

Buugga danbiyo -Dagaal “War Crimes”, wuxuu soo bandhigayaa sawir dhab ah oo murugo leh oo ka tarjumaya sababaha keenay in Soomaaliya noqoto dal ku jira xaalad fashil dawladeed oo aan lahayn dhammaad. Inkasta oo dhiganuhu si weyn diiradda u saarayo arrimaha siyaasadda, musuqmaasuqa, iyo faragelinta shisheeye, haddana Rasna ma dhaafin dhinacyada kale ee bulshada, gaar ahaan is-haysiga diimeed iyo fikirka kala duwan ee culimada Soomaaliyeed.

Waxay buuggeeda ku xustay sida khilaafaadka u dhexeeya culimada suufiyada iyo salafiyadda ay uga mid noqdeen dhibaatooyinka bulshada dhaawacay. Labadan kooxood, oo asal ahaan ku kala aragti duwan fahamka iyo dhaqangelinta diinta Islaamka, ayaa marar badan isku khilaafay arrimo ku saabsan cidda ay tahay in ay hoggaamiso bulshada, dhaqanka Islaamka sida dabaqayo, iyo doorka ay culimadu ku leeyihiin siyaasadda. Khilaafkan diimeed ayaa mararka qaar loo adeegsaday dano siyaasadeed, iyadoo siyaasiyiinta qaarkood ay dhinac la safteen si ay u kasbadaan taageero diimeed ama bulshada qayb ka mid ah.

Sidoo kale, waxay iftiimisay hardanka u dhexeeya kooxaha Ictisaam iyo Islaax, kuwaas oo labaduba iskutiraya in ay u taagan yihiin horumarinta bulshada Soomaaliyeed, balse ku kala aragti duwan sida loo wajahayo arrimaha siyaasadda, bulshada, iyo xiriirka caalamiga ah. Waxa kale oo ay tilmaamaysaa in labadda dhinac ay kala taageeraan dalal carbeed oo ku bixiya lacago aad u tirobadan.

Ugu dambayn, buugga oo ah dhigane mudan in qofkasta oo daneeya arrimaha Soomaaliya iyo waxa laga qoraa akhriyo, ayaa isugu soo biyo shubmaya in fashilka dawladnimada Soomaaliya aanu ahayn kaliya natiijada dagaal sokeeye ama faragelin shisheeye, balse uu yahay isku dhaf danaha siyaasadeed, diimeed, iyo dhaqaale ee ay wataan kooxo iskuduuban oo mid kastaa wato dan iyo xeelad u goonniya kuwaas oo kala jooga gudaha iyo dibeddaba Soomaaliya.