Tuesday 9 December 2025
Madaxweynaha Yugaandha Yower Musifiini 10-kii Noofiimber isaga oo ku sugan magaalada Mbale lana hadlaya idaacad maxalli ah, kolkaasna olole ugu jira dib u doorashadiisa, waxa uu sheegay in mustaqbalka ay dagaallo dhici karaan kuwaas oo xiriir toos ah la leh badweynta Hindiya iyo in ay Yugaandha bad hesho. Musifiini waxa uu carrabka ku adkeeyey in gaadhista baddu ay muhiim u tahay istaraatiijiyada difaaca iyo horumarkeeda dhaqaale ee Yugaandha.Waxa uu weeraray oo u hanjabay waddamada la jaarka ah ee badda leh. Waxa uu dadka reer Yugaandha wayddiiyey sababta arrintaas bad la'aantu u midayn wayday? Warraysigiisa waxa uu si gaar ah ugu soo qaatay Kiiniya oo uu tilmaamay in ay wadahadallo aan dhammaad lahayni u socdaan.
Hadalkan ka soo yeedhay madexwaynaha Yugaandha waxa uu dood ka dhex dhaliyey warbaahinta dalka Kiiniya oo goodigaas ku tilmaamtay wax la yaab leh, maaddaama labada dal tan iyo qarnigii tagay dhowr mar soo dhex galeen isfahan la'aan la xidhiidha xaga badda. Sannadkii 1970-kii Kiiniya ayaa adeegsiga baddeeda ka joojisay Yugaandha oo uu markaas madexwayne ka ahaa Idi Amin ka dib muran labada dal soo kala dhexgalay. Markii uu awoodda yimi madexwayne Musifiini qudheeda mar baa jirtay xannibaad ku soo rogtay Kiiniya, sidaas awgeed hadalka ka soo yeedhay hoggaanka Yugaandha waxa uu kiciyey biyo fadhiyey, waxaanu dhaliyey wayddiimo iyo doodo badan.
Marka Bariga Afrika la joogo, Walaaca bad la'aantu kuma koobna oo kaliya Yugaandha waxa la mid ah Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan ee go’doon kaga jira badda. Tan iyo markii ay Eretariya kala go’eenna hoggaamiyeyaasheedu waxa ay ku taamayeen sidii ay u heli lahaayeen marin badeed oo ay kaga kaftoomaan qarashka badan iyo go’doonka badeed ee ay ku suganyihiin. Waxa se cusubi waa in Raysal wasaaraha Itoobiya ee hadda Abiy Axmed aanu la gabban damaca Itoobiya ee bad gaadhista, waxaanu si furan marar badan u sheegay in ay Itoobiya jid walba u marayso badda xaajadinana tahay mid Istaraatiijiya oo mustaqbaleed. Doodda hore ee Aby Axmed iyo hadalkan dambe ee Madaxweynaha Yugaandha dhab ahaan waxa ay sii murginayaan xiisadaha iyo khilaafyada ka dhex oogan Waddamada Geeska iyo Beriga Afrika.
Kowdii bishii koowaad sannadkii 2024, raa'usal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madexwaynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi ayaa kala saxiixday is-afgarad kaas oo dhigayey in ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, halka Somaliland taas ku siinayso sal dhig iyo marin badeed oo ay Itoobiya u adeegsato daneeda dhaqaale ee wax dhoofinta iyo soo dajinta labadaba. Heshiiskaasi walow uu ahaa mid xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika samada ku shareeray haddana ma uu dhaqangelin waxaana si weyn uga dagaallantay Soomaaliya oo waxa ay fiintu dhex miratay Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo isagu horumuud u ahaa is afgaradkanna warraysi uu siiyey Wargayska Somaliland Chronicle sababta uu u dhaqan geli waayey is afgaradku waxa uu ku macneeyey culays siyaasadeed oo Itoobiya kaga yimid gobolka iyo caalamka labadaba.
Fashilkan ka dib Abiy Axmed damaciisa la xidhiidha marinka badda waxa u weeciyey Eretariya. Inta aannu xariga ka jarin biyo xidheenka dhowaan la dhammaystiray ee webiga Niilka, raa'usal wasaare Abiy waxa uu waraysi ku sheegay in la saxay khalad ay Itoobiya gashay oo la xidhiidha biyaha webiga Niilka, haddana la sixi doono khalad kale oo ay Itoobiya hore u gashay oo isna la xidhiidha badda, tan oo loo fahmi karo dekadda Casab oo ay Itoobiya ku tiirsanayd ka hor intii ayna Erateriya goonni noqonin se markii dambe ka mid noqotay dhulkii ay la go’day Eretariya.
Hoggaanka ciidamada Itoobiya ugu sarreeya iyo xukuumadda Abiy Axmedna waxa ay ku doodeen in xukuumaddii dekadda Casab bixisay sagaashamaadkii ay ku meelgaar ahayd (Transitional government) sharcina u haysan in ay bixiso sidaas awgeed bixinteedu ay sharci darro noqonayso. Sidaas awgeed, damaca badda ee Itoobiya hadda waxa uu ku jihaysanyahay Dekadda Casab, waana waxyaabaha sii murginaya xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eretariya, waxaanay labada dal qarka u saaranyihiin in uu dhex maro dagaal toos ah.
Inkasta oo ay dhab tahay in Yugaandha iyo Itoobiya labaduba ay badda go’oon kaga jiraan, ilsa markaas na ay baahi u qabaan marin badeed oo ay si xor ah ugu kobciyaan danahooda dhaqaale haddana waxaa jira dayac iyo fashil la xidhiidha siyaasadda gudaha oo ay labadan Hoggaamiye (Aby Axmed iyo Yuweri Musifiini) doonayaan in ay ku daboolaan, bulshadoodana ka jeediyaan, una leexiyaan dareenkooda dibedda. Tusaale ahaan Yugaandha oo bisha koowaad doorashadeedu ku beegan tahay xisbiga NRM iyo Musifiini oo xilka joogay muddo ku dhow afartan sanno ma jirto wax badan oo ay dalka ka qabteen, maaddaama ay ogyihiin in dadku, si gaar ah dhallinyaradu aanay dhagaysanayn baaqooda doorashada, waxa ay qaateen istaraatiijiyad ah in dadka lagu jeediyo arrin ka baxsan Yugaandha.
Yugaandha, Kabaayaasha dhaqaale ee dalku dib u dhac weyn baa ku jira, saboolnimadu na waa mid xadhkaha goosatay, musuqmaasuq iyo dowlad xumo baahsan baa jirta. Sida oo kale dhallinyaradu sida uu qirtay Yoweri Musefeeni dowladdiisa iyo dalkaba quus bay ka joogaan. Waana banbo muddaysan oo kol uun qarxaysa.
Dhanka kale Abiy Axmed xukumaddiisa oo isku diyaarinaysa doorasho sannadka 2026-ka, waxa ay hadda waajahaysaa culayso badan oo dalka gudihiisa ah iyo hubaanti la'aan. Gobolka Tigrey waxaa ka soo cusboonaatay colaad hor leh, Faano iyo gobolka Amxaarigu waxaa ka socda colaado, gobolka Oromaduna maaha mid xasiloon. Sida Yugaandha, Itoobiya waxaa ka jira maamul xumo, musuqmaasuq, shaqo la'aan iyo dhibaatooyin kale.
Xummadaas dorooshada marka laga yimaaddo gobolka waxa uu qarka u saaran yahay kacdoonno ay hormuud u yihiin jiilka (Generation) Z. Dhaqdhaaqyadan oo ka bilaabmay dalka Kiiniya, waxa ay mar kale ka qarxeen dalka Tansaaniya, halkaas oo Samia Suluhu doorashadii dalkaas si foolxun u maamushay, iskuna cimaamadday. Sida laga dareemayo baraha bulshada, waxaa jira dareen guud iyo isku xirnaan ka dhaxeeya dhallinyarada Tanzania, Kenya iyo Yugaandha, kuwaas oo riixaya isbeddelo iyo kacdoono.Tusaale ahaan dowladda Yugaandha sida uu qirtay madaxwayne Musifiini waxaa soddon iyo sagaal cisho xabsi kartantiil ah (Incommunicado) lagu hayey labo dhallinyaro ah oo reer Kiiniya, kuwaas oo lagu kala magacaabo Bob Njagi iyo Nicholas oo la shaqaynaayey hoggoomiyaha mucaaradka Yugaandha Bobi Wine. Yoweri Musifiini waxa uu ku eedeeyey labadaas nin in ay ahaayeen labo khabiir oo yaqaan sida la kiciyo mudaharaaddada
Labadan dhallinyaro iyaga ku sugan dalkooda dalkooda Kiiniya warraysi ay bixiyeen kadib markii ay xorriyoodii heleen waxa ay sheegeen in aanay dib u fariisanayn oo daawanayn waxa ka dhacaya Tansaaniya iyo Yugaandha. Waxa ayna ku baaqeen in ay mudahaaradka isbeddel doonka ah wadayaan ilaa ay ka xaqiijiyaan isbeddel dhab ah.
Gobolka Bariga Afrika dalalka dhacaa waxa ay noqdeen kuwo dagaallo ka socdaan iyo kuwo qarka u saaran colaado. Quusta ay joogaan jiilka Z, dowlad xumida, shaqo la'aanta, musuqmaasuqa, abaaraha iyo rejo xumada jirta, su'aasha mustaqbalka ina sugaysaa waxa weeye: Ma dagaallo dowladdaha dhexmara oo lagu qariyo burburka gudaha ah baa dhici doono mise kacdoonnno ay hormuud u yihiin jiilka Z ayaa galaafan doona dowladdo badan?