Skip to main content

Friday 13 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Dal ku Galka iyo Khariidadda Cusub ee Dunida

3 May, 2025
Image
passport
Share

Waxa soo dhawaaday xilligii safarka, madaarka Baariis ee Charles de Gaulle-na waxa laba saf oo siman taagan dad sugaya xafiiska shaambadaynta baasaaboorrada. Waa laba saf oo dadka taagani galayaan hal safar oo hal meel tagaya; hal meel bay u wada socdaan oo ah caasimadda Aljeeriya. Farqi weyn baa u dhexeeya labada saf, oo midkood baa midka kale aad uga dheer. Judhaba waxa aad is wayddiinaysaa sababta qof ku khasbi karta in uu doorto safka dheer. Waxyar kaddib mid ka mid ah socotada safarkan galaya ayaa ogaanaya in uu taaganyahay saf khaldan, walow hal safar uun yahay. Qofkaasi waxa uu arkayaa in dadka ku jira safka gaabani ay sitaan baasaaboorka midabka baytaraafiga ah leh, ee lagu magacaabo ‘baasaaboorka cas’. Waxa intaas dheer in shaashad yar oo xagga hore ku taallaa sheegayso in safkan gaabani u gaar yahay dadka sita baasaaboorrada Yurub, ogaysiiskan ayaana qofka ku filan in uu ku khasbanaado in uu safka dheer iska calafsado. 

Dadka badh baa is wayddiinaya sababmaa loo kala saarayaa dadka sita baasaaboorka Yurub iyo kuwa sita ka Al-jeeriya? Kol haddiiba meel loo wada socdo. Qofku jawaabtan waxa uu helayaa marka uu gaadho qalabka baadhitaanka. Dadka sita baasaaboorka Aljeeriya waxa la marinayaa baadhitaan adag, halka kuwa sita baasaaboorka Yurubiyaanka ahi si sharfan waddada u qulqulayaan. Qofka ka Aljeeriya sita waxa laga rabaa in uu shandaddiisa furo, koodhka siibo, kabahana bixiyo oo uu qalabka baadhitaanka dhexmaro. Qofka waxa lagu khasbayaa in uu alaabtiisa dhexmariyo qalabkaas baadhitaanka, isaga oo kabo la’na barbar socdo, oo uu laftiisu qalab baadhitaan oo kale dhexmaro. Waa xaalad isku qasnaan ah, oo aad maqlaysid jabaqda alaab la bixinayo, shandado la tuurayo iyo dad baadhitaanka ka dhammaaday oo suumanka iyo kabaha dib u xidhanaya. Waxyaabahani waxa ay dhacayeen xilligii madaxweynaha Faransiiska Francois Holland, oo xidhiidhka Aljeeriya iyo Faransiisku wanaagsanaa, fiisaha bixintiisuna sidii hore dhaamay. Xilligaas masuuliyiintu kamay shaqayn in ay hawlaha fududeeyaan, Wasiirkii Isgaadhsiinta Aljeeriya, Xamiid Qariin, ayaana baadhitaan sidan ah maray, xitaa isaga oo haystay baasaaboorka diblumaasiga. Dhacdadani waxa ay dhalisay faallo iyo maad, dad badanina waxa ay dhaliileen sida masuuliyiintu arrinkan uga aamusanyihiin. 

Buuggiisa “Xeeladaha Safarka”, qoraagii reer Ingiriis ee Alain de Botton, waxa uu ina siinayaa talooyin wanaagsan oo ku saabsan sida aynnu ugu raaxaysan karno socdaalka. Waxa uu ku taliyey in aanad jidh ahaan uun aanad safrin ee aad ruux ahaanna safartid, waxa kale oo uu ku taliyey in aan safarka ka hor lasii samayn filashooyin, sababtoo ah badanka waaqicu waa uu ka duwanyahay filashada, waana waxa qofka hanjab ku keena. Haddaba, dad badan oo socoto ah ayaa hanjab haleelaa, kaddib marka ay ogaadaan in aan baasaabboorku ahayn keliya dhukumanti lagu socdaalo, se uu yahay dhukumanti kuu soo jiidi kara tuhun, oo qofka sita laga dido, loona gacan geliyo ciidamada socdaalka. Haddaba, baasaaboorku ma waxa uu noqday hab dadka lagu kala sooco iyo jidka takoorka?

Marka hore aynnu ogaanno in hubinta iyo xakamaynta dal ku galka xoogaystay intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Dunida, waxaana sabab u ahaa laba wax: marka koowaad waxa la diiddanaa basaasidda iyo khataraha amni ee dadka kale, marka labaadna waxa laga hortagayey in dadka xirfadda leh iyo kuwa leh khibradda sare socdaalaan, waxaana lagu jiray xilli lagu tartamayey hubka, ciidamaynta iyo u kala baratanka dhulboobka. 

Waxa la odhan karaa baasaaboorku muu ahayn dhukumanti keliya fududeeya isu socodka, oo ilaaliya muwaaddiniinta dalalka tagaya, se waxa uu ahaa hab kelitalisnimo oo lagu xakameeyo xorriyadda dadka, lagu diido in ay meelo kale u baxaan, loona samaysto jiquraafi cayiman oo lagu dhex ilaaliyo riyooyinka dadka, iyada oo lagu cudurdaaranayo in xuduudda la sugayo oo la ilaalinayo madaxbannaanida dhuleed ee dalka. 

Sooyaalka Dal ku galka

Tixraacyo badani waxa ay isku raacsanyihiin in baasaaboorku ka bilaabmay Yurub Qarniyadii Dhexe (laga soo bilaabo qarnigii 5aad ilaa kii 15aad). Waxa soo saari jiray maamullada maxalliga ah, waxaana ku taxnaa magacyada magaalooyinka iyo dalalka uu qofka sitaa geli karo. Dalkugalku ma khusayn dekedaha, sababtoo ah waxa loo arkayey goobo ganacsi oo xor ah. Dhukumantigaas dalkugalka ah waxa lagu qori jiray tilmaamaha jidheed ee qofka sita, waxii qarnigii labaatanaad ka dambeeyeyna waxa lagu beddelay sawirka qofka oo lagu dhejiyo. Tilmaamahaasi waa waxii ka cadhaysiiyey dadka reer Ingiriis, oo ka gadooday, una arkay in baasaaboorku fadeexad yahay, oo uu qorayo tilmaamo shakhsi ah oo laga yaabo in uu qofku qarsado, sida in qofka la tilmaamo sida bidaar, tuur ama midab. 

Markii ay bateen safarrada tareennadu, gaadiidkuna kordhay, oo ay socoto badani galeen Yurub, Faransiisku waxa uu joojiyey in ay fiisayaal bixiso sannadkii 1881, waxaana ku dayday dalal kale oo Yurub ah, arrinkanina waxa uu socday ilaa Dagaalkii Labaad, ilaa ugu dambayn lasoo celiyey. 

Tixraacyada taariikheed qaarkood waxa ay dalkugalkii/Baasaaboorkii ugu horreeyey ku sheegaan in la sameeyey qarnigii shanaad ee Miilaadiga ka hor, markaas oo mid ka mid ah boqorradii Faaris uu la taliyahiisii u oggolaaday in uu dalka ka bixi karo, una qoray warqad codsanaysa in si wanaagsan loola dhaqmo oo arrimihiisa loo fudaydiyo. Se, sidan aynnu hadda ku naqaan dalkugalka, noocii u horreeyey dunida waxa soo saaray boqorkii Ingiriiska ee Hinarigii Shanaad, oo sannadkii 1414 soo saaray dhukumanti lagu safro. 

Haddaba, baasaaboorku waa dhukumanti rasmi ah oo dalalku usoo saaraan muwaaddiniintooda. Waa dhukumanti qofka sita qeexaya, xogtiisa xambaarsan, oo sugaya dhalashadiisa. Waa dhukumanti u ilaalinaya xaqa uu u leeyahay in uu socdaalo, oo meesha uu doonayo maro, laguna aqoonsado, waana dhukumanti asal ahaan ku kooban sugidda aqoonsiga qofka iyo xaqa uu u leeyahay socdaalka, se haddana waxa jira waxyaalo kale oo ku gadaaman dhukumantigan. 

Agab xakamayn iyo cabudhineed

Dalkugalku waxa uu waddamo badan u yahay halbeegga horumarka iyo badhaadhaha, dalal kale na waa u astaanta saboolnimada iyo dib u dhaca. Awoodda dalalka waxa lagu qiyaasaa tirada dalalka muwaaddiniintiisu geli karaan, oo dalalka qaar baa waddamo kooban fiiso la’aan geli kara, halka dalal kale tiro badan oo dalal ah muwaaddiniintiisu booqan karaan fiiso la’aan. Baasaaboorka waxa kale oo loo adeegsadaa agab wax lagu cabudhiyo, laguna xakameeyo, oo maamullada dalalka qaar baa mucaaridkooda u diida dalkugalka, kana hor istaaga in ay dalka ka baxaan. Marar kalena waxa ay diidaan in muwaaddiiniin dalka ka baxsani soo galaan, iyada oo loo cusboonaysiinayn baasaaboorka, dalkana uu sidaas muwaaddinka dibadwareeg uga ahaado. 

Haddiiba fiiso la’aantu tilmaanto deggenaansho siyaasadeed, adkaynta helitaankeeduna waxa uu tilmaan u yahay deggenaansho la’aan. Waxa kale oo fiisaha la isku diidaa calaamad u noqdaa khilaaf weyn ee dalalkaas dhexyaalla, oo muwaaddiniinta labadaas dal ee xurguftu dhextaallo ku adkeeya isu socodka. Marka arrinku sidan yahay, qofku waxa uu yaqiinsanayaa in dalkugalku sawiro khariidad cusub oo aan ahayn ta buugaagta ku taalla. Marka qofku la kulmo fiiso loo diido ama lagu adkeeyo, waxa uu xaqiiqsanayaa in dunidu ka yartahay sida uu u malaynayo, oo uu ku dhexjiro xabsi yar oo ku dhexyaalla duni ballaadhan. 

Baasaaboorrada waxa laga sameeyaa sheekooyin iyo maad, waana sheekooyin ka tarjuma waaqaca dhabta ah ee jira. Kaftanka baraha bulshada la isla dhexmaro waxa ka mid ah in baasaaboorka Maraykanka ay ku qorantahay “Waxa aad u ilaashantahay Maraykanka meel kasta oo aad joogtid”, ka Kanadana uu ku dhiganyahay hadalka ah: “Markab dagaal baan u dhaqaajin karnaa ilaalinta qofka sita baasaaboorkan”, ka Faransiiskana ay ku taallo weedha ah: “Si fiican u eega, waa muwaaddin Faransiis ah”, ka Ingiriiskana lagu qoray: “Boqortooyadu waxa ay u dagaallami kartaa qofka sita baasaaboorka ilaa askariga u dambeeyaa ka dhimanayo”. 

Runtii hadalladani kuma qorna baasaaboorradan, waana maad la faafiyey, se waa wax ka tarjumaya awoodda dhukumantiyadan socdaal. Kuwan beddelkooda, dhammaan hadallada ku qoran baasaaboorradu waa kuwo ku baaqa in qofka sita loo fudaydiyo socdaalkiisa. Ka Maraykanka waxa ku qoran: “Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay rejaynaysaa in muwaaddinkan Maraykan loo oggolaado in uu safro isaga oo aan habsaamin, lana carqaladayn, oo kaalmada sharciga ah la siiyo”. Waxa kale oo baasaabboorada lagu qoraa ama lagu sawiraa hadallo iyo sawirro dalalka leh ka tarjumaya, sida ka Maraykanka oo 13 odhaahood oo madaxdii soo martay ah lagu qoro. 

 

Qormadan waxa laga soo turjumay Madasha Magazine.